"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Qurbajogaa qaar Shilinka ay Colaada ku bixiyaan walaalahoda abaaruhu ku habsadeen ayaa uga Baahi badan.


Dhawr maalmood ayaan booqday waa dagal (Website) ka mid ah dagalada ay leeyihiin dad ku abtirsada Jamhuuriyada Somaliland maalin walba waxa uu baahiyaa Warar Been ah Borobagaanda , Foodo, Qabiil cay, Qabiil Jeclaysi, Dagaal hurin, Colaad oogidiyo waxyaabo badan oo la hal maala oon khasaare mooyee faaiido laga gaadhin, Qoraal
kasta oo uu daabaco waxaa ku jira Qabiil magacii isagoo jeclaysana ama Necbaysana, afkana ku balaadhinaya isagoo kusoo celcelinaya qabiilka maalintaasi diiradu saaran tahay! Waxaad moodaa in uu jooga wakhtigii Geela la kala dhacayay!


Waxaan is waydiiyay Dagalkan ma waxaa ka masuul ah Ilma yar oo aan aqoon iyo waayo aragnimo midna lahayn ? waxaan hadana is waydiiyay tolaw dadka uu waxan u sheegayaa ma qaataan fikradahan noocan ah ee uu baahiyo maalin walba ? waxaan isku qanciyay in uu yahay mid aan cilmi iyo waayo aragnimo lahayn oo cagligiisu liito, Nin aan caqli, waayo aragnimo iyo Cilmi midna lagu ogayn ninkii wax ka qaadanaya isagay jirtaaa.

Mar kale waxaan naftayda la faqay qurbajoogu ma wada sidan baa ? Maya, ayaan isku qanciyay sobobtoo ah Insaanku ma sina qofna qof la mid maaha. Waxaa kale oo niyadayda kusoo dhacday in ay jiraan qurbajoog badan oo dadkooda wax soo tara oo wadankooda horumarkiisa ka shaqeeya (Nin iyo Camalkii ) Dadkase qaarkood waa kuwo Habawsan oo aan wadanka iyo dadkoodii waxba kala socon Kani isaga ahina kolay qolada danbe ayuu ku jiraa, Haba ku jiree miyaanu ogayn in maanta uu yahay aduunku goob kali ah (One Stage), Nabada iyo Horumarka somaliland Caalamka oo dhan ayaa Og laakiin nin is diidsiinaya cidina lama baryayso caalamka oo dhan wuu ka war hayaa talaabooyinka ku dayashada leh ee ay somaliland caalamka u horseeday. Ogaw Somaliland Sida Cadceed ayay Geeska Afrika uga dhex ifaysa (Walac, walac) Duxda hadalka aan u dhaadhaco Nin caydh ku nool ah oo shaqadiisuba tahay inuu uu sugo caydh iyo waxa ku jira gaal gacantiisa oo hadana faragalin ku samaynaya Bulshada walaalaha ah ee somaliland ku wada nool kana shaqaynaya mar walba dagaal, Colaad, kala fogayn iyo mashaqooyin ay ka dhex abuuraan beelaha walaalaha ah qaarkood, waxaaba la sheegay qaar mar walba biil kusoo bixiya sidii ay iskaga hor gayn lahaayeen dadka walalaha iskuna deegaanka iyo bulshada somaliland oo dhan kana shaqeeya nacabka, qabyaalada iyo qudhunka oo dhan (Nin iyo Camalkii),

Ogaw shilinka aad colaada iyo dagaalka ku bixinaysid hadii aad Nabad ku wada noolaansho iyo Horumar aad ku bixin lahayd If iyo Aakhiroba waad ku liibani lahayd, mida kale bulshada reer somaliland waa hal Bari iyo Galbeed way isku duuban yihiin waanay u siman yihiin sharciga iyo Xukuumadaba cidna cid kama dhawa… cidina cid kama foga… cidna…..Cidna… cid………cidna… Dawlad Hana qaaday ayaa jirta! Hadii ay isaga iyo inta la nooca ah ku hadhay wax qabyaalad la yidhaahdana hada wadanka kama jirto ee ogaw! waxaase bulshada reer somaliland iyagoo isku duuban ay u heelan yihiin kana shaqeeyaan wada noolaanshaha iyo wax wada qabsiga, danahooda iyo sidii ay horumar u gaadhi lahaayeen,

Dad aan waxba ka ogayn xaalada wadanka iyo abaaraha ku habsaday ayaa waxay u heelan yihiin sidii ay dad masaakiin ah oo biyo ay cabaan iyo Baad ay quutaan u baahan in ay dagaal ku campaign gareeyaan, Dadka noocaas ah waxaan leeyahay alle ka cabsada gargaar iyo wax tar ayaa kaaga wanaagsan intaaad colaad hurin lahayd ee dadkiina soo caawiyo qurbaha ma munaafaqad iyo inaad dadka walaalaha isku horgaysaan ayaad u tagteen (dagaal wiil kuma dhashee wiil ayaa ku dhinta) mida kale caalam ayaad joogtaane qabyaalada ka kora.

Dawlada somaliland waxaan kula talinayaa in ay ka xuduudaha wadanka sugto kana shaqayso isku soo dhawaynta xaqiiqada dawladani waa mid ka firfircoon dawladihii hore siiba xaga horumarka oo ay xooga saarto sidaa darted waxaan kula talinayaa dawlada somaliland ee uu hogaamiyo madaxwayne Axmed Siilaanyo in ay ku dadaasho Nabada iyo Xuduudaha dalka oo ay sugto, Wasaarada Gashaandhiguna waa in ayna cidna kala maragsan kalana tashan cidii doonaysa in ay wadanka ka abuurto qas, Wasaarada arimaha Guduhu ha ku dadaasho sidii ay u heshiisiin lahayd beelaha xurguftu dhex taalo hana ku dhamayso wanaag, Oday dhaqameedka sida salaadiinta, ugaasyada , boqorada iyo garaadyada oo ka shaqayn jiray nabada iyo wada dagaanaanshaha waxa baryahan danbe soo baxaysa in ay iyaga laftoodu wax ku leeyihiin Colaadaha hurintooda iyagana il gaar ah halagu eego.

Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com


No comments:

Post a Comment