"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Somaliland iyo Solisland Midkee?



Sida aan wada ogsoonahay qarnigii tagay horaantiisii somalida iyo Isbadbadalkii xaaladahii ay soo martay waxaa aad looga xasuusan karaa Dagaaladii sokeeye iyo Gumaysigii reer Yurub
ee ku faafay qaarada afrika oo dhan. Waxaa kala gumaystay Soomaalida sadex dawladood oo reer yurub ah waxaanay kala ahaayeen Faransiiska , Ingiriiska iyo Talyaaniga . Gobolada waqooyi ee Somalia oo hada loo yaqaan Somaliland waxa gumaysan jiray Ingiriiska oo qabsaday wakhtiyo lagu qiyaaso ilaa 1884kii waxaanay xoriyadoodii lasoo noqdeen 26june 1960kii kadib markii uu gumaysanayay mudo ku dhaw sideetan sano isagoo faaiidada ugu wayn ee uu ku qabay ay ahayd dakada Berbera oo uu uga dhoofin jiray Hilib iyo Saad ciidankiisii daganaa Xeebta Cadan halkaas oo uu uga socday xidhiidh ganacsi oo ka dhexeeyay isaga iyo Hindia.Sidoo kale 1889 Koonfurta Soomaaliya waxa gumeeyay talyaaniga.1862 Waxaa jabuutina ay gacanta u gashay faransiiska.
  • Anigu waxaan ahay shaqsi aragtidayda uun baanan ka hadli karaa waanan ku qaldanaan karaa sidoo kale waan ku saxsanaan kara.
  • Waxaa dhiiranaan lahayd aragtidaada la xidhiidha maqaalkan inaad noo soo bandhigto si aan kuula wadaagno oo kuula dhadhamino nuxurkaaga kusaabsan aragtidan.
  • Waxaan jeclaan lahaa in aan ka qanco kana seexdo arintan marwalba maskaxdaydu ku cartamayso ee la xidhiidha qadiyada Somaliland .
  • Bal qof walawba waxaad odhaah ka dhiibataa In magaca Somaliland sidan loogu daayo iyo in Laga badalo la baadhbaadho mid kale lagaga raysan karo oo lagu dago.
  • Qof walawba bal waxaad samaysaa Is barbardhig ama Comparison Faaiidada iyo khasaaraha uu ku fadhiyo magacani iyadoo aynu ku xisaabtamayno mar walba midka badan faaiidadiisa iyo khasaarihiisa.
  • Waxaan raali galin ka bixinayaa wixii qaladaad ama dhacdhac aan gaystay. Binu aadam ayaan nahay binu aadamka iyo qaladkuna wada wada jirayaan ilaa qiyaamaha.
  • ilaahay ayaan ka codsanayaa wixii wanaaga ah inuu iga abaal mariyo wixii qalad ah ee aan galayna waxaan ka baryayaa danbi dhaaf.

Ingiriisku mudadaas uu xuurtada ku haystay Gobolada Waqooyi waxa uu sidii uu doono uga faaiidaystay dakhligii dabiiciga ahaa ee gobolada Waqooyi, Waxa si lama filaan ah u samaysmay ciidankii Daraawiishta una dagaalamay in mudo ah inay soo ceshadaan Gobanimadoodii,adoonsigana ka saaraan Bulshada markii ay in mudo ah Gobanimo doon u Halgameen ayaa waxa dhintay Sayid ayay kala soo noqdeen xornimadoodii sanadkii 1960kii .
Ujeedadaydu ma aha in aan ka sheekeeyo ama wax ka qoro taariikhda somaliyed balse Ooda dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala qaadaaye waxaan uga Gol leeyahay Inaad ila fahanto Sida uu ku yimid magacan Somali asalkiisa ama sidii u ku baxay oo bal intii ilaahay inaga garansiiyo aan ka taataaban doono .
Taariikhyahano u dhuun daloola Cilmiga taariikhda, Aqoonyahano, Qoraayo, wax garad intuba waxay isku raaceen iskuna waafaqeen laguna qoray buugaag badan in magacan soomaali uu baxay wakhtiyadii uu ingiriisku gumaysan jiray Gobolada Waqooyi.
Hadii aan usii dhaba galno Bixitaankii magaca iyo sobobta ama Ujeedada uu ka dhashay waxay ahayd, Wakhtigaas ingiriisku uu gumaysan jiray Goboladan Waqooyi waxa uu la sameeyay is dhex gal waanu dhex jibaaxay aadna waa uu u dhex galay dadkii halkaas daganaa, sifiicana ula qabsaday dhaqankooda, Nolol maalmeedkooda, Waxa ay jecelyihiin iyo waxa ay neceb yihiin Iwm.
In mudo ah markii uu ingiriisku ama saancadaluhu la dhaqnaa dadkan Gobolada waqooyi Ayaa waxa ka mid ahaa waxyaabihii uu aad ula yaabay Eray ay mar walba adeegsan jireen Soomaalidu eraygaasi waxa uu ahaa Soomaal waxa uu maqlaa Aroortii iyo Habeenkiiba iyagoo ku dhawaaqaya Eraygan oo aanu isagu macnihiisa iyo ujeedadiisa ka danbaysan aqoon.
Macnaha dhabtaa ee Soomaal waa eray Amar ah amrayana in lasoo maalo ama lasoo liso Xoolaha sida Geela, lo’da iyo Adhiga oo ay aad ugu dhaataan bulshada soomaalidu.Waxa suurto gal ah markii uu arkay sida uu eraygani dhexdooda mar walba uga muuqdo uu u maleeyayba in Bulshadan uu Gumaysto la yidhaa Magacanba.
Kadib waxa ay ka dhigteenba afgarasho ay iskula fahmaan marka ay ka hadlayaan Bulshadan ay gumaystaan waxanay odhan jireen Dadkii Soomaal eraygii waxa uu u gudbay una talaabay bulshadii lafteedii, Markii u woxogaa uu bulshada dhex socdayna waxa ay dadkii markii danbe badaleen Lahjadiisii ama ku dhawaaqistiisii hore waxaanay xaga danbe kaga dareen xarafka I maxsuulka soo baxayna waxa uu noqday (Soomaali) marka dadka laga hadlayo balse wadan ahaana waxay noqotay (Somalia/soomaaliya), Eraygii markii danbe waxa uu noqday Magac caan oo la isla wada yaqaan,waxa uu noqday magac bulshadii caalamka oo dhan isla Garanayso oo ay la qabsadeen ku dhawaaqistiisa iyo garashada dadka uu tilmaamayo.
Dagaalkii labaad ee aduunka badhtankiisii 1939-1945 waxay dadka badankiisu aaminsanaayeen in al abuuro dawlad midnimo wakhtigaas oo ay soo xoogaysteen halganadii siyaasiga ahaa oo ku midaysnaa wakhtigaas fikirka Soomaaliwayn 1960 Somalidii Waqooyi iyo Somalidii koonfur Markii ay kala soo noqdeen xornimadoodii Gumaystaha waxay ku heshiiyeen Soomaalidu in ay midawdo oo dhisato hal dawlad oo wadaag ah oo Midaysan waxaanay doorteen Madaxwayne iyo Baarlamaan, In mudo ah markii ay midaysnaayeen somaliwayn ayaa ilayn habaarqabuhu bulshaduun buu ku dhex jiraaye waxaa soo ifbaxay nin dhiigyo cab ah waa madaxwaynihii kalitaliska ahaa waa Maxamed Siyaad Bare oo hadimooyin badan u gaystay dadkii daganaa Gobolada Waqooyi.Wakhtigaas uu Siyaad Bare haystay dawladii Soomaaliya Bulshadii Waqooyi ama Bulshadiii Soomaaliland waxa ku dhacday Cadaalad daro badan, Dhibaatooyin soo noqnoday , Hadimooyin aan xad lahayn iyo Maatidii iyo birmagaydadii oo la xasuuqay. Waxa dhacday inta ay xataa Diyaaradaha dagaalku ka duulaan magaalada Hargeisa ay hadana dib u rushaynayeen isla magaalada Hargeisa arintaasi oo noqotay mid horteed la arag ama ka dhicinba caalamka .
In mudo ah markii uu socday xasuuqaas loo gaystay Somaliland waxa is abaabulay geesiyo tiro yar oo ka damqaday dhibta lagu hayo Bulshada waxaanay si cad uga so horjeedeen Dawladii Siyaad Barre iyadoo ay ku dhalisay dagaalkan lagula kacay dadkoodii iyo bulshooyin kaleba.Waxay samaysteen Jabhad markii danbe ku guulaysatay in ay dadkoodi usoo celiyaan xoriyad buuxda iyo Gobanimo lagu reeyay.
