"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Hadii UCID iyo KULIYE doorashada galaan maxaa laga yeelayaa taageerayaasha WADANI ? Doorashadu maka dhici doontaa meelaha WADANI laga taageersan yahay? Deegaanadaasi siday xubno ugu yeelan doonaan golayaasha baarlamaanka iyo deegaanka? Ma IS-XAMBAAR mise.......?

Doorashada baarlamaanku waxay ahayd muhiimada koowaad (First priority) ee u taalay Xukuumadii Siilaanyo maadaama mudo xileedkoodu dhamaaday 2010, wayse ku fashilantay xukuumadaasi mudadii todobada sano ahayd ee ay joogtay, xukuumda Siilaanyo waxay noqotay xukumadii ugu liidatay qabsoomida doorashooyinka.wakhtiga dheeraadka ee baarlamaanku fadhiyeen waa intii Siilaanyo dalka xukumayay, marka laga reebo hal sano oo ay Xisbiga WADANI hortaagnaayeen inay doorasho dhacdo.
Xukuumada Muuse waxay u muuqata
inay ka go'an tahay in doorashadu dhacdo, waxaase caqabad ku ah xisbiga WADANI. WADANI wali masoo bandhigin, umana gudbin hay'adaha ay khusayso dood la garawsan karo ama lagu qanci karo oo loo kala diro Gudiga Doorashooyinka aan wakhtigooda dhamaysan.
Doorashadii Somaliland 2017 waxay ahayd ‘’Free and Fair election’’ sida ay ka marag kaceen Goobjoogayashii caalamiga ahaa,oo ka kala socday 27 wadan tiradooduna dhamayd 66 qof. Goobjoogayashu waxay indho indhayn ku sameeyeen 355 Goobood oo ka tirsan lixda gobol ee Somaliland, warbixintii ay soo saareen waxay ku xuseen inay jireen dhacdooyin yar yar (few incidences) intii ay doorashadu socotay, balse aanay xalaalnimada iyo habsamida doorasho burinayn.
Dhaliilaha ay WADANI daliishanayaan ee ay madaxweynaha u gudbiyeen, waa dhacdooyinkaas yar yar oo ka dhaca dhamaan doorashooyinka aduunka, kuwa africa ha ugu sii xag jiraane,waa dhacdooyin xisbi aan la jirin, xisbina kasoo horjeedin ee dhan walba ka dhacay, waa dhacdooyin xubnaha iyo taageerayaasha WADANI laftoodu qayb wayn ka ahaayen, ayna ugu waynayd xadidi waraaqaha codayntu (Ballot papers), waa dhacdooyin aan loo daliishan karin dhexdhexaadnimada iyo karti darada gudida doorashooyinka, , waa dhacdooyin inta badan kasoo unkama hab dhaqanka bulsho, dhacdooyinkaas iyo kuwo ka badana ay hore u dhici jireen doorashooyinkii hore ee Somaliland, xataa hadii komishanka la badalona dhici doona waaqica bulsho, dhaqaale xumo, aqoon la’aan iyo curdinimada nidaamka doorasho ee Somaliland darteed.Waxaase dhaliilaha dhacdooyinkaas yaryar looga faiidaysan karaa doorashooyinka danbe inti karaan ah in lagu dadaalo sixitaankooda.
Gudiga doorashooyinka oo sobob aan la garawsan Karin loo la kala diraa waxay caqabad ku noqon kartaa ku dhaqanka nidaamka doorasho ee Somaliland, waxaanay jidayn doontaa mustaqbalka in xisbi kasta oo guul daraystaa uu qiil ka dhigto in komishanka laga kala diro taasi oo keeni doonta in doorashooyinka xiliga dhexe jiitamaan.
Aragtidayda In doorashadu dhacdo ayaa ka muhiimsan in Xisbiga ka maqnaado doorashada. Doorasho xisbiyada KULMIYE iyo UCID ay galaan waa xal lagaga baaqsan karo inay doorasho qabsoomi waydoba, waa xal laga baaqsan karo in arinta komishanku noqoto xeerka doorashooda baarlamka ee ilaa maanta loo maaro la’yahay, waa xal laga baaqsan karo inay sii fadhiyaan golayaashu inta ay dhimanayaan sida golaha guurtida ee dhaxalka noqday.
Sidoo kale waxaa xal kale ah ah in hadii aanay Somaliland culayska doorashooyinka golayaasha awoodi Karin, dib loogu guuro nidaamkii soo xulista golayaasha sida ka jirta Maamulada Somalia oo afartii sano mar soo xulo jiil iyo baarlamaan cusub, midaas ayaa ka xalaalsan ta hada Somaliland ka jirta ee ah in Golayaashu iska fadhiyaan nus qarni.
Iswaydiintu waxay tahay hadii xalka ugu danbeeyaa noqdo in UCID iyo KULIYE doorashada galan maxaa laga yeelayaa taageerayaasha WADANI ? Doorashadu maka dhici doontaa meelaha WADANI laga taageersan yahay? Siday xubno ugu yeelan doonaan golayaasha baarlamaanka iyo Golaha deegaanka?
Arintaasi dhawr dhinac mid bay u dhici doontaa, In WADANI iyo taageerayshiisu kala hadhaan deegaanada laga taageerana ay doorashadu ka qabsoonto ,iyagoo iska soo sharaxaya labada Xisbi ee kale ugu badnaana uu xisbiga UCID ku faaiidi doono. In Deegaanada Wadani laga taageero doorashadu ka dhici waydo xubnahooda Baarlamaan ama deegaankana lagu soo xulo habka IS-XAMBAARKA.
Guntii iyo gabagabadii xisbi WADANI waxa wanaagsan karaamo iyo sumcadna ugu kordhaysaa inay qaranimada u tudhaan, xal doon noqdaan.qaranimda sida ay ugu tudhayaan waa inay doorasho doon noqdaan, waa inay xal doon noqdaan, waa in ay tanaasulaad sameeyaan, dooda jaban ee ay meel walba la taagan yihiin joojiyaan.

No comments:

Post a Comment