12 september 2009
waxay ka gali doonta taariikhda Somaliland Baal madaw, waa maalin la xasuusan
doono waxna ay ku qaadan doonaan dadka inta waxgaradka ah ee
caqliga la saaxiibka ah, 12 September waa maalinkii Caasimada Somaliland hargeisa oo hore looga bartay deganaansho iyo nabad ay ka aloosantay xaalad qadhaadh oo si toos ah uga bilaabantay Magaalada Hargeisa oo ay Ka bilaabmeen Rabshad aan nooceedoo kale ka dhicin mudo ku dhaw labaatan sano ee ay dawlada Somaliland dhisnayd, Waxay sobobtay rabshadasi sida ay sheegayaan ilo xogogaal ahi in ay ku dhinteen tiro ilaa saddex qof ah halka dhaawacuna yahay 13 qof oo iskugu jira shacab iyo askar.
Subaxnimadii 12 september golaha baarlamaanka waxa isa soo hor tubay Mudanayaasha Golaha baarlamaanka oo uu hore Daahir Riyaale ugu balan qaaday in uu siin doono furayaasha Aqalka baarlamaanka oo uu ka qaaday kadib markii ay abuureen mudanayaal muxaafidka ka tirsan qalalaase iyadoo uu mid ka mid ahi lasoo baxay Bastoolad golaha dhexdiisa.
caqliga la saaxiibka ah, 12 September waa maalinkii Caasimada Somaliland hargeisa oo hore looga bartay deganaansho iyo nabad ay ka aloosantay xaalad qadhaadh oo si toos ah uga bilaabantay Magaalada Hargeisa oo ay Ka bilaabmeen Rabshad aan nooceedoo kale ka dhicin mudo ku dhaw labaatan sano ee ay dawlada Somaliland dhisnayd, Waxay sobobtay rabshadasi sida ay sheegayaan ilo xogogaal ahi in ay ku dhinteen tiro ilaa saddex qof ah halka dhaawacuna yahay 13 qof oo iskugu jira shacab iyo askar.
Gumaysigu hashuu naga
dhaceen gurayey raadkeeda
Gu’yaal iyo gu’yaal
badan hashii gama’a noo diidey
Goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
Guuraha habeenimo hashaan gebi walboow jiidhay
Gaashaandhigeedii hashuu galowgu eedaamay
Hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, noogumay garane
Garre iyo guntane maalintay, gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree, xornimo noogumay garane
Geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
Galool iyo maraa iyo hashaan, kidiga geylaanshey
Gaajiyo harraad badan hashaan, ugu garaacaayay
Goortuu sadkeedii go’ee, galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo, godol ku sii deysay
Garaad midaan lahayn bay la tahay, waad ka gaa-gixine
Annagoo gantaalaha dhaciyo, haysan qori gaaban
Hashaan gaadda weynow libaax, uga gaboon waayey
Inaan Gorayacawl uga tagaa, waa hal soo gudhaye
Waxa sidaas u
dhaqmayaa waa mudanayaashi dhanaa ee lasoo doortay loona igmaday xilka intaa
leeg ee loo doortay in ay wadanka ku hagaan wanaaga ..Miyaynu ka waynaan waynay
in ay is qabqabsadaan mudanayaasheenu? Runtii waa arin murugo leh, Abwaan
timacade waxa uu tiriyay gabaygan hoos ku qoran 40 sano ka hor waxaanu sifiican
u qeexayaa sida aanay somalidu u dhisan Karin nidaam dawladeed, waxaa kale oo
aad ka dhex akhrisan kartaa gabayga Ta maalinkaas dhawayd ka dhacday golaha,
Tolow miyuu sii ogaa intaasi dhici doonto bal adna ila eeg .
Habar habartan loo kala
baxay iyo Hiririgtii yeedhay
Harfadii gidaarda la
sudhay Dumarkii heesaayay
Hadafba dhismaha
baarlamaan lagu Hubeeyaaye
Hadbana shicibku
caynkuu yahay baa lagu hogaanshaaye
Hanaankii wax loo
dooran jiray wali ma haysaane
Hadii ay taladu kuu
muuqatoon lagula haaneedin
Hifaatiyo waxay kugu
tartaa Huq iyo ciile
Anuunbaa hinganayee
wanaag uma hilawdaane
(Abwaan C/laahi
suldaan Timacade)
Isku dhacan danbe ee
12 September waxa uu ka bilaabmay markii ciidanku ay is hortaageen shirgudoonka
iyo mudanayaasha golaha wakiilada inay galaan xaruntooda kadib markii waan waan
laga galay dib u furista golaha baarlamaanka.
Hadaba markii ay
yimaadeen golihii ayaa waxaa hor istaagay golaha Askar una diiday xildhibaanada
inay galaan golaha askartaasi oo haysatay amar kasoo fulay dawlada Madaxweyne
Riyaale , waxanay mudanayaashu damceen iskuna
dayeen in ay galaan Xarunta Golaha iyagoo isku duuban oo ay kasoo lugeeyeen
dhakhtarka hortiisa inta ay gawaadhidoodii halkaa kaga yimaadeen, balse askartii
ayaa xabad dul marisay halkaana ka bilawday xaalad foowdo ah, ilaa ay xamaasadu
ku faaftay dhamaan shacabkii tubnaa Agagaarka Dhakhtarka Guud ee Caasimada
wadanka Somaliland Hargeisa.
Waxaa isku soo baxay
dad tiro badan oo kumanaan qof oo iskugu jira Rag, Dumar, Haween iyo Caruur,
kuwaasi oo taageero buuxda siiyay Golihii iyaga matalayay ee ay sida sharciga
ah ku soo doorteen , oo ay xukuumadu ka hor istaagtay inay galaan Xaruntooda ,
Waxay shacabkii bilaabeen in ay dhagax ku tuuraan ciidanka iyagoo hubkooda
kaliya ee ay adeegsanayeen ahaa dhagaxaan ,
Dad dhagax tuuraya in
rasaas lagu ridaa miyay banaan tahay ? Miyaanay dadku walaalo ahayn askariga
ridaya laftiisu miyanay ku jirin ubadkiisii iyo xaaskiisii ? Dadka Xabada lala
beegsanayo miyaanay nin walba ku jirin dadkiisii? Mise waa Yuhuud iyo Falastiin
oo sidii Falastiin ayaa lagu tacadiyayaa dadka masaakiinta ah ee hubka ay
adeegsanayaan yahay Dhagax ?
Xusuusta qaar waxaa
wanaagsan in aad is diidsiiso balse hadana waxaa lagama maarmaan ah Taariikhda
oo si fiican loo dul istaago loona eego dhibaatooyinkii Tan manta oo kale ahaa
iyo xalkoodii sida uu ahaa.
Miyaad ilawday dhawr
kal dabadeed Dulcad, Qaxootinimadii iyo kaneecadii.
Sida aynu ka wada
dharagsanahay Taariikhdu dib uma soo noqoto oo maalin ku dhaaftay soo noqon
mayso balse dadka ayaa soo celiya soona cusboonaysiiya taariikh hore u dhacday
tu la mid ah, Arinkaas hargeisa ka dhacay miyaynaan odhan Karin waxay muuqal shabahdaa Nidaamkii 1988kii madaxweynihii Kalitaliyaha ahaa ee Maxamed Siyaad Barre
oo dib ugu soo laabtay Wadanka Somaliland isla wakhtigana ay ceeryaamadeedu
hadhaysay Caasimada Hargeisa.
Inaad xasuusato
mooyaane waxaa jiray Wakhtigii siyaad barre rag badan oo guul wadayaal ahaa
balse xusuustaasi ma badna waxaanse marnaba la ilaawin Karin oo aad
xasuusanaysaa marka aad dib ugu laabatoTaariikhdii wadankii Somalia
madaxwaynihii kalitaliyaha ahaa iyo sidii uu u xasuuqay Maatida Reer Somaliland,
Sidii loo laayay rag badan oo geesiya ahaa dhintayna iyagoo wadankooda u
shahiidaya . Waxaa xusuus gaar ah u ah shacabka Somaliland dhalinyarti UFFO IYO
Ardaydii is Abaabulay ee kaSoo horjeeday Xukunka Kalitaliyaha, Halkaasi oo uu
ku nafwaayay arday ka mid ahaa ardaydii Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo
shahiiday isagoo dhagaxa tuuraya, Waxaa kale oo aan marnaba la ilaawi Karin
Ragii mujaahidiinta ahaa ee Halgamayay mudada badan, Taasi maanay la mid ahayn
ta manta Hargeisa ka taagan ee lagu laayay dad badan oo Maati, Dumar iyo Ragba
leh.
Dadwaynaha 12
September 2009 samaynayay Banaanbaxa ayaa waxay ku dhawaaqayeen Allaahu Akbar,
Allaahu Akbar , Waar dhagaxa Qaata ! Ha u dhaqaaqina ! Istaaga waa inaynu
Shahiidno, Waar qoryaha ka soo qaata guryaha oo iska celiya Faqashta.
Gawaadhida GT-ga ah ee dawlada hala gubo iyo erayo kale oo noocaas ah
kicinayana dareenka shacabka..
Waxaas oo xasilooni
daro ah, waxaasoo Hagardaamo ah ,Waxaas oo qalalaase ah ee lala doontay Dadkaa
muslimiinta ah ee waliba ku jira bishiii barakaysnayd Ramadaan Kariim Tobankii
Danbe, ee soomanaa waliba… Yaa ka masuul ah ?
Miyaanu arinkaasi
dulsaarnayn madaxweynaha oo doonaya in uu wadanka qalalaase galiyo , Maanta hadii uu Somaliland in uu danka leeyahay ama danaynayo jiritaankeeda
waxaasoo Hagardaamo ah lama soo hortageen Shacabka . Manuu dooneen kolba in
wakhtiga loo kordhiyo ee maalinkii ay ka dhamaatay ayuu doorasho ku dhawaaqi
lahaa ..
Dhanka kale miyaanay
ahayn in shicibku fikiro, Miyaanay ahayn inaan is waydiino.. Horta intee in
leeg ayaan dhisanaynay wadanka?, Imisa ayaan ilaalinayanay Nabada? Imisa ayaa u
dhintay dalka iyo dadka dartood ? suaalahaas marka aad iswaydiiso miyaanay ahayn
inaad Xasuusato Halqabsigii aynu ku calaacali jirnay markii aynu qaxnay ee
magan galyada ka helnay Ethiopia ee ahaa “ Ilaahii
dulcad iyo daroor na dhigaw adaa daainee dib noo celi.” Dib u celintii manta maxay midho
dhashay hadaba ? Maxaa horumar la gaadhay ? Maxaase tan manta dhaliyay
intaasiba waa suaalo u baahan Jawaabo una baahan in aad la isku waydiiyo oo
laga fikiro.
Waxaan dadwaynha kula
talin lahaa in ay dhawraan Xasiloonida, Nabada, Iyo deganaanshaha, waxaynu
leenahay Dad wax garad ah, Salaadiin, Caaqilo iyo Odayaal Beeleedyo,Intii
aynaan baran Nidaamka dawladnimo ee Cusub, Waxaa inoo talin jiray Salaadiinta
oo xalin jiray Dhibaatooyinka lasoo darsa Shacabka Si fiicana loo fulin jiray
Amarkooda, sidaa darted hadii ay xaaladu sidan ka xumaato iyaga ayaan talo
saaranaynaa si ay inoogu hagaan jidka wanaagsan ee Umadan xasiloonidooda iyo
dawladnimadooda dhawri kara..
Miyay tahay in Dagaal
iyo dhimasho iyo Dhiig Daata aan xalmoodno inagoo ka dharagsan Faaiidada dagaal
sokeeye uu leeyahay,( Dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho ) waynu
aragnaa maanta ta ka taagan Muqdisho sagaal iyo tobanka sano , miyay noo dan
tahay in aynu aynu maanta Somalia oo kale noqono oo aan dagaal sokeeye bilawno
oo ah ( Kugu dhimayayeey… Kaa
dhimayeey kii dhintaba waa ani )
Waxaa jira Dad badan
oo oo cadawgeena ah inagu dhex jira inala nool kuna farxaya Dagaalka dhexdeena
ah marwalbana doonaya sidii ay iskugu keen jabin lahaayeen ( Lafa gari iyagaa
la isku jabiyaa ) balse waa inaynaan ogolaan in la isku keen jabiyo oo wadankeena
qalalaase laga Abuuro,
Ogow Jabkaagu waa
cadawgaaga Farxadiisa, Waa lagama maarmaan ah in loo dhug yeesho.waxaa wax aad
looga xumaado ah askartan Wax-magaratada ah ee dadkooda iyo shicibkooda ula
dhaqmaya sida Shisheeyaha loola Dagaalamo, Dadkii loogu talo galay in ay
difaacaan ayay kula dagalamayaan qorigii loogu talo galay in shacabka lagu
difaaco lagulana dagaalamo Shisheeyaha, Marka ay maanta rasaastii iskaga
dhamaysay shacabkoodii maxay shisheeyaha iskaga celinayaan? Askarta manta la
beegsatay dadkoodii iyo dalkoodii Miyanaay arintaasi is matalin Diyaaradihii
inta ay Hargeisa ka duulaan ee ka shiraacdaan, Hadana duqayn jiray isla
hargeisa lafteeda Waxba yaanu ila dheeraan qalinku oo dad badan ayaa jira
oo cilmi iyo aqoon alle siiyay waxna ka odhan doona arinkaaas manta hargeisa ka
dhacay sidaa darteed waxaan kusoo gabagabaynayaa Gabaygan C/laahi Suldaan
Timacade, oo waxyaabo badan inooga iftiiminaya Hanaanka dawladnimada iyo dhibta
loo soo maray .
Waxaan odhan lahaa
Madaxwayne Riyaale iyo Dhamaan guulwadayaashiisa waa lala xisaabtami doonaa,
waxna la iskaga tagi maayo .
Fuaad Abdilaahi
Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
No comments:
Post a Comment