"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Hadalka ama qoraalka maskaxda soo mari!

Mid Habarjeclo oo saluugsan shanta wasiir ee xukuumada ku matala reerkooda ayaan waydiiyay , nooca saamiga ay ku qanci lahaayeen beel ahaan? Kute, Habar-magaado iyo Habar Xabuusho oo siman, waa in Isaaq wax ku qaybsadaa!
Hadii aan isla su'aashaa waydiiyo kuwo kasoo jeeda reeraha kale ee Somaliland , shaki igagama jiro jawaabahadooda Tusaale ka Gadabuursi waxa uu cadaalad u arkaa in Saamiga Isaaq mid leeg u helo, Ka Harti isna waxa uucadaalad u arkaa in Isaaq iyo Harti saami isleeg qaataan, Ka garxajis waxa uu cadaalad u arkaa reeraha
Jeegaanta oo la isku daray mid leeg inuu helo, reeraha kalena waxaas ama ka liita ayay aaminsan yihhiin.
Guud ahaan sheeko baralay la mid ah ''Majeerteen iyo inta madaxa madaw ayaa siman'' oo tuulooyinkii iyo ardaayadii lagala yimid caqli iyo cilmina aan ku fadhiyin ayaa madaxa lagu sitaa, afkana lagaga dhawaaqaa ama lasoo xar-xariiqaa.
Saamiga waxaa lagu doonayaana waa sheeko baralaydaas hor boodayaasha reeruhu sheeko baralaydaas iyagoo daliishanaya ayay ku rabaan sadbursiimo, qabiil walba waxa uu iska aaminsan yahay Shiine, qabiil walba wuxu cadaalad u arkaa inuu cid kale dulmiyo kana xubno bato, qabiil walba waxa uu guul u arkaa inuu isku dherariyo qabiil kale, qabiil walba waxa damac kaga jiraa waxa qabiilka kale haysto.
Khiyaaligaas ay reeruhu aaminsan yihiin xalkeedu maaha in xilal loo kordhiyo, si kasta oo loogu kordhiyo ma qanci karaan! waxaase lagu qancin karaa in si hufan loo tirakoobo, lana faafiyo tirada ay dalka ka yihiin si loo buriyo mala awaalkooda gaaban ee aan cilmiga iyo caqliga ku dhisnayn, reer walbana waa in saami lagu siiyo natiijada tirakoobkaas iyadoo la tixgalinayo deegaanka,kaalinta dakhliga IWM

Fuaad Abdillahi

No comments:

Post a Comment