Jabhadaasi ay samaysteen dadkii Waqooyi wax ay u bixiyeen Somali National Movement oo macnaheedu tahay dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee somaliyeed mudo sobobtoo ah marka hore waxa ku jirtay uun in ay xasuuqa ka qaadaan Umadooda balse kumay fikirayn inay Dawlad Goostaan Balse mudo kadib waxa ku dhalatay in ay goostaan goboladaas Waqooyi oo madaxbanaanidoodii la soo noqdaan shirar, kulano iyo afti kadib waxaa la isku waafaqay Madaxbanaanida Soomaaliland.
Way wanaagsanayd in ay goostaan dawlad gaar ah samaystaana magac balse halka qaladku ka dhacay waxay ahayd iskamay badalin magacii hore ee waxay magacii hore ee  la baxeen magacii Ingiriisku u yaqaanay waxaanay magacii Soomaaliya ka jareen Iya kuna dareen  land oo ah eray ingiriisi ah macnahiisuna yahay Dhul macsuulkuna waxa uu noqday Soomaaliland marka ingriisi lagu macneeyo waxay noqonaysaa (Dhulkii Soomaalida) sidoo kale Afcarabi waxay ku noqonaysaa (أرض الصومال)Macnaheeduna sidoo kale waa ( Dhulkii Soomaalida) .
Kasoo qaad ardayga halkan ka taga wadankan soomaaliland ee waxbarasho u tagaya dhulalka Carabtu hadii la waydiiyo (من أين جئت؟) waxa uu ku jawaabayaa waxaan ka imid (جئت من أرض الصومال) waxan ka imid (Dhulkii Somalida) kadib ninkii carabka ahaa uma fahmayo in ay tahay Dawlad gaar Sharci iyo kala danbayn ku faanaysa ee ee isagu Awalba wuu yaqaanay Dhulka Soomaalida macluumaad badana wuu ka hayay, Sidoo kale waxa uu ogaa dhibaatada ka taagan iyo in ay tahay meel xun oo dadka si dhibyar loo laayo, Sidaas darteed waxa uu u fahmaya uun in wiilkani ka yimid Meeshii Dagaalka Sokeeye Aafeeyay ee uu awalba Yaqaanay.
Sidoo kale hadii uu tago dhulalkaas Yurub ama dagaanada dadka ku hadla luuqada ingiriisiga oo la waydiiyo isla suaashii oo Ingiriisi ah (Where did you come from ? ) xageed ka timid waxa u ku jawaabayaa (I came from Somaliland ) waxaan ka imid Dhulkii Soomaalida Ninkii reer yurub waxa uu u fahmayaa uun Dhulkii Soomaalida balse uma garanayo in uu sheegayo Dawlad kale oo dastuur iyo sharci, Dawladnimo ku taamaysa, wuxuuse fahmayaa in uu ka yimid meeshii lagu go’ay ee Budhcad badeeda, Culimada iyo Qabqablayaashu isku hirdiyayeen.
Halkaas waxaan ka arki karnaa in aan Dadka caalamku ama dawladaha horumay aanay adeegsanayn marnaba magaca Soomaaliland Sobobtoo ah macnaha ay u samaynayso badankooda ayaa waxa uu yahay sida ay yihiin dawlado badan oo caalamka ah ee aynu inaguna sifiican ula socono. Waxa weeyi wadano badan ayaa Wadanka magaciisa iyo dadka magacoodu is shahabaan ama leeyihiin Asal wadaag, waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa Ethiopia waa dalka xabashida dadka laftiisuna waa Ethiopian, China waa wadanka Jaynaha dadkana waxaa la yidhaa Chinese. Sidoo kale Kenya waa wadan ay dagaan dad afrikaan ah oo jaarkeena ah dadka waxaa la yidhaa Kenyan sidoo kale India waa wadan ku yaal qaarada Asia waxaanay Xuduud leeyihiin Pakistan, Hindia waxay leedahay Bad wayn la yidhaa Indian Ocean dadka daga dhulkaasna waxaa la yidhaa Indian,
Intaaasi waxaan u malaynayaa in ay inoogu filan tahay Tusaale wax ku ool ah oo inoo qeexaya Habka Asal Magac wadaaga Wadanka iyo Dadka marka maskaxda laga shaqaysiiyo.
Hadii aan xaga qaarada iyo Asalka magac wadaaga Dadka iyo Qaarada aan tusaale soo qaadano waxaa inagu filan Africa oo ah qaarada Dadka madaw dadkeeda waxaa la yidhaa African, America waa qaarad Dadkuna waa American, Asia Dadkana waxa la yidhaa Asian Halkana maxaynu ku aragnaa in Magac wadaag ay leeyihiin Qaaradaha aduunka iyo Dadka daga Magacoodu intaasi tusaale inoogu filan waxa u malaynayaa in aad sifiican ii fahansan tahay.
Inkastoo aanay had iyo goor dhawaq ahaan isku mid ahayd wadanka iyo dadku oo ay leeyihiin heer caalami ah oo loo magacaabo hadana dadku isku wada aragti maaha iskuna wada caqli maaha sidaas darteed dad badani waxay u fasiranayaan Soomaalia iyo Soomaaliland Wadan iyo Dadkiis sobobtoo ah waxay leeyihin Asal wadaag sida aan kusoo aragnay Dawladahaa iyo Qaaradaahas aan kor kusoo xusnay habka ay Iskula falgalaan ama Asal wadaaga u leeyihiin.
Sidaas darteed waxaan odhan karnaa Dhibaatada ka taagan Soomaalia waxa la wadaagta had iyo goor Somaliland xataa lama wadaagaan Djibouti Somaliwayn magac ma wadaagaan sida sobobtoo ah magac ma wadaagaan ee magac gaar ah ayay ku caano maalaan, Balse Somaliland iyo Soomaalia dad badan oo caalamka ku nooli waxay u aamin san yihiin Dad iyo Dalkiis. Wanaaga iyo horumarka ay Somaliland ku talaabsatana waxa la wadaaga Somalia markaa maynaan odhan Karin dhibta iyo dheeftuba way ka dhaxaysaa Somaliland Iyo Somalia ? iyadoo ay waliba Somaliland Sheeganayso Dawlad ka madax banana Soomaalia.?
Imika dhawaan qaraxii ka dhacay ka dhacay magaalada muqdisho ee lagu laayay ardaydii qalinjabinaysay ee Farxadii iyo kafankoodi la isku raaciyay, Caalamku waxa uu ku lamaanaynayaa Somaliland idaacad walba waxay odhanaysaa qaraxasi waxa ka danbeeyay dad Somali ah oo ku qudhgooyay caruurtoodi, Ila garoo magaca Somali marka lagu dhawaaqo ama la sheegaba waa ay soo hoos galaysaa Somaliland waxaanay idaacaduhu odhanayaan Dhulka somalida aya qarax laga fuliyay Macnaheeduna waa Somaliland oo qarax ka dhacayn uun.
Sidoo kale dadka reer soomaaliland wali sharciga ay ku tagaan caalamku waa sharcigii soomaaliya. Ardayga doonaya in uu tago Jaamacad Europe ah waxa uu soo qaadanayaa Shahaado Soomaaliya ah Taasina waxay sii xoogaynaysaa Halkii aynu lahayn Soomaaliland iyo Soomaalia dadka qaarkiis waxay u haystaan (Dal iyo Dadkiis) .
Soomaaliland maanta waa Dal dhamaystiran lehna dhaqaale ku filan, khayraad dabiici ah, Dakado, Dhul beereed, Dhul Daaqsimeed, Xayawaan iyo Xoolaba waxa kale oo ay samaysteen Dastuur, Sharci, Madaxweyne, Baarlamaan, Iyo Guurti intaba balse waxa ay la wadaagaan ama ay iskaga xidhan yihiin Sooomaaliya waa magaca had iyo goorna dhibaatooyinka maalin walba ka taagan Somalia/Soomaaliya way la wadaagaan oo magaca ayaa kulminaya oo isku xidhiidhinaya Taasi aragtidayda waa qodob ka mid ah sobobaha loo aqoonsan laayahay Soomaaliland/Somaliland hadii ay dawladaha horumay u gartaan ama u fahansan yihiin in Somaliland/Soomaaliland iyo Somalia/Soomaaliya kala yihiin laba dawladood hadana inay ictiraafaan cabsi ayaa kaga jirta sobobtoo ah waxay arkaan magacan iyo isku xidhnashaha ama wadaagida magaca waxaanay ku fikirayaan in aanay u kala go’in Hab Caalami ah balse ay sobobeen Dhibaatooyinka iyo dagaalada Sokeeye ee ka taagan Soomaaliya uuni.
Kadib markii aan sameeyay daraasad balaadhan Meelo badana u dhabo galay waxaa igu dhalatay ama aan soo jeedin lahaa rayi ahaan In ay bulshada reer Somaliland iska badalaan magacan Somaliland hadii la isku afgarto kadibna qiimayn lagu sameeyo Faaiidadisa iyo khasaarihiisa. Waa arin u baahan in laga sameeyo Kal fadhi lagana sameeyo Cod iyo Afti lana soo dhex dhigo Sadexda Gole, si loo ogaado inta ogol in lagu nagaado magacan Somaliland iyo inta doonaysa in meel kale looga Hayaamo. Hadii kale siday aniga ila tahay waxaan mar walba ku hoos jiraynaa Somalia/Soomaaliya, Taasi waa aragtidayda aragtida ama fikirka oo bulshada loo soo bandhigo ama lagusoo dhex tuuro oo la isla afgarta waxaa ka dhalata Guul, Hadii la isla afgaran waayana waxa uu ka digaa in arinkaasi aanu mar danbe kusoo noqon bulshada dhexdeeda iyaduna Guul labaad ah .
Bal hadaba qof walowba arinkaasi ka dhiibo aragtidaada hadii aad igu raacsan tahay aragtidaas waxa daruuri ah in aad sifiican u baadho, maskaxdana kasoo dhiijiso Magac meel mar ah oo lagu dago, Iskuna day in aad magaca aad keenayso yahay mid la xidhiidha dalka Dhaqaalihiisa, Arimihisa, Dadkiisa ama meelo kale oo taariikhi ah oo ay ku taamto bulshadu.
Markii aan baadhay una daandagay sidii aan u soo heli lahaa Magac qiimo leh wakhtina u hibeeyay waxa aan ku qancay runtii maskaxdayduna ku nasatay Magaca (Soolis) oo u dhigma magacii hore ee Somali/Soomaali waana isku macno balse waxa kala duwan odhaahda, Soomaal macnaheedu waa marka geela la maalayo sidoo kale soolisna waa isku macno balse ku dhawaaqista iyo habka amarku u baxayo ayaa kala duwan Sidoo kale eraygan waa eray sax ah oo laga isticmaalo Goboladan waqooyi intii xoolo dhaqato ahna sifiican bay u garanaysaa Macnihiisa iyo Ujeedadiisaba.
Wax la hayo oo aan faaiido lagu qabin waxaa ka haboon wax maqaan oo lagu hamiyo sidaas darteed bal hadii la isla afgaran lahaa aragtida badalida Magaca Soomaaliland aan isku dayo in aan tuso habka wanaagsan ee aan lala wadaagayn ee Magacu ugu soo kala hagaagi karo ama u kala qaadan karaan Dalka iyo Dadku bal ila dheeho adna waa sidan: dhulku isagoo ku qoran sadex luuqadood (Soolisland/Solisland/أرض سولس )macnaheeduna waxay noqonaysaa Dhulkii Soolis. Dadkuna waxay ay noqonayaan Solislander/Soolislander/ Ama waxaynu odhan karnaaba Dadkii (Soolis/ Solis People/ شعب سولس )
Gabo Gabo
N.B Qof walba oo somalilnader ah oo akhriya maqaalkan waxaan ka codsanayaa in uu sifiican u dhuuxo iskuna dayo Fikirkiisa ama waxa uu ka odhan lahaa arinkaas oo cid gaar ah aan khusayn oo dhexyaal u ah bulshada somaaliland ilayn iyagaa masuul ka ah wadankooda wixii ay kusoo kordhinayaan ama ku reebayaanbee.

Afaray Qalinku dirir ah
Bulshada Somalilaneey
Soomaali dhamaanteed
Sees inaan ka dhiganoo
Sallka aan u noqonaa
Samahooda iyo saancadkod
Sanka ooynu iskaga tolnaa
Sumcadeena ma ku helayna ?
Ka sal gaadhi mayno
Intaa aan seeska iyo
Sumad aan wadaagnee
Soolis aynu noqonoo
Soomaal aan u dayno
Ilayn saafistoodu
Same meanin weeyiye
Sadarkaase kala duwan
Soomaaliyoo aynu
Sumadooda wadaagna
Saranseerkoo raagiyo
Siliceena weeyiyoo
Samo kuma helaynee
Soolis aynu noqonoo
Soomaal aan u daynaan
Saakana la taagnahay ?
Alla Mahadleh

Fuaad Abdilahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com

No comments:

Post a Comment