
Xisbiga KULMIYE ayaa 2003 lagaga guulaystay 80 cod oo kali ah, waxay aqbaleen in faro-cidood lagaga badiyay, waxay isku diyaariyeen kulan danbe, waxaanay qorshaysteen gacan ku haynta taageerayaashooda iyo taageerayaal kale oo ay kasbadaan, si ay 80 cod iskaga soo gudaan, dheeraad guul ahna u helaan, Doorashooyin may xanibin, taagerayashoodi xayndaabka kama saarin, qaranka iyo xukuumada may kala garan waayin, maalmaha qaranka ma diidine, waxay gufeeyeen dhaliilahoodii, dhaliilihi dhigoodana waa ka faa’iidaysten, Kulankii danbe oo ay u heelanayeen waxay ku guulaysteen 88,025 cod oo ay xisbigii xukuumada ee UDUB ay afka ciida u dareen.
Xisbiga WADANI Kulankii koowaad waxaa faraqa loo galiyay 79, 817 cod, shaqada u taal way ka baladhaan tahay midii u taalay KULMIYE 2003-2010, Hadba si kulanka danbe guul u gaadhaan miyay awoodaan 226,092 taageere oo doorashadii dhawayd u codeeyay inay gacan adag ku hayaan ? 79,817 taageere oo kale siday reer Somaliland uga kasban lahaayeen hilinkeedii ma hayaan? dheeraad kalena ma raadsan karaan si ay libta iyo gacan sarayntu u raacdo doorashada danbe?
WADANI inay taageerayaal cusub kasbadan iska daaye, habadhqankooda guracan dartii in ka mid ah taageerayashoodii meelo hoose ayay hiigsanayaan, WADANI Guul iyo taageero ku kasban maayo qaranka oo ay hiifaan, taageerayashooda oo ay calan kale ku dirqiyaan, guul daradooda oo ay komishanka u nisbeeyaan, Jabhadayn ay u dhololaan, garoonkii lagaga badiyay oo ay dhex hawaaraan, doorashooyin danbe oo ay hor istaagaan, shaqada u taal ee ay guul ku gaadhayaan waa inay taagerayashoodi hore xajistaan, qaranimda oo ay dhawraan, galdaloolooyinkii hore oo ay gufeeyaan, guuldaradii oo cashar u noqotaa, dhaliilaha dhigooda oo ay ka faaiidaystaan si ay 79,817 iyo dheeraad taageere usoo dabtaan ilayn taageerayaal cusub cirka uga soo daadan maayaane, Intase sida la arkayo u dhaqmayaan guuli waa wali, hoos u dhac mooyee!
Fu'aad Abdillahi
Hargeisa, Somalialnd
bb
ReplyDelete