"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Gobanimo



Gaawihii anoon culan
Bal aan gaaxsho galabtana
Godol aan ka baadhoo
Garaadkayga maale
Galawgii bal gaadhsii
Gudoonoo bal dhugo
Goob joog ka noqo
Gobanimada aan gaadoo
Goollal aan ku qalee
Gobanimada aan gaadhoo
Goolal aan ka dhaliyee

Geesigii galawgu
Gobanimad waydiiyayaw
Waa geedi noloshuyoo
Anba kuu garaaboo
Galabtii timaadaba
Guula asteeyoo
Gaaxdiyo dhibtiyo
Guushiyo godobteeda
Geeridiyo geedigaba
Gaarbay u wadataa

Adna geesigiiyaw
Kaa gudoonay gacalaw
Gabaygaad sidee
Galawgani aad
Gaar ula faqdee
Ee aanad gun iyo baar
Go’bo aanad u siin
Hadalkuu  gadaamee
Gar I deeqda maan arag
Marka uu garaadkii
Gocashada ka dhiibay
Taa ku gaasiri maayee
Garaadkoodii meeyay
Dadkan uu ku gafayo
Gaar aan u waydiiyee
Galawyahay miyu
Gudhay hankoodii
Mise adigaa guun ah
Gujo hoose  qaba ?
Intaa guud mar iyo
Gabal dhacay kasoo qaad

Giganaha la sheegiyo
Gidaar waynoo
Garta lagu gudoonshana
Gobanimadu maahee
Galawoow galab iyo
Ayaan adigaa gadoodee
In hashaadii gobaad
Oo gaade xaday
Gobanimamad aad
Garab dhigtayoo  
Gees ugu dhawaysana
Gar miyaad u leedahay ?

Galawgii gadoode
Gaar u cabanayee
Gobanimada doonayaw
Marka hore Gadaal iyo
Gobanimo doonkii
Gees maad ka eegtid
 Sumadeeda ku guuxdana
Guudkeed an ku tilmaame
Way galaalantoo
Golahay cadahayee  
Adigaa garan doona
Geestay ka dhalatiyo
Garabkay ka dhimatee 
Gadaal dheeho gacalyaw

Galawgani gadoodaw 
Garaadkaaga galiyoo
Geesigani gaarka ula
hadlee gobta’ay suaashaw
Gudoonaye bal gaadhsii
Gadafkay ka timid
Gocashada bal daayoo
Gagidii kuyara noqo
Adigaa garan doona
Geestay ka dhalatiyo
Garabkay ka dhimatee
Gadaal dheeho gacalaw
Gobolkani waqooyiyee
Gaaladii ku gaftee
Gobanimadoodii
Garnaylka kaga laashee
Caryaa gaadhi tidhi

Gobanimadu gadeedaba
Waa Geedka-deebta loo
Garaac laga ilaashoo
gudin aan lagu sarinoo
Garta lagu gorfeeyoo
Gudidu taladiyo
Xaajada ku goysee 
Gacal iyo sokeeyuhu
Gagiday ku kulmaane
Gabdhahana gudoonkiyo
Geela iyo gamaankaba
Gobtu ay ku qaataane
Gadhle loogu mehershaa
Gashaantidana meel
Gabay loogu tiriyoo
Googaada lagu baraa  
Gobanimadu joogtaa

Dunidu waa galab carawoo
Anba  kuu garaabee
Gaalshire waagii
Garta loogu naqi jiray
Gobta lagu gumayn jiray
Gunta lagu gobayn jiray
Gobanimadu maahee
Waa geed hadhwaynoo
Goonyaha ka joognoo
Guudkiisiyo dhudiisaba
Midhiisa gaarkaa  
Aan ka goosanaynoo
Gagi doog leh iyo rays
Gacal lala dagaayoo
Lagu maalo geeloo
Ana gorafkoo culan
Garabkayga sudhanyee
Gobanimadu markay
Garabkeena joogtaa
Guri lagu caraabaa
Gabooyaha la buuxshaa
Gaajada la waayayoo
Gabadh lala caweeyaa

Guuguule waagii
Gooni u ciyaayee
Geedkii laga gubayee
Gu’ga uu u ooyiyo
Guumaystiina garabkeedu
Gayaxan uu  noqdee
Goodirkii ka yaacay
Gagideena oo idil
Gobanimadu maahee
Gacalyahaw bal dhawroo
Gabdho iyo wiilalba
Gidi goonyaha  ka joogsada

Marka ay gadoontee
Gagi kale u guurtaa
Gobanimo la doonaa
Marka ay guudka  iyo
Geesaha ka joogtana
Waa lagu gadoomaayo
Gujis iyo nin liitay
Gacal ay u noqotaayoo
Garab laga baryaayoo
Gabno aad ku maashaan
Gufayskii la galin laa
Galdalooladiyo godadkiyo
Garkii lagu adkayn laa
Gobanimada weeyaan

Garaabildhaankuba gudcur
Dam ah habeenkii
Gadaashoo haduu maro
Gooni loo arkaayoo
Gaar uu u muuqdaa
Gadaasoo kalaa
Gobanimo la maalaa
Oo lagu gadhoodhaa
lama soo gadee
Goblan lagu helaayoo
Gagi loo tagayoo
Dagaal loo galaa

Gobanimadu sideedaba
Waa Geedkani
Gobka  Aynu nidhiyoo
Waa geedka baxa
Goonyaha amase
Gabiga dooxyada
Midhihiisa gabood iyo
Gaar aan u guranoo
Waa geed hadh waynoo
Galxareeda iyo wabi
Biyo galac ka leeyiin
Goonyihii ku yaaloo
Gobanimadu gadeedii
Gunta ay ku taalaa
Waa meel gaashankiyo
Colaadu gabigodba jirin
Gacalyahay gudoonaye
Galawgana gudoonsii
Isaga garan doona
Geestay ka dhalatiyo
Garabkay ka dhimatiyo
Galaday leedahayba
Gadaal dheeho dheh!!

Fuaad Abdilaahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa Somaliland