"WIXII LA QORAA QURUMO HADHEE MUXU HADAL QIIMO LEEYAHAY"

Gorfayn : Buug la Jaanqadaya Aaladaha aan Isticmaalo Soona Noolaynaya Erayada AF-Somaliga ka Dabar Go’aya.


Waxay ahayd maalin jimce ah markii aan u diyaar garoobay salaadda. Waxaan yara tagay suuqa meelaha fagaarayaashaa ah ee la iskugu yimaaddo, anigoo ku talo galkaygu ahaa in aan meelahaa suuqa kasii
sharaabo inta aanay salaadda gaadhin. Waxan soo maray koox dhalin yaro ah oo doodaysa. Kadib markii aan fadhiistay ee aan in muddo ah
dhegeystey qodobka ay ka doodayaan iyo gundhiga sheekada, ayaan ogaaaday in ay ka doodayeen  buug wakhtiyadan danbeba aan ku arki jiray degellada lagu soo bandhigo buugaagta sida redsea-online, ururka qoraaga Somaliland,
degelka dhaqanka iyo suugaanta farshaxan iyo degelka suugaanta iyo dhaqanka ee aftahan.
Waa buug uu qoray C/raxmaan C/laahi Faarax (Barwaaqo) magaciisana la yidhaa halbixinta ereyada computerka. Hadalka waxaan soo gaadhay goor ay sii dheel-manayso dhalinyartii dooddu ka dhaxaysey oo u qaybsanayd laba kooxood. Koox tilmaamaysay in aanu qoraagu adeegsan afsoomaaligii saxa ahaa balse uu adeegsaday ereyo aan afsoomaaliga ku jirin ama laga isticmaalo meelo kale oo ka baxsan bulshadeena. Halka kooxda ka soo horjeedday ay si xooggan ugu doodaysey in weedhahaasi ay yihiin weedho iyo ereyo ahaa alaabo aynu hore u lahayn oo dib innoogu soo noqday qoraaguna uu dib u bakhti afuufay.
Dhalinyartaasi waxay akhriyeen dhawr eray oo ka mida erayada buugga ku jiray oo ay ku andacoonayeen iska daa inay noqdaan eraybixin kumbuyuutar ee aanay waligood dhagahooda kusoo dhicin. Ereyadaasi waxa ka mid ahaa , ereyga QURAAR oo kooxi sifiican u sharraxi karaysay, halka ay xubnaha kooxda kale ay ku doodayeen inaanay waligood maqal.

Haddaba, waxa xaqiiqo ah inuu eraygani yahay eray xilli hore la adeegsan jiray. Waa eray Soomaali sooc ah oo aan hadda la adeegsan, balse laga heli karo oo keliya bulshada reer miyiga ah.

Sida runta ah, erayga ‘ quraar’ wuxuu ka so jeedaa asalkiisii hore dadkeenna reer miyiga ah. Waxay samaystaan agab, kaasi oo ay ku shaqaystaan, beeraha ku qotaan, wax ku cunaan, qaarna ay wax ku tumaan. Haddaba, agabkaasi marka la soo jaro ayaa si loo qurxiyo oo loo hagaajiyo oo loo xardho, waxa ay u adeegsaan gudin yar aadna uga daab gaaban GUDIN MASAARTA geedaha lagu jaro. Gudintaas yar waxaa la yidhaa (GUDIN QURAAR). Waxaana lagu quraaraa mooyaha, gacafka, tibaha, agabka dibida lagu xidho ee loo adeegsado beer falidda, qabaallada adhiga carrada loogu dhigo, iwm. Waxaan u malaynayaa inaad fgaratay ujeeddada erayga quraar.
Haddii aan u noqonno xagga computer-ka, markaan u baahanno inaan shay edit-garayno miyaanu ereyga ‘quraar’ si fiican ugu dhigmin oo aynaan halkii aan ka odhan lahayn EDITING ku beddelan karin QURAARID oo ah afkeenna.
Waxaa isla maalinkaas aan arkay, iguna dhalatay inaan akhriyo buuggaas qiimaha leh. Muddo yar ka dibna waxaan ka qaatay dhalin yartii, isla maalinkii aan akhriyayna waxaan xaqiiqsaday inuu Soomaaligu yahay af aad u qaaliya. Waxaanan is waydinayay maalinkaas aan akhrinayay su’aalo badan. Waxaana I hortaallay caddayn sheegaysa in afsoomaaligu yahay af ballaadhan oo hodana wax walbana laga heli karo, balse dadkii lahaa ay dayaceen kana doorteen afaf kale iyagoo moodaya inay ilbaxnimo tahay kana horaysiinaya afkooda af kale oo shisheeye ah.

Wax fudud maaha in la sameeyo eray bixin iyadoo hawsha ugu culus tahay sidii la iskula doonan lahaa eray Soomaaliya oo loo bixin karo qayb kombuyuutarka ka mida magaciisuna tilmaamayo hawsha uu qabanayo.
Markii aan waday akhriska buuggan ayaa waxay indhahaygu aad ugu dhaygageen labadan eray LEFT MARGIN iyo RIGHT MARGIN oo uu C/raxmaan u helay erayo lagu beddelan karo oo Soomaaliya kana baarandagay. Bal u fiirso oo akhri habka gaaban ee qoraagu iskula doontay erayadan.

( Marka beer la qodayo marka hore waxaa la jeexaa laba faag kuwaasoo muujinaya halka ay beerta faliddeedu ka bilaabmayso iyo halka ay ku dhamaanayso. Labadaas faag waxaa la lakala yidhaa FAAGGA MIDIG iyo FAAGGA BIDIX. Inta u dhaxaysana waxaa la yidhaa (BOOY). Waana inta wax lagu beero ama lagu shiniyeeyo).

Haddaba qoraagu wuxuu daaha ka qaaday falkaasi inuu u dhigmi karo ka marka aynu kumbuyuutarka wax ku qorayno. Si aanu qoraalku u dhaafin halka aynu doonayno waxaan u samaynaa waxa la yidhaa margins. Markaas maxaa innoo diiday margins inaan ku beddelanno faagag. LEFT MARGIN iyo RIGHT MARGIN maynaan ugu kala yeedhi Karin FAAGGA BIDIX iyo FAAGGA MIDIG inta wax lagu qorayana maynaan odhan Karin BOOY.

Qoraagan caanka ah ee ku talax tagay dhaqanka, suugaanta, iyo xikmada afka Soomaaliga ayaa ku dadaalay iskuna hawlay inuu inoo soo bandhigo ereyo badan oo dadka computer-da adeegsada halkii ay ka adeegsan jireen ereyo qalaad ay isticmaali karaan. Erey bixintan wanaagsan ee uu isku soo hawlay qoraagan oo runtii ah nin hawl kara ilaaliyana suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed dadaalkiisii wuu kasoo baxay. Laakiin waxaa loo baahan yahay in laga reebo lagana kaydiyo afsoomaaligan uu inoo soo bandhigay oo runtii aanay dhalinyarta waqtigani 50% aanay garanayn macnaha ereyo badan oo ku jira buuggan oo ahaa afsoomaali nabaad guuray oo qiimo leh lana adeegsan jirey xilliyo hore iyo ereyo kale oo qoraagu inoo soo bandhigay.

Waxaa hubaal ah marka aad akhrinaysid buuggan in aad arki doonto caddayn sheegaysa in af-soomaligu yahay af hodana, waxwalbana laga heli karo, laakiin dadkii lahaa ay dayaceen kana doorteen afaf kale iyagoo moodaya inay ilbaxnimo tahay.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan waar ha la ilaaliyo afka haddii kale waxa dhici doonta in carruurteennu noqdaan dad jahawareersan oo uu afkoodu dacawo-ey yahay una dhaxeeyo afaf badan.
Waqtiyadii hore dadkeenu wuxu ahaa dad gabayo, heeso, heeso hawleedyo, shee-kooyin, iyo murti kale adeegsan jiray. Sidaas ay tahay haddii ayna ahayn dad aftahamiin ah maanta maynaan helneen taariikho badan oo waddankeenna ka dhacay balse hadda marka aynu u baahanno in aynu baadhno dhaqankeennii iyo xaaladihii wakhtigaas waxaan ku laabanaa gabayadii waxa ay ka sheegeen. Haddii kale manaynaan ogaanneen taariikhdii, dhibtii iyo dheeftii ka dhacday dhulkan iyo dhaqankii, iyo afkii bulshadan. Balse waxaan kala soo dhexbaxnay kana dheeganay gabayadii iyo murtidii ay is waydaarsan jireen. Gabayadaasi iyo xikmadahaasi hore waxay inoo yihiin maktabado ama Madxafyo aan wax ka akhrisan karno, kuna kaydsan yihiin, kana heli karno taariikho badan oo hore u dhacay . Sidaas ay tahay maanta ma jiraan rag gabayaa ah oo u dhigma raggii hore gudbin karana taariikhdan aan ku sugannahay. Balse waxaa weli nool rag aan waxba ka dhicin raggaas hore oo ku dadaalay inay ururiyaan afka, dhaqanka, iyo taariikhda dadkan, kuna qoray buugaag si ay u helaan dadyawga innaga danbeeya iyo kuwo maanta nool ee aan waxba ka ogayn dhaqanka, suugaanta, afka saxa ah iyo taariikhdii hore tusaale ahaan qoraaga buuggan .

C/raxmaan, qoraaga buuggan EREYBIXINTA COMPUTER-Ka, runtii waa nin gabayaa ah maskax maal ah. Waxaanu hore usoo bandhigay maqaallo, gorfayn iyo buugaag badan oo dhamaantood faa’iido u leh bulshadeena waana kuwan:-

Hawl qabadka C/raxman C/laahi Barwaaqo waxaa ka mida

Buugaag:

1) Mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye (2007)
2) Hal aqoon: Warsidaha suuganta iyo dhaqanka Soomaaliyeed (2000 ilaa hadda )
3) Abwaanka cudurrada dadka iyo duunyada (2001)
4) Magac bilaash uma baxo: Ujeeddooyinka magacyada iyo naanaysaha
5) Abwaan cusub oo Afsoomaali iyo Af-ingiriisiya (1995)
6) Hal bixinta erayada kumbuyuutarka

Qoraallada:-
· Baaxadda Suugaantav haweenka Soomaaliyeed
· Caadooyinka Soomaalida
· Ciyaaraha Soomaalida
· Cudurrada iyo habkii ay Soomaalidu isaga daweyn jirtay
· Dhirta iyo dheefteeda
· Ujeedooyinka magacyada magaalooyinka Soomaaliyeed
· Kumaa ah aabbaha miisaanka: ma Gaarriye mise Carraale ?
· Qalabka iyo Suugaanta qodaalka (waxa la qoray Nugidoon)
· Siyaabaha ay Soomaalidu u ducaysato
· Taabudnimada ereyga magac iyo adeegsigiisa
· Ujeedooyinka magacyada xoolaha dhedig
· Xasilloonidarada afsoomaaliga
Taxanaha baro abwaankaaga:
                - Mahadhadii Maxamed Ismacil diiriye “qaasin”
- Mahadhadii C/laahi Suldaan Timacade
- Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
                    - Mahadhadii Ibraahin Xuseen Ismacil “Cirasuge”

                                Gorfaynta:
                                  - Gorfaynta Qaamuuska cusub ee afsoomaaliga
                                  - Gorfaynta buugga waxa la yidhi “sheekooyin hide ah”Ø
                                  - Ma dhabaa qabiil waa qab iyo iil ?
                                  - Gorfaynta buugga la yidhaa “Guri waa haween”
                                  - Gorfaynta buugga la yidhaa:- literature of Somali onomastics and proverbs


C/raxmaan wuu dadaalay laakiin xilkii innaguu ina saran yahay waxaana loo baahan yahay inaan hir gelino ereyadan, ugana dhaadhicino carruurta, iyo dhalinyarada iyo dumarkaba si ay u noqdaan erayo la adeegsado.

( Nin wayn oo wax garad ahaa ayaa waxa laga hayay inuu yidhi:-
anuu waxaan jiraa saddex boqol oo gu’. Markaasay la yaabeen dadkii una maleeyeen khurafaad leh, qof beenaale ah oo wuxuu doono iska odhanaya. Laakiin qaar kale oo si kale u fikirayay ayaa waydiiyay sideed u jirtay sadex boqol oo gu’ adeer?.
Waxaanu ku warceliyey adeer boqol gu’ awoowgay ayaa jiray oo aabbahay uga sheekeeyay, boqolka kalena waxaa jiray aabbahay oo aniga iiga sheekeeyay. Boqolka kalena anaa noolaa).

Talo bixin :

Si loo hirgeliyo ereyadan uu inoo kaydshey qoraagu marka hore waa in meelaha lagu dhigo computer soft-ware iyo hard-ware-ba ay samaystaan buugaag Soomaaliya oo ka hadlaya computer-ka iyagoo ka dheeganaya buuggan. Macalimiintuna waa inay ku gudbiyaan afsoomaali kana dhaadhiciyaan ardayda oo halkii ay ka odhan lahaayeen FORMATTING waa inay adeegsadaan AGLOOLID.

Waa in ay ragga farsamo yaqaaniinta ah ee computer-da hagaajiya iyo kuwa iibiyaaba isticmaalaan ereyadan si ay bulshada u dhex galaan ulana qabsadaan dadku. Waxaana hubaala haddii dadka iibiyaa qalabka computer-da ay isticmaalaan erayadan Soomaaliga ah in ay si degdega u noqon doonaan erayo macruuf ah oo la isla garanayo.

Qoraaga waxaan kula talinayaa in uu soo saaro buug noociisu yahay Soomaali lagu turjumay Soomaali, sababtoo ah waxaa ku jira buuggan ereyo badan oo ilaa dhawr boqol oo erey ah 50% aanay garanayn dhalinyarta hadda joogtaa. Waxa kale oo muhiima in loo sheego dadka halka ay erayadani asalkoodu ahaa sida erayo badani kaaga baahanayaan dictionary ama micneeye.

Fu,aad Cabdilaahi Xassan
Fuaad_phy@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland


No comments:

Post a Comment