Dad kale ninkiisii wax tara waa tix
galiyaaye
Idinkuna
caqliga taabudka ah waa ku tumatane.
AHUN
Xaaji Aadan (Af-qalooc).
Tusaale iyo
ku dayasho waxaa ugu mudan Nabigeenii Suubana Maxamed CSW iyo Asxaabtii RC,
waxaa soo raaca hogaamiye kasta ama qof kasta oo horseeda wanaag,kuna haboon in
lagu daydo. AHUN Cigaal waxaan aaminsanahay inuu
ka mid ahaa hogaamiyayaasha naadirka ah ee aduunka soo maray, Isla markaana tusaale fiicanm role-model u noqon kara Jiiilasha danbe.
ka mid ahaa hogaamiyayaasha naadirka ah ee aduunka soo maray, Isla markaana tusaale fiicanm role-model u noqon kara Jiiilasha danbe.
Qof kasta
ama Siyaasi kastaase ma noqon karaa Hogaamiye (LEADER) ? Jawaabtu waa MAYA,
Hogaamiyenimada inkasta oo la barto hadana badankeedu waa dhalasho iyo hibo ilaahay bixiyo in la iska
yeelyeelana ay adag tahay, waxaa jira xeerar loo aqoonsan yahay
hogaamiyenimada wanagsan, kuwooda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah, Kalsooni, Karti, Garasho-dheeri, Run-sheegnimo, Dulqaad, Daacadnimo,
Cadaalad, Aftahanimo, Aqoon iyo
Deeqsinimo. Baadhis badan kadib, Cigaal waxaa isoo baxday inuu lahaa dhamaan Sumadaha loo aqoosan yahay hogaamiyenimada Sifooyinkaas iyo Sida uu cigaal ugu sifoobay waxaan kusoo qaadan doonaa qoraalkan oo taxane ah qaybihiisa danbe.
Dr Mohamed
Cabdi Gaboose oo ah dhakhtar ku xeeldheer xanuunada maskaxda, mudo badana kusoo
jiray siyaasida Somaliland, Lana soo
shaqeeyay dawladihii kala duwanaa ee
Somaliland iskaga danbeeyay, mar uu
sifaynayay guusha uu hogaamiyaha wanaagsan horseedi karo wuxu yidhi “ Dhakhtarka wanaagsan wuxu maalintii dawayn karaa ugu badnaan 10 qof
laakiin Siyaasiga wanaagsan wuxu dawayn karaa kumanaan qof” Siyaasigu shacabkiisa si uu ugu horseedo guul waxa daruuri ah inuu leeyahay xirfad
hogaamin oo dhalasho, Xirfad hogamin oo aqooneed, in uu yeesho hogaamiye uu ku daydo (ROLE
MODEL). In siyaasugu yeesho hogaamiye uu ku daydaa waxay ka taageeraysaa una fududaynaysaa helida wadada iyo gaadhida guusha uu
hiigsanayo.
Cigaal waxa uu ahaa siyaasiga kali ah ee Soomaaliyed ee loo aqoonsan karo inuu ahaa HOGAAMIYE mudan ku dayasho, mar ka loo eego hogaamintiisii, waxqabadyadiisii iyo habdhaqankiisi mudo rubuc qarni ah oo uu kusoo jiray Siyaasada.
Cigaal waxa uu ahaa siyaasiga kali ah ee Soomaaliyed ee loo aqoonsan karo inuu ahaa HOGAAMIYE mudan ku dayasho, mar ka loo eego hogaamintiisii, waxqabadyadiisii iyo habdhaqankiisi mudo rubuc qarni ah oo uu kusoo jiray Siyaasada.
Taariikh kooban AHUN Cigaal
AHUN M. X.
I Cigaal waxa uu 1929 ku dhashay degmada oodweyne, wuxu ku barbaaray gobolada Togdheer
iyo Sahil, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, halka
waxbarashadiisii jaamacadeedna uu ku qaatay dalka Ingiriiska, isagoo bartay
aqoonta dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Cigaal waxa
uu siyaasada ku bilaabay yaraan isagoo 27 jir ah, mudo gaaban gudaheed wuxu noqday
Xoghayihii guud ee xisbigii SNL ee halgamayay xornimada Somaliland, Ilaahaw ka
sokow waxa uu ahaa hogaamiyihii ka midho dhaliyay halgankii xornimo doonka,
gacantiisana ku saxeexay in ay Somaliland xornimo qaadato.
26 June
1960 Cigaal waxa uu hogaaminayay waftigii saxeexay in Somaliland la midawdo
Somalia, taas oo ka turjumaysay dareenkii shacabka Somaliland ee wakhtigaasi
halka xaga Somaliya aan midnimada aad looga xiisaynayan ama looga dareemin.
Cigaal waxaa uu dawladii Somalia kasoo qabtay
jagooyin kala duwan oo iskugu jiray Gudoomiye, Wasiir, Raysal wasaare, Danjire.
Laba jeer oo kala danbeeyay ayay xidhay dawladii Siyaad Bare, waxa uu jeel ku
qaatay mudo dhawr iyo toban sano ah. Markii ay Somaliland xornimadeedii la soo
noqotay 1991 Cigaal waxaa 1993 Borama
loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
AUH Cigaal
intii uu ku jiray Siyaasada Caalamka waxa uu hirgaliyay
guulo waawayn oo la taaban karo, guulahaasi waa kuwa uu ku kasbaday taariikh wanaaga uu ifka kaga tagay.
Dul-ka
xaadiskaasi u dhaafi mayo taariikhda Cigaal, waayo Cigaal in taariikhdiisii wax laga
qoraa waxay u baahan tahay baadhis iyo dadaal badan. waxaanse qormadan oo taxane noqon doonta ku falanqayn doonaa
shaqsiyadiisii (Hogaamintii, Hibooyinkii iyo Habdhaqankiisii) Inkatoo
ay adag tahay iyada lafteedu. Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa ku talax tagay
taariikhda iyo Suugaanta Somaliyed wuxu yidhi
“Ma hawl yara sida Cigaal wax
looga qoraa” Arintaasi waan la qabaa Boobe balse taasi iga baajin mayso inaan si kooban uga faaloodo intii karaankayga ah shaqsiyadii Cigaal iyo qaabkii hogaamineed ee mudan in lagaga daydo anigoo tixraaci doona Buugaag, Qoraalo, wixii ay ka sheegeen Qoyskiisii, aqoonyahano iyo Siyaasiyiintii wax ka yaqaanay
ee lasoo shaqeeyay. .............La soco Q2AAD
Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment