Mudane, Maayar Cawl Cilmi Cabdale waxa uu ahaa Wadani, Mufakir,
Aqoon yahan Daacad ah oo ay run ka tahay horumarinta dalku gaar ahaan caasimada
hargeisa,wuxu caasimada ku bixiyay dadaal badan oo Maskax,Muruq iyo Maalba leh,
waxaanu Astaamo Horumar oo lagu xasuusto uga tagay Caasimada Sida:- Nalalkii
ama Ishaarooyinkii kala
Hagi jiray Baabuurta ee lagu ladhay magaciisa “ISHA CAWL” oo ciidankii wadooyinka u hawl fududeeyay, Nidaam caasimadeed ayuu yagleelay, Wadada Halbawlaha Hargeisa ee suuqa weyn dhexdiisa Marta waxa uu si taxan ugu xidhay Laambado laydh tiro badan kana qayb qaadanayay iftiinka suuqa iyo bilicda habeenkii ee caasimada . Wadooyinka waxaa nadiifin jiray Shaqaale u carbisan, Wadada halbawlaha caasimada labada Haad Dhexdeeda waxa uu ku beeray Ubax shaqaale Daryeelo, waxaa kale oo uu gooladaha wadooyinka ka dhex sameeyay Biyo kor u boodaya isna rogrogaya, Cawl waxa uu hirgaliyay Gacanta Khariirada Somaliland ee ku taal Xaafadda Kaalinta 8aad, waxaa marag ma doon in cawl laga dhaxlay Caasimad bilic wanaagsan.
Hagi jiray Baabuurta ee lagu ladhay magaciisa “ISHA CAWL” oo ciidankii wadooyinka u hawl fududeeyay, Nidaam caasimadeed ayuu yagleelay, Wadada Halbawlaha Hargeisa ee suuqa weyn dhexdiisa Marta waxa uu si taxan ugu xidhay Laambado laydh tiro badan kana qayb qaadanayay iftiinka suuqa iyo bilicda habeenkii ee caasimada . Wadooyinka waxaa nadiifin jiray Shaqaale u carbisan, Wadada halbawlaha caasimada labada Haad Dhexdeeda waxa uu ku beeray Ubax shaqaale Daryeelo, waxaa kale oo uu gooladaha wadooyinka ka dhex sameeyay Biyo kor u boodaya isna rogrogaya, Cawl waxa uu hirgaliyay Gacanta Khariirada Somaliland ee ku taal Xaafadda Kaalinta 8aad, waxaa marag ma doon in cawl laga dhaxlay Caasimad bilic wanaagsan.
Maayar Cawl waxyaabaha kale ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah in
uu ahaa maayarkii dhisay ama hirgaliyay Suuqa wayn ee Gobanimo oo ka kooban 114
qol. Dadaaladii iyo talaabooyinkii waxku-oolka ahaa ee Maayarkii cawl lama soo
koobi karo, Caasimaduna maanta waxay kusii nooshahay waxqabadkiisii oo uu rifay
Maayar Jiciir.Maayar cawl waxa uu bartanka Hargeisa ka dhex taagay Taalada
Daljirka Dahsoon ee la dul dhigay diyaarad nooca dagaalka “MIG 17” oo
xasuuqii Somaliland kaalin wayn ka ciyaartay, intay madaarka hargeisa ka duusho
maatida duqayn jirtay. Taaladaasi waxaa hoosta kaga xardhan muuqaal dad iskugu
jira waayeel, hooyooyin iyo ubad si arxan daran loo xasuuqayo. Raqda
diyaaradaasi waxay astaan cad iyo tusaale u noqotay jiilka cusub, Qof kasta oo
agmaraana waxa uu xasuustaa halgankii iyo xasuuqyadii Somaliland ka dhacay, Waa
astaan cad iyo taariikh ma guuraan ah oo jiilka cusub iyo waayeelkuba ay ku
xasuustaan halgankii dalka loosoo galay iyo Mujaahidiintii dhiigooda inoo
huray.
Quruxda iyo nadaafada deegaanku waxay raali galisaa Shacabka,
Wufuuda iyo dalxiisayaasha, wakhtigii Maayar Cawl iyo Imika oo ay kasoo
wareegtay mudo badan waxay magalada hargeisa muuqaal wanaagsanayd wakhtigaasi,
waxaana ka muuqday koboc quruxeed iyo nadaafad, waxay u eekayd Caasimad,meel
walba waxa ka muuqday Astaamo Horumar oo caasimada ka qabsoomay,
Talaabooyinkaas horumarineed Ilaahay haka abaal mariyo Maayar Cawl,
abaalkiisana lama gudi karo ee reer hargeisa ha u ogaadaan uun.
