XIISE ayaa waxa uu la kulmay JACAYL oo dhakafaraar madaxa haysta,
xiise oo la yaaban in wali jacaylkii aanu wali duugoobin ayaa waxa uu ku
odhanayaa Jacaylaw ma sidii uunbaad u jirtaa?
JACAYL:
Nacam Nacam! Binu aadamka ayaanu mar wada dhalanay inta uu jiroba ana waan
jirayaa laakiin aduu goormaad dhalatay ? Xiisihii
oo
saaxiibkii u jawaabayay ayaa wuxu odhanayaa Anuu dadka ayaan ka dhex dhashay isku gado ayaynu nahay qiyaastii waliba intaad jirto in ka badana waan jiri doonaa ee sidaas ula soco isla markaana waxaan bulshada ka haystaa taageero balaadhan oo dadku way I jecel yihin hadaan ahay xiise.
saaxiibkii u jawaabayay ayaa wuxu odhanayaa Anuu dadka ayaan ka dhex dhashay isku gado ayaynu nahay qiyaastii waliba intaad jirto in ka badana waan jiri doonaa ee sidaas ula soco isla markaana waxaan bulshada ka haystaa taageero balaadhan oo dadku way I jecel yihin hadaan ahay xiise.
Xiisihii
oo saaxiibkii u jawaabayay ayaa wuxu odhanayaa Hadaan xiise ahay isku mar baynu
dhalanay waliba intaad jirto in ka badana waan jiri doonaa ee sidaas ula soco
isla markaana waxaan bulshada ka haystaa taageero balaadhan oo dadku way I
jecel yihin hadaan ahay xiise.
JACAYL oo
ka xanaaqay hadaladaasi ayaa waxa uu odhanayaa “ Anuu Deegaan balaadhan baan
haystaaye oo wadnaha dadka ayaan dagaa halbawlayaasha dhiigana waan raacaaye
aduuse meel aad dagto ma leedahay?
XIISE oo
la yaaban warmooganaanta JACAYL ayaa odhanaya “ Iska hadlaw Ina Igare ! meel
walba waan dagaa maxaa meel kali ah igu cidhiidhyaya, Qof aanan quluubtiisa iyo
qudhkiisa daganayn aduunka kuma noola.
JACAYL
oo ka war helay in XIISE uu ku qadhaabto magaca JACAYL ayaa waxa uu waydiinaya
sobobta ku kaliftay inuu JACAYL isku eekaysiiyo”
XIISE oo
maskiinimada JACAYL la yaaban ayaa wuxu odhanayaa “Hadaanan magacaaga ku
qadhaabayn ma cid baa ii joogsanaysa saw dadkuba igama didayo, Magacaaga marka
aan kusoo dabaalo waxaan ku mudaa Irbad la yidhaa Xiise-Waldhaq Dhawr
xiisadood oo gurac ahna waan u mulmulaaqaa magacayga ingiriisiga ahna maad
taqaan MISS oo aan dadka sida quraanka u xafidsiiyay.
JACAYL
oo is giijinaya ayaa ku tawaawacay Anigaba waxa la I yidhaa LOVE, laakiin Dadka
badankiisiiba adigay ayay ku daba cararayaane ma ii sheegi kartaa waxyaabaha
aad kusoo jiidatid ama xeeladahaga ?
XIISE oo
afka taagaya ayaa ku odhanaya “ Inkastoon sirta la sheegin! Haa, Yeah, Yeah,
adiga waan kuu sheegayaa, Maskiinimadaada iyo daacadnimadaada ayay dadku kugu
naceen”
JACAYL oo
aad u fajacsan lana yaaban in maskiinimo iyo daacadnimo la isku naco ayaa waxa
uu odhanayaa maskiinimo la iskuma nacee ma jidka munaafaqada ayaad
doonaysaa inaad igu jihayso kaa yeeli mayo”
XIISE oo
wali la yaaban moogananata JACAYL ayaa waxa uu odhanayaa Waar waxba maad fahmin
ee u kaadi ! Dadku waxay igu doorteen ayaan kaaga waramayaaye Wakhtigayga ayaa
gaaban Beentayda iyo madmadawgayguna wuu badan yahay, Dadkuna waxay jecel
yihiin xidhiidh gaaban iyo been la isku maaweeliyo.
JACAYL:
Beenta, Madmadawga iyo dhalanteedka miyay dadku kugu raaceen ma aaminsani!
Midha daray hadaan duuduub ku liqi jiray hada waxaan ka dayayaa dirxi inu ku
hoos jiro! waar aniga la ima siree farta waawayn wax iigu sheeg oo fartaadan
qalqaloocda toosi.
XIISE :
Badaw, Dabadu waligaa kaama Go’ayso in faash lagaaga jaro mooyaane! For example
ayaan ku siinayaaye dhagahaaga fur! Ardaydu waxbarashada wakhtiga dheer ah
waxay ka door bidaan Course- yar oo wakhti gaaban oo la mulmulaaqay, Aniguna
sidoo kale dhawr maalmood uun baan malmaluuqaa, Xiisadaha kadibna waxaan isku
dhaafiyaa Saaxiibkay NACAYB, Adiga se mushkiladaadu waa wakhti dheer iyo
xaqiiqo raadis taas bayna dadku kugu karheen oo samirka ayaa binu aadamka ku
yar ee Cilmi nafsiga fahan.
JACAYL:
Been, dhalanteed, iyo mulmulaaqa beenta inaad dadka ku hodo allaan ka magan
galay ee jidka jahanama maad ka weecan
XIISE :
Waar heedhe hadal badanidaa oo afdheeridaa! Miyaanad ogayn Xukuumadan cusub ee
qufulka sagaal iyo sagaashankaa sidata! waliba dadka sidaada oo kale afka
dhaadher qufulku si fiican ayuu u qabanayaaye! Mid kalena aan kuu sheegee
madaxda xukuumada nalama kala dhex maro sobobtoo ah iyagaba Dartay ayaa lagu
doortay Xiise ayaa loogu codeeyay laakiin imika Irbadii Xiiso-waldhaqa waan ka
daayay oo arimuhu Nacayb iyo kulayl ayay ku socdaan ee bal dhawr mudo.
JACAYL:
Waar hooy aniga la iima digee dib u joogso hana igu soo dagdagin!
XIISE :
Bootoole! Ma anaad I leedahay la iima digo maanad ogayn inaan kaa taageero
badanahay oo boqolkiiba sagaal iyo sagashan dadka aduunka ku nool ay aniga I
taageeraan?
JACAYL:
Yeah Yeah I know! Anigaba boqolkiiba hal ayaa I taaageera dadka aduunka ku nool
Balse waa dad nadiif ah oo runta kama fogaadaan kamana gabadaan, Been kuma
dhaqmaan, Cadaalad daradana ma ogolaadaan, laakiin munaafaqada iyo habawgan aad
ku sugan tahay maad iska daysid ?
XIISE :
Ka gudub sheekadaas oo! Horta Maskiinkii yaraa ee reer Berbera saw aduu qudha
kamaad jarin mise cunto la’aan ayuu u fuuq baxay?
JACAYL:
Mayee waxaa dilay xanuunka la yidhaa Anti-love dadkuse way isku kaaya qaldaan
oo anay I moodaan
XIISE :
Adoonkii kale ee carabka ahaa isaga dilkiisa saw aduu masuul kamaad ahayn ?
JACAYL:
Wax ma maqle ayad tahay dhagaha cudbi ayaa kaaga jirta indhahana muraayad madaw
ayaad gashataaye! Dalalkan carabta ee aad sheegayso waligay maan tagin, waxna
ma dilo ee waataan hore kuugu sheegay waxa jira mid aan isku eegnahay oo la
yidhaa Anti-love
XIISE :
Aduu waligaa wax ma jeclaatay ?
JACAYL:
Yaa Yaah! Jacayl iyo Xiise horta labadeenuba waynu jirnaa. Aniga jacayl waan ku
barbaaray, waan ku dhimanayaa, waan ku naaloonayaa, dadka ayaan isku soo
dhaweeyaa waxaanu nasiibkoodu ila kulmiyaa boqolkiiba hal dadka aduunka ku nool
adigana boqolkiiba sagaal iyo sagaashanka kale oo aad dhalan habaabis ku
habtid, Laakiin adiga naf ahaantaada hadii nasiibkaagu kugu daro Boqolkiiba
halkaasi jacaylka dhabta ah hela maxaad ku diidaysaa? miyaanay ahayn qofka ku
calmaday inaad qadariso, Ixtiraamto, wakhti la qaadato, ka farxiso, la qososho,
kana ilaalisid murugo warwar iyo walbahaar mise xiisaha ayuun baad wakhtigaaga
ku dhamaysanaysaa oo maalinba maalin kuu gudbinaysaa maalin walbana meel cusub
u talaabaysaa?
XIISE :
Jaw Jaw ! Nin qalbi la’ quraan kii u akhriyay qaaf dheh ku haraadye ma
maqashay! Hadalkaaga dhagna waan maqlayay ta kalena waan kasii daynayay ee maxaad
tidhi Bal kusoo celi ! Adeer ma shaqadaydan yar ayaad ku talo jirtaa sidaad u
xayiri lahayd, Duqsiga qadhmuunku uma soo uroo waabu quudhsaday ma maqashay!
waar aragaaga iga qari hadii kale telephonekii madaxweynaha ayaan hayaa oo
imika ayaan ku dhufaniyaa Af dheerayde madheera ayaad wakhtigaaga ku
dhamaysanaysaa !
JACAYL:
Waar jeelka iyo jugta askarta maba kala dhamaanee ani ha iigu cagajuglayn ee
cidaad doonto la hadal imikana waan sii caraabiye waa inoo kulan danbe iyo adoo
sidan ka fayaw. Waan arkaa maanta way kugu dhex go’an taheee Jaale!
XIISE :
Wado ayaa iiga kaa furantay ma is tidhi adeer qodqodka badan maad iga dayn,
wadadii Jeelkii madheera ayaad haysaa oo waan ku arkaaye.
JACAYL :
Waar bal is daji kulaylkan badana iska daa qarxiska habeenkii ayaa kuugu wacan
baan filayaaye! waa ayo maanta qamaamuurtan kula socotaaa ma anigaad Gardaro
Garab-ogbaa oo beenta iyo dhalanteedka ayaad ku heshiiseen?
XIISE :
Nimankan aan iskiin baro waa Saaxiibaday NACAYB iyo DHAQAALE waxaana naga
dhaxeeyaa iskaashi umada ayaan u qayilnaa maalin walba filimaantayaduna way is
daba socdaan mashariic badana waanu kala jarnaa.
JACAYL :
oo kuwan adaaba yara muuq iyo magac dhaamee in lagugu sawiro maanad ka baqayn ?
XIISE :
Baw Jaw, Yaan la is caayin nimankani waaa madaxe, Aar Hawlahayga badankoodaba
iyagaa igu gargaara Markaan xiisadahayga dhamaysto waxaan bulshada ku
wareejiyaa Macalinkan oo ku takhasusay Kuuliyada Nacaybka waxa uu sitaa
shahoodo la yidhaa Aragaaga iga qari! Waana xiisada loogu jecel yahay
wakhtiyadan danbe aduunka kaaga darane ninkani xiisadihiisa ma kala go’aan waa
yoomiye Habsana laguma yaqaan .
JACAYL :
Balo ku dagtay! Waar ilaahay ka cabsada oo umadan sidan ka daaya maxaa idiin
diiday inaad maslaxada iyo isku soo dhawaynta umada ka shaqaysaan. oo kan kale
ee madaxa maroora maxuu qabtaa?
XIISE :
Dhago jufan ! kan sawtaan kuu sheegay magaciisa dhaqaale ayaa la yidhaa
Mashaariicda aan fulino Budget kooda waaa qasnada aan ku gurno midna aan kuugu
daro waxa uu kala fogeeyaa dadka is jecel waa majixaanjixe Heerka Shahaadadiisa
waxaa la yidhaa Lacag ma haysaa, xididka naxdintana waa laga saaray! Adeer aduu
arimahayaga faraha maad kala bixi maslaxad ma naqaanee
JACAYL :
Bahal Caadadii ma baajo uun baan maqli jiray, waar heedhe Umadan Shacabkan
carabta iyo madaxdooda ma idinkaa madaxa isku galiyay, Dadkiiba ani wuu ii
istaagi laayahay oo dhagaha iga jufaysteene.
XIISE :
Oh Oh . Waxbaan kaa iloobay. Waxaa jira nin oday ah oo aan u adeegsano fulinta
mashaariicda oo isagu soo afjara, Magaciisa waxaa la yidhaa DAGAAL heerka
shahaadadiisuna waa Xabada iyo dhagaxa ka fadhiiso, Shacabkan carabta ee masar
ay u horaysana manta isagaa masuul uga dhignay waxaana ku garabsiinayaa
Saaxiibkii Mudaharaad. Laakiin aduu sxb aduunka waxba kama tihid ee maad nagu
soo biiro waan ku arkaa kabaha ayaa kugu kululadee.
JACAYL :
Ha igu naafata beeline! aniga la ima duufsan karo, Anuu waligayba umada
wanaageeda, Samaha, Daacadnimada, ayaan ka shaqaynayaa cidii aniga soo
raaci waydaana waan ogahay inay burbur ku danbaynayso, qoysaska intooda
wanaagsan aniga ayay dartay u dhisan yihiin
Fuaad
Abdillahi
Hassan
Hargeisa,
Somaliland
so funyyyyy
ReplyDelete