"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Majaro-Hababin


Majaro-Hababinta  Muslimiinta

Diinta islaamku waa diinta Nabada iyo Nasteexada Nolosha, Macnaha Erayga Islaam oo ah Nabad waxa ay Dadka fusuqa ah doonayaan in ay Macno kale u sameeyaan oo ah in ay ku sifeeyaan Diinta qaska, Cadaalad darada, is qarxinta, colaada iyo  Cabudhinta.
Gaaladu waa cadawga muslimka  iyo Diinta Islaamkaba  wax kasta oo ay diinta islaamka dadka uga majaro habaabin karaana way sameeyaan kharash kastana way u huraan, iyagoo uga dan leh in diinta islaamka loo qaato inay tahay Diin Foodo  ah si ay taasi ugu suurto gasho waxay ay fuliyaan arimo badan oo kala duwan, waxa ay qaraxyo ka fuliyaan goobo  kadib waxa ay qaraxaasi ku Ladhayaan Islaamka iyagoo idaacadaha iyo saxaafadaha caalamka ka ku baahinaya  in qaraxaasi ay ka danbeeyeen Dad Argagaxiso oo Islaam ah waxana ay u bixiyaan Magacyo sida Terrorist Islam Group, waxa kale oo ay ugu yeedhaan waa Alqaeda.
Maxaa sobobay in ay diinta ku ladhaan cid kasta oo foodo samaysa ama qas abuurta? Maxaase u diiday in ay shaqsiyaadka dhibta gaysta wadankooda iyo magacyadooda abaaraan  ee ay mar walba Islaamka dusha uga huwinayaan?  Mida kale qofka kasta oo is qarxiya ma islaambaa Gaalka isba maanu is qarin Karin? Gaalada yaase kaga badan nidaamka isqarxinta, is daldalaada iyo fooq iska soo tuurista ?
 Gaaladu siyaabaha kale ee ay qaska u galiyaan diinta islaamka waxaa ka mid ah adeegsiga dad muslin sheeganaya oo daciif iyagoo saaxiib ka dhiganaya  ugana dan  leh sidii ay dadka iskaga horkeeni lahaayeen ugana dhex abuuri lahaayeen muran iyo khilaaf waara.
Hubka aan dadka badankiisu fahansanayn ee ay gaaladu ku dagaalanto waxaa kaw ka ah Saxaafada iyo iyagoo hab siyaasadeed u dhaleecaynaya Diinta islaamka dhib kasta oo qof islaam ahi gaysto waxaa lagu baahinayaa saxaafada oo dhan laakiin hadii nin gaal ahi uu dhibaato la mid ah gaysto looma baahinayo sida ninka muslinka ah looga baahinayo saxaafada iyo warbaahinta Caalamka.
Ninka muslinka ah ee dhibaato gaysta waxa loogu yedhayaa Argagaxiso iyo magacyo kale oo xun xun Balse ka gaalka ah laftiisu hadii uu is qarxiyo  la odhan mayo Argagaxiso waxaase loo samayn magacyo kale oo ka duwan Argagaxisada kana wanaagsan.
 Waxaan kula talinayaa bulshada islaamku in ay isku xidhnato Ogaatana Cadaawada ay gaaladu u hayaan iyo majaro habaabinta ay baahiyaan  Gaaladu waa in ay ogaadaan  dagaalka hoos ahaanta ah ee  lagula jiro diinta islaamka. Cid kasta oo diinta dhaleecaysa waa in aan lasoo dhawayn balse laga fogaado lagana madnuuco wadamada islaamka.
Midna Ogaw  iska ilaali Saaxiibtinimada Gaalka inaad ku fogaato Sobobtoo ah alle waxa uu yidhi Gaaladu waa Cadawga Islaamka Mar walba isagoo saaxiib iskaga kaa dhigaya hadana booraan hadimo kuu qodayaa danihiisana kugu fushanayaa.

Majaro Habaabin. (Maanso)
1.          Ma gam’o habeen galay
2.          Ma ladoo hurdada baas
3.          Cunto maba majeertoo
4.          Mirqaan maba daneeyoo
5.          Kama daalo maqamkiyo
6.          Masjidkoon ku waarana
7.           Mawjadaha aduunkaan
8.           Dhex mushaaxayaayoo
9.           Masalaan xal keedana
10.               Kolba meel ka dayayaa
11.               dhulkaan marmaraayoo
12.               Badahaan muquurtaa
13.               Misna waan ka  waayaa

14.               Maalmaha danbeeyaan
15.               Saadaal ku rogrogaayoo
16.               Mudooyinkii  horeetana
17.               Mid mid baan u baadha
18.               Margi weeyi hadalku
19.               Kolba meel u jiidmee
20.               Maansdaydan dhugoo
21.               Macnaheed bal fahan!
 
22.               Muslimiinta dunidee
23.               Macbuudkood qirayee
24.               Muujiyay akhlaaqdee
25.               Madaxooda dhigay
26.               Meel lagu socdaaliyo
27.               Masalaha cibaadiyo 
28.               Mako iyo madiinaba
29.               Munaafaq iyo gaaladiyo
30.               Masiibada aduunkaa
31.               Majaro habaabinayoo
32.               Masalooyin sarbeebiyo
33.               Musuq bay dhex dhigaan

34.               Maamulkoodii dhamaan
35.               Madaxay isku gashaan
36.               Meelaha ay qarxiyaaniyo
37.               Mahadhooyinkii darana
38.               Muuminkay ku ladhaan
39.               Muslinkiiba dhamaan
40.               Muuqaalbay u shidaan
41.               Muran uu ka dhashoo
42.               Mad’habay ku fushaan

43.               Miciin bay u bidaan
44.               Muslinkiina qayboo
45.               Madaxay isku gashan
46.               Masaladay ka leeyiin
47.               Mase aad fahminbee
48.               Midhyar iga dhagayso
49.               Diintaa miskiinkiyo
50.               Munaafaqii dabshida
51.               Miisaanka u sida ee
52.               Macalinkeedu yahay
53.               Maxamadaw amiin (csw)
54.               Mawle usoo diraybay
55.               Meel kale ka marayaan
56.               Misna waa nacayb iyo
57.               Muslimiinta dunidooy
58.               Mansabkoda lumiyaan

59.               Mad’habtaa islaamkee
60.               Mu’markeedu yahay
61.               Maslaxadiyo nabadiyo
62.               Cadaalada meel markaa
63.               Munaafaqa iyo gaaladuna
64.               Maba ay  rumayninoo
65.               Maalmaha danbeeyiyo
66.               Masalooyin badanboo
67.               Mawlahen usoo dhiibay
68.               Nabigeen Maxamed (csw).

69.               Murti iyo dhamaadkeed
70.               Hadal iyo mudnaantiis
71.               Waxaan miiska dhigaya
72.               Maskaxdiina farayaa
73.               Gubaabo muuqatee
74.               Gaalo waa munaafaqe
75.               Yaan lagu majeeranoo
76.               Yaan Loo miiganaanin
77.               Maamuus loo ahaanoo
78.               Saaxiib la moodinbaan
79.               Maankiina sudhayaaye
80.               Maqal waanadaydaas


Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com