Cajiib, aduunyada maxaa wax walba lagu arki Reer
xamarka ayaa ku maahmaaha Cimrigaaga oo dheeraada Geel dhalayona waa ku tusaa,
Balaayo looma yeedho dhib aan kugu dhicina alle lagama baryo ilayn ilaahay waa
wax walba oge wax walba
sameeyee ahe!
sameeyee ahe!
Akhriste Xasuuq (Genocide) waxa la yidhaa Ciidan
dawladeed ama Ciidan kale oo milatari oo dhisan oo dad maati ah u gaysta
Tacadiyo ama dilal kula kaca Balse laba ciidan oo is waajahay libtuna mid
raacday lama
odhan karo Xasuuq, mida kale akhriste dhawr qof oo la dilay Hadii ay tahay
xasuuq, Miyaynaan xasuuq ugu yeedhi Karin Sideedii qof ee ay jabhada Nabad
diidka ah ku dileen Baraagihii kalshaale iyo Afar qof oo sabtidii ay jabhada
ONLF ku dileen Deegaanka Abokor Axmed? ….Jawaabtu Miyaanay HAA ahayn markaas.
Balse akhriste Xasuuqa dhabta ahi waa kii ka
dhacay Gobolo ka mid ah Somaliland 1988 oo ay ku nafwaayeen Boqololaal kun oo
iskugu jira Maati iyo Birimagaydo aan dagaal gayin sidoo kale waxaynu xasuuq
ugu yeeedhi karnaaa Xasuuqii Ruwaanda ka dhacay oo isna boqolaal kun oo shacab
aan waxba galabsan dhiigoodii lagu xalaashaday. Akhriste Macnaha Xasuuq waad
ila fahantay, Hadaba aynu ka jawaabno su’aalahan Kalshaale ma xasuuq ayaa ka
dhacay ? Kalshaale ma deegan ay dad ku nool yihiin baa mise waa Banaan cidlo ah
? Yaa la xasuuqay? Yaa wax xasuuqay?
Kalshaale xasuuq iyo wax u dhaw toona kama
dhicin Xasuuqa ma dhirta ayaa la xasuuqay ilayn cidiba meesha ma daganee,
Ciidanka qaranka Somaliland waxaa loo igmaday difaaca dalka iyo shacabka sidas
ay tahay shacabka buhodle waxay ka mid yihiin Shacabka ay difaacayso dawlada
Somaliland sidoo kale jabhada Nabad diidka ahna waa fidmo walayaasha ay dawladu
u samaysan tahay in ay ka difaacdo shacabkeeda.
Horta waa mid ilaahay laga magan galo in waxgaradka
iyo aqoonyahanka Buhodle iyo Laascaanood ay ku hantaatacaan waa nala xasuuqay
Caqligoda ayaana sidaas siiyay taasna waxaa ugu wacan qabyaalada Cadaafidaysan,
Umadina Hadii ay Qabyaalad ku dhaqanto waxaa ka caqli wanaagsan Caruurta yar
yar. Caqliga Beesha Buhodle iyo Lascanod waa kaa maanta siiyay in ay been u
sheegaan Gaalkasta oo ay arkaan kuna yidhaahdaan Somaliland ayaa shacabkayagii
xasuuqday iyagoo ka dhiganaya Faan iyo waxaad kaga Heshid Gaalada, Halka
Gobolada Somaliland Qaar ka mid ah iyagoo loo gaystay xasuuq dhab ah hadana
aanay ku barooran waa nala xasuuqay balse ay ka tashadeen Aayahooda iyo
Dawladnimadooda.
Beesha Buhodle iyo Laascanod Gaal kasta oo ay
arkaan waxay tusayaan Ku yar oo baras ku dhacday oo jidhku cad-cadaaday
waxaanay odhanayaan sidan ayay ciidanka Somaliland dadkayagii u xasuuqeen
iyagoo ka yar ee barastu ku dhacdayna ka dhiganaya Gabood ay Gaalada ku
baryaan, Hadaba waa su’aale tolaw ciidanka Somaliland ka yar Ma aysiidh ayay
ugu maydheen? Yaab.
Beelaha Buhodle iyo Lascanod oo ay hagayso
Jabhada Nabad diidka ah Gudaha iyo Dibadaba waxay ka abaabuleen Mudahraad
lagaga soo horjeedo Somaliland oo ay ugu magacdareen Somaliland waxay xasuuqday
Shacabkayagii waxanay mudaharadaasi ka fuliyeen Buhodle, Laascanod, London,
Washington. Beesha Buhodle iyo lascanod miyaanay ogayn in aduunyadan Casriga ah
ay noqotay Hal tuulo wax kasta oo dhacana laga war hayo oo meel walba ay joogto
saxaafad caalami ah iyo isgaadhsiinba? Hadaba Beeshii Caalamku waxay is
waydiinayaan Goortan Dadka la xasuuqay iyo Cidan Xasuuqdayba sobobtoo ah mabay
arag xasuuq ka dhacay Kalshaale waxayse og yihiin in kalshaale ay isku
waajaheen Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Jabhad Nabad diid ah sidaas darted
Cidi dhag uma dhigin siiba Dawlada Britain waxaabay ka fikiraysaa in ay Jabhada
Nabad diidka ah ku darto Liiska argagaxisada Caalamka.
Waxan daawaday Cajalad lagu baahiyay Internetka
oo laga soo duubay Mudaharaadkii ay jabhada Nabad diidka ah ka abaabushay
London waxay indhahaygu ku dhaceen boodh ka mid ah boodhadhkii ay siteen
mudaharaadayashu waxaa ku qornaa “Hogaamiyaha Alshabaab Ina Godane wuxu kasoo
jeeda Hargeisa” Runtii aad baan ula yaabay waxaan is waydiiyay Ma reernimo ayay
ka uriyeen mise waa ku xumayn Caasimada Somaliland ee Hargeisa?.
Mida kale waxan aad ula yaabay Islaan kasta ama
Oday kasta oo mudaharaad kaasi ka Hadlay waxaabu iska keenayaan Oohin, Ilmo iyo
Calaacal waxaanay leeyihiin iyagoo cabaadaya dadkayagii waa la xasuqay!
Dadkayagii Somaliland ayaa xasuqday! runtii taasi waxay cadayn u tahay sida
aanay isku caqli dhaamin beesha Buhodle iyo Lascanod qolada qurbaha waxaaba ka
daran qolooyinka wadanka gudihiisa sida qolooyinka kazoo jeeda Beelaha
Laascanod iyo Buhodle ee ku nool Hargiesa iyo Burco iyagoo xogogaal ah
xaqiiqadana og hadana sida qurbajoogooda u fikiraya.
Qolooyinka mudaharaadaya ee leh dadkayagii ayaa
la xasuqay Hadii aynu tooda u raacno waxaa dabayaal su’aalahan oo aynu uga
baahanay Jawaabo waafiya, kalshaale ma meel deegaan ah oo ay dad shicib ahi
dagan yihiinbaa? Kalshaale ma tuulo caruur iyo Islaamo ku nool yihiinbaaa ?
Kalshaale ma magaalo waynbaa ? Hadaba Akhriste Hadii ay kalshaale tahay Deegaan
ay dagan yihiin Shacab amaba ay tahay tuulo ama Magaalaba oo dadna lagu laayay
waxaynu odhan karnaa waxaa ka dhacay Xasuuq Balse akhristaw kalshaale ma ahayn
Meel deegaan ah oo caruur iyo Islaamo ku nool yihiin ee waa dhul banaan oo Hal
qof xataa aanu ka daganayn Beeshaasi sidaas ay tahay Kalshaale waxaa isku
waajahay Laba Ciidan oo kala ah Jabhada Nabadiidka ah iyo Ciidanka qaranka ee
Somaliland laba ciidan oo dagaal dhex marayna libtu dhankay doonto ha raacdee
lama odhan karo Xasuuq, Jabhad Nabad diidka ah oo weerarka gaadmada ah soo
qaadayna dee lama xasuuqin ee waa la karbaashay.
Arinta sheegashada iyo Ku faanida Xasuuqa,
Beesha Buhodle iyo Lascanod way ku kala qayb san yihiin waayo qolo waxay u
halgamaysaa sidii ay dawlada Somaliland ee nabada ku caano maashay ay u sharaf
dili lahayd, Qoloda labaad waa qaar la adeegsaanayo lana tusayo dhalanteed iyo
humaag been ah qoladani waxay u badan yihii Dumar iyo Caruur Masakiin ah oo aan
waxba ogayn oo la adeegsanayo saxaafad been abuur ahna loo samaystay lagana
dhadhiciyay waa la idin gumaysanayaa iyo waa la idin xasuuqayaa, waxa jirta
qolo sadexaad oo iyana qabyaaladu indhaha iyo dhagahba tirtay oo wax ka horeya
iyo wax ka danbeeya aan arkaynin sida aan hore u sheegnayna dadka qabyaalada ku
dhaqma waxaa ka caqli wanaagsan Caruurta sobobtoo ah qabyaaladu waxay ka mid
tahay Xanuunada waawayn ee Maskaxda Asiiba isla markaana dawadooda laga quustay
sida AIDS-ka oo kale .
Guntii iyo Gunaanadkii Reerkan leh waa nala
xasuuqay adkaysta waxba maydin arag cidina dhib idin ma gaadhsiin labaataneeyo
Nabad diid ah oo la karbaashay ayaa caalamkii oo dhan ka fadhiyi waayay ee
tolow Hadii Laascaanood oo dhan gudaafad laga dhigo dadka ku noolna Xabaal
wadareed lagu aasii lahaa maxaad samayn lahaydeen ? Mid kalena aan idinla
kaftamee Horta Sayid Maxamed Cabdale Xasan waa kii Reero dhan oo idinka mid ah
xasuuqee Hadana waad u raxlaysaan oo waxaabad sheegataan Daraawiishe ma isku
qabiil baan nahay ayaa xaalkiinu! Gabagabadii Xasuuq baa nagu dhacayna maaha
wax lagu faano ee Cabaadka yaraysta allena haka baryina in xasuuq idinku dhaco
adkaysi ayaa la idiinka baahan yahay walaalayaal, Nin qabyalad beertawna Wanaag
kuma soo baxo.
Fu’aad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland
No comments:
Post a Comment