Kala danbayntaada, Jaar wanaagaaga, Walaaltinimadaada, Nabad jacaylkaaga iyo Nidaam wanagaagu waa inta kali ah ee kuu horseeday in lagu naco oo lagula coloobo, Mar walbana laguula yimaado Gardaro adiguse waxaad mar walba tixgalisaa Oodwadaaga, Walaaltinimada iyo Jaarnimada waxaanad ka fogaataa Xumaanta iyo Colaadaha sobobtoo ah waad ka waayo aragsan tahay waxaanay Waayaha iyo noloshu ku bareen Faa’iidada ka dhalata Dagaalka, Qabyaalada, Colaada, Xasuuqa iyo Qixitaanka waana inta aad maanta kaga horayso Iyaga.
Hadii aan Gogol dhiga qoraalkayga intaas ku dhaafo bal aan u dhaadhaco Ujeedada Qoraalkan, Sida aad ka dhadhansan karto Ciwaanka sare Waxaan intii ilahay iga garansiiyo ka odhan doonaa Sadexdaa Qodob ee kor ku xusan ee adna Bal dhugo.
Gardarada Jabhada Nabad diidka, Puntland iyo Somalia.
Dhawr bilood ka hor waxa ay Kooxda Nabad diidka ah ee Xarunteedu tahay Buhoodle ay si qorshaysan u laayeen Dad maati ah oo kasoo jeeda Somaliland Gaar ahaan Deegaanka Qorilugud waxaanay maalin ciid ah oo islaamka oo dhan faraxsan yahay qudha ka jareen Sideed Qof. Dadkaa Maatida ah ee Yoomul faraxa lagu laayay Kalshaale waxa uu ahaa weerar hore loo qorsheeyay oo lala sugayay Xukuumada Siilaanyo maadaama ay xilka kala wareegtay xukuumadii Riyaale waxaa looga dan lahaa in la galiyo qas lana Jaahwareeriyo waxaana taas cadayn u ah.
1. Qolada weerarka soo qaaday oo wadatay Saxaafad iskana duubay Cajalado Daawasho ah oo ay soo galiyeen Internetka ( Nin dhulkiisii xaq ugu dagaalamayaa Saxaafad iyo Warbaahin ma haleelo ee qori ayuu yaqaan xiiso badana ma galinayso in uu Cajalada iska duubaa) waxaana inoo cad in ay Jabhada Nabad diidka ah laysay Dadka maatida ah ee deegaanka Qorilugud Cajaladana loo dirayay Dad ku nool qurbaha oo lagaga doonayay Lacag iyo iyadoo laga dhiganayo Faan iyo Reer hebel ayaan sidaa u laynay.
2. Markii ay dadka laayeen ee ay qabsadeen Dhulkii ay ku dagaalamayeen ama kalshaale way baxsadeen iyagoo dib ugu noqday Buhodle ( Nin dhulkiisii xaq ugu dagaalamay dhiigna u galay lana wareegay Ma baxsado ee dhufays adag ayuu ka samaystaa Jilibka ayaanu wax laabtaa sobobtoo ah waa uu gaadhay libtii uu u dagaalamay.
Labada qodob waxay cadayn inoogu filan yihiin in Bilawgii dagaalka kalshaale ay ka danbaysay Jabhada Nabad diidka ah uuna ahaa Dil iyo Dagaal qorshaysan oo hore looga baaraan dagay.
Jabhada Nabad diidka ah Isla maalintaas kadib waxay hadana si kas ah u dileen dad xoolo dhaqato ah markalena waxay weerar kusoo qaadeen Magaalada Oog halkaas oo ay ka afduubteen Dad Maati ah kuna dileen dhawr askari.
Arinta Kalshaale oo ahayd Laba beelood waxa Ergo ahaan uga Qayb galay Dad badan oo iskugu jiray Aqoonyahan, Waxgarad, Siyaasiyiin, Culimaa’udiin iyo Oday dhaqameed ka kala socday Labada dhinacba, Waxanay labada beelood ee Buhodle iyo Qorilugud ansixiyeen in ay aqbali doonaan Go’aamada Ergada dhexdhexaadka ah ay soo saarto.
Ergadii waxay ku dhawaaqday in la wada Dago Deegaanka Kalshaale qolo walbana ka qodoto sadex barkadood Balse Ergadii way ku gacan saydheen Beesha Buhodle, Ergo la diidana wanaag loogama Aayo wana baadil cad.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Isagoo ka shaqaynaya Nabada iyo Walaaltinimada waxa uu soo saaray Baaq Nabadeed waxaanu Amray in kalshaale laga dhigo xarun ciidan si loo kala nabad galiyo Beelaha Buhodle iyo Qorilugud, Lana aaso Baraagaha loona celiyo Beeshii qodotay Baraagaha Balse Mar kale waxaa ku gacan saydhay Beesha Buhodle.
Markii ay Nabadu soo dhawaatay xalkuna dhaw yahay waxay ee loo balansan yahay in la aaso Baraagihii waxay Weerar Gardaro oo Gaadmo ah kusoo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku sugna Jiida Aaga Kalshaale una jooga dhexdhexaadinta Labada Beelood.
Mar labaad iyo Mar sadexaad ayay kusoo qaaden Dagaal Gardaro oo Gaadmo ah Balse Ciidanka qaranka oo ka digtoonaanaya in ay Maatida buhodle wax gaadhsiiyaan iyagoo awood u leh in ay saacado kula wareegan Magaalada Buhodle kumay durkin Nabadiidka Balse kaliya way iska caabiyeen jilibka ayayna u aasteen.
Madaxweynaha Jamhruuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo isagoo wali ka shaqaynaya Oodwadaaga, Walaaltinimada waxa uu sii daayay 42 Maxbuus oo laga qabtay Jabhada Nabad diidka ah Balse halkii ay uga mahad celin lahaayeen Madaxweynaha waxay Jabhada Nabad diidka ka dhigtay in Maxaabiistan ay ahaayeen Maati xoolo dhaqato ah, waa wax lagu qoslo runtii Odayaal waawayn oo ka u yar yahay 40 jir Halka qaarkood ay ku dhawaayeen sideetan Balse suaashu waxa weeyi Maxaa dadka maatida ah keenay Furinta Dagaalku ka socdo?
Mar labaad, Mar sadexaad, Mar afaraad waxay uu madaxweynaha Somaliland ku baaqay Gogol Nabadeed waxaanu Amray Ciidanka qaranku in ay kasoo baxaan Aaga Kalshaale , Isla maalinkii ay ciidanka Qaranku soo baxayeen waxaa Si gardaro ah hadana usoo weeraray Jabhada Nabad diidka.
Mar kale Maamulka Puntland iyo Jabhada Nabad diidka oo iskaashanaya waxay si gardaro ah oo gaadmo ah usoo weerareen Ciidanka Qaranka Somaliland Balse ciidanku wuu is difaacay waxaanay ka qabteen Hub badan iyo Maxaabiis.
Isbahaysiga Jabhada Nabad diidka, Puntland iyo Somalia
· Madaxweynaha Puntland Faroole halkii uu wanaaga iyo Nabada uga talin lahaa waxa uu si indho la’aan ah u taageeray Nabad diidka waxaanu sheegay in Maamulka Puntland garab taagan yihiin oo ay difaacayaan waanay Soo hubeeyeen Jabhadii Nabad diidka ahayd.
· Dawlada Somalia ee taagta Daran iyada lafteedu waxay si indho la’aan ah u taageertay Jabhada Nabad diidka ah waxanay soo siisay Hub iyadoo ay Baarlamankooduna taageero u fidiyeen Jabhada Nabad diidka. Wasiir ku xigeen u dhashay Somaliland o dhawaan kaso goostay ayaa sobob uga dhigay is Casilaadiisa in ay Dawlada Somalia soo hubayso Jabhada Nabad diidka Buhoodle waxaanu sheegay in ay Dawlada Somalia Cadaawad daran u hayso Dawlada Somaliland.
· Dawlad Ingiriiska oo dhawaan ku dhawaaqday in Dawlada Somaliland la siin doono 60% deeqda Somalia Taas oo ay ku kasbatay Nabada, Wanaaga iyo Horumarkeeda waxaa ka xumaaday Jabhada Nabad diidka iyo Puntland oo mudaharaadyo Xaasidnimo ah ka Abaabulay London, Sweden, Buhodle iyo Lascanod Balse Somaliland waxqabadkeeda, Nabadeeda iyo Wanaageedu maaha mid la qarin karo Caalamka oo dhan ayaana laga ogyahay horumarka ay somaliland ku talaabsatay iyo Sida ay Nabada ugu dhagan tahay.
