"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Jidkii Qodxaha Badnaa!

Burburkii Somalia kadib, 1991-kii ayaa shir dib u heshiisiin loogu qabtay magaalada Addis-ababa, kasoo qayb galayaasha shirka oo dhamaa 75 xubnood waxaa lagu saleeyay goboladii iyo degmooyinkii burburka qaybta ka ahaa, Shirkii ujeedadiisu ahayd inuu reer Somalia isku soo dhaweeyo, waa uu sii kala fogeeyay, dareena galiyay Somalidii awalba kala shakisanayd, kadib markii kala badh ku dhaw ama 45% ergooyinkii shirka iyo golihii TNC ee lasoo dhisay ay noqdeen Beesha DAAROOD.
Dhisidii degmooyinka iyo gobolada muxubada qabiil ku dhisan marka hor
yeelato mar walba yeelato qayb libaax saamiga Maandeeq, xataa isagu laftiisu aakhirkii rumaystay buunbuuntii uu marka horeba abyay, Burburkii kadib Eelkii uu ka tagay Reer Soomaalia gayaysiisay in ay ka shakiyaan degmooyin iyo gobolo wax lagu qabysado.
eba Maxsuulka Siyaad Bare ka sugayay waxa uu ahaa in Beeshiisu
Shir kale oo dib u heshiisin ayaa 2005-kii lagu qabtay Magaalada CARTA ee Djibouti, shirkaas lagu dhisay habka 4.5 oo macnihiisu yahay afar qabiil DAAROOD, HAWIYE, RAXANWEYN, DIR iyo beelo laga tiro badan yahay, Inkasta oo aanay beeluhu soo soo wada dhawayn nidaamka 4.5, hadana waxa uu noqday xal lagaga maarmay JIDKII QODXAHA BADNAA iyo in saami lagu qaybsado degmooyiinkii iyo goboladii ku dhisnaa muxubada qabiil. Nidaamka 4.5 waxa uu noqday xal lagu soo dhisay dawlado ku meel gaadh ah laguna soo gaadhay dawlad rasmi ah, mustaqbalkana la rajaynayo in looga gudbi doono Qof iyo cod (One man one vote).
Khilaafkii ka dhashay Saamiga golaha dhexe iyo golaha fulinta xisbiga Dimuqraadiga Somalida Ethiopia SDP, ku dhiirashadii shirkii Beelaha DIR ee Adis-ababa, far-isku-fiiqii ergooyinkii shirkii Godey oo lagu shaanbadeeyay Beesha DAAROOD, khilaafyadii dhiigu ku daatay ee ka dhashay dhisidii maamulka magaalooyinka, degmooyinka iyo gobolada, saluugii ka dhashay dhisitaanka golaha xukuumada mustafe Cagjar, Degmooyinka qaar oo laga diiday ciidanka gaar ah (Liyu Police), kala safashadii kooxaha xisbiga ee ay kala hogaaminayeen Mustafe Cagjar iyo Ahmed Shide, Saluuga maalmahan taagan ee ka dhashay qoondada miisaaniyada degmooyinka iyo mustaqbalka oo la saadaalin karo in khilaaf weyn ka dhasho baarlamaanka deegaanka Somalida Ethiopia oo 75% hal beel ah, dhamaan khilaafyadaa, saluugyada iyo ismaandhaafyadaasi waxay sal ku leeyihiin curintii degmooyinka iyo gobolada uu Cabdi Iley kasoo dheegtay Aabihii Siyaad bare kadib markuu u qorsheeyay 66 degmo oo oo isku wada muuqda inay beeshiisu kasoo baxdo, halka beelaha kale uu u qorsheeyay 27 Degmo.
Sanad kadib markii la xidhay Abdi Iley wali qorshihiisii baa lagu socdaa, khilaafyada soo noqnonayaana waxay ka turjumayaan in deegaanka Somalida DDS soo marayo jidkii QODXAHA badnaa ee Somalia soo dhex guur-guuranaysay 1991-kii oo asalkeedu yahay MUXUBO QABIIL iyo SADBURSIIMO SAAMI.
Sanad kadib markii laga qaaday xilka Madaxweynihhii hore talaabo kasta oo maamulka cusub qaado waa boog cid damqaysa, oo dhayid u baahan, xalkuse waa mid fudud yahay waayo ma aha arin ugub, ee waa arin soo jireen oo soomaali hore ayay xalkeeda u keentay, waxaase dhibaato ah marka la iska indho tirayo boogaha waaraya ee marba soo laba kaclaynaya.

Marka xaal sidaas yahay laba arimood mid ayaa la gudboon madaxweyne Mustafe Cagjar;
1) Inuu dib u habayn ku sameeyo degmooyinka iyo gobolada iyadoo laga duulayo tirada dadka, cabirka dhulka, dakhliga iyo wax soo saarka degaanka.
2) Inuu qabto shir dib u heshiisiin loo dhan yahay oo lagaga guuro nidaamka degmooyinka saamiga lagu qaysado looguna guuro hab qabiileed 4.5 oo kale ah inta la helayo degmooyin tirakoob lagu saleeyay.

Labadaa talaabo oo Mustafe cagjar mid ku dhiirado waxay u horseedi doontaa deegaanka cadalaalad, wada lahaansho, midnimo shacab, horusocod, kala shakiga oo baxa, qoomiyadaha kale oo wadajir la iskaga caabiyo iyo siyaasada deegaanka oo xasisha hadii kalena taas lidigeeda iyo halaag looga dhaadhaco ayaa la filan karaa.

Fu’aad Abdillahi.
Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment