"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Prof A.I. Samatar waxa uu 2013 ogaaday in midnimadii Somaliyeed lagu hungoobay, halka badi shacabka Somaliland ogaadeen laga soo bilaabo 1961?


Mudo hal sano ah markii ay kasoo wareegtay is-raacii Koonfur iyo Waqooyi ayaa shacabkii Gobolada Waqooyi (SOMALIALND) ka muujiyeen niyad jab isla markaana waxa ay saraakiishii ciidankii Somaliland ee Ingiriisku ka tagey oo uu hogaaminayay
Ilaahay ha u naxariistee Marxuum Xasan Ibraahim Walan-Wal (Xasan-Kayd) ay isku dayeen Inqilaab si ay u lasoo noqdaan madaxbanaanidii reer Somaliland inkasta oo uu
inqilaabkaasi dhicisoobay. 

Niyad Jabka ay reer Somalland ka muujiyeen is-raacaasi waxaa kale oo ay kusoo bandhigeen Doorashadii 1961 oo lagu xalaalaynayay Israacii koonfur iyo Waqooyi taasi oo la sheegay in ay Goboladii waqooyi kacodeeyaan Dad aan ka badnayn 100,000 (Boqol kun oo qof) isla markaana badankoodu ku codeeyeen (MAYA), Doorashadaasi oo lagu shubtay, xaga konfurta waxa ka codeeyay 1,700,000 (Hal milyan iyo todoba boqol kun) oo (HAA) u codeeyey, waxaa la yaab ahayd in ay Magaalada WANLA-WEYN oo barigaa tuulo yar ahayd la iclaamiyay in ay ka codeeyeeyn 99,000 (Sagaal iyo sagaashan kun) oo ahaa (HAA ama OGOL ), Sida kor ka muuqatana u ku dhaw tiradii ka codaysay Dhamaan Goboladii Waqooyi (SOMALILAND), taasi oo caqliga ka fogayd,Shacabka Reer Somaliland oo arintaa la yaabay waxay Dhamaan dadka reer Koonfurta ku naanayseen WANLAWEYN oo noqday magac ilaa imika loogu yeedho reer koonfurka.

Dhaqaale curyaamintii,Cadaalad daradii iyo Qarabo kiilkii ay ku talax tagtay Xukumadii Siyaad Bare waxaa ka dhashay Somali National Movement (SNM) oo Ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed ka caydhiyay dhamaan Goboladii Waqooyi (SOMALILAND), Mudo kadib SNM waxay shiriyeen waxgaradkii, Salaadiintii iyo Aqoonyahankii Reer Somaliland isla markaana 18 MAY 1991 waxaa Burco si rasmi ah lagaga dhawaaqay Madaxbanaanida Somaliland. Si loo xalaaleeyo Madaxbanaanida Somaliland shacabka reer Somaliland oo isku duuban hadana waxay 2001 u codeeyaan Madaxbanaanida Somaliland Iyadoo %97 ay u ku codeeyeen (HAA).

Iyagoo shacabka Reer Somaliland ay intaas oo jeer muujiyeen sida loogu hungoobay Midnimada Somaliyeed taasi oo keentay aakhirkii in ay lasoo noqdaan Madaxbanaanidood ayaa taa lidigeeda PROF A.I. Samatar oo ah nin aqoonyahan ah waxa uu 2013 ogaaday in lagu hungoobay Midnimadii Somaliyeed isagoo ku tawaawacay "Waxaan Mugadisho tagay anigoo ka shaqaynaya Danta Umada Somaliyed balse waxaan soo ogaaday in aan ahay nin reer waqooyi ah" Su'aal kale waxay tahay Prof. Samatar Ma dadkii uu laba iyo labaatanka Sano qadiyadooda cadaadinayay ayaa aragti dheeraa Mise Isaga?

Fuaad Abdillahi Hassan
fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment