2010
Doorashadii ka dhacday Dalka Somaliland oo uu tiro badan ku guulaystay Mudane
Axmed Siilaanyo iyo Xisibigiisa mudadii ka danbaysay waxaa soo baxaya Cadaw
badan oo loolan adag kula jira
Xukuumada Siilaanyo iyo Dawladnimada Somaliland Maalinba maalinta ka danbaysayana maleegaya dabino.Waxaa soo baxay dad badan oo dawlda Somaliland taageero badan u hayay in ay hada kaso horjeedsadeen oo ay cadawga ku noqdaan Dawladnimada Somaliland iyagoo aan haysan Qiil ama qalad ay ku andacoonayaan oo xukumadu kaga duwan tahay kuwii hore.
Xukuumada Siilaanyo iyo Dawladnimada Somaliland Maalinba maalinta ka danbaysayana maleegaya dabino.Waxaa soo baxay dad badan oo dawlda Somaliland taageero badan u hayay in ay hada kaso horjeedsadeen oo ay cadawga ku noqdaan Dawladnimada Somaliland iyagoo aan haysan Qiil ama qalad ay ku andacoonayaan oo xukumadu kaga duwan tahay kuwii hore.
Waxaa soo
badanaya Shaqsiyaad badan oo ka xun Madaxweynenimada Axmed Maxamud Siilaanyo
qiilna ka dhiganaya SNM ayuu ahaa, Suaashuse waxay tahay SNM miyaanay ahayn
nimankii wadankaba dhisay ee cadawga Duurka u galay Gayigana ka dhaliyay Nadada
Alle ka sokow?
Dabinkii
ugu horeeyay oo ay xukuumada siilaanyo la kawsatay waxa uu ahaa markii ay
xukumadii ka horaysay ka tagtay Qasnadaha dawlada oo madhan iyo Shaqaalaha
dawlada oo aan mudo waxba qaadan, dayn badana lagu leeyahay.
Golihii
wasiirada ee xukumadii Riyaale iyo Xubno kale oo dawladaas la shaqayn jiray
waxaa iska cad in ay yihiin manta Cadawga Somaliland Taasi oo aynu odhan karno
waa Calooshood u shaqaystayaal inagoon cidna si gaar ah u magacaabin balse way
jiraan waxaana lagu dareemi karaa Hab dhaqanka ay lasoo baxeen iyo Hadalada ay
warbaahinada ka yidhaahdaan.
Dhab
ahaan marka loo hadlo Xukuumadan way ka furfuran tahay xukuumadihii hore Hadii
daahir lagu nacay Aniga ayaa taliYA! Aniga ayaa Madaxweyne ah! Cidna la tashan
mayo! . siilaanyo manta waxa uu shacabkii ka haqabtiray in ay la wadaagaan
Taloyinka wadanka Talaabo walba oo la qaadayana Waxa uu u magacaabay Gudi kazoo
talo bixisa haday Noqoto Gudidii Kasoo talo bixinta Qaab dhismeedka Xukuumada,
Gudidii Talobixinta Xisbiyada, Gudidii Ceel bardaale, Gudidii Diyaaradii Hubka
Siday, iyo Gudiyo badan oo kale Halkaa waxaa inoga muuqata in uu Madaxweyne
Siilaanyo yahay Madaxweyne ka badbaaday dhaqanka Digtaytarnimada Hadana iyadoo
ay sidaas tahay oo siilaanyo yahay Madaxweyne Nasteex ah oo dalkiisa iyo
dadkiisa qadarin u haya waxaa muuqata in talaabo kasta oo uu qaado lagu
colaysanayo laguna dhaliilayo.
Go’aankii
shaqaqadii kalshaale oo ahaa mid dhex dhexaad ah oo uu madaxweynuhu ka
digtoonaaday inuu dhinac u xagliyo hadana Dadka qaar kuma qancin ee si kale
ayaa loo turjumay waanan ogayn halka ay gaadhay Xataa heer ay gaadhay in
labadii beelood ee arinku dhex maray gaar ahaan Beesha qorilugud oo xaqooda
dhacsan jiray in la cadaadiyay oo laga hiiliyay.
Jabhada
Nabad diidka ah SSC oo ku dhisan mabda’ aan sal iyo raad toona lahayn ayaa
maalin iyo habeen waxay u taagan yihiin sidii ay Somaliland uga dhigi lahaayeen
mandaqad holcaysa iyagoo ku doodaya somaliweyn ayaan doonaynaa taageerana ka
helaya Dhinacyo badan oo Somaliland kazoo horjeeda sida ONLF, PUNTLAND iyo
Xukuumada Sheekh Shariif.
Beelaha
Sool waxay ay si cad uga soo horjeedaan Qaranka Somaliland waxaanay olole ugu
jiraan sidii Somaliland u burburi lahay sidoo kale Reer awdal oo Dawladnimada
Somaliland udub dhexaad u ahaa dhisitaankeeda waxa iyana lagu beeray cudur la
yidhaa qabyaalada iyo Wasiro ma lihid Balse Maalintii ay SNM wadanka qabsatay
ee ay Gogosha u dhigayeen way ku qanacsanayeen Saamigooda waxna lagama badalin
ee waa sidii uun Saamigii loo qoondeeyay Balse xaalku wuxu u eeg yahay Ma
doonayno in uu na xukumo siilaanyo ama cid ka tirsan Qabiilka uu kasoo jeedo
(ISAAQ).
Waxaa
jira iskaashatoyin badan oo cid walba leh doonayana in ay qaybinayaan Dalka
Somaliland una kala jaraan Gobolo iyagoo iska indho tiraya Xuduudaha Caalamiga
ah ee Somaliland kuna soo gabanaya Qabaailo.
Waxaa
jiro Shirar badan oo la doonayo madaxbanaanida Somaliland in lagu mijo xaabiyo
lagana dhigayo in ay Somaliland ka tirsan tahay Somalia Shirarkaasi oo
siyaasadaysan waxa Somaliland la gudboon inaanay ka qayb galin.
Waxaa
jira dad olole ugu jira sidii ay Somaliland uga dhigi lahayeen Dawlad Qabiil
leeyahay waxaan la soconaa in ay mudahaado laga soo horjeedo Somaliland ka
dhaceen meelo badan oo caalamka ka mid ah.
Hadaba
waxaa is waydiin leh Xukuumada siilaanyo dabinadaas iyo qaar kale oo badan oo
loo ma leegayo maka gudbi doontaa ? Ma leedahay Awood ay iskaga difaacdo
iskaashatooyinka Cadawga ah? Mise waxay noqon doontaa mid cadawgu ka guulaysto
?
Runtii
loolan adag ayaa lagu jiraa Somaliland sidaas darted waxaa muhiim ah in shacab
iyo xukuumadba gacmaha la isqabsado Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan Somaliland
allaw dhawr. Dawladnimada Somaliland waxay dan u tahay dhamaan shacabka daga
lixda gobo lee Somaliland hadii aanay Somaliland maanta jiri lahayn waxaa iska
cad in aanay jireen horumarka gobolada Somaliland maanta ka muuqda sidaa darted
Somaliland umad oo dhan ayay dan u tahay ee hala wada ilaashado hadii kale
ogada in aydin ku danbayn doontaa tabta muqdisho ka taagan subax walba.
Fuaad
Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa,
Somaliland
No comments:
Post a Comment