Mudada
Gaaban ee ay Jirtay Dawlada Somaliland waxay ku talaabsatay horumar waxaana
laga hirgaliyay dimuqraadiyad, Dastuur, Nabad, Doorashooyin kala duwan, iyo
Cadaalad hanaqaaday Caalamka oo dhan ayaa Og kana dharagsan kaalinta ay Somaliland
kaga jirto Geeska Afrika iyo
Sida ay muhiim ugu tahay Bulshada Caalamka, Afrika iyo Shacabka Reer Somaliland-ba Sidaas ay tahay waxaa muhiim ah in laga taxadiro laguna dagdagin Go’aan kasta oo carqaladayn kara Hayaanka ay Somaliland ku jirto arinta kasta oo soo korodhana waa in si daganaan oo bilaa caadifad ah looga fikiro si looga aayo midho wanagsan.
Sida ay muhiim ugu tahay Bulshada Caalamka, Afrika iyo Shacabka Reer Somaliland-ba Sidaas ay tahay waxaa muhiim ah in laga taxadiro laguna dagdagin Go’aan kasta oo carqaladayn kara Hayaanka ay Somaliland ku jirto arinta kasta oo soo korodhana waa in si daganaan oo bilaa caadifad ah looga fikiro si looga aayo midho wanagsan.
Intaa
kadib waxa baryahan Dalka ka taagnayd dooda Furista Xisbiyada badan taasi oo ay
bulshada Reer Somaliland ku kala qaybsan yihiin Gudo iyo Dibadba Hadaba hadii
ay noqoto in xisbiyo badan Somaliland laga Abuuro miyaanay keeni Karin Nidaam
Qabiil ku dhisan una suurto galinaya Qabiil walba in uu ku dadaalo sidii uu u
furan lahaa Xisbi uu ka dhex muuqdo? Miyaan loo baahnayn in laga taxairo wax
kasta oo dib usoo yagleeli kara Qabyaaladii la aasay ee Godka lagu riday?.
Balse taa
lidigeeda in ay saddexdan Hogaamiye ay bulshada kooto ku haystaana iyadna maaha
mid loo baahan yahay oo shacabka u cuntanta sobobtoo ah waxaa jira dad badan oo
aqoon leh kuna taamaya in ay wadanka Hogaamiyaan Hadaba si ay fursad ay kusoo
baxaan u helaan waxaa daruuri ah in Sadexdan xisbi ee hada jira aanay noqon
qaar kooto ah oo ay shaqsiyo si gaar ah u maamushaan, waxaase muhiima in
sadexdan xisbi dhexdooda uu qof walba oo muwaadin ah, aqoona leh uu iska soo
sharixi karo Cilmigiisa iyo aqoontisana uu kusoo baxo, taasoo jidaynaysa in ay
xisbiyada Dhexdoda doorasho xalaal ah ka dhacdo oo uu is sharixi karo Qof walba
oo Golaha Dhexe ee Xisbiga ka tirsani Hadii ay taasi suurto gashona waxaa soo
baxaya siyaasiyiin tayo leh oo hogaamin iyo aqoon leh Bulshadana hagi kara.
Hadaba
walaalayaal Iyadoo aynu dhawaan sugayno in ay soo baxdo Natiijada iyo Go’aanka
kama danbaysta ah ee uu Gudidii talo bixinta Xisbiyada uu dhawaan Madaxweynuhu
Magacaabay ayaan labada arin ee madaxweynuhu Gudida u magacaabayn midna inoo
wanaagsanayn, In xisbiyo badan dib loo yagleelo iyo in ay sadexdan xisbi kooto
inagu haystaanba dan uma aha shacabka sidaas ay tahay ilaahay ayaa og hadana
wixii inoo dan ah ee shacabka iyo dalkuba ku hagaagayo sidaas darteed alle
waxaan ka baryaynaa in uu laba taloba tii roon inoo dooro,
Fursita
Xisbiyada iyo Sadexdan Xisbi ee kootada ahba waxaa inooga wanaagsan lagagana
maarmi karaa in xisbiyo la furo iyadoo in sadexdan xisbi ee Hada jira noqdaan
qaar la iska sharixi karo oo qof walba oo muwaadin ah Golaha dhexe ee xisbiga
ku jiraana uu xaq u leeyahay inu aqoontiisa ku hanan karo inuu noqdo
Hogaamiyaha Xisbiga.
Guntii
iyo Gabagabadii waxaan kula talinayaa Gudida Talo bixinta Furista Xisbiyada ee
digreetada ku magaacabay Madaxweynuhu in ay ka fiirsadaan labadaa arin ee madaxweynuhu
u igmaday kuan dagdagin Go’aan aan loo aayin, Caqli degan oo bilaa caadifad ah
ayaa la idiinka baahan yahay maseerka iyo Danta umada ka taliya kana dhiidhiya
waxii umada dhib u keeni kara, Ha noqonina Taliyeyaal xun xun oo taladoodu
noqoto mid dib u dhac ah ilaahayna Labo taloba tii roon ha inoo dooro.
Fuaad
Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
No comments:
Post a Comment