· Maamulka Puntland oo taageero ka helaya Jabhada Nabad diidka ahi waxay nidaam qabiil iyo gardaro ah ku sheegtaan mar walba dhul ka mid ah Somaliland iyagoo iska indho tiraya Xuduudaha Caalamiga ah ee cid walba ogtahay.
· Raysal wasaaraha Somalia Farmaajo oo ah nin siyaasada ku cusub waxa uu si gardaro ah dhawaan u sheegay in uu Bosaso iyo Hargeisa biyo u doonay Hadalkaasina waxa u noqday mid aad uga qosliyay Siyaasiyiinta iyo Shacabka Somaliland.
· Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Faroole safar uu dhawaan ku tagay talyaaniga waxa uu sheegay in uu Gogol u dhigi doono Maamulada Somalia isagoo somaliland ku daraya Maamulada Xaasidnimada ku dhisan,, Wuxuse iska indho tirayaa in ay Somaliland tahay Dawlad ka madaxbanaan Somalia.
Dhabar adayga, Dulqaadka iyo Degenaanshaha Dawlada Somaliland.
Dawlada iyo Shacabka Reer Somaliland oo maalin walba lagula kacayo Sharaf dil, dhaleecayn, Dagaal gardaro ah, Qas abuurid, Colaad oogid, Qabiilaysi, Mudaharaado oo dhamaantood looga dan leeyahay sidii somaliland looga dhigi laha Mandaqad Holcaysa ayaa waxay Dawlada Somaliland dhamaan arimahaasi ay mar walba kaga jawaabaysay Dhabar adayg, Degenaansho iyo Dulqaad iyadoo Xeerinaysa Dawladnimada, Nabada, Jaarnimada, Walaaltinimada, Wax wada qabsiga waxaanay dhan walba oo colaad hurinaysa ugu jawaabtay Degenaansho, Dulqaad iyo in aanay dagaal diyaar u ahayn kana soo waayo aragtay Dagaalo sokeeye Balse wali Hada Gardaradii ma joogsane Ogaw waxaanay u soo badanaysaa Si maalinle ah Jawaabtuna Waa dulqaadkii iyo Degenaanshihii uun oo loogu quus gooyo.
Gabaygan oo uu tiriyay Abwaan Faarax Nuur waxaad mooda in ay is shabahaan Dulqaadka, Dhabaradayga iyo Degenaanshaha Somaliland ay mar walba ugu jawaabayso Cadawgeeda, waxaase hubaal ah in aan gardaroole marnaba guulaysan.
Gabaygan waxa uu abwaanku sheegayaa in uu dulqaadku Xad leeyahay mudo go’ana loo samri karo Hagardaamada Cadawgaagu kuu maleegayo Hadaba suaashu waxay tahay Goorma ayuu Somaliland Samirka iyo Dulqaadku ka dhamaan doonaa ? Maalintase somaliland Samirka iyo Dulqaadku ka dhamaado maxaa u danbayn doona Iskaashatooyinka ku walaaloobay Colaada, Dagaalka, Qabiilka, Xaasidnimada, Xiqdiga iyo Nacaybka Somaliland?
Guntii iyo Gabagabadii Hadal badan Haan ma buuxshee waxaan kugu dhaafayaa Maansadan Faarax Nuur ee aduu fasiro Hadaad suugaan dhaadhi tahay.
Rag sabaan ka sabaan baan,
Samaantuun badiyaa.
Haduu saakimi waayo,
Sariiraan u dhigaa,
Iska seexo idhaa.
Haduu saakimi waayo na,
Caanihii hasha Suub baan,
Saddex goor u lisaa,
Ku sarriigo idhaa.
Haduu saakimi waayo,
Sumalkii rugta joogay iyo,
Sogobkaan u qalaa,
Haduu saakimi waayo,
Siirigii Cadmeed baan,
Subaggawga badshaa,
Haduu saakimi waayo,
Gabadh suurad wanaagsan baan,
Surrada ugu dhisaa.
Haduu saakimi waayo,
Xoolo gooni u soofiyo,
Sadadaan ku ladhaa,
Haduu saakimi waayo,
Seeddow, mood iyo mood iyo,
Salaantaan badiyaa.
Haduu saakimi waayo
Salaadaan lallabaa yoo
Meydal seedo madow iyo
Salligaan cuskadaa yoo
Sulub eebo ku joogtaan
Sarartaa ku dhuftaa
Sambabkaan ka baxshaa
Markaasuu sellimaa
Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment