"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Wadaadada Diidan Xuska Dhalashadii Nabi Maxamed CSW Maxay uga Digi waayeen Xuska Dhimashada Baadariga?




  • Waxa jira wadaado si cad uga soo horjeedsaday Xuska Maalinkii uu dhashay Nabi Maxamed NNKH iyagoo ku tilmaamay xuska  Mawliidka in ay tahay bidco aan loo baahnayn taasi oo ay ka  
    baahiyaan warbaahinta kala duwan wacyi galin ku tacaluqda maalintan  wakhtiyada uu soo dhawaado Mawliidku, iyagoo ka digaya in la xuso kuna tilmaamaya maalin aan loo baahnayn xuskeeda.
    Maalinkan oo ay culimada isku khilaafsan yihin ayay wadaado badan ka dayriyeen  taas lidigeeda waxaa jira dadweyne tiro badan oo  jacaylka ay Nabi Maxamed CSW u qabaan dartii u sameeya xus iyo dabaal dagyo farxadi ku dheehan tahay iyago Saliga Nabiga ku celcelinaya samaynayana Xaflado lagu xusayo Nabiga CSW.




Ujeedada Mawduuca kor kusoo xusan hadii aan usoo dhaadhaco Isniintii bishan waxay taariikhdu ahayd 14 February 2011 valentine day. 14 February sanad kasta waxaa lagu magacaabaa Maalinta Jacaylka aduunka waxaana maalmo ka hor laga dareemayay dhamaan Bulshada iyo dhalinyarta Somaliland iyagoo u hanqal taagayay maalintan xuskeeda, Sidoo kale Arbacadii 15 February 2011 ayay kusoo begantay Mawliidkii Nabi Maxamed CSW Lamase dareemin ee qof walba waxa uu ku war helay uun Maanta waa mawliidkii.

Hadaba Halka sartu ka qudhuntay ayaan cidiba ogaan waxaa hubaal ah in  dhalinyarta Somaliland badankoodu ay jaahil ka yihiin  Maalinkan iyo Xuskeeda Ujeedada ka danbaysay ama aasaaska ay salka ku hayso waxaana caado noqotay imika in laga xuso dhamaan gobolada Somaliland iyadoo lamaanayaal is jecel ay ku kulmaan Hotel iyagoo is waydaarsanaya Ubaxyo ama waxyaabo kale oo hadiyado ah Sidoo kale waxaa jira dad maalinkan is guursada iyagoo ku suntaya in arooskoodu dhacay maalinkii jacaylka aduunka waxaase hubaal ah in  bulshada caalamku isku raacsan tahay in ay ahayd maalintan Dhimashada BAADARI kiristan ah oo reer Roma ah.


Maskaxdaadu waxay is waydiinaysaa Maalinkan Jacaylka Aduunku Sideebay xidhiidh ula yeelan kartaa Baadari Dhimashadii taasi anaa kaa jaahil tiraya ee dhugo, "ROMA waxay galin jireen dagaalo, sidaas darteedna looma ogolayn raga ciidanka u jiraa inay guursadaan si aanay uga mashquulin hawlaha ciidanka.  Hadaba VALENTINE oo ahaa wasiir xaga kaniisada ah ROMA u qaabilsanaa iyo SAINT nin la odhan jiray ayaa taageero u fidiyay raga kiristanka ah ee  loo diiday inay guursadaan, dhawr qofna si qarsoodi ayay iskugu guuriyeen, arintaas sobobteeda ayaana loo xidhay VALENTINE waxaana lagu sameeyay jidh dil uu u dhintay 14-February, oo ku beegan 270kii,Maalintaasi waxay markii danbe ROMA ka noqotay mid la xuso sanad walba marka ay ku beegan tahay, Madhabta (Protestant Christian Church) iyana waxay maalintan u aqoonsatay MAALINTA JACAYLKA ADUUNKA ama VALENTINE'S DAY"

Cawaaqib xumada maalinkan iyo sida ay ugu faafayso Dhalinyarta iyagoo arkaya wadaadada diidan ama kasoo horjeeda Mawliidku shacbiga kama wacyi galiyaan kamana digaan fusuqa, dhibka iyo danbiga ay maalintan xanbaarsan tahay, waxayse sifiican u yaqaanaan Ishana ku beegaan oo aad uga digaan Xuska dhalashada Nabi Mohamed CSW.

Oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala qaadaaye Qof muslin ah oo jibo iyo jacaylka Nabi Muxamed CSW dartii u xusaya oo u damaashaadaya iyo qof u muslin ah oo u damaashaadayaa Baadari dhimashadii labadaa keebaa wacyi, wax u sheegid iyo tilmaan u baahan? Culimada Somaliland way ka war hayaan Maalinta jacaylka aduunku sida ay ugu fidayso bulshada gaar ahaan dhalinyarada oo jaahil ka ah ujeedada maalinkan Miyayse ilaaween Wadaadadu in ay dadka uga digaan kana wacyi galiyaan Maalinta jacaylka Aduunka oo ah maalin uu dhintay Wadaad kiristan inta ay Ka digayaan Xuska Dhalashadii Nabi Maxamed csw ?Su’aalahan iyo qaar la mid ahi waa kuwo u yaal culimada iyo wadaadada intooda kasoo horjeeda Mawliidka iyo Xuska Dhalashada Nabi Maxamed CSW.

Saxaafada iyo Warbaahinta sida Jaraaiidada iyo Website-yadu oo ah indhaha bulshadu iyana waxay buunbuuniyaan Maalinta jacaylka aduunka Waxaan u dhabo galay Website-yada iyo Jaraaidada Somaliland waxaanan ku arkay Dhiirigalin la xidhiidha Maalinta Jacaylka Aduunka oo ay diyaariyeen wariyayaal caan ahi kumaanse arag badankooda dhiirigalin la xidhiidha Diinta Islaamka ama Xasuusinta Saliga Nabi Maxamed CSW.

Guntii iyo Gabagadii waa in laga digtoonaado Xuska Maalinta ay gaaladu ugu yeedho Maalinta Jacaylka, akhriste Miyaad jeceshay Hal maalin oo jacayl ah maxaase kuu diiday inaad sanadka oo dhan jacayl ku qaadato?

Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland


No comments:

Post a Comment