Cigaal oo
ahaa Xoghayihii xisbigii SNL waxaa u suurto gashay uu gacantiisa ku saxeexay in
maxmiyadii Somaliland xornimadeeda ka qaadato ingiriiska, Bil ka hor xornimada isagoo safar ku joga Magaalda London ayuu ka hadlay
jidhka dheer ee sugaya shacabkii mudada
u dhaag taagayay xornimada , waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta wado dheer oo aynu soo marnay ayaynu
joognaa Madaxeedii,hase ahaatee mid tii ka dheer kana adag ayaynu manta
galaynaa,Dawladnimo loo qaylinayaa ama dawladnimaanu doonaynaa baa la
yidhaahda, wey suuro gashaa, oo manta inaguba weynu uso qaylinay helnay
dawladnimadiina, hase ahaatee
ta ka
adage ee kasii adag ee aynu manta madaxa la galnay”
isagoo
hadalkiisa sii wata waxa uu si duurxul
iyo hogatusaalayn ah u soo qaatay in
Nabiga CSW laga wariyay iyadoo asxaabtu wada daalan tahay oo dagaal weyn laga
soo baxay uu yidhi dagaalkii yaraana
hada ayaynu kasoo baxnay, kii weynaana hada ayan galaynaa, asxaabtii oo
yaabana ay tidhi dagaalka aan manta galnay mid ka weyn maanu filayne muxu ahaa
kaa weyni Rasuul allaw? Waxaanu yidhi Rasuulku SCW kaasi waxa uu ahaa mid aan
cadaw la dagalamaynay, kan imika inoo hadhay waa kii aan nafteena kala
dagaalamaynay wixii xun, wixi san ugu diraynay. Cigaal xadiiska waxa uu usoo
qaatay in uu tuso Shacabkii Somaliland in halgankii dawladnimadu u hadhsan
yahay ee aanay is dhigan.
Somaliland
markii ay xornimadii si buuxda uga qaadatay Ingiriiska, Cigaal waxa uu soo jeediyay in
horta aan lagu dagdagin midnimada oo mudo laga baaraan dago, waxaana taladiisii ka mid ahayd “Umul baa la umul bixiyaaye ee aynu mudo
sugno” Hadalkaasi oo aanu uga jeedin diidmo midnimada Somaliyed balse uga
jeeday in dhug loo yeesho habka midnimada, waxaase ka awood batay shacabkii
irbada midnimadu ku mudnayd oo dabada ka
riixayay.
Cigaal oo
aan odhan karo waxa ahaa udub dhexaadkii midnimadii Maxmiyadi Somaliland
iyo Somalidii talyaanigu gumaysan jiray, mar uu ka hadlay sobobihii
dhaliyay midnimada degdega ah, ee bilaa shuruudaha ah, waxa uu yidhi “ markii
hore ee aanu meesha galnay khalad muu ahayne laaxin baa galay, laaxinkiina
indha ayaanu ka qarsanay, way jirtay mar aan baarlamaanka nidhi waar laaxinbaa
galee halaga saaro, laakiin waa la liqay taasi” waxaa kale oo uu ku
sobobeeyay inay wakhtiyadaas jirtay dabayl wixii jirayba badalaysay.
21 October
1969 ayuu Siyaad Bare inqilaab ku
qabsaday Jamhuuriyadii Somalia kadib markii si shirqool ah Magaalada
Laascaanood loogu dilay AHUN Cabdirashid Cali Sharmaake oo ahaa madaxweynihii Jamhuuriyada,
Cigaal oo ahaa raysal wasaarena waxaa loo dhaadhiciyay jeelka, dhawr jeer oo
danbena way xidhay xukumadii Siyaad Bare.
Mudadii uu Siyaad
Bare dalka xukumayay wuxu ku talaxtagay qabyaalad, cadaalad daro,Cabudhin,Musuq
iyo diinta islaamka oo uu ka hor yimid isagoo si kale u dhigay ama u fasiray
Aayado quraan ah, Arimahasi aan kor ku sheegnay iyo qaar kale oo is
biirsaday waxay dhaleen inay abuurmaan Jabhado ay ugu awood badnayd
SNM iyo USC , waxaanay aakhirkii ku
guulaysteen in xilka laga tuuro Siyaad Bare.
Markii xilka laga tuuray Siyaad Bare waxaa
Magaalada Mugdisho oo ahayd caasimada Somalia
laba saf u kala fadhiistay Cali Mahdi iyo Jeneral. Caydiid kooxo ay kala
hogaaminayeen, Rajo danbe oo Dawlad Somaliya
ahna waa muuqan wayday, waa markaas marka magaalada Burco lagaga dhawaaqay 18,May,1991
lasoo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland. M.X.I Cigaal isna waxa uu u digo rogtay xaga Somaliland oo uu madaxweyne
ka noqday isla markaana ilaahay ka sokow lahaa yagleelkeedii, Sees iyo hiigsina
u xariiqay si ay uga mid noqoto beesha caalamka, Aqoonsiga oo arimaha ugu culus ee Somaliland
ku gudban waxaa uu ka aaminsanaa sidan “ Aqoonsigu
maaha waxa hadiyad loo bixiyo, dalkayaga
markaanu dhamaysano ee dawlada dhisno, bil qasab bu ku imanayaa danbaana
keenaysa” Reer Somaliland sidii ayay dawlad dhis ugu jiran,walina u
sugayaan aqoonsi, waxaana muuqanaya in dantii (Interest) Cigaal uu sheegay ay
keeni doonto aqoonsiga…………….LASOCO Q6AAD
Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment