"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dadkaan Kugu Jeclahay!

Maansadan oo la magac baxday Dadkaan kugu jeclahay waxay soo baxday 16 january 2011 waxanaa midhaha maansadan ay maskaxdiisa kasoo burqadeen Fuaad Abdillahi Hassan

Allaa deeqda bixiyoo
Daayinbaa quruxdiyo
Dabci kugu manaystoo
Hadalkiyo dadnimadiyo
Samirkiyo dulqaadkaba
Darajaad ka sidataaa
Ducona waalidkaabaa
Dagta kuugu rarayoo
Dahabey Adiga I deeqo
Dumar lama sinidoo
Dadkaan kuugu jeclahay
Naxariista kugu dadan
Diirkaaga dhiinka ah
Dabnahaaga dheeha leh
Dhabankaaga daraygaa
Indho deeraleeyeey
Ilko aan dabar lahayn
Daruuraha la moodee
Dhexdoon dari lahaynba
Allaa kuugu deeqoo
Dadkan kuugu jeclahay
Dookhaygu waa adi
Dawadaydu waa adi
Dareenkaygu waa adi
Dabiib baad ii tahoo
Kuu dayran laabtaydu
Dabarkaagu igu xidhano
Kuma dayn karaayoo
Dadkaan kuugu jeclahay
Hadaad aad duushayo
Dibadaha aadayoo
Dalka aad ka maqantay
Dibna aanad imanayn
Aniguna dabayshaday
Iga daacad weeyoo
Dunidaan ka tagayaa
Doob anigoo ah oo
Dadab aan wadaagino
Gabadh kugu doorsado
Damac igu abuurtaan
Dunidani ku noolaynoo
Dadkaan kuugu jeclahay
Midhbaa iga dardaarana
Tacliintiyo duruustiyo
Dadkagoo mudnaanta leh
Dalkaagoo ma guurto ah
Waalidkaagii dadaalkiyo
Cunto kugu daldalayee
Darka kugu horaayee
Dalabkaa aqbalaayay
Darajaad ku gaadhiye
Daryeelkood ha moogaan
Dadkaan kuugu jeclahay
Dahabeey naftaydaay
Ha duminin wacadkoo
Haka daalin balankana
Damiirlaawe darana
Dunjigii ha noqonoo
Danbi hayga galinoo
Nabsi waa ma daaalee
Ii diir nax dahabooy
Adigaan ku doortoo
Dadkaan kugu jeclahay
Fuaad Abdilahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com