"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Hogaamintii, Hab-dhaqankii iyo Hibooyinkii M.X.I Cigaal AHUN. Q6AAD.

AHUN M.X.I Cigaal ma jeclayn in kalitalisnimo loo nisbeeyo, loona guul wadeeyo, mar uu 18 May 2001kii fagaaraha khayriyada Hargeisa ka khudbaynayay ayay shacabku sacabiyeen, sacabkaasi ma uu jeclaysan waxanu yidhi “Walaalayaal sacabka waxaan ka jecelahay in la I dhagaysto, oo la fahmo waxaan leeyahay, ma nihin dadkii afweyne Durbaanada u tumi jiray ma hayno habkiisii, waxaynu haynaa hab la isku af garto, oo la is fahmo la is wacdiyo, kaasa maanta qiimo leh, nin madax ah oo sacad loo tumaa, qiimo uu leeyahay ma jirto’’
Prof. Maxamed Sicid Gees ayaa ka markhaati kacay in M.X.I Cigaal aanu ahayn
hogaamiye kaligii taliye balse uu ahaa hogaamiye jecel talo wadaaga iyo is waydaarsiga fikirada.Cigaal ayaa duruufo jiray wakhtigaas awgood digreeto ku magaacabay gudoomiyaha gudida cadaalada, Wasiirkii Caddaaladda, Dastuurkuna waxa uu dhigayaa in Guddomiyaha Maxkamadda Sare uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda. Golaha baarlamananka ayaa kaso horjeedsaday iyagoo Dastruur jabin ku sheegay. Kadib Kulanbay ay iskugu yimaadeen Cigaal, qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo Gudiyo golayasha sharci dajinta ah, Hadalo la isku tuurtuuray kadib Prof Gees oo ka socday dhinaca Xukuumada ayaa waxa ku dhiiraday hadalkan iyadoo kulankii la wada fadhiyo “Haddii aanu xukuumadda nahay waa ka noqonay qaladkii dhacay, waxa aanu ka codsanaynaa Golayaasha Baarlamanku inay wax nagala qabtaan wax-ka-beddelka Dastuurka ee aan soo gudbin doono.” Dadkii ayaa iswada eegay, Madaxweyne Cigaal yaa isaguna yaabay oo yidhi; “Waar horta qalad maanaan samayn, hase yeeshee sidaas Gees sheegay waa ka noqonay arrintii.” Dadkii ayaa neefi ka soo wada booday, khilaafkiina halkaas ayuu ku dhammaaday. Madaxweynihii oo fadhiya oo aanan la tashan ayaan awoodiisii ku dhawaaqay, bal edeb-darada day, iyo Madaxweyne Cigaal oo arintii ka xanaaqin ee qaatay, saw wax lala yaabo ma aha. Xagee ayay ka dhacdaa? Waxay ahayd sida Afrika iyo Soomaalida looga bartay inuu bartaas xilka igaga qaado baratakoolka aan jabiyay, balse waxay uu doorbiday in ay talo sax ah ahayd”
Mar kale Prof. Maxamed Sicid Gees arintaas isagoo sii adkaynaya in AHUN Madaxweyne M.X.I Cigaal uu ahaa hogaamiye aan kaligii taliye ahayn wuxu yidhi “ Ilaahay raali haka noqdee Marxuumku wuxu jeclaa in la wada casheeyo, ee aan cid gaar ahi kaligeed cashayn”
M.X.I Cigaal isagoo iska fogaynaya dhaqanka kalitaliyaha waxa uu yidhi “ inta waxaan danteena ahayn daba joogno, Beenaale kaligi taliye, idinku noqda, oo daalina oo jaahila, ma waayo, anigu noqon mayo, balan baan idinka qaadayaa, maalinta aan idin kari waayo, ee aan idin hogaamin kari waayo, waan idinka tagayaa, idin karbaashi mayo, way hawl yar tahay sida la idiin karbaashaa”
Cigaal inkastoo dadka qaar ku tilmaaman inuu ahaa hogaamiye kursi jecel, sida lagu yaqaana madaxweynayaasha Afrikaanka, hadana isagu waa buriyay arintaas waxaanu 1997 istiqaalad u gudbiyay Gudoomiyihii baarlamaanka, weedhihii warqada iscasilaada ku qornaa waxaa ku jiray “ Anigu ma rabo, mansabka la ii doortayna, hadaanu huwanayn, kalsooni, oo aanan ka mid ahayn, gurmad caam ah, oo dawladnimo iyo qaranimo baadi-goobkeed loo wada guntan, ma rabo umana baahni” taasi waxay cadaynaysaa sida uu uga fogaa kursi jacayl balse u mansabka ku fadhiyay inuu danta qaranka ugu adeego.
“ Dawlada tayadeeda waa la dhaliilaa aniguna waan dhaliilaa, laftayduna waan is dhaliilsanahay”Sida waxaa yidhi Cigaal mar uu muujinayay inuu yahay hogaamiye ogol soona dhawaynaya dhaliilaha xukuumadiisa, isla markaana aan jeclayn borobogaandada iyo tookha.
M.X.I Cigaal waxa uu ahaa siyaasi dulqaad badan, kalsooni badan, isla markaana mar walba oo suu safar kasoo noqdo jecel inuu saxaafada iyo shacabkaba siiyo war buuxda, isla markaana aan ka gaban jirin in ay shacabka iyo saxaafaduba waydiyaan wax kasta oo ay tabayaan isago si degan oo aftahanimo leh uga jawaabi jiray suaal kasta oo la waydiiyo mar uu la kulmay jaaliyada USA ee reer Somaliland waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “wax kasta oo aad jeceshihiin waad I waydiin kartaan, xataa waaad I caayi kartaan” .... LASOCO Q7AAD.

Fuaad Abdillahi Hassan
Qalinmaal.blogspot.com
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment