السلام عليكم, Anigoo Mudo badan aan
waxba ka qorin Siyaasada Somaliland waxna ka odhan, waxaa qalinka igu kalifay,
markaan u adkaysan waayay dhaleecaynta lagu hayo Mujaahid Muuse Biixi iyo
Waliba Madaxweyne Siilaanyo oo labaduba Somaliland ku leh Taariikh Dahab ah, Balse wakhtiyadan danbe si qaawan loo aflagaadeeyo”Markasta oo uu Mujaahid Muuse Biixi ka Hadlo Siyaasada Somaliland, waxaa aynu aragnaa in Qolooyinka Mucaaridka ku ah Muuse Biixi
Waliba Madaxweyne Siilaanyo oo labaduba Somaliland ku leh Taariikh Dahab ah, Balse wakhtiyadan danbe si qaawan loo aflagaadeeyo”Markasta oo uu Mujaahid Muuse Biixi ka Hadlo Siyaasada Somaliland, waxaa aynu aragnaa in Qolooyinka Mucaaridka ku ah Muuse Biixi
Hadaladiisa ay badalaan Xumaan, Saxaafada
Somaliland-na lagu baahiyo Qoraalo dhaleecayn qaawan ah.
Horta waxaa iska Cad inuu Muuse Biixi yahay
Siyaasiga Reer Somaliland ee loogu Faalayn badan yahay, Mar walbana lagaga
Doodo Saxaafada Somaliland. Nin rag ah uunbaa la Faaleeyaa, Doqon cidi masoo
hadal qaado,Hadal haynta badan ee Muj. Muuse waa mid qiraysa Raganimadiisa,
Ninka rag ahna Cadaw badan ayaa mar walba uu leeyahay oo xaasid ku ah
Cirdigiisa iyo Noloshiisaba.
Mujaahidinta, Siyaasiga, aqoonyahanka in la afla
gadeeyo waa dhaqan ka caadi ah Somaliland dhexdeeda! Bulshada Reer Somaliland
badankeeda Waxaa Caado u ah in ay dhaleeceeyaan Mujaahidkooda, Aqoonyahankooda,
Siyaasigooda iyo Mid kasta oo wax tar lehba, Waxayse Amaanaan Marka uu dhinto!
Hadii aan dib ugu noqono
waxaa ina soo martay ilaahay ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim Cigal, in
Si walba loo caayi jiray wax walbana lagu yidhi, Maantase waxaa aynu aragnaa in
xataa kuwii caayi jiray ay Amaanaan, Taasi waa mid ka mid ah dhaqanka Reer
Somaliland, inagumana Cusba Dhaqankaasi.
Yar iyo Weynba Madaxweyne Siilaanyo waynu
xasuusanaa kaalintii uu kaga suntanaa Maalmihii qadhaadhaa, Halgankii SNM iyo
Yagleelkii Somaliland , xataa heer dumarku ay ku heesi jireen “ Siilaanyo
dhalay sida Dhibica Roob, soo dhigay Isaaq wuu dhacay Siyaad” Nasiib darose
inagoo iska indho tirayna taariikhdaas balaadhan ee Siilaanyo, Maanta Isagoo
Madaxweyne ah waxaynu ku dilnay Ciil halkii aynu uga hiilin lahayn, Ciil dartii
Heer xataa uu gaadhay inuu ka seexan waayay oo Labiyo tobankii habeenimo uu
warsaxaafadeed qabtay.
Maxaa loo dhaleecayn Waayay Siyaasiyiintii la
shaqayn jiray taliskii Siyaad Bare loona Bahdilaa Mujaahidinta Sida Muj.
Siilaanyo iyo Muj. Muuse Biixi?
Rag badan oo manta dalka sharaf ku leh ka tirsan
Xisbiyada Somaliland siiba kuwa Mucaaridka ah, waxay u badan yihiin ragii la
shaqayn jiray Taliskii Siyaad Bare iyagoo waliba ahaa qaarkood Basaasin, Raga
noocaas ahaa ee iyadoo dadkoodii la laynayo afka loo buuxiyay ee xamar ku
raaxaysanayay iyo ninka isagoo siyaasi ahaa, waliba Mansab sare ku lahaa Xukumadii
Somalia Maalin cadna ka dhaqaaqay horta in la simaa ma Xaqbaa?
Waxaan leeyahay Bulshada Reer Somaliland kala
barta ka idin wanaagsan iyo ka idiin xun taariikhdana Barta, Hana noqonina
Dameeri dhaan raacday. Waxaa nasiib daro ah in Mar walba la sharaf dilo,
Siyaasiga ama aqoonyahanka waxtarkiisu muuqdo, Halka kuwii la shaqayn jiray
Taliskii Siyaad bare ee manta dalkeena sharafta ku leh ee waliba xilalka kasoo
qabtay Somaliland, waliba sidii kubada inagu ciyaaraya mar walba loo taageero,
loona niikiyo.
Qolooyinka qoraalada qaawan ku dhaleeceeya Muj.
Muuse Biixi iyo Mad. Siilaanyo waxaan leeyahay intaa Mujaahidiintii difaaca
dalkooda iyo Dadkooda kaymaha u galay, ee ka dagaalamy, in la idin gumeeyo aad
ku mashqulaysaan, waxaa idiin wanaagsan inaad ku mashquultaan Ragii Faqashta la
shaqayn jiray oo aad wada garanaysaan dhamaantood!
Ujeedada ka danbaysa in mar walba la dhaleeceeyo
lana majara Habaabiyo Taariikhda Dahabka ah ee Muj. Muuse Biixi.
Muuse Biixi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye
Hadii ilaahay yidhaana ku talo jira inuu isku soo sharaxo Madaxweynenimada
Dalka Somaliland, Ujeedada ugu wayn ee ka danbaysa in la la Bahdilaa waa mid ku
xumayn ah, loogana dan leeyahay in lagu baabiiyo Siyaasada Muuse ee
Mustaqbalka, Balse Nin Muslin ah in aad sharaf dishaa kana been abuurtaa waa
danbi wayn.
Waxaa sida dharaarta u cad in Mucaaridka mar
walba kasoo horjeeda Muuse Biixi ay yihin dad gaar ah oo la yaqaano, waxaanay
tusaale usoo qaataan ama yidhaahdaan Muuse waxa uu ka qayb galay Dagaalo
Sokeeye, Muuse waxa uu yidhi “Anoo wax dili kara Duco qaadan mayo” Muuse wuxu
sameeyay……………………Muuse wuxu …………………. Muuse Wuxu…………………………. Muuse wuxuu…………………..!
Been maaha, Muuse Biixi dagaal sokeeye waa uu ka qayb galay wuxuuse difaacayay
Qaranimada Somaliland, Dagaaladii sokeeye cid aan ka qayb galina way yar tahay,
Markaa in Muuse Biixi la tilmaansado ujeedada ka danbaysaa waa mid ka durugsan
Dagaal Sokeeye.
Mar kale qolooyinka Mucaaridka ku ah Muuse
Biixi, waxaan leeyahay Taariikhdu ma Duugawdo, Muuse Biixi waa nin Mujaahid ah
oo Dalkiisa iyo Dadkiisaba Jecel una soo dagaalamay oo kaymaha u galay, Muuse
Biixi waa nin miisaan culus ku leh Siyaasada Somaliland, Muuse waa aqoonyahan
kartidiisa iyo waayo aragnimadiisuba ay u saamaxayaan inuu Madaxweyne ka noqdo
Somaliland, Sharaf dilka Muuse maaha mid aad ku liibaanaysaan, waxaanu meel
wanaagsan kaga qoran yahay Taariikhda Somaliland.
“Guntii iyo Gabagabadii Reer Somaliland, inta uu
hayo Xanuunka Qabyaaladu Horumar, Ictiraaf labaduba ka dheer, Talaabo laga
qaadana hadalkeedba daa’, waayo hadii talaabo la qaado, sida aynu u naqaan,
Reer ayay dan u tahay Reerka kale ee aanay danta u ahayna ogolaan mayo
talaabadaasi. Hadii siyaasi la taageero Qabiil ayaa lagu taageeraa balse
kartidiisa iyo aqoontisa laguma taageero waata heerkaas maraysa Qabyaalada Reer
Somaliland”
Wixii Gef ah ee qoraalkayga ku jira ilaahay
ayaan danbi dhaaf ka waydiisanayaa.
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
No comments:
Post a Comment