"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Ficil la’aanta dawlada Somaliland iyo faragalinta Puntland


Bulshada somaliland ayaa waxay codkooda ugu deeqeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyagoo filayay in uu Nabad galiyada wadanka sugi doona wadanka kuna soo kordhin doono horumar iyo talaabooyin wax ku ool ah 
waxaase hubaal ah in Dhado roob la mooday Xukuumadii siilaanyo aanay sidii laga filayay iyo si u dhaw toona noqon waxaa nasiib daro ah in maalin walba ay Maamulka Puntland faragalin qayral xad ah ku hayaan Dawlada Somaliland halka ay dawldaa Somaliland ficil la’aanta la foorarto.


Dawlada somaliland oo Ergo nabadeed dhawaan u dirtay goob ay ku dagaalameen Laba beelood oo somaliland wada daga ayaa waxaa wax laga xumaado ah in Ergadii ka socotay Somaliland ay ku adkaatay in ay Galaan Buhodle Xaga Ergo kale oo ka socotay Maamulka Puntland ay si toos ah ugu dageen Buhodle hadaba waxa ay is waydiintu tahay, Maxaa sobobay in Ergadii somaliland ka socotay ay gali kari wayday Buhodle halka Ergadii ka socotay Maamulka Puntland ay toos u galeen? Meesha la isku laayay waxay ku taal Jamhuriyada Somaliland bulshada dagtaana waa reer somaliland Maxaa sobobay in Ergo Maamul kale ka socotaa ay soo faragaliso ?
Taaba waxaa kasii daran in Maamulka Puntland ay soo kiraysteen Ciidan Calooshood u shaqaystayaal ah oo dhawaan laga hawl galinayo Bariga Sanaag oo looga dan leeyahay in laga qodo lagana baadho Macdan Gobolkaas iyagoo waliba doonaya in LaasQoray ay ka sameeyaan Daked si ay dadka u kasbadaan quluubta bulshada Dagta Gobolka Sanaag.

Taana waxaa kasii daran in nin sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Qabanqaabada Ciyaraha Gobolada Somalila u Warbaahinta ka shegay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay ka qayb gali doonan Koobkan lagu qabanayo Maamulka Puntland iyagoo Matalaya inay ka tirsan yihiin Gobolada Somaliya.

Gardarooyinkaas iyo qaar kale oo badan oo soo noqnoqday dawlada Somaliland waxba kama odhan kamana Hadlin waxaana Xaqiiq ah in ay maamulka Puntland olole siyaasadeed ugu jiraan Sidii ay Gobolada Sool iyo Sanaag uga mid noqon lahaayeen Maamulka Majeerteeniya taasise Dawlada Somaliland kama hawl galin “Balo daba la qabto ma leh ee ka hortag bay leedahay” ka horga ayaana ka wanagsan dawaynta.

Waxaan Dawlada somaliland kula talinayaa in ay adkayso xuduudaha somaliland kana hadasho faragalinta iyo daandaansiga aan loo meel dayin ee ay maalin walba ee lagu hayo shacabka, xuduudaha, dadka iyo Madaxbanaanida somaliland.

Fuad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland


No comments:

Post a Comment