Maamul baa hana qaaday.
Maansadan oo la magacbaxday Maamul baa hana qaaday! waxay soo baxday 29/12/2010 maalin Arbaca ah waxaana midhahan ay maskaxdiisa kaso baxeen Fuaad Abdillahi Hassan.
Dalkaygoo madaxbanaan
Dadkaygoo mudnaanta le’
Magacood ha waaree
Maamulbaa hana qaaday
Madaxdoodaa talinaysoo
Somaliland maarantayoo
Maaliyo nabadbay hanteen
Macaluushiyo colaadana
Wadadeedii may marinee
Midigtoodiyo qalinkiyo
Maskaxbay miciinsadaan
Munaafaqiyo diradiraalaha
Maxkamadbaa xukumaysa
Murankiyo khilaafkana
Cadaaladbaa miranaysa.
Diintu waa mahuraane
Muslin weeye hagaagsan
Eebahooda magansadoo
Macalinkii aduunkee
Muxamedaw Rasuulkii (csw)
Macbuudkooda qirayee
Ma ogtahay dadkaygoow
Midabkiyo qabyaalada
Mansab laguma helaayoo
Waa lagu madhaayoo
Meel laguma gaadhee
Masiibadaas ka ducaysta
Gabdho loo mabsuudoo
Sida laan magooliyo
Wiilal muunad leh baa
Malko iyo qodaalkii
Madheedhliyo togdheer
Madheeriyo berbera
Maydh ilaa hargeysiyo
Gabiley mushmushaxayo
Ka dhex muuqanaayee
Macbuudoow alahayaw
Nabad waa macaanee
Mustaqbalkiyo rajada
Maqaam sare na gaadhsii !