26
june1960 ayuu ingiriisku Xoriyad buuxda Siiyay Goboladii waqooyi Balse
Koonfurta Somaliya oo Talyaanigu Gumaystay iyaguna waxay ka danbeeyeen Dhawr
Cisho Gobolada Waqooyi.Wakhtigaasi Bulshada Somaliyed
waxay ka faaiideen Gumaysigii Inaan kala Qaybsanaanta iyo Tafaraaruqa sida midho looga Goostaa ay adag tahay una baahan tahay Dadaal badan Isku Duubnaantuna
waxay ka faaiideen Gumaysigii Inaan kala Qaybsanaanta iyo Tafaraaruqa sida midho looga Goostaa ay adag tahay una baahan tahay Dadaal badan Isku Duubnaantuna
Horseedo
Guul Dhakhso ah Hadii daacadnimo iyo Maamul wanaag jiro. Sidaas darted ayaa
madaxdeedii Hogaaminaysay Somaliyed ku Heshiiyeen in La mideeyo
Goboladii Somaliya ee Gumaysigu Qurubqurubka u Jarjaray, Fikradaasi oo ay
horsed u ahaayeen Goboladii Waqooyi, Waxaana la filayay in laga midho
dhalin doono oo Dawladaasi noqon doonto Mid karti leh, Waxa kale oo Yididiilo
laga qabay inay soo Jiidato oo isku Keento Shantii Soomaaliyeed balse waabay
sii kala fogaysay kuna guuldaraysatay, Fikirkii Somaliweyn halkaas buu ku
fashilmay Rajadii laga qabayna cirka ayay isku shareertay
waxaana
sobob u ahaa musuq maasuq iyo Hab maamul xumo lagula kacay Goboladii waqooyi ee
Soomalia ama (British Protectorate), Wax-garadkii iyo Madaxdii iyo shacabkii
Gobolada waqooyi Waxay u adkaysan waayeen Cadalaada darada, Dilka iyo
Musuq maasuqa lagu hayo Maatida Birimagaydada ah.
6 April
1981 ayay u suurto gashay inay si rasmi ah u Asaasaan Ururkii Dhaqdhaqaaqa
Soomaaleed( Somali National Movement, SNM). Ururkaasi waxa uu u tafo
Xaytay in uu Dagaal lagalo Dawladii Arxanka darayd ee uu Hogaamiyaha ka ahaa
Kalidii Taliye Maxamed Siyaad Barre, In mudo ah Markii ay dagaal lagu le’day
Naf iyo Maalba kula jireen ayaa waxa u suurto gashay inay Hanteen Gobolada
waqooyi oo dhan Kana Yagleeleen Nidaamka kala danbaynta ah,Waxay ku guulaysteen
soona Xero Galiyeen Dawladnimada ay maanta Bulshada Somaliland ku daansho
daanshonayso.
Fuaad
Abdillahi Hassan
Hargeisa,
Somaliland
No comments:
Post a Comment