Waan ka cudur daaranayaa inaan kusoo Celceliyo,
aan magacdhabo ama aan kusoo halqabsado beelo
Somaliyed,raali galin ayaanan ka bixinayaa. Anigoon jeclayn inaan warbaahinta
Kuso bandhigo arimo la xidhiidha Qabiil, hadana Maahmaaha carabi ah
waxay tidhaa "Hashu Haday durduriso, Aarankana maxaad u
malayn" Salaadiintii iyo aqoonyahankii ayaynu
shaashadaha ama wargeysyada maalin walba ka daalacanaa, iyagoo ku
xariirtamaya, Hadaanu nahay reer hebel; Anigoon marnaba jeclayn dhabahaa
ama sifahaa dadka noocaas ah, inaan
ka dhigto
garawshiyo ama qiil
mar Labaad raali galin ayaan bixinayaa. Qalinkayga iyo Maskaxdayda oo aan u adeegsan jiray Taariikhda, Suugaanta, Horumarka, Nabada , Dawladnimada Somaliland iyana xaal baan siinayaa.
mar Labaad raali galin ayaan bixinayaa. Qalinkayga iyo Maskaxdayda oo aan u adeegsan jiray Taariikhda, Suugaanta, Horumarka, Nabada , Dawladnimada Somaliland iyana xaal baan siinayaa.
1980
ilaa horaantii 1991 Beesha Isaaq waxay mucaarad xoogan kala hor yimaadeen
Xukuumadii Siyaad Bare iyago ka cabanayay Jid aan la mahadin oo ku
salaysnaa cadaalad daro, Qabyaalad,Faquuqid, jidh dil, Cabudhin, Cagajuglayn si
gaar ah loogu bartilmameedsaday, xataa heer ay gaadhay dadkii maatida ahaa ee
Muqdisho daganaa in inta guryaha laga soo uruuriyo loo xasuuqay Hayb ahaan iyo
waa Isaaq.
Xaruntii
Wasaarada Boosaha Dawladii Siyaad Bare waxaa lagu qabtay Shir loogu yeedhay
"Shirka Samadoonka Somaliyed" Abaabulka shirkaas waxaa loo
xilsaaray koox afmiishaaro ah oo laga soo uruuriyay madaxtooyada, waxaana si
qarsoodi loogu daray xubno NSS oo lagu kalsoonaa. Goobta shirka waxaa lagu
martiqaaday dad leh aqoonyahan, Salaadiin, iyo haldoor oo la sheegay inay
matalaan Dhamaan beelaha Somaliyed, balse qof isaaq ah laguma martiqaadin,
Ujeedada shirku waxa lagu sheegay sidii la iskugu soo dhawayn lahaa
beelaha somaliyed loona heshiisin lahaa, lakin ujeedada dhabta ah ee dadban
waxay ahayd in Isaaq la faquuqo.
Xaashi
Weheliye Maalin IHN oo ka mid ahaa Odayaashii matalayay Beesha
Hawiye (Murursade) wuxu fahmay Ujeedada dadban ee shirka markuu
madasha ka waayay Haldoorkii iyo Odayaashii
Isaaq, kadib wuxu yidhi "Shir
ay beelaha Isaaq ka maqan yihiin Shir Somaliyed maahee, wuxu la mid
yahay salaad bilaa faatixo la tukaday ama geedo la tiriyay oo Yaaq
laga reebay". Hadalkaas dood baa ka
dhalatay, tiraabtaas xaqa ahayd ee Xaashi Weheliye waxay
dhabarjab ku riday Ujeedooyinkii iyo shirqooladii shirka looga dan lahaa oo
salka ku hayay Isaaq lagu go'doomiyo ama lagu faquuqo.
Sheekaba
sheekay keentaaye, aan dhacdo kale kuugu lamaaneeyo midaa horee , Adna haka
dagdagin gundhaca iyo biyo dhaca maqaalkayga ama Ujeedada guud ee ka danbaysa.
Wakhtigii
siyaad bare waxaa jiray in afti been abuur ah lagu dooran jiray 171 xildihbaan
oo ah musharaxiinta xisbiga Hantiwadaaga Somaliyed, warbaahintana laga yeedhin
jiray. 171 xildhibaan marka afti been abuur ah lagu
ansixiyo, waxaa xaga danbe lagaga dari jiray lix xildhibaan oo qaybaha
bulshada somaliyed oo dhan lagasoo xuli jiray kuwaasoo Siyaad Bare ku tilmaami
jiray inay yihiin xubnaha jidhkiisa ugu muhiimsan sida Maskaxda,
Beerka, Midigta,Wadnaha, Dhuuxa iyo hawlbawlaha. Sanadkii1985 Lixdii
Xildhibaan ee liiska xaga danbe lagaga dari jiray waxaa kali ah oo
uu siyaad bare usoo xushay niman reer Koonfur ah oo aan
cid kale badhxin,Munaasibadii dhaarinta ayuu Xasan Sheekh Ibrahin (Raxanweyn)
wuxu kaftan ahaan ugu yidhi Siyad Bare "Jaale
Madaxweyne Saw ma haboonayn, in nin Isaaq ahi ka mid noqdo Lixda Xildhibaan
"
Taariikhdu
waayo badanaa, maxay kolba dhinac isku rogaysaaa, dhacdo hore loo
arkay ayaa soo noqonaysa, ugu badnaan natiijada dhacdadaasi waxay ku
xidhnaanaysaa hadba sida uu u maareeyo jiluhu oo uu ku kasban karo dhaleecayn
ama sharaf midkood. Labadaa dhacdo ee kor ku
xusan waxaan usoo dheegtay , Beelaha Sacad Muse iyo Ciise Muse waxay
dhawaan qabsadeen shir ay ku magaacaabeen Gudi ka kooban 17 xubnood oo ay ugu
yeedheen inay Matalaan Beelaha Habar Awal, Gudidaasi faqad waxay ka kala
socdeen uun laba beelood aan kor ku xusnay oo aan cid kale lagu madhxin, sideed
ka mid ah waxay ka socdeen Beesha Ciise Muuse halka sagaalka kalena ka socdeen
Sacad Muuse.
Waa
talaabo horumar horena loo qaaday in Sacad Muse iyo Ciise
Muse aayahooda ka tashadaan oo wax wada qabsadaaan, In ay Gudi
doortaana waa arin loo baahnaa, sidoo kale inay shir qabsadaan oo ay wadaagaan
afkaar iyo talobixin habkii loo hor marin lahaa labada beelood ma xuma, Laakiin
waxaa qalad ah inay sheegtaan matalaada Beelaha Habar
Awal, waxaana u haboonayd in shirka iyo Gudida ay doorteenba ku
koobaan Matalaada Labada Beelood ee Sacad Muse iyo Ciise Muuse.
Waxase
kasii qurux badnayd oo ka sharaf badnayd Madashaa sheekh iyo shariifkuba ku
kulmeen ee ay iskugu yimaadeen Beelaha Sacad Muse iyo Ciise Muuse, kuna
sheeganayeen Matalaada Guud ahaan Habar Awal, in laga dhex helo
Geesi kali ah oo Garta intii hawiye gartay, deedafeeyana shirkaasi cod dheerna
ku qayliya " Shir Lix beelood oo Subeer Awal ah ka
maqan yihiin shir Habar Awal maaha" wacnaydaase
nin kali ah oo sidii Qareenkii raxanweyn yidhaa "Malaha
Ilmaadeerayaal waxaa wanagsanaan lahayd, inagoo Gudidan
beelaha kale ee Habar Awal badh kaga soo darna"
Dhici
waydayse oo nin kali ah ma odhan waar horta walaalaheen meeyay ? la ismana
waydiin Subeer Awal ma labuu dhalay mise Sideed? Habar
Awal ma laba beelood baa mise waa Sideed beelood oo mid walba gaar u taagan
yahay ? Garasho la'aani ma jirin, Ilawshiyana ma jirin, waxayse u badan tahay
uun badheedh iyo " Doqon Usha garabka u
gali haday garan waydo Goga u gali"
Sidaan
hore usoo sheegnay shirkaasi waxa lagu Doortay Gudi ka
kooban 17 Xubnood oo lagu sheegay inay matalaan Beelaha Habar Awal, waxaa kale
oo lagu ansixiyay Xeerar. Waxaase Shirka, Gudida la doortay iyo Xeerarka la
ansixiyayba daba yaal waydiimahan :-
1. Suldaanka Habar
Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, marka uu Idaacadaha iyo
wargeysyada ka sheeganayo Suldaanka Guud ee Habar Awal ma waxuu u jeedaa,
waxaan ahay Suldaan Sacad Muse iyo Ciise Muuse, sida laga dheehan karo
Hadaladiisa ama khudbadihiisa tusaale aan usoo qaadan karno
khudbadiisii ugu danbeysay Madashiii dhawaan ay ay beelaha sacad
Muse iyo Ciise Muse ku kulmeen Hotel Xaraf.
2. Gudidada lagu
doortay Madashaasi miyay matali karaan mase ku hadli karaan Codka
beelaha kale ee Habar Awal ee aan iyaga lagu martiqaadin Madashii
lagu doortay gudida lagu sheegay inay Matalaan Habar Awal.
3. Qodobada ama xeerarka
lagu ansixiyay shirkaasi ma yihiin qaar xakamayn kara beelaha kale ee Habar
Awal oo aan u codayn, waxba kala socon, afkaar iyo talona aan ku lahayn
qodobada iyo xeerarka shirkaas lagu ansixiyay.
Suldaanka
Habar Awal waxaa u wanaaagsan una sharaf badan inuu shaaca ka qaado xaqiijiyana
inuu kaliya matalo Ciise Muse iyo Sacad Muse, si ay beelaha kale ee habar Awal
xaqooda u doontaan una doortaan Suldaan Guud oo Metela iyo inuu ilaaliyo
sharaftii, dhexnimadii iyo kartidii lagu yaqaanay qoyska uu kasoo jeedo ee
Saldanada Habar Awal taasi oo aanu dhabadeedii hayn.
Beelaha
Habar Awal marka aanay ku jirin labada Beelood ee shirka dhawaan ku
qabsaday Hotel Xaraf oo kala ah Celi Muuse, Cabdi muuse,
Cabdalle Muuse, Afgaab Muuse, Cigale Muuse, Cumar Muuse, waxay meeqaam iyo
sharaf ku leeyihiin, kuna filiqsan yihiin Ethiopia, Somaliland, Djibouti.
Beelahan waxay qayb wayn ku lahaayeen Maalkoodii iyo Naftoodiina u
hureen Halgankii iyo Dhisitaankii Somaliland iyagoo xubno muhiim ah
iyo Saamiba ku lahaa Shirarweynayaashii lagusoo dhisay Somaliland
kana mid ahaa Ergooyinkii Axdi qarameedka Somaliland, Balse maanta
sida dhacday ee aynu shirkii Hotel Xaraf ka dhadhansan karno ,
ay Beelaha Sacad Muuse iyo Ciise Muuse isku
raaceen in ay ku qadhaabtaan afkana u dhigtaan Magacii Beelaha
Habar Awal oo dhan saamigii beelaha kalena u qaybsadaan si badheedh ah .
Beelaha
kale ee Habar Awal maaha qaar xaqooda iyo saamigooda ceeryaan lagu qarin
karo, hadii aan tusaale usoo qaadano meeqaamka Ethiopia beeshu ku
leedahay waxaan ka xusi karnaa kaalinta uu ku lahaana aynu
dhamaanteen ognahay Dr. C/majid Xuseen IHUN,
wuxuu ahaa siyaasiyiintii soo Marta kililka 5aad kii ugu miisaanka
waynaa. Wuxuu
wasiir ka noqday sadex wasaaradood oo heer federal ah. Ugu danbayntiina wuxuu
ahaa safiirka Ethiopia u fadhiya UN-ta. Dr. C/majid wuxuu ahaa oo kale
gudoomiyii ururkii Leegada iyo ururka hada haya talada Deegaanka Somalida
Ethiopia (Killilka).
Guntii
iyo Gabagabadii; Shirkaa Sacad Muse iyo Ciise Muuse kadib waxay wax iiga baxeen
Maqaal aan akhriyay mudo ka hor, laguna daabacay qaar ka mid ah dagalada
somaliland oo uu qoray nin la yidhaa Qurbajoog, qoraalkaasi oo waxyaabo badan
ka hadlayay Ujeedadiisa guud waxay u dhignayd in "Beelaha
Cududa Habar Yonis ay tabantaabiyaan soona saareen, korna usoo
qaadeen Beelahii yar yaraa ee Ilma Care Siciid,
halka Beelihii kale ee Habar Awal oo la dhashay Sacad Muse iyo Ciise
Muuse ay tirsanayaan Garab La'aan"
Waxaan
rajaynayaa in badan oo akhristayaasha ah inay ka garaabi doonaan maqaalkan,
Wixii gef ah ee ku jirana ilaahay ayaan danbi dhaaf waydiisanayaa. ALAA
MAHAD LEH.
Fu'aad
Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa,
Somaliland.
No comments:
Post a Comment