Haatan Hargeisa waxay noqotay “TUULO CAASIMAD” ah,
waxaana masuuliyad daradaasi dusha ka saran tahay Golaha deegaanka gaar ahaan
Maayar Jiciir oo ah nin maamulkiisa iyo waxqabadkiisuba liito, Musuqna
Ragaadiyay waxaa kale oo lagu xantaa inuu yahay qabyaaladiiste, Golaha
deegaanka ka sokow dib u dhaca hargeisa waxaa ka masuul xukuumadii Riyaale iyo
xukuumada Siilaanyo oo aan xil iska saarin.
Haba yaraatee ma jiro qorshe ama waxqabad muuqda oo lagu
Xasuusan karo Maayar Jiciir, Sheekadiisuna Ma dhaafto Shir maayarada
aduunka ayaa nalagu martiqaaday, Sariibad ayaan dhisnay, Wadooyin baan dhisaynaa……………
Dhisaynaa…………samaynaynaa………….! Hargeisa Maanta way iska waynaatay uun
ee ma muuqaal wanaagsana. Shacabka hargeisa iyana miyay garan waayeen in ay
caasimada daryeelaan sida gobolada kale ee Somaliland shacabka dagan ay u
daryeelaan? Miyay garan waayeen in ay la tartamaan Caasimadaha caalamka ama
kuwa afrikaba?
Murugo iyo Walbahaad weynaa! Suuqyada caasimada waxaa daadsan
Qashin, wadooyinka waxaa lagu shubaa Biyo uskag ah iyo Xashiish, Meel walba oo
caasimada ah waxaa ka buuxa Qashin, Farasmagaalaha caasimadu wuxu noqday
Gudaafad lagu kaydiyo qashinka. Marka aad suuqyada hargeisa dhex marayso waxaad
dareemaysaa ur qadhmuun , waxaad dareemaysaa karaahi iyo deegaan ama Bey’ad aan
saxo wanaagsanayn aad ku dhex jirto.
“Biyahaan korkooda arko guntoodu waa Huube” Caasimadu waa
Muuqaalka Guud ee dalka laga akhrisan Karo. Bilicda Caasimada oo la hagaajiyaa
ama aan la hagaajin waxay ka turjumaysaa dalka oo dhan. Horumarinta iyo
nadaafada caasimadu kharash iyo hawl badan uma baahna waxay u baahan tahay kaliya
Mufakir, Maskax nadiif ah, Karti iyo Daacadnimo. Bilic xumada manta hargeisa ka
muuqataa waa Dayac, Mooganaan iyo masuuliyo daro ka timid Golaha deeganka oo
shaqadoodii gabay iyo xukuumada oo ka gaabisay in ay talaabo cad ka qaado.
GABOGABO: Anigoo ah muwadin reer Hargeisa ah kana damqanaya Bilic
xumada Caasimada, waxaan xukuumada si sharaf leh uga codsanayaa in ay xooga
saarto sidi ay caasimada u hagaajin lahayd ulana xisaabtami lahayd Maayarka iyo
Golaha deegaanka oo la dagay horumarkii Caasimada, Hadii kale “U daaya
cashuurta hooyooyinka Bacadka fadhiya iyo masaakiinta ubadkooda u xoogsanaya”.
“Inaad kuftaa Ceeb maaha balse waxaa ceeb ah inaad sii fadhido
Goobtii aad ku kuftay” Mudane Maayar inaad fashilantaa ceeb maaha, waxaase ceeb
ah inaad sii fadhido kursigii iyo xilkii aad ku fashilantay” Mudane Maayar
hadaad inuun danaynayso Bilicda iyo Horumarka Hargeisa sida ugu dhakhso badan
isku casil.
Reer hargeisa waxaa la idiinka baahan yahay Isku duubni, wax
wada qabsi, wada jir, Iska dhex doorta Gudi ka hawl gasha dhamaan Degmooyinka
iyo Xaafadaha hargeisa oo ka shaqeeya horumarka, Nadaafada iyo Bilicda
Caasimada , sida gobolada kale ee Somaliland Hadii kale fisha Hargeisa oo lagu
daray “Liiska caasimadaha ugu foolxun uguna nadaafad liita Caalamka”
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
No comments:
Post a Comment