Maansadan oo la magac baxday Soo noqo Naftaydaay waxay soo baxday 20 january 2011 waxanay maskaxdiisa kasoo baxday Abwaan Fuaad Abdillahi Hassan.
Suubaneey naftaydaay
Saqda dhexe habeenkii
Hadba sarakacaayoo
Markaan soo baraarugo
Waan kugu salalayaa
Salaadaan sahwiyayaa
Suuradaada wacanee
Sagalkiyo hilaacaba
Sifahooda lehbaa
Maskaxday sudhano
Igu soo noq noqotee
Hadba sarakacaayaa
Samirkii ayuubaan
Kaaga uursamahayoo
Ogow waanku sugayaa
Soo noqo Naftaydaay
Suubaneey naftaydaay
Adigaa gadii saracoo
Sagal jeer roob helay
Sifahooda u eegoo
Sadrigiyo laabatana
Adaa seestayee garo
Subxaan weeyaan
Gabadhan kula simoo
Sariir kula caweeyee
Ma macaana sadaduna
Hadaan lagula sidinee
Samirkii ayuubaan
kaaga uursamahayoo
Ogow waanku sugayaa
Soo noqo Naftaydaay
Suubaneey naftaydaay
Kaa socday dumaroo
Sidayaasha dhiiguna
Samantaday ku socdalane
Haygu sarin jacaylku
Seefaha dagaal sifahod lee
Ha suldaarin caashaqu
Sunta sifaheeda lee
Ma ogtahay suubaneey
Sidaad tahay jidhkaygii
Hadii aan isa seegno
Safarkaygu aakhiro
Ka sokayni maayee
Samirkii ayuubaan
Kaaga uursamahayoo
Ogow waanku sugayaa
Soo noqo Naftaydaay
Suubaneey naftaydaay
Sidii ubax dhalaaliyo
Saxansaxo la moodyey
Saatir baan baryayaa
Inaan Sariir wadagnoo
Sareediyo farxadiyo
Samo aan ku waarnoo
Sabi iyo Caruur badan
Sabo aan ku dhaqanee
Samirkii ayuubaan
Kaaga uursamahayoo
Ogow waanku sugayaa
Soo noqo Naftaydaay
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com