"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Qurbajooga iyo Qolqoljooga somaliland waa inay sameyaan Banaanbax ay Beesha Caalamka kaga Codsanayaan Ictiraaf.


Dawlada somaliland wakhtigii ay madax banaani ku dhawaaqday waxa kasoo wareegay 20 sano mudada intaas leeg beesha caalamku waa ay ka dhago adaygeen in ay aqoonsi caalami ah siiyaan Dawlada somaliland ee buuxisay shuruudihii Dawladnimo sida Ciidan Qaran, Xuduudo sugan, Doorashooyin xor iyo
xalaal ah iyo nidaam dimuqraadiyadi ah, Somaliland waa wadan curdin ah oo ku talaabsaday horumar iyo xasilooni isla markaana ay shacabka somaliland afti boqolkiiba sadex iyo sagaashan ah 97% ay u codeeyeen madaxbanaani, taasi waxay suurto galinaysaa in aynu odhan karno Somaliland waxa ay ku dhisan tahay rabitaanka shacbigeeda oo ay ka go’an tahay Dawladnimada iyo hanaqaadida Somaliland, sidoo kale waxay si cad uga soo horjeedaan wadaag ama in ay ku biiraan Somalia iyagoo taasina kasoo bartay cadaalo daro iyo xasuuq lagula kacay maati badan.
Somaliland waxaa si xor iyo xalaal ah uga qabsoomay Doorashooyin badan oo kala gadisan sida tii Baarlamaanka, Golaha Deegaanka, Madaxtooyada Sidaas ay tahay wali beesha caalamku somaliland umay tix galin Madaxbanaanideeda iyo aqoonsiga caalamiga ah ee ay mudada ka baryayasay Beesha Caalamka.
Siyaasiyiiintii iyo madaxdii somaliland iskaga danbaysay mid kali ah ma dhayalsan siyaasada dibada iyo aqoonsi raadiska waxanay u galeen dhamaantoo dadaal badan Hadana iyadoo saas tahay Arimo wax ku ool ah oo la taaban karo beesha caalamku uma balan qaadin Dawlada Somaliland.
Gunaanadkii waxaan soo jeedin lahaa in ay Qurbajooga iyo Qolqol jooga Somaliland ay sameyaan Banaanbax Caalami ah oo beesha caalamka oo dhan laga qabto 18 may maalinta madaxbanaanida iyagoo qurbo joogu iyo qolqol jooguba adeegsanaya Boodhadh ay ku xardhan yihiin Halku dhigyo ka turjumaya in ay beesha caalamku ka gaabisay Aqoonsiga Somaliland, Codsanayana Aqoonsi, Sidoo kale iyagoo ku dhawaaqay eraygo ay beesha caalamka tusaya nabada iyo horumar ay Somaliland ku talaabsatay iyadoon wax gargaar ah ka helin caalamka.
Banaanabax la sameeyo 18 may lagana sameeyo meel kasta oo ay joogaan bulshada Reer Somaliland waxay ay banayn doontaa jid cusub iyo in Caalamku masuuliyad iska saaro Somalilnad iyo Ictiraafkeeda una dhabo galo waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u qabsomin ee u diidi kara Ictiraaf, Sidoo kale waxay beesha caalamku meel iska dhigi doontaa Rajada Somaliweyn marka ay arkaan shacbiga Somaliland iyo qadiyadooda dhabta ah.
Fuaad Abdillahi Hassan

No comments:

Post a Comment