‘Waxaan ahay nin GADABUURSI ah, oo kasoo qaxay FAYAANBIIRO, waxaase haybtayda lagu diiwaangaliyay OGAADEEN, La iima ogola inaan si xor ah u sheegto nasabkayga, oo waxaan ku qasbanahay inaan OGAADEEN ku sidkanaado, si aan raashinka la iiga jarin’ Sidaas waxaa yidhi Oday Daahir Cali Colhaye isagoo 1982-kii ku sugan Xeradii Qaxootiga AGABAR, In Cali nasabiidasa la dhalan-rogo mid kalena lagu qasbo waxaa ka shaqaysay Dawladii Siyaad Bare.
2019 bilawgiisii tirakoobka KENYA tijaabadiisii markii la gudagalay waxaa la ogaaday in Diiwaanka (Form) tirakoobka beelo badan oo
DIR iyo DAAROOD leh oo deegaan ku ah KENYA la hoos galiyay beesha OGAADEEN sidii oo ay yihin Jufooyin Ka hoos farcamay, arintaas waxaa la qiyaasi karaa inay KENYA ay ka dhaadhiciyeen Siyaasiyiinta kaso jeeda beeshaas oo ugu tun weyn Soomaalida deegaankaasi si ay dhankooda muxubada qabiil uga wadaan.
1992-kii shirkii Diredhaba ee lagu aasaasay deegaanka Somalida Ethiopia, ONLF waxay soo jeedisay in la qaato magaca OGADENIA balse Dr. Abdimajid Hussein ayaa si adag uga soo horjeedsaday isagoo ku dooday in deegaanka beelo badan degaan beeshuna kuwaas ka mid tahay, Dooda Dr. Abdimajid ayaa la tixgaliyay, waxaana ganafka lagu dhuftay doodii iyo magacii ay ONLF caashaqsanayd.
ONLF halkaas kagama ay hadhin ee mudo sodon sano ku dhaw wali waxay gucle-orod iyo loolan ugu jirtaa in magaca SOMALI ee beeluhu wada hadhsanayaan ku bedesho magaca beeshooda iyagoo ku andacoonaya in Gumaysigii u yaqaanay deegaanka, Doodaasi waa mid aad u jaban waayo Ingiriisku 1948-kii ayuu Ethiopia ku wareejiyay Jigjiga iyo nawaaxigeeda OGADENIA heshiiskaas laguma xusin, mar kalena 1954-kii ayuu Ingiriisku ku wareejiyay Ethiopia Deegaanka HAWD & RESERVE AREA oo heshiiskana lagu xusay, Qaybta Deegaanka Beesha OGAADEEN u badan tahay oo magacu tilmaamayo waxay Ethiopia la wareegtay mar kale, halkaas waxa inooga cad in qayb ka mid ah deegaanka uun magacaasi gumaysigu u yaqaanay balse aanu deegaanka ka wada turjumayn taariikh ahaan.
ONFL waxa kale oo ay ku doodaan in OGADEN WAR Loo yaqaanay dagaalkii 1977-kii, Sida aan ka dhadhansan karo sheekada Oday Daahir Cali arintaas waxaa door ku lahayd dawladii Siyaad Bare, Hadiibase tooda loo raaco ONLF waxaan waydiinayaa ma og-yihiin in Buuga Faxuuxal Xabash oo Halgankii Ahmed Gurey si faahfaahsan loogu qoray aan meel kaliya lagaga xusin beesha OGAADEEN balse lagu xusay MAREEXAAN, HAWIYE, GERI, MAGAADO (ISAAQ), CIISE, GURGURE, GADABUURSI, XARLA iyo beelo oo kale, Bal ka waran hadii beelahaasi ay ku doodaan in Deegaanka magacooda loo bixiyo madama dagaalo iyo halgano fog lagu xusay, Saw maan guracan iyo garasho jaan maaha?
Maalmahan waxaa magaalada GODEY shirweyne uga socdaa kooxda ONLF si ay xisbnimo ugu guurto, Shirwaynaha waxaan kula talinayaa inay ka guuraann muxubada qabiil, Hadiise shirweynuhu ku adkayasto, Shacabka Somalida Ethiopia waxaa la gudboon inaanay marna ogalaan in deegaankooda uu ka hawl galo Xisbi qabiil, In aanay xubin ka noqon golayaashiisa iyo In ay Gudida doorashooyinka iyo dawlada dhexe Ethiopia u gudbiyaan khilaafka ka dhalan kara xisbi qabiil oo la diiwanagaliyo.
ONLF iyadoo Jabhada ah ayaa laga furfuri waayay muxubada qabiil, hadiiba hab-dhaqankaas xisbi ku noqdaan, doorashadana ku guulaystaan, waa hubaal ah in talaabada ugu horaysa ee u qorshaysan tahay KANA SIIB, KANA SAAR, Macnaha SOMALI TIR-TIR oo OGADENIA KU BEDEL oo ay mudaba hiigsanayeen in Somalida Ethiopia iyaga ku abtirsadaan.
Tixraac:
Buuga Tiirka Colaada, Abdikadir Oromo,
Buuga Danjire Qaybe
Maqaal: Taariikhda Dir-dhabe, Faisal roble
Fuaad Abdillahi
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment