waxaa xiliyadan danbe marba marka ka danbaysa soo badanaya dhalin yarta tahriibayaasha ah iyagoo u dhalan dhoolaya una hayaamaya wadamo kale kana tagaya wadankoodii oo hiigsanaya horumar nabadina ka jirto, waxbarasho nooc walbana laga hir galiyay,Waxay
sawiranayaan humaag ah in aan wadanka waxba oolin, wax horumar ah oo lagu gaadhi karaana jirin, laakiin waa sawir iska dhalanteeda, waxaa hubal ah hadii ay sameeyaan (activity ) firfircooni iyo dadaal dheeraada inay gaadhi karaan halka ay doonayaan, (dadaalaa xaaji cabaas wuu gaadha waanu dhaafaa ) ayay somalidu ku maahmaahdaa.
sawiranayaan humaag ah in aan wadanka waxba oolin, wax horumar ah oo lagu gaadhi karaana jirin, laakiin waa sawir iska dhalanteeda, waxaa hubal ah hadii ay sameeyaan (activity ) firfircooni iyo dadaal dheeraada inay gaadhi karaan halka ay doonayaan, (dadaalaa xaaji cabaas wuu gaadha waanu dhaafaa ) ayay somalidu ku maahmaahdaa.
Sida aad ugu heelan tahay inaad tahriibto uguna adkaysanayso waxaasoo dhiba in aad marto oo aad soo shaqaysato hadii aad ugu heelanaato inaad wadankaaga ka shaqaysato lana timaado dadaal dheeraada, waa lama huraan inaad heer gaadhi doonto, wadankaaga iyo dadkaagana wax u qaban doonto….
Dhalin yartan tahriibayaashaaa oo u qaybsan laba qaybood ayaa waxay kala yihiin qaar safarkooda ka bilaaba bada halkaana ka gala dhulalka yurubta, asia iyo qaar saxarahaba mara waana kan labada kooxoodba qaabkooda tahriib iyo dhibaatadooduba.
KOOXDA KOOWAAD
Koox marta bada cadmeed tan talyaaniga iyo bada cas …kooxdani waa koox loo dhoob-dhoobo dooni yar oo qaadkeedu yar yahay oo la saarayo tiro dad ah oo aan suurto gal ahayn, xataa aan lahayn adkaysi badan oo ay iskaga caabin karto mawjadaha.
Qolooyinkani badanka waxay ka baxaan Djibouti ama Bosaaso halkaasi oo lagaga furto lacag badan oo xataa wax u qaban lahayd hadii ay iska iimaansadaaan wadankoodii ilaahayna ku xidhnaadaan ,
Mudo markay joogaan goobahaa ay ka shiraacdaan ayaa la bixiyaa ogaysiis ah in ay doontu shiraacan doonto maalin hebla, sidaasina ay ku ambabaxaan mudo ayay dhex jibaaxaan bada oo ay kula kulmaan dhibaatooyin badan sida biyo la’aan cunto la’aan hurdo la’aan cidhiidhi badan gumaysi garaacid, hablaha oo kufsi lagula kaco iyo falal kale oo arxan daro ah IWM,
Marka lagu soo dhawaado halkii uu ahaa qasdigoodu inay ku dagaan ayaa waxaa ku soo baxa koox hubaysan oo aanay filayn lana socotay iyaga, waa shaqaalaha doonta waxaanay dadka ugu hanjabaan hadalo kulkulul oo arxan daro ah ( Kala doorta in doonida laydinku dhex dilo iyo in aad bada ku daadataan ) dadkii laba kooxood ayay u kala jabaan koox ku adkaysata in doonida, laguna dul dilo oo marka danbe maydkooda lagu daadiyo bada iyo qaar miciin mooda bada oo ay ku daataan kooxdan oo isku yara hubta dabaal ayaa waxay dabaashaan mudo ilayn waa binu aadam eh way daalaan cidiyahaa baxa, kolba xayawaan ayaa qaniina, dhagax ayuu jiidhaa,mawjad ayaa kolba dhinca kaga timaada oo asqaysa,dhaawacyo badan oo iskugu biirbiiray dartoodna ay biyuhu ka awood bataan, halkaasana ku dhintaan, xataa hadii uu ku mitido oo ku adkaysto dabaashana waxaanu marnaba dhaafayn Libaax badeed ka iyo xayawaanada kale ee bada ku nool, ilayn bada hadii la galo sida looga badbaadaa way adagtahee alleh swt waxa uu yidhi (ha u fuulina dhayal ah si dhayala) , , ,cid waliba sidaas way ula socotaa tahriibka iyo dhibtiisa laakiin waa ay u badheedhaan.
Inta yaree soo hadha ee kazoo badbaada waxaasoo hagardaamo ah oo naftuuni ku jirto ayaa waxaa lageeyaa dhakhaatiirta, kadibna la soo tarxeelaa,Ama qaxooti la qoraa!!!!!!!!!!!!!!!
KOOXDA LABAAD
Kooxdani waa ay ka dhib badan yihiin kooxdan bada, waxay gaadhi ku maraan qaybo badan oo afrika ka mida colaadaheedana aynu iska ognahay, kolba koox dagaal oogayaal ayaa qabsada iyagoo mar walba isku furanaya lacag waxaanay sii maraan saxarihii dheeraa ee u dhexeeyay suudaan iyo liibiya cabirkiisu waa 1,100,000km2 waxa uu dhacaa 240 waqooyi iyo 250 koonfur waxaanu ku yaalaa Galbeedka Masar, bariga libya, W/galbeed suudaan, dhererkiisu wuxuu fidsan yahay 1,100km bari ilaa galbeed , balaciisu wuxuu fidsan yahay 1000km waqooyi ilaa koonfur, qaabkiisuna waa laydi , waxa uu leeyahay ciid cas oo boodha iyo ciid quruuruxa , cadceediisu waa kulayl , xayawaanadu kuma noolaan karaan marka laga reebo Dib-qalooca(Scorpions)oo ugu yaraan laba boqol oo nooca iyo Abeeso( Sand viper) dhererkeeduna dhan yahay 50cm.
waan la soconaa inaan saxaraha (Nololi ka suuro gali Karin) dadka saynis yahanadiina waxay yidhaahdaan (There is no life) waxaasoo dhan daah inagama saarna waanay la socdaan dhalin yartan lagu magacaabo Tahriibayashu .
Dhalin yartani badanka waxay ka yimaadaan Somaliya, Ethiopia ,Somaliland, Eretria, hadaba hadii aan in yar ka hadlo qaabka tahriibka soomaalida saxaraha martaa waa sidan.
koox waxay yimaadaan xuduuda u dhaxaysa dalka Ethiopia iyo Suudaan iyagoo ka imanaya Somalia, kuwo kalena waxay yimaadaan xuduuda u dhaxaysa Uganda iyo Sudan iyagoo ka soo hayaama dhanka Djabouti, qolo kale waxay ku soo dagaan xuduuda Eretria iyo Sudan iyagoo ka soo hayaamaya dhanka Djabouti.
Qolooyinkan saxarahaa dhex jibaaxa dhibaatadoodu waa laba jibaar oo tii bada way la qabaan, tu kaloo ka darana way u dheer tahay, waxay dhex jibaaxaan saxaraha oo in mudo ah la dhex socdo, wax sahay ah waxay sii qaataan biyo iyo cunto aan ku filnayn,badanaa sahaydaa ka go’da
waa ciirsila, cidina cid uma baxayso, cidina cid ma haleelayso, gargaarna hadalkii daa labada walaalahaa ayaan wax isku qaban Karin.waxaaba dhacda in qof walbaaba qofka ka awood yar uu u gaadhsado si uu u noolaado dhiigana uga jaqaa,Mararka qaar waxaaba la sheegaa in aad kaadidaada kala yaraysato………………..
Waxaa suurto gal ah in uu saxaraha badhtankiisu kaaga xumaado gaadhigu ilayn waa bir tankeedii la dhaafiyoo isku halayn malaheeee cid ku soo maraysa ma jirto meel aad seexato maleh cadceedaa si kuugu soo dhaw, dhulkii baanad socon Karin, geed aad cadeeda kaga gabato maleh hadii aad is tiraahdo lug miciinso meelna ku gaadhi maysid, oo adoon in yarba socon ayay naftu kugu diiqadoonaysaa,dhulka ma socon kartid waa cadaabtii ifka,
Suudiga cadceedana saantu kugu dhagaysoo
saa waxaa ka darana taa halaq micida saydhiyo
saynlaha libaaxiyo abeesbaa susumayee
nimaan seef afwayn iyo aan wadan sahay badan
kama samato baxayee sidee loo jid marayaa
sokeeyiyo xigaalkaa ku sooryeeya malahoo
saaxiibkaa rumaadoo ku saacida ma joogoo
reer sabadka yaaloo u sii hoyato malahoo
Reer sabadka yaaloo u soo hoyata malahoo
Mar walba waxaan maqalnaa dhawr boqol oo qof oo soomali iyo Ethiopian iskugu jira ayaa ay waxyari ka badbaadeen in kalena gaajo ugu dhintay saxaraha, ama gaadhigii ka xumaaday,
Waxaa dhawaan ku dhintay saxaraha u dhexeeya liibiya iyo suudaan sagaal dhalin yaro ah oo wadankoodii kasoo hayaamay markii ay iimaansan waayeen, iyadoo saxaraha badhtankiisa gaadhigu kula rogmaday balse tiro kale loo gurmada
Dhul shisheeyooy tagaan bay dheef ka sugayaane
Ma xuma oo wadan shisheeye oo aad tagtaa, waaa hadii aad sharci ku tagayso waxaad ka heli kartaa wax barasho heer sare ah, in kastoo ay iska adag tahay dad shisheeye oo aad la noolataa iyagoo marka ugu horaysa kuu arkaya nin muslina ah mar labaad nin qaxootiya daciifa oo ma shaqayste ah kuna nool lacagta caydha la yidhaa, markale nin African ah oo madaw mar afaraad nin soomaaliya oo ka yimid meel aduunyada ka baxsan..
Hadii sharci la’aan ama tahriib aad wadanka ku soo gashay way adag tahay sidaad ugu noolaataa, sida shaqo laguugu diraana way adagtahay maadaama aad tahay qof ajnabi ah oo laguma aamini karo, adiga laftaada luuqadii baa kugu adag amba maba garanaysid haba yaraatee . waxaad tahay dhagoole cidna kula ma hadasho, cidna lama hadashid,is dhex galkii dadka ayaa iyaduna adag, sharcigii wadanka ma haysatid oo dhinac askar baa kaa ugaadhsanaysa,tuugaa iska jirta, budhcad baa jirta, dad dhaqan xun baa jira, Sidaa darted mar walba heegan ayaad ku jirtaa, xataa waxaan laguu ogolayn inaad hotel seexato oo hawl walba oo aad qabanayso waxaad ku hortaal where is you Passport?
Maxaad samaysaa ma wadankiibaad ku noqotaa ma ……………,..,,,,,,,,,,,,,? ma?....................... mayee…………………………… ? mise……………?
waadigan gidaarada gabood ka dhigtay, gidaarkii waa kan kuu gudbiyay saaxiibadii waa nolosha mukhaadaraadka oo kala ah daroogo, sigaar, khamri,IWM waxaa dhacda inay nolosha ka quustaan dhalintaasi oo ay yoolkooda garan waayaan waxaa lagu mudaa drugs marka danbena waa la xidhaa mudo kadib waa la soo tarxeeliyaa iyagoo lagu aanaynayo mukhaadaraad,
Waa wiil xumaaday oo aan ninkii la yaqaanay ahayn waxuu ku soo noqonayaa wadankii oo laga macaashay, dhalinyartii ay isku gadaha ahaayeen oo wadankii ka faa’iday,Somaliland oo dhismaha laga hirgaliyay aad quruxda yaabto, horumar, nabad, dad is jecel oo walaalaa.
Waxaa laga yaabaa inuu soo noqday iyadoo qaaraabadiisii qaar ka mid ahi dhinteen mudo ka hor manuu maqal, kadib halkaasi ayuu niyad jab iyo qoomamayn ka qaadaa kuna biiraa nolosha murugada iyo warwarka.
Markii aan arkay dhibaatada intaa leeg ee gaadhay dad badan una dhabo galay ayaa waxaa igu soo duxday tixdan yaree gaaban
Dhulkeenoo la Dheehdaan Dheeman ku arkaaye (Gabay)
Anigoo dhalanaan dhadhamiyay dhiilka maansadee
Dhaqaaq anigoon baran baan dhadhabay dhawr eraye
Dhag inaan ka siiyaabaan jeclahay dheefta maansade
Waxaan dhaadayaa dharabka hoos yaale
Dhadhankeedaan rabaa inaan dhabeeyaaye
Dhinaceedaan hantiyay hawsha daba taale
Dhalinta kacaankaan rabaa inay ka dhiidhiyaan
Dhibaatada tahriibkey dharaga moodaane
Dhul shisheeye oy tagaan bay dheef ka sugayaane
Dhabarkay u dhigayaan dhibaatada ka gaadhanee
Dhaqankiyo xishoodkay dhinac u dhaafeene
Dhulkeenii waa kaa dhaayo qabanayne
Dhankaston ka eegayba dhibatada tahriib waan ka digayaaye
Dhulkeenoo la dheehdaan dheeman ku arkaaye
Dhugta oo qodqoda dhoof inaga dheere
Waalidkiisii dhawrteee dhigashada tacliintiyo
Ku dhabeeyay dhaqankana
Dhaayahooda dhibco roob aad moodaa
Dhabankooda qooyoo wali way dhadhabayaan
Wiilkay dhaleena dhinacooda ma arkoo
Dhinacaa Denmark iyo dhulalkaasi yurubtuu
Dhalandhool ku tagayoo
Dharagii la sheegaayay dhaayihiisu ma arkaan
Hadii uu dhaqaaqoo dhawrtaystana
Daily-gii ma dhaaftoo dhulkisii ma tagi karo
Dhadhabaadii doontiyo doontiyo saxarihii dheeraa
Dhibtuu uu ku soo maray dhagahay ka guuxaan
Sawkaa dhaqaaqee durba dhigay maryaha qaar
Silic iyo sakhraanimo saaxiib ka dhigay
Halkuu seexo yidhina soo kacbaaba lagu yidhoo
Saldhigaaba lala tagay (where is your Passport?)
Sagaal bilood iyo saacado sijin buu ku noolaa
Sawtaa la soo diray isagoo siduu yahay
Saatir uuni garan karo (seems badly)
Seedaha jidhkiisana socodkii ka guureen
Sowkaa ku soo dagay somalialnd oo sabo barwaaqo ah
Usradii iyo eheladii afarbaa ka joogaba
Saaxiibadii qaarbaa wadankii ka saaciday
Qaarbaa seniator-aa isaguna sidii hore saaku ka liitaa
Sawkaa durba seegay dunidii aakhiro ka sii daran
Sun iyo sakhrad buu samahii ka dhigayaa
Subxaan weeyi laga magan galo saatirkeena wacanoo
Saasaan ka digayaa inaan saaka noqonee
Salka dhiga soomaliyeey waa laydin sirayaaye……..
Afartaa sidii halyay gabay halal ma dhaafsiiyay
TALO BIXIN:
v Waxaan kula talin lahaa dhalinyarta naftooda halaagaya ee u ogolaanaya cadaabkii ifka iyo cadaabka aakhiraba inay , iska joojiyaan tahriibka oo ay wadankooda horumariyaan,intii ay u shaqayn lahaayeen dad ajnabi ah , waxaa suurto gal ah wakhti wakhiyada ka mida in halkan loosoo tahriibi doono hadii aad hoos u egtaan kuna talo gashaan inaad wadankiina horumarisaan
v Dadka doonyaha aan shaqaynayn ka kiraynaya walaalahooda soomaaliyeed kuna dhiiri galinaya waxaan odhan lahaa walaalihiin u naxa shaqooyin kale oo idiin dhaama oo ajar iyo xasanaad idiinku jirana ilaahay ha idin siiyo
v Goobaha laga tahriibo dawlad waliba way la socotaaye, waa inay ku eegaan indho qudhaanjo cidii lagu qabto falalkaasna waa in sharciga lala tiigsado oo maxkamahadaha la soo taago
v Saxaafadu waa inay mar walba ka waaniyaan dhalinyarta oo ay u sameeyaan barnaamij wacyi galin ah, kana sheekaynaya dhibaatada tahriibka,
v Wasaarada dhalinyarta iyo ciyaaruhu waa inay xil iska saaraaan oo ay u sameeyaan dhalinyartu waxay kaga maarmaan tahriibka, sida inay garoomo u dhisaan, dharkii ciyaaraha siiyaan, dhiiri galin la agtaagnaadaan,
v Waa in ay dawladu indho gaar ah ku eegto dhalin yarta waana inay u abuuraan shaqooyin si ay uga maarmaan dal shisheeye oo ay u shaqo tagaan
v Waa in aan loo eegin qofku qabiilkiisa iyo halka uu ka soo jeedo, loona ogolaadaa shaqooyinkii soo baxa
v Haayaduhu waa inay siiyaan dhalinyarta mashaariic, una abuuraan shaqooyin, waa inay siiyaan deeq wax barasho IWM.
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment