"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Mucaaradkii Abdilmajid Xussein iyo Mucaaradka Ahmed Shide.

AHUN, Cabdil-majid Xuseen waxa uu ahaa Gudoomiyihii iyo asaasihii xisbigii leegada Ethiopian Somali Democratic League (ESDL) kuna midaysnaayeen CIISE, ISAAQ, GADABUURSI, GURGURE,AKISHO, JAARSO Iyo beelo kale. Asaasida xisbigaasi waxa ay dheelitirtay siyaasadii deegaanka Soomaalida Ethiopia, Xisbigaasi waxa uu kor usoo qaaday cududii, saamaynti siyaasadeed ee beelaha aan DAAROOD ahayn, kadib markii uu ku guulaystay doorashadii 1995-kii isagoo cod aqlabiyad ah ku hantiyay 55% xildhibaanada
deegaanka iyo 60% xildhibaanada baarlamaanka ee dawlda dhexe, taasi waxay sahashay in Madaxweyne loo doorto Iid Daahir Farah oo u dhashay Beesha Habar-Awal, Isaaq inuu noqdo madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Guulahaas siyaasadeed ee xisbigu gaadhay waxay ka cadhaysiisay Kooxaha ONLF, Al-itixaad iyo taageerayaashooda oo horayso iyo danbeysaba jecel inaan lagula loolamin siyaasada Ethiopia, cadaawada iyo xin siyaasadeed ayay u qaadeen Cabdil-majid Xuseen oo ahaa wasiirka Isgaadhsiinta iyo gaadiidka Dawlada Ethiopia,mar danbena noqday wakiilka joogtada ah ee Ethiopia u fadhiya qaramada Midoodabay, Ethiopia Permanent Representative to UN, kaalinta ugu wayna ka ciyaaray guulaha xisbiga Ethiopian Somali Democratic League (ESDL).
Taageerayaashii ONLF iyo Al-itixaad Cabdilmajid waxay ka faafiyeen dacaayado iyagoo ku tilmaamay dabadhilif TPLF, Jaajuus Melez zenawi, gaalo raac IWM, waxay u dhigeen jalaafooyin iyo shirqool kasta oo ay gaadhsiin kareen, heer isku day dil, July-1996 waxa ay isku dayeen inay dilaan Cabdilmajid Xuseein isagoo ku sugan xafiiskiisa Adiss ababa, dhaawac baase kasoo gaadhay weerarkaasi isaga iyo sadex ilaaladiisa ah, halka ay ku dhinteen laba kalena.
Mudo kadib dhacdooyinkaasi iyagoo soo laba kacleeyay oo jilayaasha uuni kala duwan yihiin waxay dul hoganayaan deegaanka Soomaalida, gar iyo gardaro waxaa la taageersan yahay Mustafe Cagjar, Suldaan iyo saqiir waxaa la eryanayaa Ahmed Shide wasiirka Maaliyada Ethiopia, waa daba dhilif OPDO, Jinsiyadiisu waa OROMO, waa HEEGO iyo sheekooyin noocaas ah oo filinkooda la daawaday ayaa ONLF iyo taagereerayaasheeda loo laqimay. Ahmed Shide sobobta loo sharaysanayaa kama duwana tii lagu sharaysanayay Cabdil-majid Xuseen oo asalkeedu yahay DAAROOD mooyaane inaanu aqoonyahan, siyaasi han iyo himilo sare leh kasoo muuqaan karin fagaarashayaasha siyaasada deegaanka iyo mida dawlada dhexeba.
MW, Mustafe Cagjar iyo Ahmed shide waxay isku hayaan mustaqbalka siyaasadeed oo ku aroora cida hogaamin doonta deegaanka mudada ku meel gaadhka ah kadib iyo hogaminta xisbiga Ethiopian Somali People's Democratic Party (ESPDP) mid waliba waxa uu gucle iyo orod ugu jiraa inuu taageerayaal badan ku yeesho golaha dhexe iyo golaha fulinta ee xisbiga, Sidaas darted waxay dood ka timid habka loo dhisayo golahayaasha xisbiga ma hab qabiil mise gobol iyo degmooyin? Gobol ama degmooyin in lagu saleeyaa waxay guul u tahay Mustafe Cagjar, ONLF iyo taageerayaashooda maadama gobolada iyo degmooyinka deegaanku ku dhisan yihiin qaab sedbursi ah. Ahmed Shide waxa u aaminsan yahay in lagu soo xulo reero ama qabaa’il, si beelaha Leegadu ay saami ugu yeeshaan xisbiga, Hogaanka iyo loolanka siyaasada deegaankana kasoo muuqdaan,Kadib labaatan sano oo la curyaamiyay siyaasad ahaan, deegaan ahaan iyo dhaqaale ahaanba.
Mw, Mustafe Cagjar si uu qiiq iskugu qariyo waxa iska dhigayaa HEEGO-DIID xisbiga iyo xukuumadana aanay meel ugama banaanayn ? Doodaasi waa mid aad u jaban, sobobtuna tahay halkuu ka marayaa inuu xubno badan oo HEEGO ah doonistiisa iyo fikirkiisa ugu dhiibay wasaarado iyo xilal kaleba? Halkuu ka marayaa in isago HEEGO ahaan u garanaya uu qanacsanaa inay mudo la shaqaynayeen? Maan iyo uur kala jira! Haatan inuu xilalka ka qaado, waxaa kuso beegay waa shirqool siyaasadeed si uu Ahmed shide ugu shaanbadeeyo inuu yahay taageere dulmigii ka dhacay deegaanka, Isagoo taas kusoo gabanayana uu xisbiga uga faro maroojiyo si ay ugu hirgasho danaha siyaasadeed ee beeshiisa oo ah inay xisbiga iyo deegaanka gacanta ku hayso, beelaha kalena noqdaan madiidintii iyo martidii sharaf lahayd ee labaatankii sano u danbeeyay.
Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo 
Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono. AHUN Faarax Nuur.

Guntii iyo gabagabadii Wasiirka maaliyada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Ahmed shide waxaa la gudboon inuu ka digtoonaado, kana feejignaado shirqoolada iyo jalaafooyinka siyaasadeed ee loo maleegayo oo xataa gaadhi kara isku day dil.

No comments:

Post a Comment