"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Universal Tv: Biyo Daatay Qabasho ma leh Bahalna Caadadii ma baajo!

Universal Tv oo aynu sifiican uga dharagsanahay Nidaamkiisa Warbaahineed Malaga yaabaa in uu Somaliland dib uga hawl gali doono ruqsadana laga qaadi doono? Hadiiba
Mar sadexaad somaliland laga shaqa galiyo  Universal Tv ma kula tahay in ay wax iska badali doonaan nidamkii Warbaahineed ee uu ku caano maalay mudada badan?  
Saxafaada Xalasha ah maaha mid Dawlad lagu aflagaadeeyo, Saxaafada Xalaasha ah  maaha Mid Cid gaar ah u shaqaysa, Saxaafada Xalaasha ah maaha Mid Shacabka Aflagaadaysa, Saxaafada Xalaasha ah maaha mid Colaad abuurta, Saxaafada Xalaasha ah maaha mid Dawlad iyo Shicib isku dhufata!
Universal waxa lagu bartay Wiiqida Qaranimada Somaliland digniino badan oo hore waxa siiyay Shacabka Iyo Dawlada Somaliland Balse dhag uma dhigin Sidaas darted Maanta Meel Ugama Banaana Waan waan danbena waxba qaban mayso  somaliduna waxay tidhaa Bido Ma waantowdo!.
Bahal Caadadii ma baajee  30 june 2010  ayay ahayd markii uu Universal Tv si badheedh ah u tabiyay   Dhaleecayn, Been Abuur,   Aflagaadooyin iyo Cay loo gaystay  Shacabka Somaliland Gaar ahaan Gabdhaha somaliland oo lagula dul dhacay Aflagaado aanay Gayin.
15/10/2010 ayuu Wasiirkii Warfaafinta ee hore Cabdilahi Geeljire uu dalka ka madnucay  balse Waanwaan iyo ogolaansho  kadib 19 October 2010 Dawlada Somaliland iyo Maamulka Universal tv waxaa dhex maray Heshiis iyo Xeerar laka la saxeexday Nasiib daro Universal tv Dhag uma dhigin qodobadii lagu heshiiyayna wuu ka talaabsaday Ey Nijaas kama dhamaato! 
10/03/2011 Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade  ayaa  si rasmi ah shaqadii uga joojiyay Warbaahinta Universal uu ka waday dhamaan Gobolada Somaliland kadib markii uu  dhawaan Dagaalkii Kalshaale u tabiyay si aan dhexdhexaad ahayn oo colaad oogid ah isagoo dhinac u janjeedha Markii raaligalin laga codsadayna Agaasimaha Universal waxa uu si cad ugu gacan saydhay Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade markaa maanta inuu dib u gocdo ficiladiisii iyo dhaqankiisii maaha mid u cuntanta Bulshada Somaliland Biyo Daatayna Qabasho ma leh! Sobobto ah Dad ayuu iska horgeeyay, Colaad ayuu u horseeday, dawlad iyo Shicib ayuu isku dhuftay kadib markii uu dawlada Somaliland ka dhigay in ay xasuqayso dad maati ah.

Agaasimaha Universal Mohamed Caabi oo waraysi siiyay Shabakada Somalidiasporanews wuxu sheegay in dib looga hawl galin doono Somaliland isagoo Eeda dusha ka saaray Khadar Mohamed Cakule oo uu ku tilmaamay in uu masuul ka yahay Wararka been abuurka ah ee Universal uu ku caan baxay Balse taasi maaha mid  la rumaysan karo. Hadiibase Universal tv dib loogu ogolaado in uu ka hawl galo wadanka Somaliland Ilamana aha in uu ka waantoobi Doono dhaleecaynta iyo Xaqiraada uu maalin iyo Habeen kula kaco Bulshada Somaliland Lafdhabarna uskaga kama dhamaado!!
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa,Somaliland

No comments:

Post a Comment