"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Kala mudnaan-siinta halganadii!

Angus Hamilton buugiisa THE BRITISH SOMALILAND waxa uu ku faahfaahiyay in Sayid M.C Xasan iyo kooxdisii Daraawiish mudadii dagaalka ku jireen ay goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Dulmadoobe, Shimbiris,Fardhidin, Jidbaale, Taleex iyo meelo kaleba kaga dileen Ingiriiska 21 qof oo ku jiray Taliye Richard Corfield, kana dhawaaceen 21 qof, Dagaaladasi dadka cadaanka ah ee lagu dilay iyo kuwa ku dhaawacmay dhinaca Ingiriisku waxa iskugu jireen Kornaylo, kabtano,Alifleyaal, xidigleyaal iyo kuwo kale.
Abdikadir Oromo buugiisa TIIRKA COLAADA waxa u ku faahfaahiyay in dhanka Somalia halgankii
ay hogaaminayeen Sh. Daud Culusaw, Sh. Xasan Barsame, Sh. Aweys, Suldan Cali Ciise IWM ay Talyaaniga goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Warshiikh, Marka-cadey,Jalalaqsi, Kismayo, Baardheere, Afgooye, iyo goobo kale kaga dileen 41 qof oo kuu jiray Antonio Cechi qunsulkii talyaaniga u fadhiyay Cadan iyo Sinsibaar, halka ay ka dhaawaceen 23 qof, Dagaaladaasi dadka cadaanka ah ee lagu dilay iyo kuwa lagu dhaawacay dhinaca Talyaaniga darajooyinkoogu waxay iskugu jireen qunsul, kabtano, kornaylo, laba xidigleyaal Iyo kuwa kale.
Dawladii Siyaad Bare taalo loo eekaysiiyay qalcadii Taleex iyo Sayidkii oo faraskiisii dhoodimeer heenseeyay ayay ka qotomisay Mugadisho, Ciidanka Bilayska ayaa loogu magac daray Daraawiish, waxay maalgalin badan galisay filin ku saabsan Dagaaladii daraawiish iyo Ingiriiska iyo tiraba dhawr Buug oo laga qoray Sayid C. Xasan iyo Kooxdiisii daaraawiish, Manhajka dugsiyada ayaa lagu daray taariikhdii iyo Gabayadii Sayidka, Si joogto ahna waxa loogu baahan jiray idaacada IWM.
Waxa is waydiin leh sobobta tacabka badan Kacaankii u galiyay buun-buuninta Daraawiish iyo hogaankoodii oo taariikhdooda Samaan iyo xumaan, dhib iyo dheef midka lagu tirin karo aanba la isku waafaqsanayn ? Sida ay halgamayaasha u kala xigsatay ee Daraawiish cirka u gaysay, halgamayaashii reer Somalia ee Talyaani la dagaalamayna u aastay taariikhdoodii? Qaacidadee lagu Saleeyay kala mudnaansiinta halgamayaasha kol hadii aynu ognahay in Talyaani laga dilay 41 qof, kuna soo laban-laabmayaan 21qof ee Ingiriiska laga dilay? Nuxurka jawaabuhu waa in halgamada loogu kala hiiliyay nin jeclaysi iyo eex qabiil.
Taariikhda eexda qabiil iyo nin jeclaysiga lagu saleeyay ee kacaanku beeray midhihii laga rabay way kasoo go’een, kol hadii shacabka Somalia aamineen inaanay halgamaa dagaal (Hero) ab u lahayn, ee Talyaanigu wabiyada kaga talaabi jiray, dhabarka iyo tagoogana ka raran jiray, waxaa kale oo ay midho dhashay in wiilka reer Somalia uu aaminay in taariikhda halgankii gumaysiga uu la wadaago taariikhda Daraawiishta iyo Ingiriiska oo asalkeedu ku aroorayo Somaliland.

Fu’aad Abdillahi
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment