"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Dhexdhexaadintii Uganda iyo Tanzania, Musharaxanimadii xoghayaha OAU, Hogaamintii Qaramada midoobay,Ku biiristii Arab league, Xornimadii Djibouti iyo Xilalkii u usoo qabtay Cumar Carte

Shirka Ururuka Midawga Afrika (OAU) ee lagu qabtay Mugadisho June,1974, waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxweynayaasha Afrika, Shirka waxaa loogu tartamayay Xogyaha Guud ee Ururuka Afrika, Jagada waxaa isku soo taagay wasiirada Arimaha dibada 1)Mr. Cumar Carte Qalib,Somalia 2) Mr.William Eteki,Cameroon , 3) Mr. Rupiah Banda, Zambia.
Ololaha musharaxiinta waxaa kala
hogaaminayay Madaxweynaha Nigeria Hoele Boumediene oo u ololaynayay Cumar Carte iyo Madaxweynaha Tanzania Julias Nyerere,oo u ololaynayay Musharaxa Zambia. Khudbadihii madaxda kadib Maalinkii labaad ee shirka ayaa codbixintii bilaabantay, waxaana wareegii koowaad ku hadhay William Eteki oo ka socday Cameroon.
Wareegi labaad waxaa sadex cod ku hogaaminayay Cumar Carte balse ma uu kasban sadex meelood meel laba meelood si uu guusha u gaadho, mudo sadex saacadood ah oo ay socotay cod bixintii mar walba waxaa sadex cod ku horeeyay Cumar Carte, ilaa 12:00 habeenimo mar kasta oo codbixinta lagu celiyo natiijadii waxba iskama badalin 3-cod ayaanu Cumar Carte ku horaynayay.
Cumar Carte Qaalib waxaa codka siinayay dalalka carabta ee Waqooyiga afrika, halka Rupiah Banda codka siinayeen dalalka aan hantiwadaag ahayn ee afkria, ku talo galkooduna ahaa inay Guusha ka ilaaliyaan Cumar carte si doorashada dib loo dhigo, Xilknaa uu sii hayo Xoghaya Guud ee xilka kasii dagaya oo Cameroon u dhashay.
Markii la is mari waayay natiijadiina waxba iska badali waayeen , 12:00 Habeenimo ayuu Madaxweyne Siyaad Bare soo jeediyay in Musharixii Cameroon Mr. William Eteki ee wareegii koowaad lagu reebay loo magacaabo Xogyahayaha Guudee ururka, madaxweyneyaashi Afrika sacab ayay kusoo dhaweeyeen soo jeedintaas labada musharax ee kalena ku aqbaleen.
Cumar Carte dowladdii Somalia wuxuu intii u dhaxeysay sanadihii 1969kii illaa 1977dii ahaa wasiirkii arrimaha dibedda Somalia, waxaa kale oo 1972-kii noqday madaxweynihii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (United Nations Security Council).
Cumar Carte waxa uu 1972 kaalin dhexdhexaadin ka qaatay labada dal ee Uganda iyo Tansania oo uu ka dhexeeyay khilaaf xuduudeed, Isla markaana ay ka gaabsadeen inta badan dalalka afrika inay door ku yeeshaan, waxaanu heshiiska dhexdhexaadintu ka koobnaa shan qodob oo ay dalalka Uganda iyo Tansania iyaguna aqbaleen, saxeexana ku duugeen, Shantaa qodob ee Cumar Carte ka saxeexay madaxdii Uganda iyo Tansania waxaa lagaga baaqsaday dagaal.
Cumar carte waxaa kale oo ku guulaystay intii uu Wasiirka Arimaha Dibada Somalia ahaa inuu 1974-kii Somalia ku daray Jaamcada Carabta (Arab league), Isla wakhtiyadaas uu wasiirka Arimaha dibada ahaa waxaa uu kaalin wayn ka qaatay helitaankii xornimadii dalka Djibouti.
1991-kii Siyaad bare ayaa dhicitaankiisii maalmo ka hor u magaacabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si uu ugu maslaxo jabhadii SNM oo dagaal qadhaadh ku haysay, balse Cumar Carte isaga oo aan soo dhisin wax dowlad ah ayay jabhadihii SNM iyo USC rideen dowladdii Siyaad Barre. Madaxweyne Cali Mahdi ayaa mar kale u magacaabay Cumar Carte ra’iisul wasaare, waxaanu xilkaas hayay 1991-1993dii.
Cumar Carte Qaalib 1993-kii wuxuu isu soo sharaxay xilka madaxweyneha Somaliland oo uu kaga guulaystay Maxamed Haaji Ibrahim Cigaal, Carte mar kale waxa uu sameeyay xisbi la odhan jiray Hormuud oo ku hadhay doorashadii Golayaasha deegaanka 2002 ee ururadu ay xisbiyo ugu gudbayeen, kuna soo gudbeen Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo UDUB.
Cumar Carte Qalib oo taariikhdiisa siyaasadeed iyo dibloomasiyadeed intaas ka baladhan tahay ayaa ilaahay caafimaadka iyo cimrigaba ha u siyaadiyee shalay lagu soo dhaweeyay dalkiisa iyo dadkiisa Somaliland oo uu mudo kaga maqnaa dalalka carbeed.
Tixraac:
1) Buuga Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed Ambasador Husein Ali Duale (Cawil)
2) https://en.wikipedia.org/…/President_of_the_United_Nations_…
3) https://en.wikipedia.org/wiki/Umar_Arteh_Ghalib
Fuaad Abdillah Hassan
www.Qalinmaal.blogspot.com

No comments:

Post a Comment