facultY ee aad diyaarisay balse Marka u horaysa waxaa lagu waydiinayaa (How many books did you read? ) imisa buug yaad akhriday,? waa maxay sobobta laguu waydiinayo inta buug ee aad akhriday balse aaan lagu waydiin inta jaamacadood ee aad ka qalinjabisay hadii aan taa kaa oon tiro, Inta buug ee aad akhriday waxay ay ka turjumaysaa
in dhamaantood aad diyaarisay ama aad qaybtay. Mida kale maynaan ku raaci Karin xikmadii angela carter ee ahayd : (Reading a book is like re-writing it your self) Hal buug oo aad akhridaa waxay la mid tahay in adiga laftaadu aad dib u qortay buugaas laftiisa sobobtoo ah marka aad si fiican u akhrido, ee aad u dhuuxdo, aaad la baxdo xikmadii ku jirtay si fiicana u fahanto, adiga iyo ninkii qoraagii miyaydaan cilmigaas uu soo bandhigay ka sinayn laf ahaantiisa iyo nuxurka ku jira iyadoo laakiin ay reeban tahay in aad dib u rogto amar la’aan .
Waxaa jirta xikmada ingiriisi ah oo tidhaa (Take time to read, it is the source of knowledge ) wakhti sii inaad wax akhrido waa ilaha ay ka soo burqadaan cilmiguye,xikmadani waxay si qotodheer inoo tusaysaa faaiidada akhriska iyo muhiimada wayn ee uu bulshada wax akhridaa ay u gaadhi karto horumar oo uu u horseedo akhrisku iyo una yeelan karto cilmi tayaysan oo , Waxaa kale oo aad maskaxdaada galisaa mar walba in qofka akhriska badan uu ka aqoon iyo xirfad badan yahay dadka kale,waxaynu si fiican uga dharagsanahay in xiliga iskuulka lagu jiro ama Jaamacadaba had iyo jeeer ardayga akhriska badan uu ka darajo sareeyo ardayda kale xiliga imtixaanaadka, Markaa bal is waydii adigu sobobta ?
faaiidooyinka akhrisku maaha wax la soo koobi karo balse aan ka taataabto dhawr ka mid ah :-
1. Waxaa laga faaiidaa sida wax loo diyaariyo ama loo wax loo so bandhigo loona qoro.
2. Marka aad wax akhrinayso waxaad tahay (Researcher ) waxanaad helaysaa cilmi kaa dhinaa, Maanta hadii aad doonayso in aad wax ka ogaato Habka barbaarinta wanaagsan ee ubadka waa inaad soo qaadataa buug ka hadlaya barbaarinta caruurta sida buuga Barbaarsame ee uu qoray Xasan Cabdi Madar kadib marka aad akhrido maxaa kuu soo baxaya cilmigii aad uga baahnayd oo faahfaahsan .
3. Wax akhriska badan wuxuu dhisaa heerkaaga luuqadeed oo aad si fiican u barato erayada ku jira luuqadaada ee kaa qarsoon ama aanad ka dharagsanayn macnahooda.
4. Qofka wax akhriska badan sidaynu horeba u soo sheegnay waa qof fahmadiisu fiican tahay si fiicana wax xafidi kara ama u qaybi kara.
5. akhriska badan waxa uu u horseedaa qofka akhristaha ah in uu si fiican u dul istaago una dhuuxo wax kasta oo u akhriyay ama uu dugsi ka soo bartay
6. akhrisku waa madadaalo iyo wakhti lumis faaiido leh oo aad kaga dhuuman karto balwadaha.
7. qoraalku ama akhrisku hadii aad ku dhiiranaato waa wehelkaaga ama saaxiibkaaga koowaad ( qalinku waa saaxiib kal sugan ee sunto fara ku hayntiisa)
8. Akhrisku waa sees ka mida seesaska nolosha qofka, waana qayb ka mid ah nolosha qofka.
hadii aan itaas kaga gudbo hordhacaa yaree qeexaya inyaroo ka mid ah faaiidooyinka akhriska bal sifican u eeg Qoraaga ama akhristaha Wanaagsan waa toosiyaha umada hadii uu qalinka ama maskaxdiisa u adeegsado dhanka wanaagsan, waxaanu ku hagi karaa bulshada uu la noolyahay Horumar iyo wanaag sida uu qeexay ninka xikmad yahanka ah (read books. they are good for us )Natalie Golberg .
Had iyo jeer qofka qoraaga ah ama akhristaha ahi wuu ka indho dheeryahay dadka,Markaa waa daruuri in lagu dadaalo Akhriska iyo qoraalkaba, waxaana had iyo jeeer qofka u horseeda in u wax akhriyo ugu horayn in uu aaminsan yahay in akhriska wax ka soo galayaan faaiidana u leeyahay , waliba waxa fiican in qofku uu yeesho xulasho uu kala xulanayo buugaagta Mawduucyada uu jecelyahay. waxaa lagama maarmaan ah in aad xiiso u hayso waxa aad qorayso ama aad akhrinayso si uu qoraalku ama akhrisku kuugu dhib yaraado balse hadii aanad niyad u hayn waxay kugu noqon karaan (dhagax la jabinayo oo kale) wax aad u adag oo dhib badan ,
Hadii aad doonayso in aad wax qorto ama aad wax curiso waxaa muhiim ah in Habka qoraalkaagu noqon karo qoraal ay wada fahmi karaan Bulshadu, ujeedana leh faaiidana u keeni kara qofka wax akhrinaya , Balse Qorida shay wax u dhimaya bulshada dhaqankeeda ama diinteeduba waxaa ka dhiiran inaad iska daysaba oo aanad qorin.,
Ogow Qoraalka ama diyaarintuba inaanay ahayn kaliya in aad qorto buug wayn oo dhawr boqol oo bayj ah ee qoraanimadu waa qalinkaaga oo aad adeegsato ha yaraaado ama ha badnaato una adeegsato dhanka wanaagsan balse dhanka xun oo aad u adeegsataana waa Dhaleecayn wayn oo ku Habsata qofka qoraaga ah .
Guul kasta oo la gaadhaa waxay ka bilaabantaa meel hoose (Dadaalaa Xaaji Cabaas wuu gaadhaa waanu dhaafaa ) waxaad maskaxda ku haysaa in maqaal yar oo aad qortaaa uu kuu horseedi karo in aad Mustaqbalka dhhaw (Berika maalin) noqoto Qoraa wayn .
Mid kalena aan ku xasuusiyo dadkeenu wakhtiyadii hore waxay ahaayeen dad aan aqoon qoraalka ama akhriska farta somaliguna ma qornayn,Sidaas ay tahay waxay adeegsan jireen qaabab ay wax iskaga reebi karaan si ay u ogaadaan Jiilasha ka danbeeyaa Hab Nololeedkoodii, waxaa ugu muhiimsanaa siyaabaha ay inagu soo gaadhsiiyeen Gabayga oo ahaa Madxafka ugu balaadhan ee ay awawyaasheen lahaayeen iyo iyagoo ahaa dad maskaxdoodu furan tahay gabaygana si fiican u xifdiy jiray,Balse hadana sidaas ay tahay taariikhdii umadaheenii inaga horeeyay wax badan Kama sheegi karno kamana hayno , waxaase woxogaa sugan laga hayaa intii ka danbaysay 1960kii sobobta ay u luntay taariikhda somalida oo jirtay mudooyin badan, may ahayn dad wax qora ee waxay ahaayeen Gabayaa, gabaygana looguma wada tagi karo taariikhda oo dhamaystiran inbadan oo kamid ah se waa laga helayaa iyadoo uu ay ugu horayso Qaybta dhaqanku ,Hadaba Maanta inagu gabay ma naqaan xikmad kalena ma naqaan balse waxaynu naqaan qoraal (Qalin) Hadaba si aynu maanta uga tagno ama u kaydino taariikho ay helaan jiilasha inaga danbeeyaa, waa inaan garano masuuliyadeeda oo aynu isku dayno inaan wax Qorno oo qalinkeena adeegsano.
Fuaad abdilaahi Hassan
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment