Taariikhda
waxaa ku sugan casharo iyo waxyaabo lagu Cibro qaato marka Si wanaagsan loo
dheehdo , Alle Koreye waxa uu Nabi Muxamed CSW ugu mana sheeganayaa Marar badan
in uu uga waramay Qisooyin noocooda kuwii Ugu wanaagsanaa iyo Qisooyinkii
Anbiyadii ka horaysay. Alle koreye waxa uu quraanka Meelo badan ku
leeyahay ( Warkooda waxaa ku sugan cibro). Waxaanan kaaga warami wararkii Anbiyadii kaa horeysay oo aanu qalbigaaga ku dajini)Bal hada eeg halkaas waxaad ka Arkaysaa in Taariikhdu Ay tahay Muhiim. Taarikhda waxaad ka helaysaa Arimo badan oo kaa qarsoonaa Marbana waxay kugu Abuuraysaa Dareen Gaar ah iyo Iswaydiin Suaalo Badan. Hadii aad akhrinayso Taariikh ama lagaaga sheekaynayo Taarikh ku saabsan Dagaal Qadhaadh waxaa naftaada galaysa Dhiiranaan Sidoo kale Hadii lagaaga waramayo mid ku Saabsan Badhaadhe Naftaadu way ku dagaysaa waanay ku raaxo galinaysaa.
leeyahay ( Warkooda waxaa ku sugan cibro). Waxaanan kaaga warami wararkii Anbiyadii kaa horeysay oo aanu qalbigaaga ku dajini)Bal hada eeg halkaas waxaad ka Arkaysaa in Taariikhdu Ay tahay Muhiim. Taarikhda waxaad ka helaysaa Arimo badan oo kaa qarsoonaa Marbana waxay kugu Abuuraysaa Dareen Gaar ah iyo Iswaydiin Suaalo Badan. Hadii aad akhrinayso Taariikh ama lagaaga sheekaynayo Taarikh ku saabsan Dagaal Qadhaadh waxaa naftaada galaysa Dhiiranaan Sidoo kale Hadii lagaaga waramayo mid ku Saabsan Badhaadhe Naftaadu way ku dagaysaa waanay ku raaxo galinaysaa.
Mar kale
Alle Koreeye waxa uu leeyahay (Miyaydaan garanayn kuwii idinka horeeyay iyo
halkii ay ku danbeeyeen) Yacni eeg Halkaasi waa Xasuusin waxaa la xasuusinayaa
waxyaabo Nafahoodu ilowday waxaa la xasuusinayaa Taariikhdii Umadihii ka
horeeyay iyo Cidhibtodii Xasuusin taasi kadib in badan oo adoomaha caqliga leh
ahi way Baraarugaysaa waxaanay Oganayaan In aanay Aduunyadu Macno lahayn kol
Hadii Nabi Muxumed oo dad ugu Sharaf badnaa Laga Oofiyay.
Alle
Koreye isagoo adoomihiisa la hadlaya waxa uu leeyahay (Dhulka socda oo eega
taariikhiihii dadkii idinka horeyey, wixii ka hadhay ama ay ka tageen iyo
sobobaha loo halaagay) Tanina waa xasuusin waxa la xasuusinayaa Halaagyadii iyo
Cidhibtii dad badan oo ku kibray Aduunyada oo Fircoon ka mid ahaa oo Qaabiil ka
mid ahaa , Xusuusinta taariikhdaasi Waxay Hanuun u noqon kartaa Dadka Wax
garadka ah ee Yara Dhakoolsan ee aduunyadu yara Hogaamisay .
Taariikhdu
kaliya uma baahna in wakhtiga la isku dhaafiyo uun oo lagaga sheekeeyo meela
fagaarayaashe ee lagu kulmo sida Maqaaxiyaha Shaaha laga Cabo ama Kuwa Jaadka
lagu budliyo Balse way ka muhiimsan tahay waxaa ku sugan cibro una baahan tahay
in lagu dul nasto lagana kordhisto casharo si wax loogu qaato.
Taariikhdu
waa Illaha Ama Wadada aad kaga guulaysan Karto arin aad Mar hore ku
Guuldaraysatay Balse waa marka aad daraasaynku samayso oo aad fahanto halkii uu
marki hore qaladku ka dhacay ee arimuhu ka liiceen Xalna aad u raadiso. Inaad
ku xisaabtanto Taariikhda, Waxa taagan iyo Timaadada dhaw isagoo wax ka
odhanaya Abwaan, Ibrahim Sheikh Saleban (Gadhle) Hab farshaxanimo uu
suugaaaysana u dhigaya waxa uu yidhi :-
Waxaad
shalayto mudatiyo,
Mahadhada
xusuusnoow,
Halkii
qorigu kaa muday,
Mar
labaad lugtaadiyo,
Cagtu
yaanay kula marin,
Maantiyo
dantaadiyo,
Yaan
mililku kaa lumin,
Maalmaa
danbeeyiyo,
Waxa
maqanna faallee,
Taariikhda
waxaa laga dhex helaa lagana dheegtaa dadyawgii kaa horeeyay heerkoodii
nololeed ama habkoodii nololeed, Quwadoodii iyo dhaqanadoodii.
Taariikhdu
heerka ama kaalinta ay kaga jirto Umadaha islaamka iyo Gaaladaba waxaa tusaale
inoogu filan, Dadyawga horumaray ee Ilbaxnimoyinka Hiigsaday waxa ay falawgeeda
ku jiraan dadaal badan oo Naf iyo maal ahna ay ku bixiyaan sidii ay u heli
lahaayeen Arhaanta ama Dadyawgii hore iyo cidhibtootiidi.
Waxay ugu
farxad badan yihiin marka ay helaan Illo ay u raacaan taariikh hore Waxay
barteen cilmiga taariikhda waxanay u sahashay ama ay gaadheen heer in ay
saadaaliyaan dadyawgii hore cabirkooda ama intii ay dherer iyo balacba
leekaayeen, xataa imika waxay ay ku talaabsadeen talaabooyin ay ku
xaqiijinayaan Xayawaano hore ugu noolaa koomkan balse Hada dabar Go’ay Sida
xayaawanka lagu magacabo (Dinosaur), Meelaha qaarkood waxay heleen waxyaabo
lagu xardhay Buuro, Dhagaxaan iyo meelo kaleba taasi oo ay ka faaiidaysanayaan
Cilmiyo badankeenu aynaan uba dhabo Galin.
Dadyawga
reer Yurub waxa kale oo ay baadhitaan ugu jiraan in ay ogaadaan meel walba
dadkii dagi jiray Qaab dhismeedkoodii intii ay dherer leekaayeen ama Awoodoodu
intii ay leekayd ayaa ay saadaaliyaan iyagoo Adeegsanaya Cilmiga Taariikhda ama
ka dheehanaya waxyaabo ay samayn jireen sida in ay ka tixraacaan Dhagax la
qoray, Lafo hore ama Xabaalahoodu inta ay cabirkoodu leekaayeen, Hadii aad u
fiirsato Meelaha Xabaalayaasha qaarkood sida Dhulalka Awdal , Salal,Sanaag
waxaad arkaysaa Xabaalo Waawayn oo ka Waaweyn kuwa aan Hada Aragno Sobobtuna
waxay tahay Dadka ku Aasan ayaa ka Waaweyn Dadkan Maanta ku nool Koomka.
Wadanada
Reer Galbeedku Si ay taariikh u helaan waxa ay ku bixiyaan kharash badan
waxaanay u tagaan meelo fogfog waraysiyana ka qaadaan dadyawga kale bal in ay
ka helaan Xog yar oo ka qarsoon, waan la soconaa in dadyaw badan oo taariikh
yahano ahi maalin walba Yimaadaan LaasGeel bal si ay taariikh uun uga helaan
balse inagoo masaafad yar u jirnaa ma tagno ama way yartahayba in baadhitaan
lagu sameeyay ama wakhti la siiyay sidii wax looga ogaan lahaa. La isma waydiin
Sobobta ninka cadaanka ah ee reer Galbeed kaga so noqnoqonayo Laasgeel ?
Xataa
Iska daa taariikh baadhitaan lagu sameeyo ee Hayaankii Dawladnimadan loo soo
maray ayaan Taariikh sax ah laga hayn buugaag dad ajaanib ah qoreen way jiraan
oo ay ka qoreen Somalida. Balse Buug Taariikhda Somaliland sifiican uga warama
waxaan arkay Halbuug kaasoo uu qoray Sayid Maxamed Dheegay oo la yidhaa (Taariikhda
Somaliland 1960 ka hor) buugaasi waa buug lagu nuuxnuuxsaday loona galay dadaal
badan waxaana sharaf u ah qoraaga in uu buug ku kaydiyay Taariikh Umadeed oo
sii Hoobanaysay lahaydna Maalmo qadhaadh iyo macaan Iskudu dhafan, Mahad badan
ayuu inaga mudan yahay.
Bulshada
reer Somaliland waxa ay soo martay wakhtiyo kala duwan oo ay mid waliba wada
tay arimo Xasaasi ah waxa ay so martay hab Siyaasadeed Guracan iyo mid Qabaw
mid Qadhaadh iyo mid Macaan intaasi hadii taariikhdooda la hayn lahaa ama la dhuxi
lahaa oo ka daba tag lagu samayn lahaa maanay tusaale fiican u noqoteen arimaha
manta taagan, Is fahan la’aanta Xisbiyada Mucaaradka iyo is qabqabsiga
Golayaasha? Jawaabtu waa Haa!!! Tusaale ayay u noqon lahayd sobobtoo ah Suaalo
ayaa imanaya u baahan in looga jawaabo si caqli gal ah oo aan Caadifadaysnayn
Sida :-
ü Markii ay Qadhaadhka ahayd maxaa sobobay Qadhaadhka?
ü Maxaa Macaan Kusoo dabaalay ee ku xaliyay hab wanaaga kuna
xasiliyay Nabdoonaan?
ü Markii ay Hawluhu sida wanaagsan u socdeen maxaa kharibay oo u
liiciyay dhanka xumaanta, Qabyaalada iyo Musuqmaasuqa?
ü Markii ay guracnayd maxaa dhaliyay guracaas ?
ü Sidee ama Yaa toosiyay oo ka saaray halkay ka qaloocday turxaan
bixintana ku sameeyay ?.
Waa
midaasi qaaciidada ay ku xisaabtamaan dadyawga waxgaradka ahi ee Saaxibul
caqliga ahi balse halka iyada tan ah ay ka liigtay baa ah bulshada ama Madaxda
reer Somaliland waa dad aan Indho Indhayn Taariikhda iyo Habkii isbadaladii
hore kumana dadaalaan badankoodu xalnta arimaha is hirdinaya iyagoo ka dheehanaya
wixii ay Taariikhdu hore ugu xariiqday .
Wakhtiyadii
hore hadii ay Dawladnimadeenu qumanaaan wayday oo aan warkeediina hayno maxaa
inoo diiday Jidkii hore loo maray Mid ka duwan oo ka tayo Fiican inaynu marno,
Waxaynu ka kori waynay Is Qaqabsi Dawlada iyo Baarlamka ama Guurtida iyo
Baarlamanka Ama Shicibka iyo Dawlada taasi,. Abwaan Cabdillahi Suldan Timacadde
ilaahay ha u naxariisto waxa uu Tuducyadan hoose ku xardhay in ayna Somalidu
waligeed Taabo-gal ka noqonayn Musuqmaasuq, Cadaalad daro, Iyo Muran aan midho
lahayn waxaanu yidhi :
Habar
habartan loo kala baxay iyo Hiririgtii yeedhay,
Harfadii
Gidaarada la sudhay Dumarkii Heesaayay,
Hadafbaa
dhismaha Baarlamaan lagu Hubeeyaaye,
Hadbana
shicibku caynkuu yahay baa lagu Hogaanshaaye,
Hanaankii
wax loo dooran jiray wali ma haysaane,
Hadii ay
taladu kuu muuqatoon lagula Haaneedin,
Hifaatiyo
waxay kugu tartaa Huq iyo Ciile,
Anuunbaa
hanganayee wanaag uma hilawdaane
Arimaha
uu Abwaanku ku nuuxnuuxsaday ee kuu sheegay Gabaygan waa qaar aynaan ka korin
Afartan sano ka hor ilaa Hada way Muuqdaan Tirona malaha inta ay is
maandhaafeen Golayaasha Somaliland ama Maamulku waa midaasi mida uu cabdillahi
leeyahay Anuunbaa is kaa daalayee maaha dad xaga wanaaga u sii jeeda.
Taariikhdu
waa ilo ama iftiin aad ku arki karto habka dhisitaanka ama horumarinta
dawladeed ee ay ku horumareen Dawladaha hada Ilbaxnimada Hiigsaday, waxaad
taariikhdooda ka helaysaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u horseeday inay
horumaraan iyo waxyaabihii ay ku khaldameen ee Guuldaradu ka dhalatay.
Maanta
arinta taagan waa taariikh waxaanay taarikh u tahay bulshada danbe ee aan imika
nolayn waxa ay u noqonaysaa Taariikh Xiiso galinaysaTusaale ahan waxaa la odhan
doonaa afartan sano kadib Madax wayne Daahir Riyaale Kaahin waxa u xilka
qabsaday kadib markii u dhintay Maxamed X. Ibrahin Egal May 3, 2002 , Intii uu
Xilka hayay waxa uu wadanka galiyay dhawr jeer khatar una horseedi gaadhay
Burbur iyo inay la mid noqoto somaliya oo wakhtigaas ahayd dawlad tag daran
laangadhaynaysay oo Burbursanayd, Qabqablayaal, Culimo, iyo qaar kalena ay isku
hirdinayeen, Arintaasi wax ay xiso galinaysaa qofkii aan wakhtigaas jirin
waxaanay u noqonaysaa Taariikh ama Toosh uu wax ku Iftiinsan karo.
Isbadbadalka
aduunka waxa laga ogaadaa Taariikhda dhexdeeda tusaale ahaan waxaynu usoo
qaadan karnaa inagoo aan meel fogba wax ka dayin shalay bay ahayd markii uu
Madax waynihii Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaji Ibrahin Cigal uu qaramada
midoobay ka qudbadaynayay una doodayay China oo aynu manta aragno Kuna jira
Wadana Diidmada Qayaxan Cid walbana ka dharagsan tahay heerka ay caalamka ka
taagan yihiin iyo sida looga danbeeyo. Maxaynu Isku waydiin waynay tolow china
oo aynu shalay u doodaynay maxay ku horumareen uguna mid yihiin wadanada
Diidmada Qayaxan. Miyaanay ahayn in aan kaga dayano habka horumarka wanaagsan
ee ay ku talaabsaden mudadaas Gaaban
Abwaan
Mohamed Ibrahim Warsame ( Hadraawi) waxa uu tuducyadan hoose inoogu sheegayaa
in taariikhda kadaba tag lagu sameeyo iyo in wax laga ogaado Arimihii hore
sidii ay wax u dhaceen, Waxa kale oo uu abwaanku leeyahay Hadii ay wax kaa
qarsoon yihiin ku dadaal inaad waydiiso dadka garanaya, Abwaanku waxa uu yidhi
:
Ashqaraarka
kibirkiyo
Yaanay
iiddu kula tegin
Ha ku
tuman aleelaha
Ha
afduubin xaajada
Isirkeeda
doon doon
Ka ummuli
tusaalaha
Alif
macallin weydii
Bal
abuurta dunidiyo
Shalay
iyo awaasheed
Aashaa
dib ugu noqo
Bal
oddoros hilaadaha
Bal malee
wax iman kara
Berritiyo
ayaamaha
Ifafaale
daymood
Bal iskaa
ka sheekee
Wixi
aadmi soo maray
Taariikhda
uur baadh
Inkastoo
Abwaanku maansadan u adeegsaday hab kale balse nin waliba halkii bugta ayuu ku
bogsiiyaaye inana waxaynu u adeegsanay ama ku macnaysanay uun halkii aan uga
dan lahayn oo ah in Taariikhda lagu xisaabtamo doorka ay ka ciyaarto Nolosha
Basharka.
Gubaabo.
Wakhtiyadi
hore Bulshada reer Somaliland may qori jirin waxba balse waxa ay ahaayeen
Bulsho hadasha laakiin manta Hadal ama Qaab xikmadaysan bulshadan hadu kuma
gudbin karto waxyaabaha imika taagan ama Taariikh balse waa bulsho hada
Yaraanteedu u heelan yihiin Wax qorida,Qoraalku waa hab ka fudud habkii Gabayga
ama xikmada qof kastaa wu karaa inuu wadciga mar walba taagan wax ka qoro balse
xil la iskama saaro Taas Ogowna maalin walba oo ku dhaafta ama taagani waa
taariikh waaxaanay wadataa wadci gooniya soomaalidu waxay tidhaa (Waagii
baryaaba Waayo leh ) Nasiib daro Dawlada dhan ee Somaliland xataa malaha meelo
wax lagu kaydiyo ama madxaf caalami ah, Mana jiraan dad u xilsaaran inay
urirayaan oo kaydiyaan Taariikhda ama Habdhaqanka wadanka Dawladuna xil iskama
saarin Hawshaasi Mugeeda leh.
Taariikhdu
waa tusaha Wixii Tegay
Maanso
Qalin ku dirir ah.
Teelteelka
dunidiyo
Tarankiyo
abkeediyo
Sidii loo
taxnaa
Tan iyo
haabiil ba
Tiraanyaday
lahayd
Ama tii
wacnayd
Talantaali
wixii tagay
Tu kastoo
la joogaba
Taws iyo
dhibaatiyo
Halkii ay
ka tiicday
Ama ay ka
toostay
Tusaheena
weeyoo
Halka
lagu tilmaanshiyo
Tiriig
lagu iftiinshaa
Taariikhda
weeyee
Tix
galiya Dadwaynaw
Toomkaynu
joogniyo
Tusmadii
horeetiyo
Talaabadii
aan qaadnay
Halkay ka
turunturotiyo
Tubtii ay
ka tiicday
Tiriig
aan ku baadhno
Toos aan
u helnee
Tii hore
xumaatee
Tana yaan
la tuminee
Tiigsada
aduunkoo
Tuujiyo
maskaxdoo
Tixgaliya
taariikhdo
Tacabkeeda
gala
Maalinkii
tagtana
Tiir adag
ku xidho
ku’danbey
wax tariyo
Taladiisa
noqoniye
]Fuaad
Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa,Somalialnd
No comments:
Post a Comment