"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Gorfayn: Buuga DHAXALKII GOBONIMADA.


Waxaan booqday qaar ka mid ah shabakadaha Somaliland si aan wax uga ogaado dhacdooyinkii caalamka iyo Somalidaba, waxay ishaydu halacsatay buug lagusoo bandhigay Hargeisa gaar ahaan Hotel Emperial,
Buugaas oo laga qoray Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland AHUN M.X.I Cigaal. Aad baan ugu bogay qoritaanka buugaasi waayo waligayba waan tabayay in si waafi ah loo qoro ;



 1.       Taariikhdii Somali National Movement (SNM).
2.       Habkii Did u dhiska qaranimada Somaliland.
3.       Taariikhdii iyo Khudbadihii AHUN M.X.I. Cigaal.

Waxan dareensanaa in taariikhda Somaliland ay qabyo tahay intaa aan la qorin buugaagtaas kor ku xusan iyo qaar badan oo kaleba oo ay ugu horeeyaan taariikhdii ragii kaalinta weyn kasoo qaatay halgankii SNM ama kaalin wayn kasoo qaatay dib u dhiskii Somaliland ba, Ilahay Raali ka noqdee Qoraa Maxamed Farah Qoti waxa uu  masuuliyadiisa dusha u ritay buugan qiimaha badan leh ee DHAXALKII GOBONIMADA ee uuu ka qoray AHUN M.X.I Cigaal , aad baan uga  mahad celinayaa,waxaase warwar igu abuurtay meesha laga heli karayay oo aan  lagu xusin qoraalkii xafladii bandhiga.

Nasiib wanaag maalin danbe oo mudo kasoo wareegtay ayaa degalada aan akhristo mid ka mid ah Ishaydu Halacsatay Ogaysiis Muhiim oo uu ku lifaaqan yahay Jaldiga buuga DHAXALKII GOBANIMADA, waan furay waxaa ku qoran tilmaan halka laga heli karo buuga,  Goor fiid ah ayaan  u caraabay Sacadadiin Bookshop, oo ahayd goobtii iigu dhawayd ee laga heli karayay.

Markii aan soo iibsaday xiisaha aan u qabo dartiis waxaan sugi kari waayay intii aan gaadhayay guriga, anigoo suuqa dhex jooga ayaan kolba bog indhaha la raacay, Muuqaalka buugu waa mid si farshaxanimo leh loo habeeyay, waxaa dahaadhka bidix ku yaal sawir kur ah AHUN M.X.I Cigaal, sawirka kurka ah waxaa si humaag ah uga danbeeya magaalada Hargeisa oo muuqaal wanaagsan, Dahaadhka midig waxaa ku xardhan weedho kooban oo ka mid ah khudbadihii AHUN  Madaxweyne M.X.I Cigaal iyo sawiro taariikheed ka turjumaya marxaladihii siyaasadeed ee uu soo maray.

Hordhaca buuga qoruhu waxa uu inoogu soo bandhigaya wada-sheekaysi dhex maray isaga iyo nin socoto ah oo ay ku kulmeen Deegaanka Allaybaday 1989kii, xiligii uu qadhaadhaa dagaalkii SNM iyo Dawladii Siyaad Bare, Ninka socotada ah waxa uu  sadaalinayaa qaabka ay wax isku badali doonaan dagaalka dabadii, waxa kale oo uu sheeko male awaal  ah kusoo bandhigayaa sheeko qaab farxshaxanimo leh oo ka turjumaysa cidhibtii iyo rajadii shantii Somaliyeed. Meel danbe Qoruhu waxa uu ina ogaysiinayaa in dhacdadan isaga iyo ninka socotada ah dhex martay ku kaliftay inuu uruuriyo khudbadihii AHUN M.X.I Cigaal.

Buugu waxa uu ka kooban yahay 168 bog, Dhadhanka iyo xiisaha ku duugan awgii wuxu igu kalifay inaan akhriyo xataa habeenkii xiliyada danbe, bog kastaaba bog kale ayuu ii dhiibay wakhti kooban ayaanan dhamaantii akhriyay “Waxaan ku degdegay inaan dhameeyo akhrintiisa  Markii aan dhameeyayna waxaan isku canantay maxaad u yaryaraysan wayday? waxaa hubaal ah dad badan oo sidayda oo kale tabayay taariikhdan  in ay ka haqab beeli doonaan.

Dhaxalkii gobanimadu waa buug noociisu uu ku yar yahay buugaagta ay qoraan Somalidu, waxanu qoraagu ku weeleeyay Khudbadihii AHUN  Madaxweyne M.X.I Cigaal badankoodii intii uu ku jiray Siyaasada Somalia iyo Siyaasada Somaliland,  kuwaas oo inoo fududaynaya wax ka ogaanshaha siyaasadiisii iyo hogaamintiisii haboonayd,Sido kale waxa uu ticraax u noqon doona cid kasta oo danaynaysa inay wax ka ogaato taariikhdiisii iyo  shaqsiyadiisiiba.

Uma baahanaysid cid kuu fasirta ujeedada khudbadaha ku duugan buugan, waayo khudbadahii AHUN M.X.I Cigaal waxay ahaayeen qaar aftahanimo ku dheehan tahay iyo abaarida hadalka ku haboon arin kasta oo uu diirada saarayo, khudbadihiisu waxay ku salaysnaayeen aqoon, waayo aragnimo, xeeldheeri iyo garasho dheeri uu ilaahay hibo u siiyay, balse qoruhu marmar wuxu inala wadaagayaa khudbad kasta wakhtigeedii iyo meesheedii. Intii aan akhrinayay buuga waxaa sida shaashada I hor yimaada Shaqsiyadii,Hab-dhaqankii, Aqoontii, Siyaasadii, Aftahanimadii AHUN M.X.I Cigaal taas oo aniga laftayda igu kaliftay inaan dhex mushaaxo taariikho waayo hore.

Qoraagu hawl wayn ayuu u qabtay shacabka Somaliyed gaar ahaan Somaliland, waanan ku hambalyaynayaa mar labaad hawsha uu dhabarka u ritay oo aan dareemi karo culayskeeda iyo qiimaheedaba, Intaa kadib Qoraaga waxaan ku dhiirinayaa inuu halkas kasii wado uruurinta iyo kaydinta  taariikhdii iyo khudbadahii AHUN M.X.I Cigaal,  Haday noqoto intii uu ku jiray halgankii xornimo doonka Somaliland, intii uu ku jiray siyaasada Somalia iyo khudbadihii uu ka jeedin jiray Gobolada Somaliland oo dhanba.

Dhaliisa Buuga. Aduunka wax dhamays tiran ma jira, Buugan kama madhna dhaliiil mida ugu waynse waxay tahay in buugu yahay mid koban marka la barbar dhigo Mugii taariikheed ee Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, Qoraagu iskuma hawlin inuu wax badan ka sheego horumarkii nafeed iyo Somaliyeed ee Cigaal uu u horseeday Somaliland ama Somalia, Sidoo kale waxaan tabay oo aan buuga si buuran uga  muuqan Khudbadihii u ka jeediyay Gobolada Somaliland amaba uu jeediyay wakhtigii Dawladii Somalia.

Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com

Hargeisa, Somaliland 

No comments:

Post a Comment