"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dhugo Waanodayda!

Maansadan oo la magac baxday Dhugo waanadayda waxa oo iskugu jirta Amaan , Duco iyo Dardaaran waxay ay soo baxday 18 january 2011 waxanay ay maskaxdiisa kasoo baxday Abwaan Fuaad Abdillahi Hassan.
Dhamaystii haweenkaay
Dheeman lagu masaalyeey
Dhugo waanadaydoo
Dhinac yaanay kaa marin
Dhibta caashaqee kulul
Dheef aan ka gaadhnee
Dheel dheel hamoodino
Dhaawac lama unkee
Dhinacaaga ladaneey
Dhidib adag u taag
Kana dhawr dhantaaliyo
Dhiiladiyo Xumaantaba
Hana dhuminin ladaneey
Dhaqankaaga hooyiyo
Dhawrsanaanta dumarkaba
Aniguna dhankaygaan
Dhiil wayn u culayaayoo
Mood baan dhaqanayaa
Habeenkii dhamaadiyo
Dharaartii timaadana
Waan kugu dhadhabayaa
Dhaayahaygu kuu nugul
Dhagahaygu kuu furan
Laabtaydu kuu dhigan
Dhami waaxyahayguna
Aday kaa dhursugayaan

Dhamaystii haweenkaagay
Dheeman lagu masaalyeey
Dhugo waanadaydoo
Dhinac yaanay kaa marin
Dhoof laguma raagoo
Dhado roob ma noqotee
Dhulkaaga daruuriyoo
Duruus laga dhigaayo
Dhuuni laga fashaayoo
Guryo laga dhistaayoo
Dhidid loo huraayoo
Dhaxan loo maraayoo
Dheeman laga faqdaayoo
Dhufays laga qotaayoo
Cadaw laga dhacshaaye
Dhakhsoo iigu imo
Dheemantaan jeclaayeey
Habeenkii dhamaadiyo
Dharaartii timaadana
Waan kugu dhadhabayaa
Dhaayahaygu kuu nugul
Dhagahaygu kuu furan
Laabtaydu kuu dhigan
Dhami waaxyahayguna
Aday kaa dhursugayaan


Dhamaystii haweenkaay
Dheeman lagu masaalyeey
Dhugo waanadaydoo
Dhinac yaanay kaa marin
Noloshiyo dhibkeediyo
Dhakafaarka waayaha
Dhalaloonka maankaba
Alle kuuma dhaweeyoo
Ducaan kaa dharginayaa
Alle dhamacda naareediyo
Cadaab kuma dhadhansiiyo
Janayooyinka dhexdooda
Rasuulkeenii dhinaciisa
Boos ha kaaga dhigoo
Dhex dabaalo waligaa
Wabiyada dhalaalka leh
Dharkaa xariirta ahna
Dhamayseey laguu xidh
Habeenkii dhamaadiyo
Dharaartii timaadana
Waan kugu dhadhabayaa
Dhaayahaygu kuu nugul
Dhagahaygu kuu furan
Laabtaydu kuu dhigan
Dhami waaxyahayguna
Aday kaa dhursugayaan



Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com

No comments:

Post a Comment