"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Silsilad: Gadhlaw Guurso.



Waxa jiray wakhtiyadii hore dadkeenu waxa ay ahaayeen dad badanaa u heelan Murtida, Xikmada iyo Suugaanta waxaanay is dareensiin jireen in ay yihiin dad Aftahiin ah oo rayigooda ku cabiri kara gabayo ama qaab kale oo suugaaneed waxay is dareensiin jireen in ay si farshaxanimo leh ugu gudbin karaan bulshada ay la nool yihiin ama jiilasha ka danbeeyaba xog dheeraad ah oo ku saabsan habdhaqankooda iyo ilbaxnimooyinkii ay hanteenba.

.Hadaba kolkol waxa dhici jiray in ay rag badan oo Abwaaniin ahi ku kulmaan Goobo ciyareed, Mijilisyada lagu qayilo, Golayaal, Guusaska ama meelaha kale ee ay dadku iskugu yimaadaan badanka waxaa ka dhex aloosmi jiray silsilado ama gabayo ay iskugu hal celinayaan kuna sheekaysanayaan, ku kaftamayaan, iskuna xaal waraysanayaan.
Silsiladahasi oo mararka qaarkood ka dhex abuuri jiray abwaanada dhexdooda sawaxan iyo weerar ka kala imanaya dhinacyada iska soo horjeeda.

Hadaba inkastoo ragan sabanku ama qarnigani aanay awoodin xikmadaasi dadkaa hore oo kale in ay abuuraan ayaa Hadana waxaa qasaba ah in la isku dayo bal in ay wax uun dhiiqdo tan maskax ah ee alle inagu manaystay. Ragaasi hore maskaxdii ay lahaayeen mid la mid ah ama ka wanaagsanba waan yeelan karnaa balse maxaa inaga dhiman isku kalsoonaan iyo isku day,dadkeena badankooduna waxay aaminsan yihiin xikmada somaliyed ee tidhaa Rag waa ragii hore Hadalna waa intuu yidhi .

Silsiladan yar ee gaaban ayaa waxaa ay bilaabantay bilaabantay 28, October 2009 waxaa bilaabay oo geesaha ka furay Fuaad Abdalle Hassan oo ay la wadaagayeen Mustafe cabdikadir (shine ) iyo Khalid Hashi Awjamac aya waxay ka bilaabantay mar uu Fuaad afaray yar uu kusoo bandhigay gole ay badanka ku kulmaan dhalinyarta sabankani oo la yidhaa Facebook kuna soo bandhigaan Fikradahooda, Araahdooda iyo wixii Maankooda gubaya iyagoo kusoo dhex tuuraya golaha badhtankiisa si ay uga qaboobaan waxa gubaya.. Jawaabaha soo noqda badankoodu waxay noqdaan kaftan iyo haasaawe gobeed, In yar oo ka mid ahina waa fikrado dhaxal gal ah oo u noqon kara qofka macluumaadkii ama ujeedadii uu ka lahaa soo bandhigida arinkaas ( Nin waliba halkii bugtaa isagay balbashaaye). Hadaba fuaad waxa uu mar soo galiyay golahaasi Afaray yar oo aad u gaaban oo dhiiri galinaysa guurka dhalinyarta.Golaha Waxaa si lama filaan ah uga soo booday meel gaaban rag Oraahdoodu aad u cadcadayd macnaha ay ka hadlayaana yahay mid rigli ah , Ujeedo qayaxana leh oo Adeegsanayana xikmada sabankan ama qarnigan .

Mustafe iyo khaalid oo dhinac kasoo wada jeeday waxay ku doodayeen in guurka marka hore loosii shaqaysto oo hawl badan hortii la galo. xaga uu fuaad ku doodayay in arsaaqda ilaahay bixiyo oon laga fikirin wixii la siin lahaa ubadka dhalan doona sanado kadib amaba aan dhalan dooninba ilayn ilaahaybaa ubadka bixiyee ciduu doonana siiya cidii uu doonana aan siine. Waxa kale oo uu fuaad ku andacoonayay in alle uu qof walba u qoray arsaaqad u gaar ah markaa arsaaqada laba qof wiilka iyo gabadhu ay isku darsadamaan dhisi karto guri lagu nagaado .

Haba hadlin lahaydaa waxaa bilabantay xaalku wuxu noqday Haadba haad kici. Is afgarad kadib waxay silsiladii ku qabawday in uu Mustafe ogolaaday in u soo xero galin doon gabadh uu ula baxay..

Akhris wanaagsan sidii ay iskugu xidhiidhsanayd silsiladu iyo sharaxaadi mid walba oo ka koraysa waxaa kale oo ku dul qoran tix walba qofkii tirayay iyo wakhtigii ay ahayd..






1.Afaraydan yari ee hoos ku tibaaxan waxa ay dhiirigalinaysay guurka dhalinyarta , waana tii ugu horaysay ee ay ka bilaabantay silsiladan Gadhlaw Guurso ee sabankan curatay.


Guri aad ku hoyatiyo
Gabadh aad la kulantoo
Gogol kula cawaysaba
Guurbaa ku geeyee
Gadhlaw guurso.

Marka aad gabawdana
Ubadkaad dhashaa
Garabkaaga joogo
Goblan kaa ilaashee
Gadhlaw guurrso.
Fuaad abdilaahi Hassan

2.Waxa soo galay abwaanka da’da yar waa Mustafe Abdikadir oo ku doodaya in Guur hortii loo baahan yahay gabaati iyo wax gabadhii lagu doono waxaa kale oo uu tilmaamayaa in dhulka aanay oolin wax gabood ah oo loo adeegsado baahiyahaas guurka ku tacaluqa


Gadhluhu ha guursado
Garbaad ugu leedee
Geel uu ka bixiyiyo
Gab''''a uu kudoonaa
Gabadhii rabtaayoo
Gayigana ma yaalee
Geesteen u doonaa.
Mustaphe Cabdiqadir (shine)

3.Mar labaad waxa soo galay Fuaad una jawaabay Mustafe waxanu ku doodayaa in arsaaqda ilaahay uu hayo qofkuu doonana siiyo. waxanu dhiiri galiyay in ay dhalintu guursadaan inta aanay dhiman ee god aakhiro u caraabin.


Guulihii ina umaa
garabkaaga taagane
isagaa gudoonkiyo
gabatiba kugu gargariye
Geeri yaanay kugu iman
Adigoon Guhaadiyo
Gabdho aadan dhalinee
Gadhlaw guurso .
Fuaad abdilaahi Hassan

4.Halkaasi marka uu xaal marayo waxa soo boodaya oo gagida toos ugu soo dhacay khalid xaashi oo afku malaha cuncunayay kuna raacsan arinkaasi mustafe.


