"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Waan Baahanahay looma bahalo cuno Ictiraaf raadintu yaanay meel xun inala galin



Xukumadihii iskaga danbeeyay Dawlada Somaliland sida Xukuumadii Marxuum Cabdiraxman Tuur, Xukuumadii Marxuum Cigaal iyo Xukumadii Daahir Riyaale Dhamaan waxay ka digtonaadeen in ay ka qayb
galaanshir lagu wiiqi karo ama wax u dhimaya madaxbanaanida iyo Gooni isutaaga Somaliland Balse xukuumadan Siilaanyo oo laga filayay in ay Arimaha dibada xoog iskaga dhisi doonto kana firfircoonaan doonto xukuumadihii hore maadama ay ka fursad iyo wakhti xasilooni ah kusoo beegantay waxaa lagu rajo waynaa in ay wax badan ka qaban doonto Siyaasada somaliland una
horseedi doonto siyaasad furfuran oo meel ku wajahan nasiib darose waxay durba la soo baxday in ay jabiso shuruucda dalka qaar waxaana ka mid ah qodobada dastuuriga ah ay xukumada ka talaabsatay Sharciyo ay ansixiyeen Golayaasha sharci dajintu sida labadan hoos ku xusan.

1.       Somaliland waxa ka madnuuc ah in uu soo galo siyaasi reer somaliland u dhashay balse u ololeeya somaliweyn, Xeerkaasii oo ahaa mid dhaqan gal ah waxa isla markii ay doorashada ku guulaysatay Xukuumada Siilaanyo isku soo shubay Dalka somaliland siyaasiyiin badan oo aaminsanaa mabda’a somaliwayn waxaana siyaasiyiintaasi ka kaw ah Cismaan kaluun oo bilaa cafis in mudo dhex tamashlaynayay hargeisa halka Sifir na uu hada ku sugan yahay caasimada inkasta oo isagu cafis ka helay xukuumada siilaanyo kana soo noqday fikirkii somaliwayn.

2.       Siyaasiyiinta somaliland Muxaafid iyo Mucaarid waxaa ka madnuuc ah in ay ka qayb galaan shir lagaga hadlayo ama lagu gorfaynayo arimaha Somalia, Hadaba Xukuumada siilanyo waxay wiiqday Qodobkaasi oo ahaa mid ay somaliland kusoo caano maashay kuna soo gaadhay heerka ay taagan tahay waxaanay shir lagu falanqaynayo arimaha Somalia u dirtay Dr Mohamed Abdillahi Omar wasiirka arimaha Dibada Somaliland iyadoo ay AJandaha ama kaalinta uu wasiirku kaga qayb galayna ay tahay isagoo matalaya maamul Goboleed Sida Galmudug iyo Puntland taasi oo ku cad ama ku suntan warqada ay soo saartay Wasaarada Arimaha Dibada ee ingiriisku oo aan meelna lagu sheegin ay somaliland tahay dal ka madax banaan somaliya oo fikir looga baahday.


Gunta iyo gabagabadii somaliland waxa ay heerkan kusoo gaadhay xeerar, sharci iyo nidaam wax ku ool ah oo loo dejiyay sidoo kale waxay xukuumadihii hore ka digtoonaadeen in laga dhadhansado maamul Somalia ka tirsan waxaanay ka fogaadeen wax kasta oo loogu nisbayn karo sida munaasibadaha Somalia lagu falanqaynayo, Adigoo aan aqoonsi caalami ah ka haysan beesha caalamka hadii aad shir Somalia arimaheeda lagu falanqaynayo ka qaybgasho waa marag ma doon in lagugu tirinayo maamul Somalia ah, sidaa darted waxaan xukuumada ka codsanayaa in ay dadka ka qanciso shirkan ay soo qabanqaabisay Wasaarada Arimaha Dibada Ingiriisku oo ah mid somaliland kusoo celiyay halkii ay maraysay 1991 labaatan sano dadaalkii lagu jiray waxaynu odhan karnaa waxaa maanta dib u celiyay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Mohamed Abdillahi Omar iyo Xukuumada uu ka tirsan yahay oo uu ka haytso taageero buuxda.
Mida kale sidii uu sheegay Alle ah u naxariistee Ibrahim Maygaag Samatar Somaliland way noolaan kartaa Ictiraaf La’aan sida ay Taiwan ba u nooshahahay , Waan baahanayna looma bahalo cuno ee yaan aqoonsi raadisku inala galin meelo xun xun sida shirarka soomaliya looga ariminayo.

Dr Mohamed Cabdillahi Omar oo ah siyaasi da’yar kuna cusub saaxada siyaasada somaliland waxaynu odhan karnaa shirkaasi wuu ku dagdagay waana fadeexad siyaasadeed oo wayn wax dhab ah oo dadka ku qanciyona ma hayo sidas darted xukuumada waa in ay talaabo ka qaado hadii ay danaynayso Gooni isu taaga iyo Madaxbanaanida somaliland.

Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com


No comments:

Post a Comment