Waxan qalinka u qaatay
inaan tilmaamo meelahaa hodanka khayraad iyo wax soo saarna laga samayn karo
eek u yaal dhulka Somaliland, Guud
ahaan Deegaanka Somaliland waxaa uu leeyahay dhul daaqsimeed wanaagsan oo
xoolo badan lagu dhaqi karo si wadanka loogu horumariyo Nasiib darose cidi iskama xil saarin Hawshaa waxaa jira Buuro waawayno oo ku fadhiya Xadi balaadhan lama eegin buurahaasi waxa ku jira waase la agmaraa uun,
xoolo badan lagu dhaqi karo si wadanka loogu horumariyo Nasiib darose cidi iskama xil saarin Hawshaa waxaa jira Buuro waawayno oo ku fadhiya Xadi balaadhan lama eegin buurahaasi waxa ku jira waase la agmaraa uun,
ü Meel
walba dooxyo ayaa mara Biyo xawli ahi soo Jibaaxaan balse Aragtida biyahuba waa
inta roobku da’ayo uun,Orad ayayna ku dhaafaan, Waxad Moodaa in laga maarmay
roob oo dhanba!! Ka faaiidaysi daaye Cabitaana lagama qabsado waxaana dhacda in
aan xaafadina ka dhaansan Biyahaasi Xareeda ah ee Cusub oo waxyaabo badan ka
Dawo ah. Barrina waa laga Ooman yahay Dhamaan waxaana la isku halaynayaa Ceelal
tiro yar oo Biyo lagu kaydiyo Ceelashasi maahase qaar kaafiyi kara bulshada
intaas leeg, Sobobtoo ah Ceelka iyo Xadiga dadka quudanayaa way kala badan
yihiin, Sidaas darted waxaa dhacda Wakhtiyada Qaarkood in la waayo Biyo Gabigoodba,
Baroorta iyo Ba’ayeeyda ayaana badata ( Badhaadhahaaga mooyee Dhul u dhacaga
Hubso ) Dhubuq dhubuq horena dhabano hays danbe ayay leedahay ayaa lagu
danbeeyaa.
ü
Gobolada Somaliland qaarkood waxaa laga helaa Durduro socda Gu’ iyo Jiilaalba,
durduradaasi waxa lagu yaqaan inaanay marnaba Istaagin hadana durduradaas iyo
biyahaas mar walba socda cid kama faaiidaysato, Waxaadse arkaysaa uun Islaan
ama Oday bustaan yar oo aan Afkeeda dhaafsiisanayn ka beertay. Iyadoo
durduradaasi jiraan ayaa la sugaa mar walba khudaar iib ah. Bal adba garo
bulshada Somaliland oo dhanba tolow ma iibkay walaalo yihin?.
ü Buuraha
qaarkood waxaa lagu sheegaa inay leeyihiin Macdano Qaali ah sida buurta ku taal
Gobolka Awdal oo Magaceeduba sheegayo (Emerald) Juquraafi ahaan sida la sheego Buurtan waxay Xariiq
wadaagaan Dhulka Columbia oo ah Wadanka Aduunka ugu Macdanaha Qaalisan uguna Macdanaha Badan
ü Oogada
Gabiley sida ay u dhan tahay Waa dhul Beereed iyo Dhul Daaqsimeed Manfac
wanaagsan laga heli karo. Deegaankaasi badnaantiisa waxyaabo badan oo Midho iyo
Khudaar ahi way ka bixi karaan hadi lagu Fikiro loona dhug yeesho.
ü Banka
saraar waa ban aad u wayn oo xiliyada Gu’ga uu doog badan ka baxo waa dhul
biyood roob ku aad u helo oo laga beeri karo khudaar iyo raashin kaafiyi kara
wadanka Somaliland oo dhan.
ü Gobolka
Salal xaruntiisuna tahay Magaalada Qadiimiga ah ee Saylac waxa ka mid yahay
Gobolada Dhawaan la magacaabay waxaa ku yaal Laba Ban wanaagsan oo Doog ka baxo
Xooluhuna aanay Madaxa kor u qaadin (Banka Geriyad iyo Banka Laba Dhegedka ) waxaana lagu dhaqi karaa
Xoolo Tiro badan si dhaqaalaha wadanka loogu kaabo.
ü Gobolkan
Sallal waxaa kale oo ku taal Bad aad u Manfac badan oo is Haysata
wali,Iyadoo dakad yarina ku Qotonto Geerka. Dakadan waxa ku Manafacaadsada
Dawlada Yemen iyo Jabuti kuwii lahaana Ilkuhuunbay ku daawadaan.Baddan waxaa
meel yar oo aan durugsanayn kaga Qotonta Jasiirada Quruxda badan ee (Sacaadadiin) Balse ahmiyad lama
siin, Faaiidada ka dhalan kartana Cidiba ma dheehanin,
Aduunka meelaha Jasiiradaha
ah waa la isku dagaala, Waa meelaha ay dadku aadka u xiiseeyaan ee ay dalxiiska
u Aadaan, Sacaadadiin ka horna Way yar yihiin Jasiirad Banaan oo aan la dagin,
Loona dalxiisin, Huteelana laga dhisin.
Jasiiradan hadii loo dhug
yeesho waxa laga Abuuri karaa dhaqaale badan , Waxase ay hada Illo xogogaal ahi
sheegayaan in laga iibiyay nin Ganacsade ah lagana Dhisi Doono Goobo Dalxiis.
ü
Waqooyiga Somaliland inkastoo ay Buuralay u badan tahay Hadana waa dhul Geed
weyn ah oo laga helo Geedo Tayo Wanaagsan oo qaarkood Daawo loo adeegsan karo,
Waanad arkaysaa in ilaahay dhulkan Nimco badan ugu deeqay Balse Dadkii lahaa
dayaceen. Wakhtigii aan Dugsiga dhexe dhiganayay uun baan Macalimiinta qaar ka
maqli jiray ( Afrika waa dhul Hodan ah Dadkeeduna Beerka ayay dhulka ku hayaan)
ü
Koonfurta somaliland oo la yidhaahdo Hawd waa dhul aad u baaxad wayn oo leh
geedo waawayn oo kala duwan waa dhul daaqsimeed uu doogu aad uga baxo waxyaabo
badan laga beeri karo sidoo kale waxaa lagu dhiqi karaa xoolo badan waxaana
laga fulin karaa mashaariic horumarineed.
ü Gobolka
Ceerigaabo gabi ahaantiiba waa Gobol hodan ku ah xaga dhulka Cagaaran oo dhir
badan oo noocyo badan ahi ku Unkan tahay Waa gobol Xiiso galinaya indhaha Binu
aadamka, waxaa ku Yaal meelo Qadiimi ah oo taariikhdu badanaa Xusto waxaa kale
oo Gobolkan ka xaba khudaar kala duwan sidoo kale gobolku waxa uu can ku yahay
beeyada ama Fooxa oo aad ugu badan.
ü Haday
Ogaan lahaayeen Khayraadka iyo Macdanaha ku duugan Dhulkooda Indhaha iskumay
hayeen, Afkuna ma Basaaseen, Caruurtooduna Bada iskuma Qubteen iyagoo Tahriib
miciinsanaya. Goobo badan oo Somaliland ah waxaa la Ogaaday in ay ku duugan
yihiin Khayraad badan sida Saliid, Gas, (Gypsum) Macdan qaali ah oo dhulka
badankiisa aan laga helin,Waxaa kale oo deegaanka Somaliland laga helaa
Curiyayaal Qaali ah oo waxyaabo badan looga Faaiidaysan karo Sida Sulphur iyo Lead Waxaa kale oo laha
hubaa in ay dhuxul dhagaxdu ku badan tahay, Nimcadaasi waa mid laga indho
laayahay waxaana laga doortay in Bada la isku tuuro Indhahana lagu taago Yurub
.
ü Somaliland
waxay leedahay Bad lagu qiyaaso Xadi ku dhaw 600 mile Waxanay ku taal
Badaasi meel istaraatiji ah, Waa meel isku xidha Qaarada Africa, Yurub, Barriga
dhexe iyo Koonfur Barri Aasiya Sidaas darted waxaa ka suurto gali karta Dakad
Caalami oo dhaqaale badan ka iman karo.
ü Laf
dhabarta dhaqalaha Somaliland waa Xoolaha waxaana lagu qiyaasaa in ay ku nool
yihiin Xoolo Gaadhaya 27 million Hadaba si Xoolaha Tiradooda iyo Tayadooduba u
korodho waxay u Baahan yihiin In dhulkii la Ilaaliyo Loona sameeyo Dhul
daaqsimeed iyo Hab Nidaami ah oo loo maamulo sida in la sameeyo Dhul
daaqsimeedyo badan oo loo kala badalo Si ay Sanadba meel u daaqaan Xooluhu oo
dhulkiina uu Ka Nabad Galo Nabaad Guurkii,
ü Buurta
Sheikh oo ku taal gobolka Saaxil iyo Buurta Daallo oo ku taal Erigavo waa Buuro
aad u qurux badan aadna u dhaadheer, Waa dhul indhuhu aad u jeclaystaan, Waa
dhul Hawo wanagsan oo neecaw Saxansaxo alle ku galaday Sidaas ay tahay waxaa
laga dhigi karaa Goobo Dalxiis ama Hotel si ay Ugu dagaan Dadyawga Ajaanibka
ahi Wadankana Cashuur badan ayaa kasoo galaysa.
ü Waxaa
meelo badan oo Somaliland ka mid ah wali kusii nool Duurjoogtii waxaana la
arkaa Midh midh aad is odhanayso malaha tani waa Tuso Halawday Duurjoogta waxaa
looga Faaiidaystaa Siyaabo badan waa mid in la Ugaadhsado in Loo adeegsado
Manafacaad kale iyo La Dhoofiyo Balse waa marka la hesho dhul ay ku taranto iyo
Cid daryeesha.
Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment