Dawlada somaliland wakhtigii ay madax banaani ku dhawaaqday waxa
kasoo wareegay 20 sano mudada intaas leeg beesha caalamku waa ay ka dhago
adaygeen in ay aqoonsi caalami ah siiyaan Dawlada somaliland ee buuxisay
shuruudihii Dawladnimo sida Ciidan Qaran, Xuduudo sugan, Doorashooyin xor
iyo xalaal ah iyo nidaam dimuqraadiyadi ah, Somaliland waa wadan
curdin ah oo ku talaabsaday horumar iyo xasilooni isla markaana ay shacabka somaliland afti boqolkiiba sadex iyo sagaashan ah 97% ay u codeeyeen madaxbanaani, taasi waxay suurto galinaysaa in aynu odhan karno Somaliland waxa ay ku dhisan tahay rabitaanka shacbigeeda oo ay ka go’an tahay Dawladnimada iyo hanaqaadida Somaliland, sidoo kale waxay si cad uga soo horjeedaan wadaag ama in ay ku biiraan Somalia iyagoo taasina kasoo bartay cadaalo daro iyo xasuuq lagula kacay maati badan.

Somaliland waxaa si xor
iyo xalaal ah uga qabsoomay Doorashooyin badan oo kala gadisan sida tii
Baarlamaanka, Golaha Deegaanka, Madaxtooyada Sidaas ay tahay wali beesha
caalamku somaliland umay tix galin Madaxbanaanideeda iyo aqoonsiga caalamiga ah
ee ay mudada ka baryayasay Beesha Caalamka.
Siyaasiyiiintii iyo madaxdii somaliland iskaga danbaysay mid
kali ah ma dhayalsan siyaasada dibada iyo aqoonsi raadiska waxanay u galeen
dhamaantoo dadaal badan Hadana iyadoo saas tahay Arimo wax ku ool ah oo la
taaban karo beesha caalamku uma balan qaadin Dawlada Somaliland.
Gunaanadkii waxaan soo
jeedin lahaa in ay Qurbajooga iyo Qolqol jooga Somaliland ay sameyaan Banaanbax
Caalami ah oo beesha caalamka oo dhan laga qabto 18 may maalinta
madaxbanaanida iyagoo qurbo joogu iyo qolqol jooguba adeegsanaya Boodhadh ay ku
xardhan yihiin Halku dhigyo ka turjumaya in ay beesha caalamku ka gaabisay
Aqoonsiga Somaliland, Codsanayana Aqoonsi, Sidoo kale iyagoo ku dhawaaqay
eraygo ay beesha caalamka tusaya nabada iyo horumar ay Somaliland ku
talaabsatay iyadoon wax gargaar ah ka helin caalamka.
Banaanabax la sameeyo 18
may lagana sameeyo meel kasta oo ay joogaan bulshada Reer Somaliland waxay ay
banayn doontaa jid cusub iyo in Caalamku masuuliyad iska saaro Somalilnad iyo
Ictiraafkeeda una dhabo galo waxyaabaha u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u
qabsomin ee u diidi kara Ictiraaf, Sidoo kale waxay beesha caalamku meel iska
dhigi doontaa Rajada Somaliweyn marka ay arkaan shacbiga Somaliland iyo
qadiyadooda dhabta ah.
Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa,
Somaliland
No comments:
Post a Comment