Gadhluhu ha guursado
Garbaad u leedihiine
Haddii uu gasiin iyo
Guri uu dajiyo
Gabigoodba hayn
Inad guurso tidhaa
Garmiyaad u leedahay?
Khalid Hashi Aw jaamac

5.Waxa uu mar labaad Fuaad ku adkaysanayaa arkii hore ee ahaa in ilaahay umadiisa u gargaaro una naxariisto gargaarkiisuna yahay mid mar walba furan, Gabadh aad guursanaysaana wadato arsaaqdeeda Markaad isla beegsataan labadiina arsaaqadoodna ay kaafiyi karaan Reer.


Guulihii ina umaa
Garabkaaga taagane
Isagoo gaboodkiisiyo
Gargaarkiisu furanyee
Gabadhaad guursaysaa
Gargaarkeeda wadatee.
Marka aad isku gaysatan
Gurigiina kaafiye
Garaadkaaga galiyoo
Gadhlaw guurso ,
Fuaad Abdilahi Hassan

6.Mar labaad waxa kusoo noqday Khaalid waxa u qirayaa khaalid in ilaahay inoo gargaarayo dhamaanteen, Una naxariisto umadiisa mid gaar ahaaneed iyo mid guudba balse hadana loo baahan yahay tacab iyo in la dhaqdhaqaaqo si uu alle wax kuu siiyo


6.Gam’i waa sxbkayoow
Garweeyi guurkiyoo
Guuliihii in uumaa
Garabkeena joogee
Midhse iga garwaaqso
Tabacbaa gardaadsha
Inaad gabadh sariir iyo
La wadaagto gogole
Adigoon gabaatiyo
Gacal deeq u hayn
Gadhluhu inuu guursado
Garmiyuu uleeyahay ?
Khalid Hashi Aw jamac

7.Mustafe ayaa kusoo noqday markale waxa uu u doodaya Gadhlaha laftiisii waxaanu leeyahay gadhlahan aan guurba diyaar u ahayn maxaa lagaga dadajinyaa, waxa kale oo uu sheegayaa inaanu gadhlahani haduu uu guursan lahaaba helin guubaabo iyo cid ku dhiiri galisa Guurka. waxa kale oo uu cadaynayaa in odayaashii iyo Gacalkiiba ay doonayaan Gabaati iyo kharash aanu gadhlihii awoodayn . waxa kale oo uu Mustafe leeyahay malah arinka waynu isla fahmi laanahee bal Guurti iyo cid inoo garnaqda inoo raadsha .


Gadhlahani muxuu galay
Guurka lagula rooree
Gabayaagu sheegee
Gabadh aanu rabinoo
Gaba''''a uu u haynoo
Gadhcadaadigii iyo
Gabadhaa tolkii dhalay
Garta kala Cabsanayee
Gubaabo culusiyo
Gadhwadeena aan helin
Garan waayay xaajadu
Godka ay ku socotee
Gantaalkiinu sxb Gadhle
Waa ka dheeryee
Geesta uu danleeyahay
Gacalyahow asteeyoo Geedka
Noogu keenoo Guurti soo hordhiga
Oo Gambashada ka dheerow.
Mustaphe Cabdiqadir.(shiine)

8.Waxa kusoo noqday garoonka Fuaad waxa uu hada sheegayaa in guurku uu yahay guusha, dumarkuna yihiin kuwa raga gaadhsiiya guusha iyo barwaaqada lafteeda. waxa kale oo fuaad ku eedaynayaa dhalintan guurka ka cudurdaaratay in ay ka gaabsanayaan Gabdhihii iyo Gayaankii. Markalena qeexayaa in wakhtiyadii horeba intan imika laga bixiyo gabdhaha in ka badan laga bixin jiray sida boqol Geel, Baarqabkii iyo Gamaan,.
Gar waa loo islaame Maadaama uu Mustafe ka dhawaajiyay in laga garnaqo arinka Fuaadna kuma diidin ee ku taageer waxanu leeyahay inkastoo ragii talada goyn jiray ee Ina sanwayne ka mid ahaa ay hada galbadeen hadana bal dadka waawayn iyo abwaaniinta uun ha inoo garnaqaan.


8.Guushiyo barwaaqada
Guurka hogaanshee
Geesiga ragaana
Gabadh baa u hogaanoo
Gurgurshaaqa noqotee
Geesiyashii wadankaw
Gar miyaad u leediin?

Geesinimadu maaha
Dib Inaad u gurataan
Oo ad ka giigtaan
Gaarideenii Gabiley
Iyo gayaankeena oo idil’e
Gadhlaw Guurso.

Geedigeeni tagay
Iyo guurkii horeetaba
Gamaankiyo gudoonkiyo
Geela ugubka ah
Guurdoon ka bixin jiray
Gees maad u dhaafteen

Gar markay adkaatee
Geesaha ka dhilatana
Geesigii ina San waynaa
Loo gaysan jiree
Goblan talo aduunyooy,
Gadhcadaaga jira guurtida
Iyo Abwaanada Hadrawi,
Gaariye iyo Genay
Ha inoo gar tiriyaan
Fuaad Abdilahi Hassan 4 NOV 6:00 am

9.Waxa mar kale kusoo noqday Fuaad iyadoon laga jawaabin tii hore waxna laga odhan ayuu Waxa uu sheegayaa in guurku uu lamid yahay sidii nin boqol geel ah haysta oo gaawihiisii iyo agabkiisiiba diyaar u yahay hadana raga ku garab dhuftay oo sheegay in guurku yahay gaashaan bir ah Guraca iyo Danaysiga iyo shaydaanka laga hoos galo, sheegayna in guurku yahay mid ilaahay ajarkiisa kaa abaal marin doono maalinka yawmal qiyaamaha adoomihiisa.

Waxa uu hada banaanka soo dhigayaa in ninkii guurdoona lagu taageersan yahay mar walba lagu garab taagan yahay, jecel yihiina gadhluhu in uu guursado oo ubad dhalo aanu dhimana isagoon ubad lahayn.
Waxa uu eed wayn saaraya in gadhlihii uu si qaldan wax u wado oo gurac ku sinaysto sidii guumaysta oo kalena uu meelahaa kula gabanayo gabadh gayaankii ah oo aanu xalaashan, balse waxa uu sheegayaa in Bambadaasi aanay ahayn mid hadhaysa balse ay dib uga dhex qarxi doonto reerkiisa dhexdiisa Balse gaboodka kali ah ee sino lagaga badbaadi karaa yahay guurka.Hadana wax u tilmaamayaa in guurku yahay mid ilaahay ajar kugu siin doono maalinka la xisaabinayo adooma ilaahay.


.Gadhlaw Gu’ iyo dayr
adiguu ragii
Garabkaa yahoo
Inaad guursatoo
Goblan aanad noqonoo
Galban guur hortiiyoo
Gooni aanad bixinbay
Gidigood u guclaynayaane
Gadhlaw guurso

Adiguna garaadkaa
Guumays gadeedii
Gidaarada galmiyo
Gurac ku danaysataa
Godab aad gashay iyo
Gaax iyo Ceeb weeyi
Gurigaaga taaloo
Dib u guuxi doontee
Gufaacadeeduna soo
gadoomi doontee
Gadhlaw guurso.

Guurku waa gidaar iyo
gaashaan bir ah oo
Gaabsigiyo Guracaba
Isagaa garays u aho
Laga hoos galaaye
Gadhlaw guurso

Guurku waa gaboodiyo
Sidii geed hadh waynoo
Dadku ay dugsanayaan
Gal xareeda iyo wabi
Goonyaha ka joognoo
Gayigoo barwaaqo
Oo geelu kuu dhalay
Adna gaawahoo culan
Garabkaaga sudhanyee
Garashada bal maaloo
garaadkaga galiyoo
Gadhlaw guurso

Guurkii wanaagsani
Waa gunaanad wacano
Garabkaaga yaaloo
Guulaheena wayni
Gaar inoogu xulayoo
Geeridaa gadaalkeed iyo
God aakhiro markaad gashu
Abaalkeeda gudayaayee
Gadhlaw guurso
Fuaad abdilaahi Hassan 08 Nov 2009 1:13 pm

10. Ninkii Mustafe oon dhawaanahan la arag ayaa soo noqday meel uu u socdaalayba. Wuxu soo noqday isagoo yara taageersan guurkii Gadhlaha iyo Gaaridaba. waxa uu u ducaynayaa gadhlihii iyo gabdhihii waxaanu ugu ducaynayaa guur lagu farxo noqdana mid ay dadku xasuustaa oo aan la ilaawin oo dadka masaakiinta ahina ay ka quutaan quud maalmo ah. Duco uma kala dhimin waxaanu ugu duceeyay duco aad u wanaagsan


Gabadhyahay Ayaankaa
Gadhlayahow Asaagaa
Guur aad u Rooniyo
Guri lagu Nastaayoo
Guudidii Tolkiiniyo
Guud ahaan Bulshadu
Goob ay ku Faanaan
Guule idinka Yeeloo
Geestiinu Abidkeed
Gola buuxa Noqotaa
Gashigiyo Arsaaqdana
Guulaan Ka barinee
Geestiina Buuxshaa
Guud ahaan martida iyo
Gasiin kaa Ag''''oolee
Gurigiisu Madhanyahay
Goob ay Ka Quutaan
Guulaan ka Barinee
Gadhlow Guur Ha Moogaa.
Mustaphe Cabdiqadir (Shiine) 08 Nov 2009 10:44 am

11.Intii hore dagaalku waxa uu ku socday Gadhlaha ama wiilasha balse tolow gabdhihiina guurku saw kuma xidhna dee iyagana in la waaniyaa maanay haboonayn wixii qaldana lag digaa, wixi wanagsana lagu waaniyaa .

Kol hadii la isla afgartay guurkii gadhlaha waxa uu fuad u saaray xagii Gaarida waxaanu hablihii ku dhaliilayaa in haasaawahoodii yahay gaabis , waxanu barbar dhigayaa hablihii hore ee haasawaha u gudi jiray ee dhex jibaaxi jiray kaymaha xili habeen badh ah, waxaanu sheegayaa in ay hablahaasi ahayeen kuwo ciyaaraha galbin jiray, waxa uu leeyahay guurkaasi ay hablahaasi jabka u mari jireen ee ay amaaneen miyaad idina dhinac u dhaafteen.
Waxa kale oo uu tibaaxayaa in aduunyadu tahay wakhti gaabn balse dad badan ay ku badalmaan, dadkuna kala duwan yahay Heerkood nololeed iyo Caqligooda iyo Hantidooduba sidaas darteed aanay haboonayn in ragii ay dumarku ku wada xidhaan Hanti iyo Waxyaabo kale oo aanay awoodayn iyadoo loo eegayo dhaqaalaha wadankana. waxaanu sheegayaa in ay dumarku ku qaaliyeeyeen ragii guurka oo ay ka doonayaa Arooskooda Gawaadhi badan oo lagu hooyo iyo hotelo loogu tumo iyo guri qurux badan oo alaabtu dhan walba ka buuxdo.waxa uu si cad u sheegayaa in dumarkii ay ka niyad jabiyeen ragii guurka kuna xidheen shuruudo badan sidaas darteed ay haboon tahay in ay sidan wax ka badalaan oo dhaqaalaha wadanka iyo dhalinyartana isku eegaan,Iyaguna naftooda u naxaan kana hor tagaan in ay noqdaan Goblan.


11. .Adiguna gudooneey
Hasaaawahaagii inaad
Gaabis tahay garo
Gabdhihii gudooneey
Gudi jiray habeenkee
Hadii laga gudoomana
Gurxankiyo luuqda
Googooska mashxaradaba
Galbin jiray ciyaaraha
Ee garangartiyo jiibta
Giijin jiray sacabkaba
Guurkay amaaneen
Gees inaad u dhaaftaan
Gar miyaad u leediin?

Gagidani aduunyadu
Galin gaaban weeyoo
Waa lagu gadoomaa
Gayaankuna kala guran
Geesba geeska duwanoo
Garaadkoodu kala wacan
Gacantoodu kala furan
Gaba’oodu kala Hufan
Ginigoodu kala badan
Gadii aad rabtaan
Inaad guur ku xulataan
Gar miyaad u leediin?

Hal aan garwaaqsadoon
Ku gal furo gayaankoon
Soo gunaanado gabaygee
Gaban mayo aniguye
Galad iyo ayaanbaa
Lagu guursadaayee
Gabdhihii dalkaygoow
Galbiskiyo gaafkaba
Gidigiin gawaadhi
Gaadiidkeena oo idil
Gadhwadeen ka dhigataan
Oo laydinku guro geeyana
Guri aad rabtaanoo
Agabkiisu goonyaha
Geestaad ka eegtaba
Gilic-gilic ka leeyiyo
Hoonkaa baxayiyo
Guuxaasi garandaha
Guri kuma dhismee
Garaadkiina galiyoo
Gabdhayahaw bal guursada!!

Gabagabiyo ciil aan go’ayn
Gayaankiinii Galisee
gacmahiin furoo
Soo dhaweeya guurkoo
Gocashada ka daayoo
Guushana ogaadoo
Garoob yaanad noqonine
Gaariyeey bal guursoo
Gaadhoo is daba qabo
Ilayn waad gaboobiye ?
Fuaad Abdilaahi Hassan 13 november 2009 12:00 pm

12.Mustafe waxa uu leeyahay hadii aad ragii iyo dumarkaba inaad carabaabto garaadkaagu ku siiyay bal naga yara dhin gujada badan. Waxa uu mustafe si xikmadaysan u leeyahay hadi ninku uu wax hayo ama aad wax u dhiibto waa uu yaqan sida uu reer u dhisanayo waananu ognahay in guurku yahay shay lagu soo hirto oo gabdhaha iyo wiilashuba soo beegsadaan ee aan iska dayno gujada badan waxa uu leeyahay yaynaan cidna u tilmaamin guurka nin waliba wuu yaqaanaye.


12.Gabdhaha inaad ilduuftaa
Gartaada miyay ahaatay
Guurdoonka inaad tilmaanto
Garaadkaa haduu ku siiyay
Gujada nagadaa walaalo
Gufayska ninkii yaqaana
Gogosha hadaad u dhiibto
Geeskuu ku gufayni garo
Guurkuna shay facwayniyo
Geed dhaqan waynle weeye
Guurdoonku ku soo hirtaayoo
Gashaanti ku beegsadaaye
Guuluhu ha u dhameeyo
Gocashadana aan ka dayno
Mustaphe cabdiqadir (shine) 15 Nov . 10:18 pm

13.Waxa u fuaad ka gilgilanayaa Eedaasi Mustafe waxaanu sheegayaa in uu kaliya wado dhiiri galin dhalinyarta rag iyo dumarba ku qotonta oo loo baahan yahay mid la hirgaliyo. Waxa u leeyahay dhaman dhalinyaro Gadhle iyo Gaariba yaan la moogaan guurka.


Gar alay taqaanaaye
Gabdhani aan maagiyo
Gadhlahani aan qoonsaday
Guurkani aan dhisayee
Gogoshiisa tolayaba
Guubaabo weeyi
Garabkiin aan dhigayuun
Balse iga gudoomoo
Gees inaad u dhaaftaan
Garaadkiinu yuu dhihin

Geesigii hanwaynaw
Gabdhihii dalkaygoow
Guurdoonkaa gabanayaw
Gurac lama amaanine
Gidigiin guur ha moogaan
Fuaad abdilaahi Hassan 15 Nov 2009 12:09 pm

14.Markale waxa uu fuaad eedaynayaa Gadhcadaagii iyo odayaashii Gabdhaha dhalay oo iibinaya hablahoodii kharash badana ku doonaya.
Waxa u mar kale canaanayaa hablihii oo guurkii qaaliyey kuna kalifay dhalinyartii iyo geesiyashii dalka inay tahriibaan.
Hadana waxa uu Raga qaarkii ku eedaynayaa in ilaahay u gargaaro adoomihiisa sidaa darteed aan xaalkoodu ahayn Gabaati ay ka baqayaan ee sikale xaalkoodu yahay.


Geesgiii hanwayn iyo
Guurdoonkii jirayee
Guri iyo Gabadh
Xalaala guule ka baryay
Gacalkii ka doonayee
Gadhcadaagii dhalay
Geed adag iyo garays
Uga dhigay gidaaree
Gar miyay u leeyiin ?

Gabdhahani gadooday
Gudoonkoodu adagaa
Goormay gadoomeen
Gaaxdoodu fogaa
Garaadkoodu xumaa
Gayaankoodii wakaas
Gudihii dalkoodana
Gidigood ka yaacoo
Gocashay tirsanayaan

Gadhlahi gaboodiyo
Gaba’ii ka baqayaa
Gargaarkii alle isna
Muu gadaal marine
Geestuu u jeedaa

Gudidii dalkeenuna
Gunihii dalkeeniyo
Guryihii dadkoo idil
Iyagaa gadaayoo
Gabdhihii dalkeeniyo
Gaaridii iyo gayaankuba
Gudcurbay ka gudayaan
Fuaad Abdilahi Hassan 16 Nov 2009

15. Intii hore silsiladu waxay ku socotay Xarafka (G) balse hada waxaa badalay Mustafe.
Mustafe waxa uu leeyahay wakhtigaa is badalayee waxaan helay gabadh aan AYAAN Ula baxay oo aan doonayo in aan wada abuurno aqal aan dhismihiisa ka masuul nahay. Waxaanu leeyahay mudo ha la isugo oo yaan la igu dadganin.


Arligiyo aduunyada
Ayaamahan ordaayiyo
Aynigaynu joognaa
Anfariir ka buuxaa
Aniguna asaagay
Aynigaan la noolahay
Ayaan midaan idhaahdiyo
Asma''''adood haweenkaba
Anaa soo xergaynoo
Aqal aan masuuliyo
Aniguun dambaaboo
Arligana ka dheerayn
Ayaamahan astayniye
Aduu maad iyara sugi
Mustaphe Cabdiqadir 16 novermber 2009 10:00

16.Fuaad waa uu ka aqbalay Mustafe arinkaasi waxaanu qeexayaa in gabadhaasi AYAAN ay sharaftaada iyo quruxdadu afduubtay.
Wxa uu leeyahay gabadhani ma mid aad wada abuurteen xidhiidh adagbaa mise magacan waad iskaga bixisuun oo waa sheeko Mirqaantii Aroorta dumaysay. Waxa uu fuaad kula dardaarmay Mustafe mar hadii ay isaga iyo AYAAN ku heshiiyeen guur xalaal ah bal in uu dhawro gabadhan AYAAN una muujiyo muujiyo jacayl badan,Waxaanu leeyahay Masruufka, Dareenka iyo Raaxadana ha moogaan.

Waxa uu leeyahay Gabadhan AYAAN iyadana bal mid iga gaadhsii mustafaw waxaanad k tidhaa Ayaaneey aduunyadan aduu Mustafe kaa doortay oo qurux alle kugu manaystee bal xaajiga ilaali oo dhawr, balankii aad gashana waligaa ha beenayn AYAANEEY Ubadkiisa iyo Naftaadana u ilaali Jacaylka iyo Deeqdana si fiican u gaadhsii xaajiga.

Waxa uu Fuaad ugu duceeyay reerkan in alle uu u gargaari doono oo ducada alle aqbalo naxariistiisana ka waraabin doono. Hadii ay diinta ku dadaalaan.


16. Mustafaw mudnaantiyo
muuqaaga wacan bay
Miyirkeedi beeshay
Midan aad jeclaatee
Mutahay laabtaaduye
Muxibada kalgacalkana
Midigteeda saartay
Kula moosi doontee
Miyay kula ogaatoo
Misciin u baad u leedahay?
Mise waa mirqaan iyo
Muuqii horeetiyo
Midabkaad jeclaato
Magac ugu tilmaanto
Macno ugu samaysoo
Masalaad ka leedahay ?.

Midse iga gudoono
Mar haday ayaan
Adi ku magansatay
Muxubada jacaylkiyo
Meertada aduunkaba
Miisaanka saaroo
Maslaxoo masruufkana
Midigteeda galiyoo
Muraadkiyo dareenkana
Mustafaw ha moogaan

Midse iga gudoonsii
Mudantaad jeclaatoo
Midhna iigu sheegoo
Mustafaw bal gaadhsii.
Ayaaneey asaagaa
Adigaa ardaagaba
Arligii ka muuqdoo
Ayaaneey aduunyadan
Axdigaad gashana
Idilkiisba oofiyoo
Deeqdiyo kalgacalkana
Odaygaaga gaadhsii


Isaguna ayaaneey
Adiguu ku doortoo
Ayaan kuugu yeedhoo
Arli kala soo baxee
Isagana bal dhawroo
Ubadkiisa koriyoo
Ayaaneey dadaaloo
Isagana ha moogaan

Daayinkeena waynbaa
Ducadeen ajiibiye
Rabibaa dushiinina
Daruuraha ku shubayee
Diintana ha moogaan
Fu aad Abdilaahi Hasan 18 november 12:00

Hadalbadni wax ma taro hawraar wacanse kamaanu tagine markay sheekadu halkaa marayso ayaa waxa dhacday in Mustafe iyo Fu''''aad ay talo iswaydiiyeen bal in dadka kalena arinta laga dhaxaysiiyo sidaas daraadeed ayay isla garteen in la sameeyo suugaan soo dhawayn iyo tusmo ah oo ay ugu talo galeen cidii kalee jecel inay ka qaybqaadato hawshan iyada ah waxaana ku horeeyay Mustafe oo isagu soo diray maanso gabo gabo u ah silsiladii socotay dhana soo dhawayn u ah cidii kale ee jecel inay ku soo biiraan waxaanu yidhi:

Gadgadoonka waayaha
Galin waliba xaalkii
Galab waliba hawsheed
Gasiin waliba weelkii
Gabadhwaliba quruxdeed
Guurdoon waliba dookhii
Guur waliba noocii

Afartaa sidirigam
Araar aan u jeedoo
Aynigay u dirayiyo
Arin culus ka soo qaad

Gadhle aan u guurshiyo
Gabadh aan aroosniyo
Guri aan yagleelnaa
Guhaad aan ka baqaniyo
Godob nooma soo wado
Gidigii barwaaqiyo
Goob lagu aflaxa iyo
Gole loo hanwaynyahay
Geesi umada dhawriyo
Gaaridii tilmaan wacan
Goobtay ka soo bixi
Goobtay u soo bixi
Gurigaasi weeyaan

Afartaa sidirigam
Araar aan u jeedoo
Aynigay u dirayiyo
Arin culus ka soo qaad

Gudoonkii barbaartaay
Geesiyadii astaysnaa
Khaalidiyo fu''''aadow
Gabaygii wacnaayoo
Galahii balaadhsame
Gunta shay ku yiiloo
Gubayay nafteenaad
Golihii dhexkeenteen
Gudi aad u saarteen
Gabagabadu waxay noqon
Garan mayo aniguye
Guulaan u dhaafee
Gabay ninkii ku dari kara
Gudi kii ka noqon karee
Garta niqi karaayow
Gidigiin barbaariyo
Gadhcadaadi kaad tahay
Goluhu idiin furan
Gacmo furan ku soo gala
Geestaad ka soo gali
Go''''aankiina weeyaan
Gabayguna inoo furan
Mustaphe Cabdiqadir

halkaa markay hawshii marayso ayaa waxa markale isa soo tuuray abwaan Fu''''aad oo isna jeclaystay inuu dhinaciisa sameeyo soo dhawayn iyo gunaanad ayaa ku soo galay gabaygan oo Xirsi xidh u ah silsiladii taxnayd ee Gadhlow Guurso oo ka socotay website ka dhalinyarta ee FACEBOOK waxaanu yidhi sidan:

Garabkaasi midig1 iyo
Garabkaasi bidixaw2
Gacal iyo xigaalkiyo
Gabdhihii dalkeeniyo
Geesigii bilnaayaw
Gaasiray haweeniyo
Gadhcadaagii dhalayiyo
Garayskasi xidhayee3
Guri iskugu geeyiyo
Gurmad talada gooyiyo
Guurti aan la doorano
Gaar aanan xulanoo
Go''''aankood na deeqiyo
Gidi talada gooyoo
Guurkani garaarahiyo
Gufaacada yeeshayee
Gabanada ka dhigay
Gudon iyo gacaliyaheediyo
Gayaankeena oo idil
Garashada bal maaloo
Gabiguu ka dumiyo
Garabku ka jabay
Geestiisa noo sheeg?

Gabayguna gun iyo baar
Halkuu daaran yahay garo
Gees yaanu kaa marin
Fu aad Abdilaahi Hasan


Sharaxaad
1.Garabka midig iyo garabka bidix waa labada dhinac ee ila wadaagayaa silsilada waa khaalid iyo mustafe oo ah abwaaniinta mustaqbalka..

2.Garayska xidhayaa waa ninka meheriyaha ah ee isku sharciyeeya raga iyo dumarka

Waxaa halkaas ku dhan silsiladii Gadhlow Guurso oo ahayd mid tijaabo iyo tusaale u ah dhalinyarada bal in ay soo baxaan dhalinyaro suugaaneed dib u soo celiya calankan suugaanta ee aad moodo in ay cadeediisii sii galbanayso
N.B: wali suugaantan kamay qayb qaadan cid ka baxsan sadexdaas qof oo kala ah Mustafe,Fu''''aad iyo Khaalid balse Waxaan rajaynaynaa soo daabicida ka dib inay balaadhan doonto
Allaa Mahad Leh

Waxay silsiladan dhex martay niman dhalinyaro ah oo kala jooga wadanka gudihiisa iyo dibadiisa oo ku barbaranayay silsiladan markad qalad badan in uu ku jiro ayaa suurto gal noqnaysa. hadaba wixii talo iyo tusaalayn ah waxaad kusoo hagaajin kartaa……….


waxan halkan mahadbalaadhan iyo salaanba udirayaa dhallinta curisay maansada {Gadhlow guurso}
iyo bahda shabakada Gabileynews waana arin muhiim u ah dhallinyaradeena anna aragtidaydii

Gabal dhacay habeengalay
Gudcur reer maguuroo
Bahalkaa gumaadee
Waaga galalacdiisiyo
Geed waa dharaaroo
Guushu waa cadceedee
Guubaabo wacan iyo
kaftan dhiirigelinaad
ragyow golaha keenteen
anigana garaadkay
godoblaysku haystiyo
meesha gari mataalee
maxaa guudcadaa iyo
rag kale looga geeyaa
kaftankiina gaarka ah
waa gaddii waxgaradkee
anna garashadaydii
guurku waa hidaayoo
gacaliyo sokeeyaba
waa goob ufaxoo
gabdha iyo wiillkana
waa guul u hoyatee
maxaa guudcadaaiyo
rag kale looga geeyaa
gadhle iyo haddaytahay
guud ahaan radiyo dumar
gaaliyo islaamkiyo
gidigood addoomaha
guri lagu nastaa iyo
guurku raaxo weeyee
guunxun oo lanaca iyo
goblan intaad ahaanleyd
inla guursadaa mudan
gobeey hadal dhameysoo
iddinkaa gorfeeyoo
gabayga iskuraacoo
weliba goolal dhaliyee
maxaa guudcadaa iyo
rag kale looga geeyaa
gabbaha iyo yaradkuna
dhaqan guunna weeyoo
waa waxgaar innoo ahe
ninba intii u goynkaro
innu geeyo weeyaan
guushana allayska leh
galadna waa korkiinee
golle kafuul hajoogee
maxaa guudcadaa iyo
gabayaaga caankiyo
rag kale looga geeyaa
gabiley iyo newskeed
bahda galisa wararkaay
dhaglaskii gamuuntiyo
ridijiray gantaalaha
cawliyo gaddiisii
geesigii da,dayaraa
xigmadaha gadhoodhka ah
ku manaystay guuluhu
galdaloolo iyo ceeb
wuxuu gabaygu leeyahay
isagaa gufeyniye
Ilko-jiir hasoo gallo


