Maanso: Gobannimo maxay tahay?
Waxan jeclaystay in aan idinla wadaago maansadan kooban, Akhris wacan. Ali Adam Awale
Waa geeddi noloshuye
Saw galab an dheerayn
Galbeedkaa hargeysiyo
Intaan gaadhey sheedaha
Gagac haadis maar arag
Gelaw baa hadloo yidhi
Guullaa ku keenoo
Gashay seerahaygee
Ciil igu gadhoodhiyo
Waxan soo gudbinayaa
Nabarro igu gaaxdee
Gobo''dooda tuducyadan
Gaadhsii dadkaagii
Waa guud mar xaajoo
Araar kuuma gelayee
Duq gaboobay baan ahay
Gedahaygu waa boqol
Ilaa wagi kala guur
Deyn laygu gooyiyo
Gaw nabara mooyee
Gar ideeqda maan arag
Mala way gabnawdoo
In dhoweyd garaadkii
Lagu guuri jiray baa
kaba sii galbanayee
Waxba sheekh gorfeeyoo
Hilaw aan la golon-golay
Garanwaa igaga dhacay
U ged baxa ma hidisaan
Gundhiggeedu wuxu yahay
Gadday maanka bahashuye
Gobannimo maxay tahay?
Giganaha la sheegiyo
Ma dambiile guunoo
Nagu gooli baadhoo
Cirka sare u guuraa
Ma gidaar la yaabloo
Xaqa lagu go''doonshaa
Ma gobaad hashaydii
Godol maalintaan idhi
Inta gaade iga xaday
Afartaba gammuuraa
Mise geed hadheynoo
Inta guusha jeceliyo
Inta raad guraysee
Garba duub u xidhaysaa
Isu gaadayaan iyo
Naxli gooray weeyaan
Ma giraan mug weynoo
Laysugu gabbanayaa
Ma gallaamo subagoon
Wada gaadhi karinoo
Lagu soo gadoodaa
Ma gasiin macaanoo
Inta ugu gol rooniyo
Gobta loo hibeeyoo
Dan-yar geesigeedii
Gu''iisii ka qaataa
Guunyiyo ma xoolaa
Gamta laysu taagoo
Gacalku isku hiifeen
Mise waa gel-gelintii
Markay guuris maagtaba
Gabbalku ugu dhici jiray
Geel iyo ma adhibaa
Mise waaba garannuug
Gabbal weyn ma leedahay
Mise way galaallayd
Giir iyo ma leedahay
Sumad uunku garan karo
Gurigay u hoyataa
Ma geddaafo hadhiyaa
Horta gogol dhiggeediyo
Xogta ay ku gorortaa
Ma giriifnka noloshaa
Ma gunaanad seegtee
Godka igaga riix baa
Horta geeddigaygii
Hayaankaan ku talo galay
Ma jid-gooyadiisaa
Tolwo gaaridii dumar
Inna maw cad goysaa
Goolaaftan hoosiyo
Gulufkiyo colaadaha
Ma gunnay u diiqdaa
Gujo-maalka tuuggiyo
Gol-qaniin ma cugataa
Inta ceebta gadatiyo
Gacan dhaaf ma wacataa
Gibirkiyo casuuraha
Gorofkay ku maashaa
Ma guntuu daloolaa
Gar-ma-qaateyaashiyo
Gurdan raaca qayshaa
Ma intay gagabisaa
Geed sare u waabiyo
Gaagixiye mooyee
Miyey geesi necetahay
Gar yaqaannadeediyo
Gurmedkay ku hirataa
Ma caddaalad gudhiyaa
Garaabiido leeyey
Gefka may ku naaxdaa
Hanad may gumeysaa
Garashada cabbudhisaa
Aan soo gumeeyee
Kol hadduu gun iyo baar
Goblan yahay xaq-soorkii
Gudcur baab hadh moodee
Wixii geesi hoydiyo
Gurmedkii u balambalay
Gayigay u lee''deen
Ma gabbood-falkiisaa
Gobannimo tidhaahdaan?
Casar gaaban weeyoo
Waad galab carraabiye
Gu''dambaan ku sugeyaa
Dhammaad
Ali Adam Awaleh
London UK
Waxan jeclaystay in aan idinla wadaago maansadan kooban, Akhris wacan. Ali Adam Awale
Waa geeddi noloshuye
Saw galab an dheerayn
Galbeedkaa hargeysiyo
Intaan gaadhey sheedaha
Gagac haadis maar arag
Gelaw baa hadloo yidhi
Guullaa ku keenoo
Gashay seerahaygee
Ciil igu gadhoodhiyo
Waxan soo gudbinayaa
Nabarro igu gaaxdee
Gobo''dooda tuducyadan
Gaadhsii dadkaagii
Waa guud mar xaajoo
Araar kuuma gelayee
Duq gaboobay baan ahay
Gedahaygu waa boqol
Ilaa wagi kala guur
Deyn laygu gooyiyo
Gaw nabara mooyee
Gar ideeqda maan arag
Mala way gabnawdoo
In dhoweyd garaadkii
Lagu guuri jiray baa
kaba sii galbanayee
Waxba sheekh gorfeeyoo
Hilaw aan la golon-golay
Garanwaa igaga dhacay
U ged baxa ma hidisaan
Gundhiggeedu wuxu yahay
Gadday maanka bahashuye
Gobannimo maxay tahay?
Giganaha la sheegiyo
Ma dambiile guunoo
Nagu gooli baadhoo
Cirka sare u guuraa
Ma gidaar la yaabloo
Xaqa lagu go''doonshaa
Ma gobaad hashaydii
Godol maalintaan idhi
Inta gaade iga xaday
Afartaba gammuuraa
Mise geed hadheynoo
Inta guusha jeceliyo
Inta raad guraysee
Garba duub u xidhaysaa
Isu gaadayaan iyo
Naxli gooray weeyaan
Ma giraan mug weynoo
Laysugu gabbanayaa
Ma gallaamo subagoon
Wada gaadhi karinoo
Lagu soo gadoodaa
Ma gasiin macaanoo
Inta ugu gol rooniyo
Gobta loo hibeeyoo
Dan-yar geesigeedii
Gu''iisii ka qaataa
Guunyiyo ma xoolaa
Gamta laysu taagoo
Gacalku isku hiifeen
Mise waa gel-gelintii
Markay guuris maagtaba
Gabbalku ugu dhici jiray
Geel iyo ma adhibaa
Mise waaba garannuug
Gabbal weyn ma leedahay
Mise way galaallayd
Giir iyo ma leedahay
Sumad uunku garan karo
Gurigay u hoyataa
Ma geddaafo hadhiyaa
Horta gogol dhiggeediyo
Xogta ay ku gorortaa
Ma giriifnka noloshaa
Ma gunaanad seegtee
Godka igaga riix baa
Horta geeddigaygii
Hayaankaan ku talo galay
Ma jid-gooyadiisaa
Tolwo gaaridii dumar
Inna maw cad goysaa
Goolaaftan hoosiyo
Gulufkiyo colaadaha
Ma gunnay u diiqdaa
Gujo-maalka tuuggiyo
Gol-qaniin ma cugataa
Inta ceebta gadatiyo
Gacan dhaaf ma wacataa
Gibirkiyo casuuraha
Gorofkay ku maashaa
Ma guntuu daloolaa
Gar-ma-qaateyaashiyo
Gurdan raaca qayshaa
Ma intay gagabisaa
Geed sare u waabiyo
Gaagixiye mooyee
Miyey geesi necetahay
Gar yaqaannadeediyo
Gurmedkay ku hirataa
Ma caddaalad gudhiyaa
Garaabiido leeyey
Gefka may ku naaxdaa
Hanad may gumeysaa
Garashada cabbudhisaa
Aan soo gumeeyee
Kol hadduu gun iyo baar
Goblan yahay xaq-soorkii
Gudcur baab hadh moodee
Wixii geesi hoydiyo
Gurmedkii u balambalay
Gayigay u lee''deen
Ma gabbood-falkiisaa
Gobannimo tidhaahdaan?
Casar gaaban weeyoo
Waad galab carraabiye
Gu''dambaan ku sugeyaa
Dhammaad
Ali Adam Awaleh
London UK
{jawaabtii maansada gobonimo maxay tahay}
gellowgii hadlaayow
gartay weedhahaagee
sallaan gaaban igahoo
haddaad tahay nin guunoo
gedihiisu boqol yahay
anna kula gu'baan ahay
misna nabar igubayoo
ii gaarabaa jira
gaar aan kuu suáalee
gar maxaad u leedahay
gef maxaad u aragtaa
ayaad godob u haysaa
aniga tayda gaarka ah
nin gartiisa lumiyoo
garanwaa u kagadhacay
iyo gay barbaradkaba
golle lama fadhiistee
ninkastaa haguuxee
gellowgii hadlaayow
garabkaaga iga eeg
gobanimo maxay tahay
garadkay hadday tahay
waa geed hadhweynoo
dhiigga geesi lagu habo
gayi iyo dadweeyaan
goob lagu yaqaaniyo
sumadoodu gaar tahay
marna geel irmaanoo
markuu geesi foofsado
beesha gebi ahaanteed
gidi way ku filantahay
hadduu hello garaad xume
garmaqaate foofshana
markey maanka gadaysee
aygabnawda weeyaan
gaawe lagama buuxshoo
wuu gocasho reemaa
gabadh ugub marbay tahay
inta guudka loo fidhay
guur beegsanaysoo
gayaankeed hadduu hello
gaari lagu hirtayoo
gacalkiyo xigaalkuba
guri lagu nastaayoo
farax geliya weeyaan
allaa guusha bixiyee
gododluhu hadduu hello
guur lagu hongoobiyo
goob lagu halaagmoo
gacalkiyo xigaalkuna
kala guurro weeyaan
haddaad aragto guri baáy
gayi lagu haraadoo
gajiyo darxumo taal
meesha gobi majogtee
guntiibaa hormood u ah
haddaa aragto duul guban
gadhwadeenki talinlaa
maankiisu gudhanyahay
oo guurtidiisuna
goobaysa hadimada
galad lagama sugayee
haddaan geesiyaal iyo
guuto lagu badbaadaa
degdeg hawlaha u gelin
innay geeri mudatiyo
gunimay u halistahay
gundhigeedu wuxu yahay
gujuf lama dugsada oo
gelgelin looma hoydee
intay goori goortahay
gam iwaa lagugu xidhin
lagu gadan adoo nool
ama gacaladaadii
gogoshaada lagu dhabin
u guntada xaqiinoo
ka gilgisha xummaatada
ali ademow garo
goolaaftan weeyee
googaada illa dheel
M M Eleye{Suweys}
From Holland
gellowgii hadlaayow
gartay weedhahaagee
sallaan gaaban igahoo
haddaad tahay nin guunoo
gedihiisu boqol yahay
anna kula gu'baan ahay
misna nabar igubayoo
ii gaarabaa jira
gaar aan kuu suáalee
gar maxaad u leedahay
gef maxaad u aragtaa
ayaad godob u haysaa
aniga tayda gaarka ah
nin gartiisa lumiyoo
garanwaa u kagadhacay
iyo gay barbaradkaba
golle lama fadhiistee
ninkastaa haguuxee
gellowgii hadlaayow
garabkaaga iga eeg
gobanimo maxay tahay
garadkay hadday tahay
waa geed hadhweynoo
dhiigga geesi lagu habo
gayi iyo dadweeyaan
goob lagu yaqaaniyo
sumadoodu gaar tahay
marna geel irmaanoo
markuu geesi foofsado
beesha gebi ahaanteed
gidi way ku filantahay
hadduu hello garaad xume
garmaqaate foofshana
markey maanka gadaysee
aygabnawda weeyaan
gaawe lagama buuxshoo
wuu gocasho reemaa
gabadh ugub marbay tahay
inta guudka loo fidhay
guur beegsanaysoo
gayaankeed hadduu hello
gaari lagu hirtayoo
gacalkiyo xigaalkuba
guri lagu nastaayoo
farax geliya weeyaan
allaa guusha bixiyee
gododluhu hadduu hello
guur lagu hongoobiyo
goob lagu halaagmoo
gacalkiyo xigaalkuna
kala guurro weeyaan
haddaad aragto guri baáy
gayi lagu haraadoo
gajiyo darxumo taal
meesha gobi majogtee
guntiibaa hormood u ah
haddaa aragto duul guban
gadhwadeenki talinlaa
maankiisu gudhanyahay
oo guurtidiisuna
goobaysa hadimada
galad lagama sugayee
haddaan geesiyaal iyo
guuto lagu badbaadaa
degdeg hawlaha u gelin
innay geeri mudatiyo
gunimay u halistahay
gundhigeedu wuxu yahay
gujuf lama dugsada oo
gelgelin looma hoydee
intay goori goortahay
gam iwaa lagugu xidhin
lagu gadan adoo nool
ama gacaladaadii
gogoshaada lagu dhabin
u guntada xaqiinoo
ka gilgisha xummaatada
ali ademow garo
goolaaftan weeyee
googaada illa dheel
M M Eleye{Suweys}
From Holland
Gobanimo waa
Gorofkii anoon culan
Bal aan gaaxsho galabto
Godol aan ka baadhoo
Garaadkayga maalee
Gudoonoo bal dhugo
Galawgii bal gaadhsii
Goob joog ka noqo
Gobanimada lafteedon
Goollal aan u qalee
Goolal aan ka dhaliyee
Geesigii gabyaayee
Galawga ay kulmeen
Gobanimo Suaalaw
Waa geedi noloshuyo
Anba kuu garaaboo
Galabtii timaadaba
Guula asteeyayoo
Gaajiyo dhibaatiyo
Guushiyo barwaqada
Godobtiyo dagaalkiyo
Geeri iyo dhalashada
Geedigiyo hayankaba
Gaarbay u wadataa
Adna geesigiiyaw
Kaa gurnay gacalaw
Gabaygaad tirisiyo
Galawgaad la faqdeen
Ee aanad gun iyo baar
Go’bo aanad siinin
Hadalkuu gadaamee
Gar I deeqda maan arag
Marka uu garaadkii
Gocashada ka dhiibtay
Ku gargaari maayeee
Garaadkoodii meeyay
Shacabkuu ku gafay
Gaar aan u waydiiyee
Galawoow miyuu
Gudhay hankoodii
Mise adigaa guunoo
Gujo hoose qaba ?
Intaasi guud mar iyo g
Gabal dhacay kaso qaad
Giganaha la sheegiyo
Gidaar waynoo garta
Lagu gudoonshana
Gobanimadu maahee
galab iyo Ayaanbaad
Gaar aad u cabataaye
In hashaadii gobaad
Oo gaade xadayba
Gobanimamada aad
Garabkeed dhigtayoo
Gees ugu dhawaysana
Gar miyaad u leedahay ?
Galawgii gadoode
Gaar u cabanayee
Gobanimada doonayaw
Marka hore Gadaal iyo
Wakhtigi gadoonaa
Gees maad ka eegtid
Sumaday ku guuxdana
Guudkeed tilmaamta
Goobtii dagaal jiro.
Golahay cadaysaa
Haday nabad ku guuraan
Giirbay yeelataayoo
Gabigee galaalan
Galawgani gadoodaw
Garaadkaaga galiyoo
Geesigani gabyaayeee
Galaw ay kulmeenaw
Gudoonaye bal gaadhsii,
Gocashada bal daayoo
Gadafkay ka timid
Gagidii kuyara noqo
Gobolada waqooyiyee
Gaaladii ay ku gaftoo
Gobanimo iyo xoriyadi
Garnayl kaga laashee
Caryaa gaadha tidhi
Guuro bahalayntii
Guyaal hore dib eeg
Adigaa garan doona
Geestay ka dhalatiyo
Garabkay ka dhimatee
Gobanimadu gadeediyo
Masaalkeeda guudka
Waa Geed barwaaqoo
Garaac laga ilaashoo
Garta lagu gorfeeyoo
Gudidu iyo guurtidu
Talada gorfaysoo
Xaajada ku goysoo
Gacal iyo sokeeyuhu
Gagiday ku kulmaane
Gaari lagu gudoomee
Geela iyo gamaankaba
Gobtu ay ku qaataan
Gadhle loogu mehershe
Gabadh heego dheeroo
Gabay loogu tiriyaayo
Googaada lagu baraa
Gobanimo masaalkeeda
Gobanimo gadeedii
Gobka aad taqaan
Waa geedka baxa
Goonyaha amase
Gabiga dooxyada
Midhihiisa gabood iyo
Gaar aan u guranoo
Waa geed hadh wayno
Galxareeda iyo wabi
Biyo galac ka leeyiin
Goonyihii ku yaaloo
Gobanimadu gadeedii
Gunta ay ku taalaa
Waa meel gaashankiyo
Colaadu gabigodba jirin
Dunidaa galab carawoo
Caliyaw ku garaabee
Gaalshire waayadii
Garta loogu naqi jiray
Gobta lagu gumayn jiray
Gunta lagu gobayn jiray
Gobanimadu maahee
Waa geed hadhwaynoo
Goonyaha ka joognoo
Guudkiyo dhudiisana
Midhiisa gaarka ah
Aan ka goosanaynoo
Gagi doog leh iyo rays
Gacal lala dagaayoo
Lagu maalo geeloo
Ana gaawahoo culan
Garabkayga sudhanyee
Galab lagu caraabaa
Guri lagu hoydaayoo
Gabooyaha la buuxshaa
Gaajada la waayayoo
Gabadh lala caweeyaa
Guuguule waagii
Gooni u ciyaayee
Geedkii laga gubayee
Gu’ga uu u ooyiyo
Guumaystiina garabkedu
Gayaxan uu noqdee
Goodirkii ka yaacay
Gagideena oo idil
Madfac lagu gamaayay
Gobanimadu maahe
Gabdho iyo wiilalba Gidi
goonyaha ka joogsada
Nabad baa goostaa
Marka ay gadoontee
Gagi kale u guurtaa
Gobanimo la doonaa
Marka ay guudka iyo
Geesaha ka joogtana
Waa lagu gadoomaayo
Gujis iyo nin liitay
Gacal ay u noqotaayoo
Garab laga baryaayoo
Gabno aad ku maashaan
Gufayskii la galin laa
Galdalooladiyo godadkiyo
Garkii lagu adkayn laa
Gobanimada weeyaan
Garaa bildhaankuba
Gudcur Dama habeenki
Gadaashoo haduu maro
Gooni loo arkaayoo
Gaar uu u muuqdaa
Gadaasoo kaleetaa
Gobanimo la maalaa
Oo lagu gadhoodhaa
lama soo gadaayee
Goblan lagu helaayoo
Gagi loo tagayoo
Dagaal loo galaa
Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa Somaliland
Ka Qayb galayaashii Silsiladii Gobanimo
1. Ali Adam Awaleh
London UK
London UK
2. M.M Eleye (Suweys)
3. Fuaad Abdillahi Hargeisa