"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Beelaha Darifyadu ma Garxajis ayay ka wanaagsan yihiin?

1960 markii Somaliland si bilaa shuruud oo jibo ku dheehan tahay  ula midawday koonfur Somalia ayaa waxa uu midawgaasi midho dhalay cadaalad daro laga dagaalamay waxaanay mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa ee SNM ku guulaysteen dibna usoo dhiciyeen
Madaxbanaanidii Somaliland kadibna dhamaan Beelaha Somaliland dagaa ay shir iskugu yimaadeen Burco halkaas oo lagaga dhawaaqay Dib ulasoo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland iyadoo la raacayo Xuduudihii 1960 ka hor ama wakhtigii Istacmarka oo ay Somaliland lahayd Xuduudo Muqadas ah.Hadaba markii dawladnimada Somaliland  dib loo dhisay ayaa shir Axdi Qarameed ah oo ay iskugu yimaadeen Beelaha Somaliland oo dhan lagu doortay Marxuum Cigaal iyo Cabdiraxman Tolwaa Halkaas oo la isku dhaarsaday Magaalada Borama kuna  kulmeen 150 Ergay oo ka kala socday Dhamaan Beelaha Somaliland daga waxaana Halkaasi la isku dhaarsadsaday laguna heshiiyay in ay dawladnimada Somaliland iyo Xuduudaheeduba tahay Muqadas Beel walbana iyadoo ku faraxsan ayay ogolaatay Go’aamadii Axdi qarameedka.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Daba yaaqadii 1993 waxaa dagaal uu ka bilaabmay deegaanada Gobolada Togdheer iyo Marodijex gaar ahaan Hargeisa iyo Burao dagaalkaasi waxa uu ku bilaabmay markii rag siyaasiyiin ah ay  si cad uga horyimaadeen qaranimada Somaliland, iyagoo garabsanaya beelihi ay ka dhasheen, Go'anka mucaaradnimo ee siyaasiyiintaasi waxa uu ahaa unuga dagaaladii sokeeye oo dhex maray Beesha Garxajis iyo Dawladii Wakhtigaas oo ay u dhamaayeen Dhamaan Beelaha Somaliland daga Haday yihiin  Isaaq iyo Hadii ay yihiin Samaroon, Ciise iyo Harti waa loo dhamaa dagaalkaasi lagu qaaday Garxajis.

Waxaa dagaalkaasi sokeeye ku naf waayay dad badan iyo Maal badan oo ku burburay labada dhinacba Hadaba iyadoo ay sidaas tahay  Isaaq-na isku dilay kuna coloobay Dawladnimada Somaliland miyay tahay manta in la naasnuujiyo Beelaha Kasoo jeeda Awdal iyo Sool oo Axdi qarameedkii ka talaabsaday Iyagoo meelaha qaar kaga dhawaaqay Maamul Gaar ah oo Somaliland ka madax banaan ?

 Ragna Qawl baa xidha dumarna Meher ayay somalidu tihdaa, Beelaha Sool iyo Awdal miyaanay ku jirin Dagaalkii Sokeeye ee Ka dhacay Qaar ka mid ah Gobolada Somaliland iyagoo kasoo horjeeda Go’aankii Beesha Garxajis ?Miyaanay ahayn ka mid ahayn beelihii saxeexay lasoo noqoshada madaxbanaanida Somaliland?
Mida kale waxaa is waydiin leh Goormay Qaldan yihiin Beelaha Awdal iyo Sool sobobtoo ah Markii ay SNM wadanka qabsatay way taageersanayeen mujaahidiinta SNM, SNM lafteeduna go'aano taariikhi ah ayay qaadatay oo wax ka dhawrsatay inay ku duusho beelah SOOL iyo AWDAL oo taageersanaa rajiimkii Siyaad Bare iyagoo awood u laha in ay Dagaal ku quwad leh ku qaadaan ayay ka door bideen walaaltinimo iyo nabad ku wada noolaansho.

Wakhtiyadii dagaalku qadhaa Ibrahim Maygag Samatar AHUN oo u qudbaynaya Maxaabiis ay qabteen oo ka mid ahaa Ciidankii Faqashtii ee Xeebta Galbeed (lughaya) waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “walaalayaal wax dhib ah idiin gaysan mayno Hadii aanu qadno waad nala qadaysaan oo nala gaajoon Hadii aan wax cuno waad nala cunaysaan Balse ha horjeegsanina Xabada ku socota Afweyne Barre iyo Xukumadiisa”

Hadaba Hadiiba ay beelahaasi ogolaadeen Somaliland dhisitaankeedii Maanta oo dawladnimo iyo dimuqraadiyad hana qaadayna siday u odhan karaan maamulo ayaan samaysanay oo Somaliland ma nihin ? Marka Su’aasha waxay tahay ma SNM qorigeeda ayaad iska weecinayseen markaad lahaydeen Somaliland Ha noolaato, Somaliland Waa muqadas,Somalia dooni mayno.

Mida kale Beesha Awdal miyaanay Ceeb u ahayn in ay ahaayeen Hormoodka Somaliland oo 1993 Borama lagu qabtay Shirki Axdi qarameedka sidoo kale miyaanay Beesha Awdal ku jirin Hogaanka Sare ee wadanka Somaliland mudadi labaatanka sano ee ay dhisnayd ? Beesha Sool waligeedba miyaanay ku jirin Hogaanka Sare ee Dawlada Somaliland sida wasiiro iyo Gudoomiyeyaasha Golayaasha Xeer Dejinta ? Mida kale Somaliland miyaanay ahayn mid ay isku dhaarsadeen 150 Ergay oo ka kala socday Beelaha Somaliland daga oo dhan? labaatan Sano dabadeeda Saamigii aad ka heshay Axdi Qarameedkii miyay tahay inaad saluugto ilayn Nidaamka Dawladnimada iyo Saamiga Beelaha waxaa la dhisay Labaatan sano ka hor adigoo waliba raali ka ah kuna qanacsan wixii aad ka heshay? Hadiise aad saluugtay miyay tahy in aad dawladnimada Somaliland kasoo horjeedsato mise waa inaad wixii tabasho ah u gudbiso xukuumada ama cida kale ee ay khusayso.

Dawlada Somaliland waxaan leeyahay Dawladnimada Somaliland waa muqadas xuduudaheedu waa muqadas Umada axdi ayaa xidha,Kitaab ayaa la isku dhaarsaday, Dadkuna Hadalka ayuu isku afgartaa Waxaa marag ma doon ah in Somaliland lagu heshiiyay dhismaheeda 150 oday oo oo dhartay kana soo kala jeeda Dhamaan Beelaha Somaliland daga oo Axdi dhigtay sidaas darteed xukuumada Somaliland waa inay talaabo cad ka qaado cidii kasoo horjeedsata Dawladnimada kana talaabsata Qodobadii Axdi Qarameedka Hadi kale waxaa furmi doonto in ay Beela waliba u dhaqanto sida ay doonto sidoo kale Hadiiba ay sidaas dhacdana Dagaalkii Qadhaadhaa ee Garxajis lagu qaadayna miyaynaan odhan Karin waxa uu ahaa Baadil iyo Xaqdaro kol hadii aan dawlada Somaliland beelaha kale ee Awdal iyo Soolba aanay kula xisaabtamin ?

Dad baa ku marmarsiyooda wixii Isxaaq ka dagaalameen ayay beelaha Sool iyo Awdal diidayaan waxaaa marag ma doon ah inanay labadaa xaaladood isku mid ahayn Isaaq waxay ka dagaalameen Cadaalad daro cad loomana ogolaanayn wada hadal iyo in ay gudbistaan Cabashadooda wuxuuse amarku ahaa uun in la xasuuqo macal maatidooda waxaanan taariikhda ku haynaa in diyaaradii Garoonka Hargeisa ka kacday ay isla Hargeisa duqaysay, laakiin Xukuumada Somaliland waa mid ogol cid kasta oo wax tabanaysa soona dhawaynaysa jecelna nabada iyo wada noolaanshaha, inta jeer ee Siilaanyo uu Gogol nabadeed fidiyayna waan ka war haynaa waxaa kale oo aynu ognahay sida uu Siilaanyo u duudsiyay beesha uu kasoo jeedo (Habarjeclo ) oo uu ka hiiliyay dagaalkii ka dhacay kalshaale isagoo iska fogaynaya in la yidhaa Siilaanyo ayaa beeshiisa u hiiliyay isagoo Beeshiisa oo xaqooda dhacsan jirtay karaamadoodii dhulka la dhacay una suldaaray Beesha sool.

Beelaha Awdal iyo Sool waxaan leeyahay Axdiga ilaaliya iskana qabta dadka fidmada wada ee idinku dhex jira sobobtoo ah hadii qabiil iyo is xigsiisan wax tarayo  Isaaqa kaleba lama dagalaameen Garxajis oo ay isir yihiin Sidaa Darteed waa muqadas in aad dhawrtaan Dawladnimada Somaliland iyo Axdi qarameedkiiba, Hadiise aad wax tirsanaysaan, tabashooyina jiraan mar walba miiska wada hadalka ayaa idiin furan Cabashadiinaa soo gudbista, waxaad ka cabanaysaan iyo waxaad u baahan tihiinba u sheega Madaxda dalka.


Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com




No comments:

Post a Comment