M M Eleye{Suweys}
from Holland
Maanso: Maan Garan Guntii

waan salaamya dhamaan Hawlwadeenada Shabakada Wararka ee Gabiley news iyo akhristaasha

Maansdan {maan garan guntii}

waad mahsadsan tihiin akhristaaysha wixii khalad ka raali noqda waan salaaman tihiin.


Gada maanso

Maan galin

Habka loo gale

Gacal iyo xigaal baa

Geesahayga taagne

Ma gartami karaayoo

Gadhlaba waa taa tidhaadeen

Goor habeen guursee.

Godka aad ku nooshiiniyo

Waa maxay gidaaradu

Ma guducur baa dhab moodeen

Ma dayax galacle ayaa jiray

Ma cirka a guududan

Ma dhulkaa gamuran

Ma xaajada guracan

Gacal sidan waa yaab

Gabaygaa sidaase

Goonyahay aduunyada

Gees walba ka eego

U gadooma labalaba

Faysalo waa gadiise

Cabdi baa u gogol dhigi

Ana waaw gadaal bixi

Dhalin yaro si gurtay

Golihiin salaam guud

Ama gaad ka ciyaar

Gacal ma nabadbaa?

Maanta waa gedeye

Bari maa ila gurtaan

Goobeyda maansada

Gocbtiyo casaanka

Gungumuhu ka leef

Maan garan guntiiyo

Waan gooniyoobe

Gada may ila haysaan

Waxan ahay gacale

guryo ma ila haysaan

gole yahow balaadhani?

Goobaad aan jeclaa

Ina gunihiyo

Gururaa aroosee

Garta ma ila gosaan

Hadal guna maan odhan

Garta maan fara galin

Goon yahay kamaan degin

Gunta hoose maan galin

Gacalow walaale

Gujis baan ku jaroo

Waan gooni badhee

Ma fara galine

Waan goobaayo

Waan gunaanadee

Gacalow ma nadabaa?

maxamed abokor



Sinihii wajaaliyo, Suradlay agteediyo,Subulihii ku hooraan
Sidiisii hilaacoo,Sahal maaha xaalkuye


Sida roob onkodayoo
Sinihii wajaaliyo
Suradlay agteediyo
Subulihii ku hooraan
Sidiisii hilaacoo
Sahal maaha xaalkuye
Saaxibayaalow
Subax wacan dhamaantiin
Samo lagu badhaadhiyo
Saw maaha nabadoo
Sacabkiyo mashxaradiyo
Sidii lagu yiqiinay
Saafi maaha beeshuyoo
Saxan saxo udgooniyo
Subagiyo dhaydii
Sidigtii irmaanayd
Soortiyo xeedhada
Sidii looguma dhaadoo
Safiyiyo suleekhiyo
Simaniyo ayaaniyo
Suuradii haweenkiyo
Suugaanteenii noolayd
Sadrigiina kuma taal

Sadexdaaa salaaniyo
Sifa aan bixinayiyo
Su''aal guud ka soo qaad

Sa''da kama baxaayee
Sadar kale aan dheehdee
Suwaysow bariidiyo
Salaanbaan ku siiyee
Saxaafada dalkeeniyo
Sadaradan ka dheehoo
Sidii aan u jeedniyo
Sirtii kuu bidhaantoo
Sawdkaagii na soo gaadh
Silsiladani socdaaliyo
Sahanbay gudoontoo
Saadaalbay tilmaantoo
Sirta oon gunteediyo
Salkeeda gaadhnoo
Sakashada ka saarno
Salka looma dhigayee
Siday adiga kula tahay?
Su''aashaa jawaabteed
Sirtaa baaninteediyo
Sakashada ka saarkeed
Saaxiib ka soo hadal


Sadexdaaa salaaniyo
Sifa aan bixinayiyo
Su''aal guud ka soo qaad


Sa''da kama baxaayee
Sadar kale aan dheehdee
Suugaantii dalkeeniyo
Sifihii wacnaayee
Sabankii awowgeen
Sahay inoo ahaydiyo
Sabigiyo dhalaankii
Sodohahiyo waayeel
Sawkuwan la doorshee
Sidii ruux la helayoo
Sixir loo maleegay
Siloonee sikale ah
Samahii ka guuree
Surinada magaalada
Suuqyada dhex buuxee
Sidii oo wanaaguba
Siloonaanta yahaybay
Samaanta dadkeeniyo
Siduu yidhi ilaahay
Soo faray rasuulkeen(CSWS)
Sahal ay ku dhaafeen
Sida ay u jeedaan
Sifo gaalo weeyoo
Sina kuma haboonee
Sidii looga baanini
Saaxiib ka soo hadal

Sadexdaaa salaaniyo
Sifa aan bixinayiyo
Su''aal guud ka soo qaad

Sa''da kama baxaayee
Sadar kale aan dheehdee
Silsiladani sideedaba
Suugaantii dadkeeniyo
Sifihii abwaanada
Sawdkii dadwaynaha
Sidii uu ahaan jiray
Soo toosi garatee
Saaxiiyaalow
Siday idinla tahay
Saxaafada dalkeeniyo
Suugaan ku soo qora
Samo inay ahaatoo
Surmaseegto laga jiro
Saatirbaan baryaayaa


Sadexdaaa salaaniyo
Sifa aan bixinayiyo
Su''aal guud ka soo qaad

Mustaphe(shiine)
Cigaal36@hotmail.com

Maanso Cusub oo la magac baxday Saranseer iyo Abwankii M.M.Eleeye(Suways)


saxaafada dalkeeniyo
saaxiibkey shiinow
marka hore sallaan guud
iyo subax wanaagsane
marka xiga silsiladii
gadhle laga socdaalyoo
sa''buu xaalku marayaa
aniguna sidaydaba
ma''sameyn ayaamahan
mana sugin warkeygii
saaxiibow layaabkiyo
dumar uu salluugiyo
surucyada lahaan jirey
wax lasuggise weeyaan
adigaa sargooyoo
sa''da kama baxeynee
waa suáallo dhawroo
mana aansalluugine
inta aanan sugginee
aanan sixin jawaabaha
gadhle maa lasaamaxay
mise wa isasaxayoo
wuxuu keenay saaxiga
xarafkey ku socotiyo
sawtan sawdki lagabaxay
saaxiibayaalow
waa mid idin sugeysoo
waa suáal idiintaal
adigaa sargooyoo
sa''da kama baxeynee
aan u noqdo suáalaha
saqladiyo ciyaartiyo
sagsagtiyo mashxaradiyo
horta sacabku waa been
siddii lagu yiqiiniyo
saafi maaha beeshuna
rag siwaabanbaa yimid
oo sabada soo galay
subaga iyo dhaydii
darbaa sacabada u dhigay
inta badanna seejiyey
sidigtii irmaanayd
saxariirta lagu heley
innay surinka dhaaftoy
soofdaran habawdana
qaarbaa suumanka u xidhan
adigaa sargooyoo
sa''da kama baxeynee
suugaanti noolayd
raggii suubin jirayee
saqda dhexe lalabijirey
malaha waa laseexshoo
way suursanyihin weli
yarteenii salluuglana
cidna sabankan uma kicin
saranseer abaareed
surbacaadka jiilaal
markay suuryo xidhaniyo
gasho surin cidhiidhyoon
sancadka iyo hadimada
kii ka saarilaabey
sinnuhuun ku dhegeysaa
adigaa sargooyoo
sa''da kama baxeynee
sidaasay ku darartaa
sahandambay ku murantaa
allayeyga saaraay
maan moodahayn siddan
gadhluhu wuuna sirayoo
innu guursugaayiyo
samaanu u fileynee
siduu xaalka leeyahay
jinbaa sacabka nootumay
gadhluhu suurro baddanaa
sawkii suubanaayee
xumahaba ka soonnaa
waa lagu surmiyayaa
shiinow waa sidaasiye
maxaad saaka haysaa
M M Eleye{Suweys}From Holland

Silsilada Gadhloow Guurso oo ay Bilaabeen Hal Abuuro Da,yar oo reer Somaliland kala Soco Gabiley News oo ku soo Dir Maansooyinkaaga gabileynews@hotmail.com......

Suwaysow salaan sare
Marka xiga su''aal guud
Sadexaad tilmaaniyo
Siday tahay ujeedadu
Aan sifeeyo xaalkee
Sidan aad dareenteed
Suugaantii taxnaydiyo
Silsiladii ku diideed
Ku saluugtay gabaygii
Sobobteedu waa maxay ?
Sa''dan aan uboodaa
Sakashada ku galisoo
Saaxiib waan arkaaye
Siday tahay aan sheegee
Sadaran ka dheehoo
Silsiladani guurbay
Sifihiis ahaydoo
Sama inay tilmaantay
Sahankiis ahayde
Sirtan kuu bidhaanteed
Ku saluugtay gabaygii
Siday tahay bal ii sheeg ?
Surmo seegto may noqon
Sifa kale warkii daa
Saatirbaan ka barinee
Saaxiib bal soo hadal
Sa''da kama baxaayoo
Anigaa sar gooyoo
Adna iguma seegine
Suugaantaadii dheehdoo
Sifaheeda baadhoo
Siday aniga ila tahay
Su''aalaad gudoontaye
Saaxiibkeenii Guurdoon
Sidiibuu u joogaa
Samo ugu badhaadhaa
Sagal uu uraadshaa
Sakashana ma galinoo
Sahaydii kamay go''in
Saamaxaad isiiyana
Sawdkiisa kuma arag
Surmo seegto uu galay
Sadaradaba kuma taal
Sina uma arkaayee
Sida aad ku keentay
Suwaysow aduu sheeg ?
Sa''da kama baxaayoo
Anigaa sargooyoo
Adna iguma seegine
Sacabkii maxaa helay
Sawkan wali baxaayee
Sawdkiisii muuqdee
Sifihiisi wali jiro
Saafi weeyi beeshuye
Sirtan kuu bidhaanteed
Saaxiib ka dayriday
Siday tahay bal noo sheeg ?
Subagiyo dhaydii
Sinaan loo lahaaye
Sadna aan isdheerayn
Sacabka yaa udhigayee
Seejiyay kuwii kale ?
Sidigtii irmaanayd
Sidaad sheegtay adiguba
Saxariirta lagu helay
Inay surinka dhaaftoo
Soof daran habowdo
Suunka yaa u jiitee
Silic iyo darxumada
Sahay uga dhigaaya ?
Suugaantii wacnaydee
Sahaydeen ahaydee
Saqda dhaxe habeenkii
Suubin jireen aftahanadu
Sidaan aad ku sheegtiyo
Seexashaduna waa maxay ?
Saluuglana maxaa helay
Sawtii wacnaydee
Saransoor abaareed
Sarbacaadka jiilaal
Suuryo xidhan ka dheerayd
Surinada cidhiidhiga
Saban hore gadaashii
Saacad qudhaba may galin
Sidaad tidhi haday tahay
Kii ka saari''laaye
Saacad aan ku daahayn
Sidiibuu unoolyahay
Sa''da kama baxaayoo
Anigaa sargooyoo
Adna iguma seegine
Sirtani maxay tahay
Ku saluugtay guurkee
Kugu siray gadhluhuyee
Saluuglina ka hadalee
Sadarada ku sheegtay
Saaxiib anuu nabad
Saakana war li''iday
Silsiladii sideedii
Suwaysow inay tahay
Surma seegto laga jiro
Saatirbaan ka barinee
Samo iyo ayaankeed !

Mustaphe(Shiine)
Gabiley Somaliland
Cigaal36@hotmail.com


Maanso (Sahan)

Saaxiibkay shiiniyo
Suwaysiyo somaliyeey
Marka hore salaan iyo
Samo lagu nagaado
Saatir aan ka barino
Saliga nabigiyo  (csw).
Suuradaha quraankiyo
Asma’ada ilaahay
Sagaal jeer bal mara
Surmigiyo colaadaha
Inagaa sargooynee
Sadrigiina  galiyoo
Isku seegi mayno
Sa’dan aad bilawdee
Saaxiib ma nabadbaa?

Marka xiga socdaalkii
Safarkii aan baxayee
Salal aan ku tagaybaa
Salim aan ku imidoo
Saadkiina igama go’in
Suugaantii ma maqal
Silsiladii gadhlaha
Subciskeedi maan arag
Saxaafaduhu inay qoreen
Saas u maan ogaynba
Salaasa ilaa salaasoo
Sadrigayga maan galin
Sakasho inay ku sugantiyo
Surin laga baqaayiyo
Sursuur oodanee
Kugu soo sinaadee
Saaxiib ma nabadbaa?

Adigaa sargooyoo
Sa’da kama baxaynee
Silsiladii way ka
Salguurtay sidan ogayoo
Safafkii ay ku joogtiyo
Sadarkaan ogaabay
Surinkale ka maraysaa
Seeskii aan jeexee
Guur aan ku sugayaa
Salka lagu similahaa
Safarkiyo hayaankoo
Sii yara  fogaadee
Saaxiib maxaa helay
Sa’dani aad ku guurtayna
Kugumaan saluugine
Soortan aad  ku aragtiyo
Samaheeda noo sheeg ?

Marka xiga su’aal guud
Saylac iyo galbeedbaan
Soof aan ku tagayoo
Si sawaaban weeyee
Silsiladii gadhlahee
Saadaal wacnaydee
Sidkeedii markuu galay
Subaxii ay foolqaaday
Soofdaran habawdoo
Sidigtaan ka dhalin laa
Sabigay  dhashee
Socodka aan  barilaa
Saqdhexuu wareegaa
Suuqyada la dayrshiyo
Surinada silooniyo
Sursuur oodanee
Sarbeebteeda fahanoo
Sobobteeda  sheeg?

Idinkaa ka salaliyay
Sida aan filaayee
Saluug iyo sahwi
Sawaxan iyo sarcaad
Sidii ay  ku timid
Sa’da iyo siinka
Saaxiib inay ka dhigato
Sobobteeda noo sheeg ?
Ma iyadaa sardhaysan
Mise sa’dani iyo
Siinkani gudayaa
Soof daran habawshoo
Sagaalkii bilood iyo
Sidkeedu markuu galay
Sees kale u taagoo
Siin ugu asteeyoo
Sabo kale ku maaloo
Sidirigam uu ku yidhiyoo
Saancadkoo batiyo
Salfudaydii xaaway
Saaxiib la noqotoo
Sidaasay ku timid
Saaxiib su’ashaas
Sarbeebteeda fahanoo
Sobobteeda  sheeg ?

Adigaa sar gooyoo
Surma seegto yeeshee
Suulka inaad isjarinbaan
Saatirku baryaayee
Safka hore bal joogsoo
Sa’dan aad bilawdayna
Socdaalkeeda dheeree
Sadka aan u dhawrnee
Ana maan saluugine
Waan kula socdaayoo
Waan kula sasabiyee
Seeskay ku joogtiyo
Sumadeeda noo sheeg?

Siinkiyo sa’dana
Adigaa sargooyoo
Sahal baad ka dhigtay
Sahankeenii guurmeere
Salfudayku waa maxay ?
Sawtaad guurdoon ahayd
Sawdigii gadhlaha galay
Sayyi inaad noqotiyo
Jacayl kugu sugnaadee
Saablayda feedhaha
Sabo uu ka dagay
Saldhig kaa samaystee
Saqda dhexe habeenkii
Saacadihii ku seejay
Ku salaaxin hurdadee
AYAAN sawtii aan doonee
Salal aan u tagayee
Saylac iyo xeebaha
Subulaha ka baadhee
Gabadh Suni ah oo
Sawjad aad ka dhigatoo
Suuradeedu wacantay
Sahan aan ku maqnaa
Samirbaad lahaydee
Salfudaydku waa maxay ?

Saadaal rumawdiyo
Saxansaxo udgoonbaa
Saatir aan baryaayoo
Sahan baan ku jirayee
Seeskani  ayaa dhigay
Saluugladani yay tahay ?
Sacabkani baxaayiyo ?
Salagsalagtana yaa dhigay?
Yaa soohay suuryadan
Salka aad u joogtana?

Sidii roob hilaacoo
Sinaheena oo idil
Sabo wanaag ka hooroo
Saylana ka onkadayoo
Seerma waydadiisuna
Saxaraha ku joogtoo
Salaxley ku da’ayaad
Sidiisii hilaacdoo
Saaxiib waan arkaaye
Sahal maaha xaalkuye
Sixirkaniyo saarkan
Siduu uu ku yimid
Waa siyaakhad dunidiye
Ma saaloonid malahee
Sobobtuu ku yimid
Sarbeebta bal fahanoo
Sifahiisa  noo sheeg?

Saansaanka muuqdana
Siinlaybay noqonaysaayoo
Saranseer ka dheeree
Su’aalahiina  suwaysbaa
Siday ahayd u sheegee
Isagaa sar gooyoo
Sifahooda baadhee
Sidaasay ku saxanyiine
Sayaxuba arooryaha
Saacaduu la joogaa
Subaxii yimaadee
Sarbeebteeda fahanoo
Sobobteeda  sheeg?

Sawdkani aad qaadiyo
Surinkaad maraysaa
Sibiq yaanu kugu dilin
Sakalaha xidha oo
Suunkana adkaysoo
Sawjar haygu noqonine
Sahan waa la dhawraa
Salfudayd umaad dhalane
Saakana maxaa furay
Sa’dii iyo siinkii horee
Seefaha lays daraye
Surmigiyo colaadiyo
Saranseerka dhigay ?

Sa’du waa halkii
Sabadii la dagayee
Saxarlana sidkeedii
Soof daran habawdee
Seeftiyo dagaalkana
Lagu siiyay qaysee
Saaxiibkii hadraawi
Sardho uu ku dilayee
Seedaha ku jarayee
Saxarlina ku tidhi
Ninka soo socdaw joog
Waxaad soo sidana celi
Anu waan salfududee
Shiinaw sidoo kale
Surinkaynu marayniyo
Seeskii adaa dilay
Suways wuu sanqanayaa
Sa’dan aad inoo furtiyo
Siinkii  ka boodyee
Aniguna sidoo kale
Sadaashii wacnayd iyo
Silsiladii guurkaa
Soo noqo an leeyahay!

Sanad waliba hoodaloo
Salaad waliba imaamloo
Safka horuu ka galayoo
Satir buu baryaayoo
Subciyaa quraankee
Suaashas bal saafoo
Somalidani surmigiyo
Colaadaha samaheedu yahay
Sarbeebteeda fahanoo
Sobobteeda noo sheeg?

Sadarkaaga celiyoo
Sawdkaaga badaloo
Seeftii gayaankuna
Saawir yaanay noqonee
Silsiladii horeetiyo
Gadhlihii ku noqoo
Soo socoo wax ii sheeg
Survey-gaan bixiyo
Socdaalkaan ku tagay
Sacaadadiin  agteedii
Saamigii I waydii
Isku seegi maynee
Talo aan sar goynee ?

Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland


Ka qaybgalayaashii Silsilada Gadhlaw guurso


1. Fuaad Abdalle Hassan                    
Hargeisa , Somaliland

2. Mustafe Abdikadir shine                
Gabiley, Somaliland

3. khalid hashi awjamac                     
 (mataan968@hotmail.com )
Malaysia

4. M.M Eleye (Suweys)

5. Maxamed Abokor