"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dacwadii Aniga iyo Labada Eedaysane maxay ku dhamaatay?


Goorsheegtu waxay ku sinayd tobankii subaxnimo, waxaan dhex fadhiyay xafiiskayga gaarkaa anigoo gudanaya shaqo maalmeedka ii yaalay, waxaa si kadis ah u  soo galaya dirawalkii gaadhiga xafiiska oo cod dheer ku qaylinaya  “Soo kac gaadhigii ayaa la jabsaday, soo dhaqso gaadhigeenii waa la jabsadee”  isla markiiba 
 fadhiga ayaan ka  boodayaa, waxaan usii talaabsaday dhankii gaadhiga aan ku ogaa, waaba gaadhigii xayndaabka xafiiska horyaalay iyo muraayadiisii dhexe oo rigaaxaha ah,nasiib wanaagse waxba lagala bixin.


Anigoo ku dhaygagsan bakhtigii muraayda ee kursiga dhexe dul yaalay ayaa dirawalkii oo anfariirsan mar kale yidhi  “ Waxaa gaadhiga Jabsaday laba nin oo halkan sii socda ee ina mari aan gaadhnee”Nimankii ayaan ka daba tagnay, hadii aan xafiiska ka fogaanay qiyaastii laba boqol iyo konton talaabona (250M) waaba labadii nin oo is hortaagan iyagoo sheekaysanaya.

Goortii aan gaadhnay halkii ay taagnaayeen ayaan u sheegnay in loo haysto muraayada gaadhiga la jabsaday, Si kasta oo ay iskaga leexin karayeen Eedaasi ayay isku dayeen, taasise may ahayn mid na qancisa, waayo Gabadha gasha guriga aan jaarka nahay ayaa noo sheegtay in laba nin ay  dhinac joogeen gaadhiga waliba midkoodna  aad ugu dhawaa. Nimankii waxaan ku qasabnay in ay na raacaan si gabadha markhaatiga ah ay noogu kala cadayso in ay yihiin iyagii ay indhaheedu qabteen iyo in kale.

Labadii nin waan soo kaxaynay, waxaan hor keenay gabadhii, mudo markii ay isku foodisay muuqaalka nimankii ay aragtay iyo kuwan aan dabada ka wadno ayay yaqiinsatay oo noo cadaysay in ay nimanku yihiin kuwii ay arkaysay ee u dhawaa gaadhiga.
 Xal waxan u aragnay in aan labada nin aan duuduub ku kaxayno si  aan sharciga taageero uga helno,  waxan gaynay saldhigii noogu dhawaa ee ku yaalay xaafada aan deganayn,  Waa xero magac saldhig sudhan yahay, mase lahayn muuqaal saldhig! waa cidlo iyo gabaahiir aanay noo muuqan cid naga caawisa danta aan u socono.

Mar danbe oo aan mudo dhex wareegaysanay ayaa nin xidhan wax dirays ciidan u eeg noola hadlay mid ka mid ah ciidanka saldhiga “ HELLO’ Waar xagee tagtay kaalayoo shaqayso “ ayuu ku yidhi, mudo kadib waxaa noo yimid masuulkii uu ninku la hadlayay oo  ay dacwadayadu u xanibnayd, Markii aan  uga waranay dacwadayada iyo waxa ay ku saabsan tahay kadib waxa u soo qaatay buug wayn oo sida uu u wayn yahay aan u macno buurnayn iyo qalin meel soke yaalay oo uu tiigsaday.

Far muuqaalkeedu raad shinbireed u eeg yahay oo la mulmulaaqay ayuu  Magacayga oo saddexan iyo ka hooyaday oo sadexan ku qoray buugii waynaa, isagoo sumad uga dhigay Dhibane, labadii nina  Magacyadooda oo sadexan iyo kuwii hooyooyinkood oo saddexan waxa uu ku ladhay  Eedaysanayaal!

Mar uu masuulkii I waydiiyay sobabta aan labada nin u keenay saldhiga? Anigoo si degan usoo bandhigaya cadaymo khuseeya dacwada ayaan idhi “ Labada nin waxa ay dhinac taagnaayeen gaadhiga xafiiska dhiniciisa, waxaa arkaysay oo noo xaqiijisay gabadh jaarka ah in ay u dhawaayeen gaadhiga balse nooma ay sheegin in ay arkaysay iyagoo Gaadhiga  Jabsanaya;

 Labada nin mid ka mid ah waxa uu jeebka ku sitay markii aan soo qabanay Dismis,  intii aan saldhiga usoo soconay waxa dismiskii lagu dhex tuuray gaadhiga, waxaana ka muuqda astaamihii  Muraayada lagu jabiyay ay kaga tagtay.   
Anigoo hadalka sii wata waxaan kusii daray “Halkii uu yaalay gaadhiga markii la jabsaday, siiba dhinacii la jabsaday waxaa ku yaal raadka mid ka mid ah labadan eedaysane oo aad soo arki kartaan.

Gaadhiga waxaa lagu jabsaday xaydaabkaa xafiiska hortiisa.  Labadan nin iyaguna waxay hortaagnaayeen xafiiska isla markaana dhinac taagnaayeen gaadhiga taasina  waxa noo cadaysay  gabadha jaarka ah.

 Waxaan cadaymahaygii kusoo afmeeray “Halkii aan kaso qabanay eedaysanayaasha oo xafiiska u jirta qiyaastii laba boqol iyo konton talaabo (250M) waxan ugu tagnay labadii nin oo wada taagan, iyaga oo sheekaysanaya,  waxayse mar danbe noo sheegeen in aanay aqoon ka dhaxayn labadooda.

Markii aan dhamaystay soo bandhigida cadaymahaygii waxa uu masuulkii jaleecay dhankii eedaysanayaasha isagoo waydiiyay wax ay isku difaaci karaan, waxayse nuxurka hadalkooda ku koobeenIn aanay jabsan gaadhiga ee ay  wadada uun marayeen, iyaga ahaana aanay aqoon ka dhaxayn!.

Hadiiba markii hore ee xafiiska ay hortaagnaayeen, gaadhigana dhinac taagnaayeen ay  si kama’ ah u kulmeen, hadana laba boqol iyo konton talaabo kadib maxaa isku keenay? Laba nin oo aan is aqoonse sheekada ka dhaxayn karta miyaanay far kuma godnayn? Bal adba! Waaba Qiiq isku qarintii la sheegi jiray.

 Markii uu masuulkii dhagaystay labadayadii dhinacba waxa uu u yeedhay niman qaab ciidan  leh balse calaamadihii ciidan ka wada muuqan oo meel dhaw joogay, waxa uu ku amray in la baadho labada eedaysane.

Labadii nin mid  ka mid ah jeebkiisa ayaa loogu tagay  Fure gaadhi markii la waydiiyay cida lehna waxa uu sheegay inuu leeyahay nin ay qaraabo yihiin. Eedaysanihii labaad waxa jeebkisa loogu tagay warqad uu ku xusan yahay  Magac Gabdheed isla markaana dhigata mid ka ah jaamacada dalka, warqadu waxay ahayd mid ay gabadhu ku bixisay  lacagtii jaamacada iyado sii dhex marisay xawaalada Dahabshii,  habka loogu yeedho luuqada qalaad (Deposit form).

Nasiib daro warqadii uu gabadha magaceeda oo sadexan iyo lanbarkeedu ku qornaa waxay ku dhex luntay  gacantii Masuuliyinta iyo Ciidanka saldhiga. Masuuliyiinta daqiiqado gudahood warqadu ka luntay dhexdeeda tolaw sidee wax wayn loogu halayn karaa?

Ilko Yaxaas hoosta ayay ka xidhiidhsan yihiin baaa la yidhiye, warqada iyo Furaha jeebka eedaysanayaasha laga helay Masuuliyintii saldhiga waxay kusii kordhiyeen tuhun kale,  Sidii ayaana lagu xereeyay nimankii.

Markii labadii nin la xidhay, Masuuliyiintii iyo ciidankii saldhigu waxa ay soo arkeen halkii gaadhiga lagu jabsaday iyagoo Kabihii eedaysanayaasha iyo raadkii isku hubinaya si ay  u xaqiiqsadaan mid ka mid ah cadaymihii aan u bandhigay ee khuseeyay dacwada eedaysanayasha, sidoo kale waxaan ku warejiyay Dismiskii oo ay marag kaceen in calaamadii jabintu ku taal.

Markii ay masuuliyiintii saldhiga xaafadu qoreen soona uruuriyeen wixii cadaymo muuqda ah, saacado kadib waxay kiiskii aniga iyo labada eedaysane u wareejiyeen Saldhiga Degmada oo ku yaalay meel woxogay durugsan.

Saldhiga degmadu waxa uu ahaa mid shaqaynaya, inkastoo dayac badan ka muuqday hadana waxa uu lahaa calaamado loogu garan karo saldhig ahaan, mana ahayn sidii Saldhiga xaafada gabaahiir cidlo ah waxaase xaadir ahaa masuuliyiin iyo ciidan.

Masuuliyiintii saldhigii xaafada ku yaalay waxay u warameen masuuliyinta saldhiga degmada waxaanay ku wareejiyeen labadi Eedaysane, kadibna way iska tageen.

Iyadoo dacwada aniga iyo labada eedaysane ay hore u dhagaysteen una qoreen masuuliyiinti saldhiga xaafadu hadana masuuliyiinta Saldhiga Degmada ayaa mar labaad dhagaystay, Buugii hore mid la mid ah oo sidii u wayn una macno yar  ayaa lagu xarxariiqay dacwadii iyo magacyadiiba, Eedaysanayaashii waa la xidhay, anigana waxaa la ii sheegay in la ila soo hadli doono markii la ii baahdo iyo in aan saldhiga iska xaadiriyo galabta.

Galabtii marki ay gaadhay ee aan saldhigii tagay, waxaa la ii sheegay in aan kiiskaygii baadhitaankiisa la gudo galin sidaa darteedna balan kale ayaa la ii qabtay oo ah bari subaxnimada.

Bari subaxnimadii ayaan halkii saldhiga iska xaadiriyay, Danbi baadhihii  gacanta ku hayay baadhista kiiskayga ayaan kulanay, waxuu I waydiiyay su’aalo door ah oo aan uga jawaabay sidii ay ahayd, Su’aal kasta oo uu I waydiiyay jawaabteeda waxa uu ku qoray warqad lifaaq kale leh. Su’aalaha uu I waydiiyay Danbi baadhuhu uma macno yarayn sidii kuwii ay I waydiiyeen masuuliyinta Saldhiga xaafada iyo degmaduba ee ay ku xarxariiqeen buugii weynaa.

Waxa uu iga codsaday in aan soo tuso gabadhii markhaatiga ahayd, Gabadhii markii aan u geeyay waxa uu sidoo kale iyadna waydiiyay Su’aalo door ah oo qaatay mudo badan, inkasta oo aanan garan Karin su’aalaha uu waydiiyay waxay ay ahaayeen iyo sida ay gabadhu uga jawaabtayba maadaama uu si gaar ah u waraystay. Balse hadana waxan ku kalsoonaa in ay uga warantay sidii ay wax u dhaceen, qirtayna in ay labada nin gaadhiga dhinac taagnaayeen. Danbi baadhihii intaas ayuu maalinkaas kusoo gagabeeyay hawlihii baadhiseed.

Goor galab ah oo ay cadceedu sii galbanayso ayaan dareemay Gariirka Aleenkayga Gacanta (Mobile) gartay in uu dhacayo, waayo waxa uu kusoo dhacaa gariir fudud oo aan qofka i ag joogaa dareemin,  lanbarkii ayaan eegay isoo wacaay, lanbarku iguma cusbayn, cabaar markii aan fiiriyayna yaqiinsaday in qofka isoo wacay yahay danbi baadhihii kiiska gacanta ku hayay, Markii aan ka qabtay ee is salaanay kadib waxa uu ii sheegay “In aan kiiskayga loo gudbin Karin Maxkamada Gobolka maadama aanan haysan qof markhaati ah oo arkayay markii la jabsanayay gaadhiga”

Waxaan ku dooday in aan haysto cadaymo badan oo muujin kara Dacwadayda iyo markhaatiba balse dhag jalaq uma siin, waxa uu mar danbe ila hadashiiyay taliyihii saldhiga isaguna sidii danbi baadhaha si la mid ah ayuu ii sheegay in aan dacwadayda loo gudbin Karin Maxkamada Gobolka, Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ Labadan eedaysane in ay tuug yihiin anigaa kuu qirsan, waxay kasoo talaabeen meel HEBLAAYO! waxaanay kasoo jeedaan qabiil HEBEL, waxaana ka muuqda calamaado badan oo lagu yaqiinsan karo tuugnimadooda” Isagoo hadalkii sii wata ayuu yidhi  “Waxaanu aqoon u leenahay boqolaal tuug, balse hadii aanan helin markhaati xaadir ah marka falku dhacayo maxkamad ma gayn karno sidaas darted bari subaxa  kaalay  Maxkmada Degmada si kitaabka quraanka loogu dhaariyo labada eedaysane”

Mar hadii cadaymihii tirada badnaa aan haystay iyo gabadhii markhaatiga ahayd ba la laalay, iima ay cuntamayn in aan dhaariyo laba qof oo MUSLIM ah, waxan ka dharagsanahay dhaarta iyo qiimaheeda, in Dhaar been ah oo lagu dhaarto ay ka mid tahay waxyaabaha lagu cadaab galo, Sidas darted waxaan danbi baadhihii iyo Taliyihii u sheegay in aanan Muraayad la jabsaday u dhaarinayn laba qof oo Muslim  ah sidaas darted aan iska cafiyay, loona soo celiyo xoriyadoodii eedaysaneyaasha, anigoo hadalka sii watana waxaan ku idhi “ Taliye dacwada umaan furin  inaan eedaysanayaasha ka magdhabo muraayadii , Shalay ayaanan gaadhigii galiyayba mid cusub, waxaanse uga dan lahaa in tuugada sharci lagu fuliyaa si ay uga waantoobaan falalka xunxun,lagana xidho shacabka si ay uga nastaan, Bari ayay gaadhigaaga jabsan karaan ama gaadhi qof kaleba, Anigoo hadalkayga soo gubanaanadayana waxaan mar labaad ku celiyay “Taliye qof muslim ahna ma dhaarin karo ee waan iska cafiyay ee hala iska sii daayo eedaysanayaasha” 

Inkasta oo aanan ahayn sharci yaqaan, hadana wax walba caqligayga ayaan ku miisaami karaa, Mar aan isla shawray waxaan is waydiisay Kiis kasta oo dalka ka dhaca sidee loogu heli karaa qof markhaati ah, isla markaana goob joog ama xaadir ah isla wakhtiga uu falku dhacayo? Hadii uu dhibane  haysto cadaymo looga maarmi karo markhaati Sidee sharcigu ugu hiilin karaa? 

Anigoo dhex mushaaxaya Mawjado su’aalo ah ayaa hadana waxaa maskaxdayda  sida muryaad I hor timid sheekada kiis dil ah, waxaanan  barbardhigay kiiska aniga iyo labada eedaysane, sheekadaasi oo ahayd mid male’awaal ahi waxay u dhacaysay sidan;

 “Nin budhacd ah ayaa xabad ku dilay  nin kale, Ninka budhcadka ah cid arkaysay ma jirin marka uu dilayay nin kale , balse Ciidanka amaanka oo maqlayay markii xabadu dhacday isla markiibaa dhanka xabadu ka dhacday ayay u gaashaanteen, waxaanay ishoodu qabatay nin sita Baastoolad oo aad u Ordaya, Isla markana kaso ordaya halkii uu yaalay maydku, Markii ay ciidanku qabteen ninkii budhcadka ahaana shaadhkiisa ayaabay ku arkeen dhiig ku daatay”

Halkaas miyaanay inooga muuqaan cadaymo door ah  oo muujin kara in uu ninkani dilay ninka kale, cadaymahaasi oo kala ah BAASTOOLAD uu sitay, OROD uu maciinsaday, SHAADHKIISA oo dhiig leh, Isagoo kasoo CARARAY  dhankii maydku yaalay.

Anigoo wali ku gudo jira kiiska ninka budhcadka ah ayaan is waydiiyay “Cadaymaha kor ku xusan miyaan looga maarmi Karin in la helo qof markhaati ah oo arkayay markii ninka la dilayay maadaama ay meeshuba ahayd gabaahiir cidlo ah? Miyaynaanse Baastoolada ninku sitay ku badalan Karin uun Dismiskiiku jiray jeebkii eedaysanaha ee ay ku taalay dhaawacii jabinta muraayaduna  ? Sidoo kale saw isku sharci noqon maayaan kiiska aniga iyo labada eedaysane iyo kiiskan ninka budhcadka ah maadaama  aan labada midna joogin markhaati arkayay markii la fulinayay? Sida aniga la ii yidhi Markhaati arkayay markii gaadhiga la jabsanayay hadaanad hayn dacwadaada looma gudbin karo Maxkamada Gobolka, saw ninkii budhcada ahaa ee qofka dilayna u noqon mayo  ceeb ka saliim madama aanay jirin cid arkaysay markii uu dilyay ninka kale?

Gogoldhiga Sheekada hadii aan ku noqdo,dacwadii Aniga iyo labada Eedaysane waxay kusoo biyo shubtayin aan iskula noqono QURAANKA KARIIMKA AH IYO DIINTA ISLAAMKA  oo aan u maro dacwadaydii, taasi waxay ii xaqiijisay in sharciga dhabta ah ee umada MUSLIMKA  ah yahay DIINTA ISLAAMKA oo ah sharci dhamaystiran, balse sharciga samayska ah ee maxkamadaheena ka buuxaa aanu macno buuran lahayn.

Akhriste miyaanay haboonayn in marka horeba aynu ku dhaqano sharciga Islaamka kaasi oo inoo wanaagsan if iyo aakhiroba?Jawaabta akhristayaasha ayaan u dhaafayaa.

Hadii aan soo afmeero qoraalka iyo sheekada aniga labada eedaysane, Intii aan  dacwadan ku jiray waxaan soo ogaaday waxyaabo badan oo awal iga qarsoonaa hadi aan soo koobo waxaa ka mid ah;

·         In saldhigyada dalku yihiin meelo lagu baadho dadka masaakiinta ah ee dhibanayaasha ah iyadoo looga faaiidaysanayo duruuftooda, lana isticmaalo Magacyo dahaadhan oo caan ka ah Saldhigayada  sidaHarawaaje, Xaqul Shaah IWM.

·         Masuuliyiinta jooga saldhigyada dalku yihiin kuwo aan aqoon ahaan dhisnayn, wax badana ka fahansanayn shuruucda dalka.
·         Saldhigyada dalku yihiin qaar dhismahoodu duug yahay xafiisyadooduna aanay qalabsnayn iyadoo aanay oolin agabkii danbi baadhista iyo shuruucdu.

·         Muuqaalka saldhigyada oo aan ahayn mid u samaysan qaab saldhig oo ay ka muuqato qaab xumo baahsan.

·         Astaamihii ciidanka oo aan si habaysan uga muuqan ciidanka bilayska ah ee ka hawl gala saldhigyada.

Anigoo dhawraya sharafta saldhigyada iyo Ciidanka dalka, waxan qormadan kusoo qaatay arimo korka-xaadis ah, waxaanse daday oo aanan daaha ka qaadin dhacdooyin iyo dhaqano  aan goobjoog u ahaa, Sidoo kale yaan loo fasiran qormadan inaan cid si gaar ah ugu duulayo una dhaleecaynayo, gabogabadii wixii gef ama qalad ku jira qoraalkan waxaan u nisbaynayaa shaydaan ilaahay ayaanan danbi dhaaf waydiisanaya, wixii wanaag ah ee ku jirana ilaahay ayaan abaal marin waydiisanayaa.

Fuaad Abdillahi Hassan
fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment