AHUN Cigaal waxa uu ahaa shaqsi karti
badan leh, waxa uu awood u lahaa inuu maskax
iyo aqoon ku muquuniyo siyaasiyiinta kasoo
horjeeda, hadana waxa uu ogolaa kala
duwanaanta fikirka, waxaanu tix galin jiray fikradaha kasoo horjeeda ee ay ku
jirto danta dalku. Prof.
Maxamed Sicid Gees oo ka hadlay sidii Cigaal u tix galin jiray kala duwnaata fikirka ayaa yidhi “ Ilaahay raali haka noqdee
Marxuumku wuxu jeclaa in la wada casheeyo, ee aan cid gaar ahi kaligeed cashayn”
Madaxweyne A.M.M Siilaanyo oo in
badan ay soo wada shaqeeyeen oo isna sifaynayay kal furnaantii, niyad wanaagii iyo
sidii uu Cigaal danta dalka wax walba uga hormarin jiray ayaa yidhi
“ ma
ahayn nin colaada guntada, waayo masalan idinka oo maanta dagaalamaya oo uu
cir, dhul iyo bad-ba kugu soo dhaqaajiyo, haddana way hawl yarayd marka uu arko
in dantu ku jirto ta dalka ha noqoto, ama tiisaba, inuu si fudud heshiis kuula
noqdaa”
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir ayaa kaa
markhaati kacday inaanu Cigaal ahayn Hogaamiye calool ku hayn leh waxaanay tidhi “ Waxa uu ahaa nin sharaarad kulul balse aan calool ku hayn lahayn”
AHUN Cigaal Waxa uu wax walba ka hor
marin jiray sidii ay himilada qaranku u hirgeli lahayd, wax kasta oo ay ku
kacaysona, maal iyo maskaxba wuu u huri jiray, wuxu ahaa
deeqsi hantidiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Xogogaal ayuu u ahaa xaalada
bulshada, waxaanu isku hawli jiray dhib kasta oo shacabka lasoo gudboonaata
inuu xalkeeda raadiyo, qayb libaaxna ka qaato.
Bulshada si toos ah ayay iskugu
xidhnaayeen balse wasiiro ama siyaasiyin kale uma dhaxayn, xaalad kasta oo soo
cusboonaato waxa uu bulshada kula wadaagi jiray khayriyada isagoo hadalka deeqsiin jiray, si
wanaagsana u qancin jiray, wuxuu hibo u laha inuu laba saacadood iyo in ka badanba shacabka
u khudbayn karo isagoon warqad ka akhriyayn.
Boobe Yusuf
Ducaale oo ah qoraa ku talaxtagay taariikhda isagoo ka hadlaya aftahanimadii
iyo inaanu AHUN Madaxweyne M.X.I Cigaal warqad ka akhrin
jirin khudbadihiisa ayaa yidhi “Hogaamiye
M.X Ibrahim Cigaal inta badan khudbadihiisa warqad kama akhriyi jirin. Wuxu
ahaa hogaamiye kusoo tobabartay makrifoonadii xisibyadii gobnimo-doonka iyo
kuwii mucaaridka ahaaba xiliyadii danbe ee madaxbaanida la xaqiijiyay. Khudbado
dhaadheer oo dacalo badan ayuu inta badan jeedin jiray oo taabanayay hadba
arimihii xiliyadaa taagnaa ama aawanaaba,Marka aad dhex qaado khudbadihiisa
ayaad ka yaabaysaa murtida hodanka ee ku jirta iyo sida aanay wax badani u
seegin ama uuga hadlayo mawduucyo nolosha taabanaya ”
Hogaamiye
Cigaal sida uu mudo saacado ah khudbayn karo si la mid ah ayuu karti u lahaa
inuu qaranka u shaqayn karo saacado badan Marwo kaltuun oo ka hadlaysa ayaa
tidhi “Marka ay
noqoto xagga kartida shaqada uu u lahaa, waxaa dhici jirtay inuu illaa dhawr
iyo toban saacadood oo isku xiga uu shaqo mashquul ku ahaado” ........LASOCO Q5AAD.
Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment