"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dastuurka Somaliland muxuu ka yidhi Khiyaamo qaran? Waxa la gudboon Muuse iyo Siilaanyo iyo Hal aan idhi Ciro.

Qodobka 1aad ee Dastuurka Somaliland waxa u adkaynayaa madaxbanaanida Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland,halka Qodobka 96aad farqradiisa B iyo T ay cadaan u sheegayaan in Madaxweynuhu Xilka ku waayi karo Khiyaamo Qaran (High Treason) ama ku xad gudub Dastuurka JSL.Sanadkii 2001 ayaa AHUN Madaxweyne Cigaal golaha wakiiladu kusoo eedeeyeen inuu shaki galiyay
Madax baanaanida Somaliland, Baarlamaanku cadaymo sugan uma ay hayn eedaynta ay madaxweyne Cigaal kusoo oogeen,Balse Cigaal iskuma uu lurin ee isagoo kalsooni buuxda qaba ayuu Golaha u daayay shaqadoodii, yeedhamdoodiina u ogolaaday, Dood mudo socotay kadib Cigaal wuxu hor yimid Golaha, waxaa loo codeeyay mooshinkii. 37 Xildhibaan ayaa u codeeyay in Xilka laga qaado halka ay 38 u codeeyeen inuu xilka sii hayo, 1 cod ayaanu ku badbaaday si uu usii hayo xilka madaxweynenimada.

Waraysiga uu bixiyay Wasiir dawlaha Arimaha Dibada UAE Anwar Mohamed Qarqaash waxaa hadalkiisa ku jiray inaanay Somaliland xidhiidh la lahayn, isla marakana heshiiska DPW ay kala soo xaajoodeen Somalia, kulano is fahan ahna u qabteen Somaliland iyo Somaliland. Hadalkaas waa uu muujinayaa  in Mudane Siilaanyo uu sameeyay Khiyaamo qaran (High treason) iyo Dastuur jabin, Isagoo dhinac maray Qodobka 1aad ee Dastuurka JSL, Isla markaana lagu soo oogi karo dacwad uu ku mutaysan karo xadhig mudo dheer ah hadii ay ku cadaato, iyadoo ay u furan tahay inuu is difaaco, looyarana qabsado.

Mudane Muuse Biixi inkastoo Saxeexida iyo Ansixinti baarlamanka ee Heshiiska DPW ay ka horeeyeen mudo xileedkiisa , hadii aanu is barixin talaabooyin adag oo ay ugu horayso inuu heshiiska DPW laalo iyo in UAE uu dalka ka saaro, isna waxa uu lugta kula jiraa Khiyaamo qaran iyo Dastuur jabin horseedi karta Maamuus ka xayuubin sida uu sheegaya qodobka 96aad faqradihiisa B iyo T ee Dasuurka JSL.

Gudoomiyihii hore Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha WADANI Mudane Cabdiraman Ciro wakhtigiisii ayay dhacday khiyaamada qaran. 9 August 2016 Gudoomiyuhu isaga gudoominayay shirkii ay Xildhibaanadii ugu codeeyeen Heshiiska DPW. Maamul xumada, ku tumashada sharciga iyo xatooyada Somaliland ka dhacday mudooyinkii u danbeeyay Kaalinta ugu wayn waxaa leh Gudoomiyaha iyo Golihiisa oo 12 sano fadhiyay golaha isla markaana aan gudan xil gudashadoodii dastuuriga ahayd sida qodobada 96aad iyo 53aad iyo 54aad.
Golaha Guurtida ana aan u aqaan Golaha Dhaxalka ayaa iyaguna kaba sii liita oo dhamaan gabay waajibaadkoodii qaran sharci darana ku fadhiyay mudo dheer xataa ay isku soo gaadheen 120 jir iyo 25 jir awoowgii ama aabihii ka dhaxlay.
AHUN Cigaal oo sanad guuradii geeridiisa ay ku beegan tahay 03 May 2018, Hadafkii iyo ujeedooyinkii uu la rabay Somaliland oo ay ay ugu horeeeyaan madaxbaanaani , sinaan. Cadaalad, Maamul wanaag iyo Dimuqraadiyad waa la weeciyay,
Shacabka Somaliland waa inay kaalintooda qaataan oo kusoo dabaalaan wadadii saxda ahayd. 
Saxaafada Somaliland waa inay dad hortii baraarugto oo dabagasho heshiisyada dhex mara Jsl iyo Dawladaha kale ama shirkadaha balse maaha inay Shacabka mar la baraarugaan.


Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland
Fuaad_phy@hotmail.com

2 comments:

  1. titanium necklace mens
    › products › titanium-tit-n titanium powder › products thunder titanium lightstitanium trimmer titanium-tit-n Titanium-Tit-N titanium men\'s wedding band Titanium-Tit-N. Classic jewelry made by Alexander's Solingen (titanium-arts.com). galaxy watch 3 titanium T-Tit-N. Classic jewelry made by Alexander's Solingen (titanium-arts.com). T-Tit-N. Classic jewelry made by Alexander's Solingen (titanium-arts.com).

    ReplyDelete