Aftahanimada
oo ka mid ah sifooyinka hogaaminta ahun M.X.I Cigaal hibo ayuu u lahaa, hadaladiisu
waxay ku salaysnaayeen xeeldheeri reeba dareen, khudbadihiisu
way gilgilayeen cidii dhagaysanaysa, wuxu si waafi ah u taaban jiray waaqica
ama tagtada uu ka hadlayo isagoo abaaraya barta ugu haboon ee qof kastaa fahmi
karo, Marwo kaltuun oo xaasaskiisi ka mid ahayd oo sifaynaysa hadal cad-cadaantiisii
iyo run sheegnimadiisii ayaa tidhi
“Waxa uu ahaa Nin hadallo cad-cad oo aan runta qofka kala
gabban jirin”
AHUN M.X.I
Cigaal wuxuu ahaa garyaqaan aqoon durugsan u leh qancinta binu aadamka oo
dareensan nuxnuxda iyo tabashooyinka shacabka, wuu garaabi jiray oo qiri jiray
dhaliilaha xukumadiisa iyo shaqsiyadiisaba, wuxuu la qosli jiray lana
sheekaysan jiray shacabka noocyadisa kala duwan Prof
Maxamed Siciid Gees oo ka faaloonaya habdhaqankiisii ayaa yidhi “Cigaal waxaa uu ahaa nin aad ugu xeeldheer
hasaawaha iyo bulshaawi oo cid walba dhaqankooda aad uga dheregsanaa Soomaali
iyo Ajanebi marna laguma qaloon jirin agtiisa isagoo deeqsiin jiray dadka hadalkiisa”
Cigaal
waxa uu ahaa Indheer garad, meel dheer wax ka arki karay, Mustaqbalkana si
qotodheer u eegi jiray, Qoraa Aden Muuse Jibriil oo sifeeyay Cigaal
heerkiisii indheergaradnimo ayaa yidhi “Dhab ahaantii, waa sidaan u arko
anigu'e, Cigaal wuxuu ahaa Indheer-garad sidiisa u taagan ama‘Intellectual’
Hibooyinkii, habdhaqankii Cigaal mar ay kale o ay kaa hadashay Marwo kaltuun Xaaji
Daahir ahayd xaaskiisii ugu danbeeyay ayaa tidhi “Wuxu ahaa qof xagga diinta ku dhaw, waxa
kale oo uu ahaa qof abwaan ah, gabayadana aad buu u qaban jiray, una gabyi
jiray, wuxuu ahaa qoraa had iyo jeer wax qora. Dadka waaweyn ayuu aad u
ixitiraami jiray, sida madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo dadka kale ee
waaweyn. Hobigiisa ugu weyni wuxuu ahaa wax akhriska, wax qorista iyo filimada
oo uu aad u jeclaa, kutubta uu akhrisan jiray waxay u badnaayeen kuwo siyaasadeed
iyo kuwo taariikh ah”.
“Anigu
waxaan ka mid ahaa ARDAYDII Marxuum Cigaal, wuxu macalin iigu ahaa siyaasada,
waxa uu ahaa macalin fiican oo aan ka aflaxay” sida waxaa yidhi Cali Maxamed Warancade oo ah siyaasi lasoo
shaqeeyay xukumadihii Somaliland ee k la danbeeyay, Warancade inuu ka aflaxay, waxna kaga dayday
hogaamintii iyo Siyaasadii Cigaal waxaa
tusaale inoogu filan July,2013 wuxu 20 Gaadhi nooca gargaarka degdega ee loo
yaqaan 999 ku wareejiyay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland isagoo hantidiisa gaarka ah ka bixiyay kharashka gawaadhida lagu soo
iibiyay sida ay xustay saxaafada dalku.
Raga
kale ee qiray in Marxuum Cigaal uu tusaale iyo macalinba u ahaa ee
fagaarayaasha ka sheegay waxaa isna ka mid ah Wasiirkii wasaarada kaluumaysiga
Xukuumadii Cigaal, Axmed Husein Omane waxanu yidhi “ Cigaal waxaan lasoo shaqeeyay sagaal sano sagaalkaa sano oo nin adag
mooyaane nin kale aanu ka bixi karayn oo aanay jirin haykal dawladnimo, waxaanu
suurto galiyay inaynu soo gaadhno halkaa aynu manta joogno, macalin baanu noo
ahaa anaga waanu naga aragti horeeyay”
Lasoco Q3AAD.......
Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment