Alle ha
u naxariistee Abwaan Cabdillahi Suldaan Timacade isagoo hab suugaaneed u
sheegaya Dadka ku dhaqma kala qoqobka, jilib jilibka, Reer reerka, Qabiil
jeclaysiga iyo Qabiil necbaysigu in aanay waligood horumar gaadhayn
waligoodna aanay u suurto gali Karin inay caalamka la jaanqaadaan wuxu yidhi:
waligoodna aanay u suurto gali Karin inay caalamka la jaanqaadaan wuxu yidhi:
Intaad
Reer Saxardiidiyo
Reer
Sarreeye Dubeeyiyo
Reer
Samaale tihiin ee
Suldaan Caarshe
ogaa iyo
Cuqaashii
San Qalloociyo
Subax
kiina casheeyaa
idin
seexinayaan
Sallaan
aad ka baxdaaniyo
Salka
meel aad dhigtaan
Sacabkoo
tima yeeshiyo
Saabuun
xoor laga waayiyo
Waa
dameer san madowoo
Sina loo
arki maayoo
Waanay
suurta gelayn.
Waa
qarnigii 21aad: Hadii aad tahay shakhsi si maalinle ah ula la socda uguna
xidhan Saxaafada Kala duwan ee Somaliyed Sida Warbaahinta Maqalka iyo Muuqaalka
ah (Television), Warbaahinta Maqalka oo kali ah( Idaacad), Wargeysyada(Jaraa’idada) iyo Mareegaha
(Website) Somaliyeedba bal u fiirso Hadii aad aragto Waxgarad, Oday ama wiil
dhalinyaro ah oo ka hadlaya qaybahaa kale duwan ee warbaahinta oo Hadalkiisa si
xarago leh ugu celcelinaya qabiil jeclaysi ama Qabiil Necbaysi, Colaad iyo
dagaal waxa xaqiiq ah inuu kasoo jeedo Gobolada Buhodle iyo Laascanood waana
Qaaciido dhab ah.
Waa
Qarnigii 21aad: Waa qarnigii wax wada qabsiga, Walaalnimada, Qaranimada
Horumarka, Nabada lana ogaaday in qaranku ka muhiimsan yahay Qabiilka aduunkana
lagu dhaqi karo Hab Qaran ee aan lagu dhaqi Karin Hab Qabiil Hadaba Beelaha
Buhoodle iyo Laascaanood waxaad ka murugoonaysaa sida ay carabka ugu
balaadhinayaan Naxliga Qabyaalada taasi waxay cadayn dhab ah u tahay In ay ka
dib dhaceen Gobolada Somaliland iyo Caalamka kaleb.
Waa
Qarnigii 21aad: Umada Somaliyed intooda Sharafta leh waxay iska ilaaliyaan kana
dhawrsadaan ku dhawaaqiska Magacyada qabaa’ilka xataa Hadii arinta laga hadlayaa ay tahay
mid ku salaysan Qabiil Dadka aan Naxligu ku beernayn waxay u dhigaan Hadalkooda
si kale oo sarbeebaysan ama maldahan Sida Beelaha Awdal, Beesha Hargeisa,
Beesha Burco, Beesha Berbera IWM. Ogaw Nin qabyaalad heensaynayaa guul
ma haybsado
Waa
Qarnigii 21aad: Intiina Caqliga badan leh waad ogaateen in qabyaaladu ay tahay
waxa Somali sidaa u galay ee burburiyay kana reebay Caalamka, inta qabiil
niyada lagu hayana aan la gaadhi Karin lalana tartami Karin Beesha Caalamka,
Hadaba waxaa si cadaan ah u muuqda oo marag ma doon ah in Gobolada Buhodle iyo
Laascanood ay Gobolada kale ee somaliland ka dib dhaceen mudo badan, Hadii ay
Caafimaad Noqoto, Hadii ay waxbarasho noqoto, Hadii ay Ilbaxnimo noqoto, Hadii
ay horumar noqoto intaaba umada way ka dib dhaceen, Maxaase ugu wacan baad u
malaynaysaa? Jawaabta ka dhex baadho Maansadan uu tiriyay Faarax Cawil Jaamac
Qarnigii 20aad 1997kii.
Haantaba
guntoo laga unkaa, garasho weeyaane
Girgir
loo sameeyiyo hadhuub, guudka laga saaro
Maskax
godol leh baa laga dhaxloo, gudatey hawshaase,
Haddayse
guuli kaa maqantahiyo, horumar aad gaadho
Garaadkaaga
weyddii waxay, gocato laabtaadu.
Guntin
Canabah Ciin lagu go'oo, guba calooshaada
Waxaad
geliso ciiddaa dhulkana, kaaga soo go'a'e
Hadba
geedki aad beerataad, goosataa abide,
Girristaad
afaysana marbaad, Gool ku qalataaye
Guuyona
waxaad dhaqato baa, goonni kuu noqone
Hadba
dumarka taad guursataa, gaaridood tahaye
Gogoshana
middaad seexataad, gama' ka doontaaye
Waxaad
galabsataabaad ifkana, gaar u heleysaaye
Gefna waxaad samaysaa qabriga, kuugu soo geli.
Waa
qarnigii 21aad: Beelaha Buhodle iyo Laascanood waxaa dib u dhigay Odayaashooda,
Waxgaradkooda, Dhalinyartooda, Aqoonyahankooda iyo Qurbajoogooda inyar oo
caafimaad qabta mooyaane waxay dhamaantood ku heshiiyaan iskuna raacaan fikirka
taban ee dib u dhaca horseeda, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi
Xaabsade isagoo la hadlaya waxgaradka iyo Aqoonyahanka Buuhoodle iyo
Laascaanood waxa uu yidhi Hadalkan Dhaxal galka ah Qabiil na Qabiil ma
gumaysato ee Caruurtiina cuqdad, Cudur iyo Naxli haku beerina.
Waa
qarnigii 21aad: Gobolada laascanood iyo Buhoodle oo dawladii kali taliye Siyaad
Barre aanay ka soo gaadhin wax khasaare ama burbur ahi waxaa hubaal ah in ay
dib u socdaan Halka Gobolada Kale ee somaliland oo burbur laxaadleh ku
habasaday ay hadana kasoo kabteen oo hore u talaabsanayaan Saacad kasta, Maalin
kasta, Sanad kasta , Maaha in Dawlada Somaliland hagratay ama ka gaabisay inay
wax u qabato Gobolada Buhodle iyo Laascanood ee si gaar ah ayayba u
naasnuujisaa Balse waxa la hadhay dadkiisa oo fikirka qaldan qaata una hayaama
qarni ka hor ama Gaadhi Gaadhi saartii, wakhtiigii qabaailka, iyo Wakhtigii
colaadaha ee geela iyo dhulka la kala boobayay.
Gabaygan
Hoose oo uu tiriyay alle ha u naxariistee Abwaan Cadillahi suldaan Timacade
1960 oo ay kasoo wareegtay Nus qarni wuxu si cad oo aan madmadaw lahayn tiriig
ugu ifinayaa Qabyaalada iyo Midhaha laga goosto iyo dib u dhaca ay u horseeda
bulshada ku sifawda Nidaamka qabaliga ah waxaanu yidhi:
Dul iyo
hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede
Anuunbaa
damqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan
la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay
dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii
hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc
hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul
walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
Dadka
kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba
madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
Goortay
is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii
waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii
waad wada canteen duhur dharaareede
Dariiq
toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye
Darajada
Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka
duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
Dugsi
malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan
xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan
ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu
waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma
leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir
la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy
dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida
dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee
doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi
male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Waa
qarnigii 21aad: Hadii aad dhagaysato Dood dhex maraysa Laba Wax garad oo kasoo
kala Jeeda Sool iyo Awdal waxaad arki Waxgaradka Sool waxa uu doodiisa ku
salaynayaa Naxli, Colaad, Caadifad, Qabiil, Aflagaado IWM, Halka Waxgaradka
Awdal uu doodiisa ku salaynayo Cilmi, Degenaan, Nabad, Horumar, Waxbarasho,
Caafimaad, Wax wada qabsi IWM. Ogaw Nin qabyaalad beertoow wanaag kuuma
soo baxo
Waa
qarnigii 21aad: Hadii aad dhagaysanayso ama aad daawanayso amaba aad booqato
Mareeg kasoo jeeda Laascaanood ama buhoodle wariyayaasha ka hawl galayaa waxay
dadkooda ku Wacyi galiyaan Dagaal, Qabyaalad IWM. Waxaanay baahiyaan Warar
kutirikuteen ah oo aan sal iyo raad toona lahayn bulshada Naxli ku dhex beeraya
colaadna hurinaya.
Waa
qarnigii 21aad : Jabhadihii Caalamka dhamaantood Hubkii ayay dhigeen waxaanay
ogaadeen in aanay Faaiido ka gaadhayn Jabahadaynta khasaare mooyaane ONLF oo
ugu danbaysay ayaa isku dhiibtay Ethiopia ogolaatayna in ay wax la qabsato
shacabka Ethiopia Halka Beelaha Laascanood iyo Buhoodle ay qarnigii 21 aad ay
jabhadaynayaan oo qoriga qaateen ,
Alle ha u
naxariiste Abwaan Abdillahi Suldaan Timacade Mar kale isagoo isbarbardhigaya
Horumarka aduunku u ku talaabsaday iyo halka ay wax kasoo bilaabeen bilaabeen,
Quwadooda, Hiigsigooda, Himiladooda, iyo Hamigoodaba iyo Sida ay somalidu uga
dib dhaceen bulshada Caalamkana waxa uu yidhi:
dawladahani
laga qayliyee qaaq wax kaga siiyay
nin
waliba marbuu qaadan jiray qanso iyo leebe
qorfo iyo
marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede
hayeeshee
quluub wada jirtaa qaniya sheekhoowe
qalalaase
meel lagu lumiyo qaylo iyo oohin
qorraxdii
dhacdaba teenu way kala qaxaysaaye
qod la
riday qudhaanjada gashaa qoob dad wow halise
hadduu
geed qalaalo roobku waa u qamac kaliileede
dirxiga
qudhunku uma soo uree waabu quudsadaye
qabaa'iil
iyo jeero la naco qaadkan lagu waashay!
qasti
jeeroy wada yeelatoo qawlka ku heshiiso
qabyo
weeye Somalidaay qiiradaadaniye
nin qalbi
la' quraan ka u akhriyay qaaf dhe ku haraadye
kutubtaa
sidii lagu qarridhay qiil la' aakhiro'e
qayrkii
ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye
Waa
qarnigii 21aad:Dawlada Somaliland oo kala dhex dhigtay Ciidan qaran Beesha
Buhodle iyo Qorlugud oo barkado isku dilay mudo ka hor ayay Beesha Buhodle u
fasiratay in in ciidanka qaranku ka hiilinayaan oo u hiilinayaan Beesha
Qorilugud waliba weerar Gaadmo ahna kusoo qaadeen Ciidanka Qaranka Somaliland
dhawr jeer. Munaafaqad darteedna waxay caalamka u sheegeen in ay Somaliland
Xasuuq u gaysanayso, Xaqiiqada marka laga hadlana Ciidanka qaranka iyo Dawlada
Somaliland ba iyaga ayay u hiiliyeen Sobobtoo ah Go’aankii ay soo saartay
Ergadii kala dhex gashay oo iskugu jirtay Siyaasiyin, Culimo iyo aqoonyahay
ayaa waxaa lagu ansixiyay in kalshaale la wada Dago waxaana ku gacansaydhay
Beesha Buhodle Ergada oo Go’aankeeda
la diidaana waa baadil cad iyo Xaqdaro Balse Beesha Buhodle way isku raaceen
Mawqifkaas iyo ku gacansaydhida Ergada.
Qoraalkaygan
oo aanan uga dan lahayn dhaleecayn iyo Aflagaado Balse ah Sixid, Tilmaan iyo
Toosin waxaan kusoo gabagabaynayaa Waxgaradka, Salaadinta, Aqoonyahanka,
Dhalinyarta Gobolada Buhodle iyo Laascanood Dadkiina Wax la qabsada, ka
shaqeeya Wanaaga iyo Samaha, ka fogaada Xumaanta iyo Xiqdiga, ku fikira
Horumarka iyo Nabada, ha u horseedina dadkiina Dagaal, Colaad ,Qax, Hiigsada
horumarka, Ku sifooba wax wada qabsiga iyo Iskaashiga, ka digtoonaada u kala
dabqaadida iyo isku dirka Maamulka Puntland iyo Dawlada Somaliland waxaan
qoraalkayga kusoo afmeerayaa Maansadan Waanada ah iyo tilmaanta saxdaa ah ee uu
tiriyay Alle Ha u naxariiste Ibrahim Gadhle Bal midhahan Cajiibka ah adna
fasiro kuna dhaqan ficilada ay tilmaamayso.
Maskaxdaadu
yay noqon,
Maqal
lagula leeyahay,
Yaan
toban muftaax iyo,
Lagu
furan masaabiir,
Waxaad
shalayto mudatiyo,
Mahadhada
xusuusnoow,
Halkii
qorigu kaa muday,
Mar
labaad lugtaadiyo,
Cagtu
yaanay kula marin,
Midigtaadu
yey noqon,
Mid
tolkeed u muruq weyn,
Murjinkaagu
yuu noqon,
Magli
dila walaalkii,
Magacaagu
yuu noqon,
Mid
xumaan ka marag-kaca,
Sida
macawisaa qaar,
Ninba
maalin yuu xidhan,
Hadba kii
muraadle ah,
Hawga
dhigin maqaar-saar,
Mar
waxaad dhandhamisiyo,
Mijin
qaada haw dhiman,
Hana
talin masiibiyo,
Wax
makhluuqa kala dila
Wixii
dhib ah ee qoraalkayga ku sugan Danbi dhaaf ayaan alle subxana watacalaa ka
baryayaa Wixii wanaag ah ee ku sugan qoraalkaygana waxaan alle ka baryayaa inuu
iigu badalo Naxariis iyo Danbi dhaaf.
Fuaad
Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa,
Somaliland
No comments:
Post a Comment